SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Wasiiradda Maaliyadda iyo Maalgalinta Liibiya ayaa isku afgartay in dib loo soo celiyo Mashruucii Libsoma oo u dhaxeeyay Labada Dal.
  • DFKMG oo ka Qayb Qaadanaysa Aaska Pope-ka Kaatoliga oo lagu Aasayo Rooma
  • Yuusuf Indhacadde oo soo dhoweeyay xildhinaanadii soo gaaray muqdisho 
  • Qaar ka mida xildhibaanadii la filayay oo maanta soo gaaray magaalada muqdisho
  • Shir Jaraa`id oo ku saabsan cudurka Kaduudiyaha oo maanta lagu qabtay magaalada muqdisho  
 War... 06.. April..Tripoli..Libiya.. Wasiiradda Maaliyadda iyo Maalgalinta Liibiya ayaa isku afgartay in dib loo soo celiyo Mashruucii Libsoma oo u dhaxeeyay Labada Dal.

Mudane Saalim Caliyow ibrow oo ah Raiisul ku-xigeenka Soomaaliya, ahna Wasiirka Maaliyada iyo Alsayid Maxamed Al-Saruuq Rajab oo ah Wasiirka Maalgalinata Dowladda Jaamhiiriyadda Liibiya ayaa maanta kaga dhawaaaqay kulan ay ku kulmeen Labadaasi masuul.

Kulankasi oo uu Goobjoog ka ahaayeen Raiisul wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya Mudane Prof Cali Maxamed Geedi, La-taliyaha Raaisul Wasaaraha ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka Cabdulqadir Xasan Yabarow,iyo Safiiradda Soomaaliya u kala fadhiya Liibiya iyo Qaahira Dr.Maxamed Xuseen Ilka-dahab iyo Danjire cabdulaahi Xasan & Afayeenka Xukuumada C/rixmaan Nuur Maxamed Diinaari.

Waxay kaloo Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya iyo Wasiirka Maalgalinta Dibadda ee libya iskula garteen in laga sameeyo Soomaaliya Mashruuc lagu naaxiyo Xoolaha Soomaliya ee la doonayo in dibadda loo iib-geeyo, iyadoo Dowladda Liibiya ay balanqaaday in ay Maalgalinta arrintaasi ay iyadu ka keeni doonto Bangiga Islaamka.

Mudane Salim Caliyow ibrow iyo Mudane AlMaxamed Al -Saruuq waxay kaloo isku waafaqeen in dib loo soo nooleeya Heshiis ay hore Soomaaliya iyo Liibiya u wada galeen oo ku saabsanaa Iskaashi dhinaca Kallumeysiga iyo iib-geyntiisa.


DFKMG oo ka Qayb Qaadanaysa Aaska Pope-ka Kaatoliga oo Lagu Aasidoono Rooma

Wasiirka Arimaha Dibada ee Xukuumada Federaalku Soomaaliya Prof Cabdulaahi Sh Ismaaciil ayaa ka qayb Qaadanaya Aaska Pope John Paul'ka labaad

Wasiirka Arimaha Dibada ee Xukuumada Federaalku Soomaaliya Prof Cabdulaahi Sh Ismaaciil ayaa ka qayb Qaadanaya Aaska Pope John Paul'ka labaad oo dhintey Sabtidii laguna aasi doona Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga.

Wasiirku waxa la socda Afhayeenka Madaxwaynaha Soomaaliya Yuusuf Ismaaciil Yuusuf Baribari waxa ayna sidaan dhanbaal ay ka wadaan madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

Dhanbaalka ayaa tilmaamaya Tacsida Pope John Paul'ka labaad oo isagu ku dhintay Maalinkii Sabtida Rooma, Wasiirku waxa uu la kulmi doonaa Saraakiil ka tirsan Kaniisada Fatikaanka.

Madax faro badan oo Aduunka ka Tirsan ayaa Iminka ku sii qulqulaya Rooma iyaga oo ka qaybqaadanayaan Aaska Pope John Paul'ka labaad ee Jimcaha fooda inagu soo haya ka dhici Doona Roma.

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya_Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com


Yuusuf Indhacadde oo soo dhoweeyay xildhinaanadii soo gaaray muqdisho 

Sheekh Yuusuf Maxamad Siyaad oo ah guddoomiyaha Maamulka G/SH/Hoose ayaa maanta ku biiray raggii soo dhoweeyay xubnaha xildhibaanada iyo wasiirada soo gaaray Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in maamulka SH/Hoose aysan qaban wax howl ah marka laga reebo soo dhoweynta wafdigaa ka socda dowladda FKMG Soomaaliya.

Warka ayaa intaa ku daraya in Yuusuf Indhacadde iyo kolonyo baabuura uu wato in ay gaareen halkaasi islamarkaasina ay is gacan qaadeen qaar kamid ah xildhibaanada.

Horay ayaa maamulka SH/Hoose waxaa u shaaciyay inuusan marnaba aqoonsaneyn Golaha wasiirada iyo madaxweynaha C/laahi yuusuf isagoo ku eedeeyay in ay doonayaan inay shacabka gacanta u gelinayaan dowladda Ethiopia oo iyadu cadaawad ba`an u heysa shacabka soomaliyeed.

Inadhacadde ayaa sidoo kale waxaa uu ka dhawaajiyay inuu soo dhoweynayo xubnaha baarlamaanka islamarkaasina uu ku casuumayo Gobolka SH/Hoose oo uu isagu ka taliyo.

Illaa iminka ayaan la ogeyn sababaha ka danbeeya kala taageeridda xilligan ku soo beegantay ee maamulka SH/Hoose uu u kala hayo labada gole ee dowladda FKMG ah.

Qaar ka mida xildhibaanadii la filayay oo maanta soo gaaray magaalada muqdisho 

Boqolaal dad ah ayaa maanta ku xoonsan afaafka hore ee Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho waxaana dadkaasi wejiyadooda ka muuqatay farxad aad u heersareysa iyadoo socodkooda soo dhoweynta ah ay ka soo bilaabeen EX-Afgooye Dadkan ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa xubno kalkaaliyaal caafimaad ah iyo qaar ka tirsan ciidamada Boliiska. 

Dadkan oo raxanraxan ahaa ayaa waxaa ay lulayeen calanka soomaliya,waxayna wateen Boorar waaweyn oo ay ku qornaayeen hadalo muujinaya sida ay raali uga yihiin imaanshaha xildhibaanada ee muqdisho. 

Xildhibaanada soo gaaray maanta ayaa ka soo degay garoonka nambar50 ee shabeelada hoose.

Waxaana ku wehliyay safarkooda wasiiro ka tirsan dowladda,Wafdigii maanta soo gaaray muqdisho waxaa hogaaminayay G/K/Xigeenka 2aad ee baarlamanka Cismaan Cilmi Boqorre. 

Ujeedada xildhibaanadan ayaa wararku sheegayaan in ay xoojinayaan mowqifkii ay qabeen xildhibaanadii uga soo horeeyay ee ahaa in magaalada muqdisho meel aan aheyn noqon Karin Caasimad iyo in amaan lagu soo dabbaalo. 

Cismaan Cilmi Boqorre oo hadal gaaban u jeediyay shacabkii faraha badnaa ayaa ugu hambalyeeyay sida qiimaha leh ee ay u soo dhoweeyeen waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu warfidiyeenka la hadlo

Hase ahaatee tirada maanta soo gaartay muqdisho ayaa wax badan ka yar intii la filayay tirada soo gaadhay ayaa u dhaxeysa 25-30meeyo. 

Si kastaba ha ahaatee xildhibaanadan ayaa ku biiraya kuwii horay u joogay islamarkaasina waxaa looga fadhiyaa meelmarinta qodobadii 29ka ahaa ee ku wajahnaa caasimadda muqdisho

Shir Jaraa`id oo ku saabsan cudurka Kaduudiyaha oo maanta lagu qabtay magaalada muqdisho 

Cusmaan Maxamuud Dufle oo isagu ah W/K/Xigeenka W/ caafimaadka ee dowladda FKG soomaaliya.ayaa shirkiisii maanta waxaa uu uga hadlay habkii uu cudurkani uu ku soo gaaray soomaliya isagoo sheegay in uu soomaliya uga yimid dhinaca wadamada Aasiya. Warka oo dhan...

Hassan Ali Dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu ,Somalia 

Faafin: SomaliTalk.com |  April 6, 2005

DFKMG oo Laga Codsaday in ay Sucuudiga Kula Xisaabtanto Dilkii 6dii Soomaalida ahaa
»Magacyada Lixda Soomaalida ee lagu diley Sucuudiga
»Guddomiyaha G/Banaadir oo ka codsi u diray DFKMG
»90 xildhibaan oo lagu wado in ay soo gaaraan Muqdisho
»Kullan Muqdisho ku dhexmaray Cali Mahdi iyo Xildhibaano
»Xildhibaano Xamar kula Kulmay Cumar Maxamed Finish...
Ka akhri wararkii Muqdisho iyo Maanta...

Booliiska Hargaysa oo Xoog Kugalay Xarunta Xisbiga kulmiye
»Muuse Suudi  oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Nairobi
»Gaari markii Saddexaad Ku Gedoomay Aagga Kismaayo
Warka oo dhan ka akhri halkan... Apr 5


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD