SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

05 Apr. 2005 

  • Shir balaadhan oo ay iskugu yimaadeen ururka haweenka Ogaadeenya ee magaalada  London. 

  • Jaaliyadda Ogaadeenya ee dalka Norway oo shir  isugu timid.

  • Dowlada Maraykanka oo jawaab ka bixisay shaqaalihii Itoobiya ay caydhisay.

  • Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Itoobiya iyo Eretaria oo codsaday in Itoobiya tallaabo laga qaado.

  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo gudaha Soomaaliya soo galay.

  • Dhalinyaro Soomaali ah oo surka lagaga jaray wadanka Boqortooyadda Sucuudi Carabiya.

======================

Shir balaadhan oo ay iskugu yimaadeen ururka haweenka Ogaadeenya ee magaalada  London. 

Haweenka Ogaadeenya ee ku dhaqan magaalada London ee cariga Ingiriiska ayaa axaddii oo taariikhdu ahayd 3 Abriil 2005 isugu yimid shir ballaadhan oo lagaga hadlayay arrimaha halganka Ogaadeenya. Haweenka ree Ogadenya ee iskugu yimid shirkaas ayaa is-waydaarsaday xogihii ugu dembeeyay ee ku saabsanaa halganka hubaysan ee ka socda dalka Ogaadeenya. 

Kulankan waxay haweenku mu martiqaadeen guddoomiyaha Hooggaanka Warfaafinta JWXO, oo khadka tilifoonka ugu gudbiyay wararka Ogaadeenya iyo xaaladaha siyaasadeed ee guud ahaan ka jira Itoobiya iyo gobolka Geeska Afrika. Guddoomiyuhu wuxuu faahfaahiyay dagaallada ay ciidammada JWXO kula jiraan gumaysiga Itoobiya, wuxuu kaloo gudoomiyuhu faah-faahiyey cadaadiska uu gumaysigu ku hayo dadwaynaha rayadka ah iyo guul darrada siyaasadeed ee haysata xukuumadda Meles Zenawi oo qarka u saaran inay go’doon ka gasho dalalkii reer galbeedka ahaa ee caawinayay, gaar ahaan Maraykanka oo niyad xumo wayn ka muujiyay siyaasada xukuumadda Addis Ababa.  

Haweenkii shirkan ka soo qayb galay ayaa si wayn uga dooday halganka Ogaadeenya, waxayna dhinacyo badan ka eegeen qaabka looga guulaysan karo gumaysiga Itoobiya, isla markaana xornimo lagu gaadhsiin karo dadwaynaha Soomalida Ogaadeenya. Haweenku waxay is-tusaaleeyeen sida ay suuragal u tahay in la caawiyo dadka rayadka ah ee ku tabaalaysan Ogadeenya ee dhibaatooyinka kala duwan kaga yimaadeen cadaadiska uu gumaysigu ku hayo.  

 Ugu dambayntiina waxay ballanqaadeen ka qayb-galayaasha shirkaas inay laban-laabaan taageerada ay halganka u hayaan, isla markaana ay bilaabaan dar-dar hor leh oo dadwaynaha Ogaadeenya ee ku dhaqan London iyo nawaaxigeeda lagu wacyi gelinayo. 

Jaaliyadda Ogaadeenya ee dalka Norway oo shir  isugu timid. 

Jaaliyada Ogaadeenya ee dalka Norway ayaa dhawaan isugu timid shir ballaadhan oo ay ka soo qayb galeen xubnaha Jaaliyada oo dhami. Shirkaas ayaa lagaga hadlay sidii loo xoojin lahaa waxqabadka Jaaliyada ee ku aaddan halganka Ogaadeenya.

Waxaa shirkaas goob-jooga ka ahaa wariyaga Radio Xoriyo ee dalka  Norway Maxamed Cabdi gayfane, isaga ayaana warbixintan noo soo diray. 

Dowlada Maraykanka oo jawaab ka bixisay shaqaalihii Itoobiya ay caydhisay. 

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalka Maraykanka ayaa daboolka ka qaaday inay aad uga xun tahay tallaabada ay qaadday xukuumadda Itoobiya oo waddankeeda ka caydhisay lix sargaal oo Maraykan ah, kuwaasoo u shaqaynayay saddex hay'adood oon dowli ahayn oo dalka Maraykanka laga leeyahay. 

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalka Maraykanku waxay sheegtay inay cabasho rasmi ah oo arrintaas ku saabsan u gudbisay xukuumadda Itoobiya.Waxayna Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Maraykanku daboolka ka qaaday in saraakiishan Marayknaka ah ee Itoobiya laga soo caydhiyay ay ka qeyb gelayeen qaban-qaabooyinka doorashada Itoobiya. 

Saraakiishan lasoo caydhiyey  waxay u kala shaqaynayeen  hay'adood ee la kala yidhaahdo International Republic Institute, National Democratic Institute iyo Ururka International Foundation of Election Systems, Hay,adahaas iyo ururkaas ayaa waxaa laga wada lahaa dhammaantood dalka Maraykanka. 

Xukuumadda Itoobiya ayaa ku andacootay in hay’adahani ayna haysanin oggolaansho ay dalka kaga shaqayn karaan, sidaas darteedna dalka looga caydhiyay, hase yeeshee sargaal sare oo u hadlay dawlada Maraykanka ayaa sheegay in hay’adahani ay Itoobiya in muddo ah joogeen, hawlohoodana ay si caadi ah u wateen, xukuumadda Itoobiyana ay arrintaas ka war-haysay. 

Sargaalkani wuxuu kaloo intaas ku daray in hay’adahani ay dadaal dheer u galeen inay oggolaansho helaan, balse ay xukuumadda Itoobiya diidday inay oggolaansho siiso. Sargaalkan Maraykanka ah wuxuu kaloo sheegay in xukuumadda Itoobiya ay sidoo kale rukhsado u diidday ururro kale oo aan dawli ahayn. 

Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Itoobiya iyo Eretaria oo codsaday in Itoobiya tallaabo laga qaado. 

Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Itoobiya iyo Eritereya ayaa beesha caalamka oo uu ka mid yahay Golaha Ammaanku ka codsaday in Itoobiya iyo Eritereya laga qaado tallaabooyinka daruuriga u ah inay dhammeeyaan colaadda u dhaxaysa. 

Beesha caalamku waa inay si wadajir ah tallaabo uga qaado sidii loo qaboojin lahaa colaadda Itoobiya iyo Eritereya u dhaxaysa, sidaasna waxaa yidhi ergayga Qaramada Modoobey ee Itoobiya iyo Eritereya Legwaila Joseph Legwaila. 

Ergaygu wuxuu kaloo intaas ku daray in xataa haddii uuna dagaal dhicin ayna qorshaha nabadgelyada dan u ahayn in labada dal isha uun iska dhawrtaan, wuxuuna dalalka saaxiibada la ah ama caawimada siiya labadan dal ka codsaday inay madaxda labada waddanba cadaadis ku saaraan sidii ay u soo afjari lahaayeen colaadda u dhexaysa. 

Xukuumadda Itoobiya ayaa ilaa iyo hadda diiddan inay u hooggaansanto go’aankii ka soo baxay Maxkamadda Adduunka, kaasoo horseedi lahaa in si kama denbays ah loo jeexo xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritereya. Itoobiya waxay doonaysaa in labada waddan ay wada-hadlaan, ka hor intaan go’aankaas la fulinin, arrintaasoo ay Eritereya ku gacan saydhay. 

Ciidamo Itoobiyaan ah oo gudaha Soomaaliya soo galay. 

Ciidamo Itoobiyaan ayaa lagu soo warramayaa inay soo galeen meelo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah. 

Meelaha ay ciidammada Itoobiyaanka ahi soo galeen waxaa ka mid ah magaalada Boohoodle, oo ciidammo badan oo saadkoodii iyo xaasaskoodii wata ay soo degeen. Ciidammadan Itoobiyaanka ahi waxay degeen xaafadda lagu magacaabo Suweeto oo ku taalla dhinaca xadka Ogaadeenya ee Itoobiya gumaysato. 

Saraakiil ka tirsan ciidammadan Itoobiyaanka ah ayaa la kulmay ciidammada ammaanka ee deegaanka Buuhoodle, waxayna u sheegeen inay u yimaadeen adkaynta nabadgelyada, iyagana waxay ku amareen inay wada-shaqayn la sameeyaan ciidammada Itoobiyaanka ah. 

Ciidammada Itoobiya waxaa sidoo kale lagu arkay meelo ka mid ah gobolka Hiiraan, lamana garanayo sababta ay meelahaas u soo galeen, hase yeeshee waxaa jira warar sheegaya inay ciidammada Itoobiya isu diyaarinayaan sidii ay u qabsan lahaayeen degaanno Soomaaliya ka mid ah. 

Dhalinyaro Soomaali ah oo surka lagaga jaray wadanka Boqortooyadda Sucuudi Carabiya.

Lix dhalinyaro oo soomaali ah ayaa shalay lagu fuliyey dil qoor goyn ah wadanka boqortooyada sucuudi carabiya,dhalinyaradan  ayaa intii mudda ahaydba ahaa dil sugayaa iyagoo ku xidhnaa wadankaas.

Dilka dhaliyaradan lixda ah ayaa waxaa xaqiijiyey xoogsato soomaaliyeed oo jooga wadanka sucuudiga.

Wasaaradda arimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa iyana ka hadashay dilka dhalinyaradan Soomaaliyeed oo ay ku eedeysay in ay la xiriirto dhac baabuurta tagaasida ah oo dhalinyaradan Soomaaliyeed ay geysteen.

Hasa-yeeshee marar hore oo la waraystay dhalinyaradaas la dilay iyagoo xidhan ayay gaashaanka ku dhufteen inay gaysteen wax budhcadnimo ah,oo aysan garanaynin waxa loo hasto,iyagoo intaas raaciyey in  afka carabiga oo ay garanaynin awgiis looga sixiisay inay dambiyo gaysteen.

Radio Xoriyo

05  Apr. 2005

C/nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Ethiopia oo Hub & Saanad Soo Gaarsiisey Maamulka G/Hiiraan
»Wadada isku xirta G/banaadir & Sh/hoose oo dib u furantay
»
Shirkii lagu Taageerayay Go'aankii DFKMG oo La soo Celinayo
»
USA oo taageertay go'aamadii W/Arrimaha dibada ee IGAD
»Wadamo islaam ah oo ka hadlay geerida Pope-ka labaad
Wararka oo dhan... Guji...

Faafin: SomaliTalk.com |  April 5, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD