Wafdigii balaarnaa oo uu hogaaminayay gudoomiya isbahasiga dooxada jubbo xildhibaan barre aadean shirre ayaa saakay soo gabagabeeyay waan waantii ay dhawaantan ka dhexwadeen beelahii walaalaha ahaa ee ku dagalamay deegaanka janaay cabdala ee gobolka jubbada hoose
- Heshiis Beelaha Ogadeen iyo Gaaljecel Ku Dhexmaray Aagga Kismaayo
- Gogolal wadahadal oo loo fidiyey beelaha ogaadeen iyo sheeqaal
Wafdi aad u balaaran oo ka socda isbahaysiga dooxada jubba oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha isbahaysiga dooxada jubba Xildhibaan Barre aden shire ayaa maalintii shanaad ku sugan tuulada Janaal cabdalla oo udhaxaysa magaalooyinka Kismaayo iyo afmadaw halkaas oo ay ku dagaalameen beelo Oodwadaag ah.
Dhexdhexaadinta looga gol leeyahay in la isugu keeno beelaha ay colaaduhu dhexmareen ayaa waxaa ay maraysaa meeshii ugu saraysay iyadoo shalay lagu guulaystay in heshiis Buuxa ay wada gaaraan beelaha Ogadeen iyo Gaaljecel oo ku dagaalmaya deegaanka janaal cabdalla oo afar qofi ay isaga dhimatay shan kalena ay isaga dhawaacantay.

Kullanka lagu soo gabagabaynayay wadahadalkaan oo dhacay duhurnimadii shalay ayaa ka qabsoomay Ceelasha biyaha Handaraaf oo ah goob ay beeluhu ku dagaalameen waxaana kullankaan goob joog ka ahaa Gudoomiyaha isbahaysiga dooxada jubba Col: Barre Aaden shire, gudoomiyaha ururka SPm Col: Cabbi Mahdi c/salam iyo suldaan Cabdi cali sokor waxaana ay beeluhu ballanqaadeen in ay ka dhabayn doonaan heshiiska ay wada gaareen.
Sidoo kale waxaa halkaas lagu soo gabagabeeyay gogol wadahadal iyo nabadeen ah oo loo fidiyay beelaha ogaadeen iyo sheeqaal oo iyaguna ku diriray dhulka loo yaqaano dhasheege gaar ahaan tuulada mayuundha oo 55 k.m u jirta magaalada Kismaayo waxaana la filaayaa in wada hadalka uu noqdo mid najaxa oo ay beelahu isku afgartaan,
Si kastooy ahaataba waxaa barac aad ah ka muuqday deegaanada ay isku dagaalaeen dadka walaalaha ah ee reer miyiga ah mar aan halkaasi ku tagay safar shaqo aydoo uu dagaalkan markiisii horaba ka bilowday dhul daaqsin ah oo la isku qabsaday taasoo hada ay muuqato in lasoo afjaray ,
Sidoo kale Dadka ku dhaqan magaalada kismaayo waxaa ay soo dhaweeyeen tallabadaan uu qaaday gudoomiyaha isbahaysiga dooxada jubba waxaana ay ku tilmaameen mid ku dayasho mudan oo si xilkasnimo ah loogu dhaqaaqay.
Cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
Kismaayo soomaalia
Cabdiqadar84@hotmail.com