SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
Yaa mudan in Maxkamad uu soo Taago Maamulka Puntland?

Madaxweyne haku fekerin inaad jeel ku rido dad aan waxba galabsan adiga oo ay madaxtooyadaada qaxwaha kugula cabayaan madaxdii dalka iyo dadka baabi'say...

Waxaa laga joogaa doorashooyinkii maamul goboleedka puntland mudo afar bilood ku dhow waxaa la orankaraa wuu dadaalay madaxweynuhu dhanka wax qabadka dalka wuxuu bilaabay airaborka bosaso, wuxuu dardar geliyay hay'adaha dawlada qaybtood, wuxuu safara ku tegey gobolada dalka qaybtood wuxuu ku dhawaaqay in baari taan lagu samayn doono wasaaradaha dhamaantood iyo hayadaha madaxa banaan ee dawlada si loo dhowro hantida umada, waxaana uu hawl geliyay hayadihii ku shaqada lahaa ee ay ugu horeyso hanti dhowrka guud ee dawlada. Hadaba waa taas meesha su,aashu ka taagan tahay? maxay ka qabteen hanti dhowrka guud arimihii loo xil saaray? madaxweynuhuse mala xisaabtamay hanti dhowrka guud?

Hantirdhorka guud ee puntland wuxuu soo jiray ilaa aasaaskii dawlad goboleedka Puntland waana hay,ad madaxbanaan oo hoos tagta madaxweynaha waxaana lagu xasuustaa ilaa waqtigaas inay ahayd maqaar saar aan umada waxba u qaban isla markaasna ku dhisnayd qaab hoosaad ay isla og yihiin golaha xukuumadu isla markaasna ay wasaarad walbi u qoondaysay dhaqaale iska caabin ah si aan hawleheeda hoose loo fara gashan waxaana soo maray gudiyo kala duwan hadana waxa uu madaxweynuhu u magacaabay gudoomiye in kastoo ragii hore ka dhex muuqdaan.

Hanti dhowrka guud oo laga sugaayey is bedel wuxuu la mid noqday kii hore wuxuu iska indha tiray wasaaradihii ay ka jirtay lunsashad hantida umadu, wuxuu hoos ugu noqday shaqsiyaad maqaar saar ahaan ah agaasime waxaadyo mareeyayaal. aaway wasiiradii ilaa 1998 laastay hantida umada guryaha ka jeexday oo weliba aan qarsanayn ee banaanka la taagan.

Miyaan la oran karin wadaantii ayaa weli laysu darayaa? madaxweyne cade weli ma baraarugin miyaa mise wixiisu waa qawda maqashii waxna haw qaban.

yaa mudan in maxkamad lasoo taago?

" Waxaan ka bilaabayaa hanti dhorka guud oo ah kuwo iyagu marwalba masuulka ka ah fashilka barnaamjyada dawladu ku talaabsan lahayd.golaha xukuumada wasaaradaha.

"Wasaarada maaliyada oo ah wasaarada marwalba ugu musuqmaasuqa badan wasiir daacad u ahna aan la keenin marna ilaa xiligii puntland la asaasay agaasimayaal iyo maareeyaaal micida soofaystayna ay madaxka yihiin ilaa 1998 aana la bedeli karin kana samaystay guryo waaweyn iyo hanti xaaraan ah oo umadu leedahay.

"Wasaarada dekedaha oo iyaduna ah meelaha uu ka lixaadsaday musuq maasuqu iyadoo ay wasaaradu ku guul daraysatay wax ka qabashada maraakiibta ka kaluumayasta badeheena oo iyagu si xaasidnima ah u baabiya khayraadka baddeena, balse madaxda wasaaradu ay og yihiin meesha ay ka yimaadeen  hay,ada ilaalinta badaha oo iyadu ah tan ugu daran ee bada buntland baabi'isay ilaa 1998dii ilaa hada ay isu bedelayeen rag la yaaqan oo aan dalka wax dan ah ka lahayn qaybtoodna lagu  sheegay inay suntii dalka lagu duugey qayb ka ahaayeen, wasaarada badu kama hadlin arinta sunta lagu duugey dalka ee hada qayla dhaanteedu yeerayso qorshana uguma jirto waxaana masuul ka ah wasiirka iyo ku xigeenadiisa iyo agaasimayaasha guud.

'Wasaarada dawladaha hoose oo ah wasaarada labaad ee ugu dakhliga badan dawlada iyadoo dhaqaaleheeda lawada ogsoon yahay meesha uu maro iyo shirkadaha ka samaysmay waana wasarada ugu dayaca badan dawlada puntlandna waxa ay ka dhimatay dawladaha hoose markaan hoos u dego dawlada hoose ee bosaso waxaa maalintii kasoo xerooda dakhli aan qiyaas lahayn khasnada dawladana kuma soo gaaro kowda duhurnimo, magaalada bosaso oo ah magaalada ugu dakhliga badan cashuuraha waxay la il daran tahay qashin buuxiyay dariiqyada iyo laamiyada oo ay dul fadhiyaan biyo wasakhaysan iayadoo lagu tuhun san yahay madaxda wasaarada inay lunsadeen deeqihii caalamku ugu deeqay masiibadii tasunemiga waxaana masuul ka ah wasiirka wasiir ku xigeenka iyo agaasimayaasha iyo waaxyaha hoose magaalooyinka kale puntlandina waa la mid .


Caruurta oo Qashinka ka doonanaysa waxay Cunaan, Booasaaso, Soomaaliya

"Wasaarada qorshaynta xiriirka caalamiga waxay ka mid tahay wasaaradaha hal bowlaha u ah wasaaradaha dawlada malahan barnaamij dawladeed qorshaha ay dejisona maaha mid la arko waa mid khaas u ah wasiirka iyo inta ka ag dhow mashaariicda soo baxdana waxaa la geeyaa goobo khaasa iyagoo aan la dhamaystirin ayaana la qaybsadaa cid la xisaabtanta hayadaha caalamiga ah ma jirto waa yimaadaan waa baxaan waxana masuulka ah wasiirka ku xigeenada iyo aagasimayaasha guud.

"Wasaarada arimaha gudaha oo ah wasaarad halbowlaha uh shacabka gaar ahaan dhinaca amniga malahan wasaaradu maamul loo raaco ilaa 1998kiina ma qaban hawl la tilmaami karo malahan qorshe wasaaradeed malahan kala damayn iyo maamul toosan shacabka waxaa mararka qaybtood soo foodsaara amni daro dhac iyo dil waxaadna arkaysaa iyadoo saldhigyada boliska lagu kala qaadanaayo laaluush waxaa madax ka ah boliska rag aan aqoon durugsan u lahayn arimaha boliska mucaawinooyinka hayada WFB ayaa ka mida meelaha ay ku koobantahay wasaaradu inay maamusho, meelaha ay u isticmaalaan madaxda wasaarudan waa mid lawada og yahay waxaa intaas ka daran wasaaradu waxay dhaqan dooris ku samaysay dhalintii mustaqbalaka iyada oo aad arkayso 13-18 jir askari laga dhigay oo suuqa dhexdiisa ku cabaya khamri, da'daas oo mamnuuc ka ah sharciyada caalamiga ah in askar loo qaato, wadooyinka magaalada boosaso malahan nadaam waxaadna arkaysaa wadooyinka magaalooyinka waaweyn oo xiran mudo saacado badan ah ama laba baabuur oo isku gooyay wadada oo aan lahayn wax kala kaxeeya, tarafic mushaharooyin ciidanka ma helin dhowr bilood iyadoo madaxda sare ee wasaaradu ay yihiin kuwo kharash gareeya maalaayiin shilin maalintiiba waxaasna waxaa masuulka ah wasiirka iyo ku xigeenadiisa iyo agaasimayaasha guud.

"Wasaarada hawlaha guud oo ka mida wasaaradaha dawlada ugu musuq maasuqa badan waxaan lahayn maalaayiin doolar oo masuuliyiinta dawladu usoo qaadeen garoomada diyaaradaha (aira borada) maamul goboleedka puntland waxana laguma qaban marka laga reebo airaborka gaalkacayo oo xoogaa laga taagay, waxaa xusid mudan in hay'ada maamusha dhaqaalaha duulista hawada soomaaliya ee xarunteedu tahay nairobi ay ugu tala gashay aira borka basaso in uu noqdo kan hargeysa oo kale balse dhaqaalihii ay lunsadeen wasiirkii wasaarada iyo rag la mida waxa wasaarada ugu soo xerooda gadiidka dhaqaale tiro badan ilaa iminkana lama yaqaan meel uu maro, malahan nadaam wasaaradeed waxaana masuul ka ah wasiirka iyo ku xigeenadiisa iyo agaasimayaasha guud ee wasaarada .

"Hayada jidadka ee nesha waa hay'ada la asaasay bilowgii asaaskii puntland waxaana loo asaasay baahida jidadka punntland waxaa hayadaas dakhligeedu ku dhisan yahay alaabooyinka kasoo dega dekedaha puntland sida baabuurta, shidaalka iyo qalabka spare-artiga baabuurta iyadoo oo kuleh cashuur iyada u gaaro waxaana maalintii usoo xerooda malaayiin shiln soomaali ah waxay leedahay gudoomiye hoos taga madaxtooyada garowe, malahan waxqabad hayadaasi marka laga reebo meelo ciid lagu buuxiyo laamiga masamayn  hal jid oo cusub ma qalabayn jidka dheer ee laamiga. hadaba miyaysan ahayn wax laga argagoxo hayad dhan oo dhaqaale boqolaal bilayn ah cashuur u hesha bishii inaysan samayn hal jid waxaana masuul ka ah gudoomiyaha hayadaas.

"Hayada tamarta iyo biyaha basaweyn waxaa isku mar la asaasay hayadaas nesha waxaana loo asaasay baahi jirtay markaas waxaaana dakhligeedu ka yimaadaa cashuuraha ay ka qaadato dekedaha puntlanad waxaana bishii usoo xerooda balaayiin shilin soomaali ah waxaa gudoomiye u ah ilaa xiligii la asaasay hal nin mana lahan wax qabad muuqda marka laga reebo xafiis uu maamulo gudoomiyahaasi waxaa xusid mudan inaan hal ceel dalka laga qodin dalkuna uu soo maray xaalad biyo la,aaneed oo ba,an dhaqaalahaasina si muuqata ayuu loogu isticmaalaa meelo khaasa oo la og yahay waxaana masuul ka ah gudoomiyaha hay adaas.

"Garsoorka puntland ayaa lagu tilmaamaa mid madax banaan balse aan la oran karin waa madaxbanaan yahay maxaa yeelay waxa uu ku tiirsan yahay hanti si khaasa loo siiyo isaga oo awood leh inuu maxkamad soo taago cid ala iyo cidii ku xadgudubta hantida umada iyo sharciga dalka u yaal waxaanan ku tilmaami karaa inuu garsoor u yahay inta tabarta daran waana hayda keliya ee u baahan in loo dhiibo dad xilkas ah aqoona u leh hawsha ay hayaan alena ka cabsanaya waxaad arkaysaa iyadoo qaadiyaashii maxkamada gunooyin guryohooda loogu geynayo si aan qarsoodi lahayn si ay dusha uga tuuraan qof aan denbi lahayn iyadoo maxakamadaha puntlandna ay ka dhacaan xadgudubyo jaraaim ah denbiyada ugu weyn ayaa waxaa dusha saarsada qaybta xeer ilaalinta dawlada oo iyada gacanta loo geliyay dad aan istaahilin waxaana masuul ka ah gudoomiyaha maxkamada sare iyo xeer ilaaliyaha guud ee puntland.

Intaas kuma koobna shaqsiyaadka u baahan in maxkamad la taago ee wey farabadan yihiin balse intaani waa inta ugu muhiimsan ee aan is leeyahay hadii intaas la toosiyo puntlandina wey tooseysaa shacabkana waxbaa loo qaban karayaa waxaan jeclahay inaan qoraal kale kaga hadlo qaybaha dhiman.

Waxaan madaxweyne cade usoo jeedinayaa hadii ay kuusuuroobi weydo inaad intaas oo qaybood wax ka qabato inaad iska casisho xilka aad umada u hayso balse marna niyadaada ha gelin mudane madaxweyne inaad ku war wareegto adiga iyo hanti dhowrkuba afar wiil oo aan umada denbi ka gelin inaad maxkamad geysaan ama jeel ku ridaan iyadoo intaas oo wasaaradood iyo hay adood oo aan tilmaamay ay kuraasta madaxtooyadaada garoowe qaxwaha kugula cabayaan.
 

waxaa qoray 
Cabdisamad Yuusuf Maxamed 'Abwaan'
ayusefm@yahoo.com
 
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com |  April 6, 2005


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD