SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xisbiga kulmiye oo kubaaqay in Xilka Laga Qaado Madaxweyne Riyaale.

  • Aadan yuusuf qodax hargaysa somaliland
    Email: aadanqodax@somalitalk.com.
April 7, 2005

Xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE ayaa kubaaqay in madaxweyne rayaale maamuuska laga xayuubiyo laguna soo oogo dambi culus ( impeachment), waxaa xisbiga kulmiye sidaa kusheegay shir jaraa'id oo uu xafiiskiisa kuqabtay afhayeenka xisbiga kulmiye maxamed kaahin axmed kadib markii ay laba cisho fooda isdareen kulan ay lahaayeen masuuliyiinta kulmiye oo kaga arinsanaayay baadhis ciidanka booliisku kusameeyeen xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee magaalada hargaysa .

Afhayeenka KULMIYE maxamed kaahin axmed waxaa uu intaa raaciyay in ay joojinayaan wada shaqayntii ay lalahaayeen xukuumada iyo xisbiga UDUB ,xisbiga kulmiye waxaa uu golaha sharci dajinta usoo jeediyay in xilka laga qaado madaxweyne rayaale laguna soo oogo danbi culus ( impeachment) .

Shirkaas jaraa'id ee afhayeenka KULMIYE maxamed kaahin oo ay kamuuqatay cadho waxaa uu kutilmaamay baadhistii booliisku kusameeyeen xaruntooda talaabo sharci daro ah oo kahorimanaysa dastuurka , waa markii uhoraysay ee xisbi mucaarad ahi soo jeediyo in xilka laga qaado madaxweyne rayaale laguna soo oogo khiyaamo qaran waxyaabaha xisbiga KULMIYE adeegsanayo waxaa kamida in madaxweynuhu soo raray xuduudkii somaliland ee gobolka sool.

Dhinaca kalena gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID eng. faysal cali waraabe ayaa sikulul uweeraray siyaasadaha xukuumada rayaale , faysal cali waraabe oo lahadlaayay kumanaan taageerayaashiisa ah oo iskugusoobaxay magaalada burco ee gobolka togdheer, mr waraabe gudoomiyaha xisbiga ucid waxaa uu cambaareeyay falkii ay booliiska hargaysi ku galeen xarunta xisbiga KULMIYE, gudoomiyaha UCID waxaa usoo jeediyay dadweynihii dhagaysanay in ay codkooda siiyaan mucaaridka ( kulmiye iyo ucid) sibuu yiri aanu uxakamayno xukuumadu marka ay dabarka goosato .

Sikastaba ha ahaatee culays siyaasadeed ayaa haysta madaxweyne riyaale ,iyadoo dhicana kalena maamulgoboleedka puntland hawlgalo siyaasadeed kawado gobolka sool taas oo iyaduna culayskeeda kuleh madaxweyne rayaale , iyadoo si isdaba jooga loogu eedaynayo madaxweynaha in uu sooraray maamulkii somaliland ee gobolka sool gaar ahaana laas caanood.

warbixin: aadan yuusuf qodax hargaysa somaliland
email: aadanqodax@somalitalk.com


WARARKII APRIL 5 EE HARGEYSA::::

Booliiska Hargaysa oo Xoog kugalay xarunta xisbiga kulmiye iyo cadho dadwayne oo lagaga jawaabay.

warbixin  Aadan yuusuf qodax | hargaysa | SomaliTalk
email: aadanqodax@somalitalk.com ama qodax28@hotmail.coms

April 5, 2005

Booliiska magaalada hargaysa ayaa shalay galab xoog ku galay xarunta dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ee uu hogaamiyo Md. ahmed mohamed (siilanyo), talaabadan oo boolisku qaadeen oo markiiba dhalisay cadho dadweyne waxaa xarunta ku soo ururay dadweyne kacsan oo ku dhaqaayayey ereyo xukumada lidi ku ah kuna taageerayaan gudoomiyaha KULMIYE.

Booliska ayaa isku gadaamay oo markii danbena xoog kugalay iyadoo ay saraakiisha booliska watay sheegeen in ay ka baadhayaan idaacad cusub oo lagu magacaabo radio Horyaal oo dhawaan hawada soo gashay lana sheegay in xarunteedu tahay yurub idaacadan oo ah idaacad madaxbanaan waxaa xukuumadu ku eedaysay xisbiga KULMIYE in uu kadanbeeyo ,balse gudoomiyaha kulmiye oo taas kajawaabayaa taas ayaa sheegay in idaacadani tahay mid ay furteen qurbajooga somaliland oo ubadan buu yidhi xisbiga kulmiye waxaanu siilaanyo intaa raaciyay in ay KULMIYE ahaan taageersanyihiin idaacadan .

    Saraakiisha booliiska watay ayaa  lagasooxigtay in ay doonayaan computer laptop ah oo uu leeyahay xoghayaha xisbiga kulmiye daa,uud maxamed geele  kaas oo saraakiishu kutilmaameen in uu yahay halka ay idaacadu kahadasho waxaase taasi yaab kukeentay dadweyne goobta isugu soo ururay , sarkaalka ciidanka watay ayaa yidhi " waxaanu doonaynaa computer lap-top ka ah ee manoo dhiibaysaan ".

   Waxaase taas isagoo kajawaabaya gudoomiyaha KULMIYE yidhi" computer la'idiin dhiibayaa majirto ee ama sharci kuqaada ama xoog kuqaada", hase ahaatee waxay booliisku iskudayeen in ay qabtaan xoghayaha guud waxaana taas ishortaagay madaxda KULMIYE iyo dadwayne kacsanaa oo goobta sidagdag ah iskugu soo ururay ,isagoo gudoomiyaha kulmiye shir dag dag ah iskugu yeedhay madaxda fulinta xisbiga KULMIYE waxaanay galeen shir dag dag ah, majiro wax war ah oo rasmi ah oo wali kasoobaxay shirkaasi iyadoo gudoomiyaha KULMIYE Axmed maxamed maxamuud (siilaanyo) sheegay in shirkaa kadib ay soo saari doonaan talaabada ay qaadayaan.


Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Maxamed Cige Cumar


Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamuud Maxamed SIILANYO

Talaabadan ay booliisku qaadeen oo ilaa xaalay siweyn loohadal hayay ayaa xoghayaha kulmiye daa'uud maxamed geele ayaa sikooban ugu sharaxay warbaahinta sida ay wax udhaceen waxaanu yidhi "galabta(shalay) markay saacadu ahayd 5:00tii galabnimo ayaa aniga oo fadhiya xafiiskayga waxaa ii yimid  ciidan booliis ah kadibna waxaan ku idhi maxaa dhacay waxay yidhaahdeen xafiiska ayaanu baadhaynaa waxaan waydiiyay warqad sharci ah waxay yidhaahdeen mahaymo ,wayna dhamaysteen baadhistoodii warna umahayo waxaa ay qaateen  kadibna waynaga tageen ,waan baxay waxaana iga horyimid gudoomiayaha siilaanyo  ,waxaa dhacday in hadana bilayskii soonoqdeen waxayna yidhaahdeen waxaanu doonaynaa xoghayaha guud iyo lap_topkiisa waxaanan waydiiyay waxaa ay iga rabaan waxaanay yidhaahdeen taliyaha ayaa nasoo diray, waxaanan ku idhi baratakool ahaan anaa kasareeya ee isagu xafiiskayga ha'iigu yimaado halkaasbaana buuqu kabilawday ".

    Idaacadan sababtay in labaadho xafiiska dhexe ee KULMIYE waxaa layidhaahdaa radio horyaal waxaana masuuliyiinta idaacdu sheegeen in xarun teedu tahay yurub  balse laga dhaysto geeska africa iyo bariga dhexe waxaanay hore usabatay in laxidho wariyeyaal katirsanaa radio hargaysa balse markii danbena lasiidaayay.

   Sikastaba ha ahaatee wax war ahi kama soobixin masuuliyiinta sare ee xukuumada oo kusaabsan sababta loo baadhay xarunta dhexe ee kulmiye ayadoo aan ogolaansho lawaydiisan ,waxaana arintaa shir dag dag ah kale masuuliyiinta kulmiye oo lasugaayo waxa kasoobaxa iyo talaabada ay qaadaan.

Xisbiga kulmiye oo marka la,eego haysta taageero xoog leh waxaa masuuliyiintiisu ubadan yihiin hogaamiyayaashii ururkii SNM ee dagaalka kala horyimid dawladii maxamed siyaad bare.

warbixin  aadan yuusuf qodax   hargaysa somaliland
email; aadanqodax@somalitalk.com ama qodax28@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  April 5, 2005


Soomaaliya & Liibiya oo Isku Afgartay in Dib Loo Soo Celiyo Mashruucii LIBSOMA 
»W/Maaliyada DFKMG oo la kulmay W/Maalgalinta Liibiya
»DFKMG oo ka Qayb Qaadanaysa Aaska Pope-ka Kaatoliga 
»Yuusuf Indhacadde oo soo Dhoweeyay Xildhinaano
»Qaar ka mida xildhibaanadii la filayay oo soo gaaray Xamar
»Muqdisho: Shir Jaraa`id oo ku saabsan cudurka Kaduudiyaha
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Apr 6

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD