SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Majmaca culimada soomaliyeed oo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan howlaha lagu doonayo nabad ka aslaaxinta magaalada muqdisho 
  • Madaxweyne C/Laahi Yuusuf oo saacadaha fooda nagu soo haya soo gaaraya Kenya 

Hassan Dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu somalia

Majmaca culimada soomaliyeed oo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan howlaha lagu doonayo nabad ka aslaaxinta magaalada muqdisho 

Hadalkaan ayaa soo baxay kadib kulan maanta ay la qaateen xubnaha baarlamaanka ee ku sugan muqdisho

Kulankaasi oo dhacay gelinkii danbe ee maanta ayaa waxaa ay iskula soo qaadeen arimo la xiriira nabadgelya magaalada muqdisho iyo fulinta 29kii qodob ee Kenya ay ku gaareen qaar ka mida xildhibaanada.

Kulankii maanta ayaa wararku sheegayaan in si weyn labada dhinac ay ugu lafa gureen wax ka qabashada amaanka sii xumaanaya ee caasimadda iyadoo ay xuseen in lagama maarmaan ay tahay xal u helista amaanka waxaana kulankoodii gabagabadiisii ka abuurmay jawi is afgarad.

Sheekh C/fitaax oo ah guddoomiyaha Majmaca ayaa kulankii maanta ka sheegay in ay la shaqeeynayaan dowladda isagoo xusay in ay yihiin kuwo diidan wadamada safka hore islamarkaasina ay yihiin geesiyaal u soo baxay shacabka waxaa uuna tusaale u soo qaatay codeyntii golaha baarlamaanka ee 17kii bishii hore ay uga soo horjeesteen keenida soomaliya ciidamo ka socda safka hore 

Majmaca culimada soomaliyeed oo ah urur diimeed ayaa horay u shaaciyay in ay la dagaalami doonaan dowladda haddii ay timaaddo caasimadda iyagoo sheegay in weliba ay ku jihaadi doonaan 

Kulamadan ayaa qeyb ka ah kullamo ay mas`uuliyiinya dowladda ee ku sugan muqdisho ay maalmahan la yeelanayeen dhinacyada kala duwan waxaana la filyaa in ay sii ambaqaadaan kulamada ay la yeelanayaan shacabka maalmaha soo socda

Madaxweyne C/Laahi Yuusuf oo saacadaha fooda nagu soo haya soo gaaraya Kenya 

Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in saacadaha nagu soo fool leh inuu ka soo degayo madaxweynaha federaalka soomaliya C/laahi yuusuf axmad iyo wafdi uu hogaaminayo

Warka ayaa intaa ku daraya in madaxweynaha uusan la soconin ra`iisal wasaare Cali maxamad geeddi hadalkaan ayaa laga xaqiijiyay xafiiska madaxweynaha ee wadanka Kenya iyagoo ka imaanaya xarunta wadanka liibiya ee Tripoli. 

Wararka ayaa tilmaamaya in hadda ay   ka socdaan caasimadda Nairobi abaabulo loogu diyaargaroobayo imaatinka madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo. 

Xiliga ay ka soo degayaan garoonka Nairobi wafdigan ayaa lagu sheegay abaaraha 11ka caweysnimo xilliga geeska afrika. 

Illaa iminka lama shaacin sababta ra`iisal wasaare Geeddi uu ugu sii nagaanayo Triboli xarunta liibiya. 

Waraysi: Dr. Cumar Cusmaan Raabeh
Waraysi dheer oo ay SomaliTalk la yeelatay Dr. Raabeh ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin "Khatarta Culus ee Maanta uu kujiro Qaranka Soomaaliyeed iyo Xallinteeda.." Waraysigii ka dhegeyso halkan ama halkan

Dhinaca kale waxaa Kenya ka soconaya shirar dhexmaraya xubno ka socda dowladda federaalka soomaliya iyo beesha caalamka waxaana looga wadahadlayaa qilaafka maalmahan ka dhex aloosnaa labada gole ee dowladda waxaana sida wararku ay sheegayaan ay beesha caalamku dadaal ugu jirtaa sidii ay isugu soo dhoweyn laheyd xubnaha dowladda ee qilaafkoodu maalinba maalinta xigta uu sii lixaadsanayo taasoo ay isku hayeen keenista ciidamada safka hore iyo halka laga dhigayo caasimadda soomaliya si ku meel gaar ah

Shirkan ayaan la shaacin xiliga uu soo afjarmayo iyo sida xal looga gaari karo ismaandhaafkan ee labada gole ee dowladda federaalka soomalya 

Hassan Dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu somalia

 Faafin: SomaliTalk.com |  April 7, 2005


Xisbiga Kulmiye oo Kubaaqay in Xilka Laga Qaado Madaxweyne Riyaale
Shir jaraa'id oo uu xafiiskiisa kuqabtay afhayeenka xisbiga kulmiye maxamed kaahin axmed ayuu... Guji... Apr 7

Soomaaliya & Liibiya oo Isku Afgartay in Dib Loo Soo Celiyo Mashruucii LIBSOMA 
»W/Maaliyada DFKMG oo la kulmay W/Maalgalinta Liibiya
»DFKMG oo ka Qayb Qaadanaysa Aaska Pope-ka Kaatoliga 
»Yuusuf Indhacadde oo soo Dhoweeyay Xildhinaano
»Qaar ka mida xildhibaanadii la filayay oo soo gaaray Xamar
»Muqdisho: Shir Jaraa`id oo ku saabsan cudurka Kaduudiyaha
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Apr 6

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD