SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wafdigii baarlamaanka ee Muqdisho tagay oo Qaarkood maanta soo gaaray Nairobi.

Canab Mumtaz | SomaliTalk Kenya
canabmumtaz@hotmail.com | Feb 10, 2005

Wafdigan oo galabta soo gaaray  magaalada Nairbi waxay ka mid ahaayeen wafdigii gudoomiyaha baarlamanka la socday oo booqashadda ku tagay mogadisho si ay xaaladda siyaasadeed iyo amaan u soo qimeeyaan.

 
Wafdigan oo aa qaarkood iigu waramayay qadka telefonka waxay ka warbixiyeen safarkodi xamar inuu ahaa mid jawi wanaagsan lahaa si fiicana loogu soo dhaweeeyay caasimada somaliya ee mogadisho,waxayan ku amaaneen dadka muqdisho kuwa jecel nabada in yihiin guud ahan dadka soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waa kuwo danayanaya in ay helaan dowlad ku noolaansho.
 
Wafdigan waxay ii sheegeen in ay gudoomiyaha baarlamaanka oo ku sugan wali magaalada Mogadishu isagoo soo baxaya bari wadahadalona la soo yeeshay qaar badan oo ka mid ah dadka soomaaliyeed ee ku sugan mogadisho,sida culumada,ganacsatada,siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah,waxa ayna wafdigani soo booqdeen meelo badan oo ka mid ah caasimada soomaaliya ee mogadisho.
 
Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in ay shir iskugu yimaadaan iyagoo ka wada hadli doona arrinta ciidamo keenista dalka soomaaliya iyo meelaha laga kala keenayoba ciidamadaas,kadibna waxaa laga doodi doonaa ciidamadaas in la ogolaado oo cod loo qaado.

Canab Mumtaz | SomaliTalk Kenya
canabmumtaz@hotmail.com | Feb 10, 2005


Waraysi: Wasiirka Daryeelka deegaanka iyo ka hortaga aafooyinka
...sababta saxaafadda aduunka ugu aamustay in ay ka hadasho sunta lagu shubayo badda Soomaaliya ayaa Guji..

DFKMG oo Dalbatay $77 Million oo Doolar
»Ra'iisul wasaare Geddi oo la kulmay Deeqaha Bixiyayaasha
»Ciidamadii xooga dalka oo dhoola tus kus ameeyey Galkacyo
»Dr. Rice oo ka gaabsatay in ay Soomaaliya ka hadasho
»Weriye lagu diley magaalada Muqdisho
Wararka oo dhan ka akhri halkan... GUJI.. Feb 9


Ardayda Dugsi Quraanka Dhigata oo ku badan XafuunWarbixin ku Saabsan Xaafuun Badgariirkii Kaddib
Warbixintii Cabdifataax Jaamac oo booqday magaalada Xaafuun oo kamid ah meelihii ay dhibaatadu ka soo gaartey aafadii badgariirka... Guji... Feb 8

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD