SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


MUQDISHO & MAANTA::::

  • Guddomiyaha G/Banaadir oo ka codsaday DKMS in ay Boqortooyada Sucuudiga kala xisaabtamaan dilkii lixdii soomalida aheyd
  • Illaa 90 xildhibaan oo lagu wado in dhowaan ah ay soo gaaraan Muqdisho 
  • Xildhibaano La Kulmay  Cumar finish...
  • Kullan  dhexmaray Cali Mahdi iyo Xildhibaanadii maalmahanba ku sugnaa Muqdisho 

Hassan A.Dhaaleey | 002521576666/653623
Dheel10@hotmail.com | Mogadishu ,Somalia

Guddomiyaha G/Banaadir oo ka codsaday DKMS in ay Boqortooyada Sucuudiga kala xisaabtamaan dilkii lixdii soomalida aheyd

Baaqan ayaa soo baxay maanta ka dib markii lix soomali ah maalintii shalay ahey xukun dil ah lagu fuliyay magaalada Riyaad ee waddanka sucuudiga markii lagu eedeeyay inay fuliyeen fal dhac ah. 

Qasaastaa lagu fuliyay lixdaasi dhalinyarada ah ayaa ka careysiisay dadka muqdisho iyadoo kalhorena magaalada muqdisho uu ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo qaadista talaabada lagu dilayo dhalinyaradaa soomaalida ah. 

Qasaastii maalintii shalay ahayd ayaa waxaa ka hadlay ha`adaha xuquuqul insaanka ee fadhigoodu yahay magaalada muqdisho waxayna falkaasi ku tilmaameen mid aan waafaqsaneyn qaanuunka caalamiga ah iyo midka islaanimada intaba. 

Guddoomiyaha G/Banaadir C/Laahi Firimbi ayaa maanta ka codsaday DKMS inay kala xisaabtaman dowladda boqortooyada sucuudiga falkii naxariis darrada ahaa ee shalay lagula kacay dhalinyadii soomaliyeed, isagoo sheegay in falkaasi uu ahaa wax uu ku tilmaamay Gacan goysmo, isagoo intaa raaciyay in maanta shacabka soomaliyeed ay u tahay maalin madoow, halka waalidiinta dhalintaasi la qisaasay ay codsadeen in loo soo gudbiyo meydadka lixda marxuum si loogu aaso dhulkooda hooyo. 

Lixdan marxuum ayaa lakala oranjiray

  1. C/Nuur Axmad Weheliye,

  2. Cabdi Sheekh yusuf,

  3. C/lle Xuseen Cabdi,

  4. C/lle Aadan Cabdulle,

  5. C/fitaax Cabdi Xasan iyo

  6. Xuseen Cabdi Haaruun. 

Dowladda KMS ayaan ilaa hadda ka hadlin talaabada ay dowladda sucuudigu ku fulisay Soomaalida, waxayna ku soo beegantay xilli ay is hayaan labada gole ee xukuumadda.


Illaa 90 xildhibaan oo lagu wado in dhowaan ah ay soo gaaraan Muqdisho 

Waxaa magaalada muqdisho ka socda Abaabul ballaaran oo loogu diyaar garoobayo soo dhoweynta xildhibaano lagu sheegay tiradooda 90,kuwaasi oo la filayo inay soo gaaraan caasimadda muqdisho.

Abaabulkaan ayaa waxaa wada qeybaha kala duwan ee bulshada sida Maamulada degmooyinka, waxgaradka dhalinyarada iyo Bulshada rayidka ah. 

Haatan waxaa soconaya howlo nadaafadeed oo kor loogu qaadayo bilicda magaalada muqdisho taasoo laagu talagalay imaanshaha xildhibaanada iyo u diyaargarowga roobabkii Gu`ga oo lagu wado inay ka curtaan bartamaha bishaan soomaliya.

Imaanshaha xiidhibaanadan ayaa siyaabo kala duwan loo arkaa, iyadoo dowladda KMGS ay sheegtay in ay farriisin ka dhiganeyso magaaloyinka Jowhar iyo Baydhabo .

Xildhibaano La Kulmay  Cumar finish...

Dhinaca kale xildhibaanada ku sugan muqdisho ayaa maanta la kulmay taageerayaasha wasiirka Owqaafta iyo Arimaha diinta Cumar Maxamad Maxamuud finish, waxayna isku afgarteen in maleeshiyada hubeysan ee ku sugan gudaha magaaalada la geeyo duleedka muqdisho islamarkaasina magaalada laga dhigo meel amaan ah oo ka caagan qoriga

Kulankii maanta ayay labada dhinacba isku afgarteen in ay tahay waajib lama taabtaan ahin caasimaddu ay ahaato magaalada muqdisho lagana tanaasulo wararka sheegaya in si ku meelgaar ah caasimad looga dhigayo magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo 

Xildhibaanadam ku sugan muqdisho ayaa saacadaha nagu soo fool leh waxaa ay la kulmi doonaan siyaasiga caanka ah ee Cali Mahdi Maxamad... Kulankaas oo dhacay gelinkii dambe hoos ka akhri...


Kullan gelinkii danbe ee maanta  dhexmaray Cali Mahdi iyo Xildhibaanadii maalmahanba ku sugnaa Muqdisho 

Kulankan ayaa  waxaa uu ka dhacay Hooyga Cali Mahdi uu ku leeyahay magaalada muqdisho,sida wararku ay sheegayaana waxaa looga wadahadlay qodobo door ah oo ay ka mid yihiin arimaha la xiriira siyaasadda iyo xal u helista nabadgelyada muqdisho.

Sidoo kale kulankii maanta ayaa looga hadlay meelmarinta qodobadii 29ka ahaa ee ay xildhibaanada ka soo jeeda muqdisho ay ku gaareen Kenya,kuwaasi oo qeexaya Maamul u sameynta G/Banaadir.

Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo ka mid ah raga soo gaaray Muqdisho isla markaana hogaaminayay wafdiga xildhibaanada ayaa warfidiyeenka u sheegay waxyaabihii ka soo baxay kulankii ay la qaateen Cali Mahdi oo uu sheegay in qodobadii ay kawa hadleen ay isku aragti ka noqdeen.

caydiid & cali mahdi
Cali Mahdi & Marxuum Caydiid

Wararka ayaa tilmaamaya in kulankii maanta uu soo qabanqaabiyay Cali mahdi qudhiisa waxaana ka qeyb galay raga ay ka mida yihiin Xuseen sheekh Kadare,Garyaqaan Gabyoow,iyo siyaasiyiin kale oo si weyn looga yaqaano magaalada muqdisho.

Cali Mahdi Maxamad waxaa horaantii 90meeyadii loogu doortay wadanka Jabuuti hase yeeshee ma shaqeynin oo waxaa isaga iyo taagerayaashiisa uu dagaal dhexmaray kuwo uu hogaaminayay Jananka Ceydiid oo isagu geeriyooday bartamihii 1996dii wuxuuna sheegay in uu ka tanaasulay arimaha ku lugta leh siyaasadda.

Kulankoodii maantana waxaa uu qeyb ka yahay kulamo xildhibaanadu ay maalmahanba ka wadeen magaalada muqdisho.

Hassan A.Dhaaleey
002521576666/653623

Dheel10@hotmail.com
Mogadishu ,Somalia

Faafin: SomaliTalk.com |  April 5, 2005

Booliiska Hargaysa oo Xoog Kugalay Xarunta Xisbiga kulmiye
»Muuse Suudi  oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Nairobi
»Gaari markii Saddexaad Ku Gedoomay Aagga Kismaayo
Warka oo dhan ka akhri halkan... Apr 5

Ethiopia oo Hub & Saanad Soo Gaarsiisey Maamulka G/Hiiraan
»Wadada isku xirta G/banaadir & Sh/hoose oo dib u furantay
»
Shirkii lagu Taageerayay Go'aankii DFKMG oo La soo Celinayo
»
USA oo taageertay go'aamadii W/Arrimaha dibada ee IGAD
»Wadamo islaam ah oo ka hadlay geerida Pope-ka labaad
Wararka oo dhan... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD