SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI

Midgaankii Cali Khaliifow calankaa ha dhaco!

C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com

Dulli, duf ku bax! Yaa yidhi wuxu waa Harti! Hawiye taageere! Midgaankiiyow Muuq xume! Ma quustow sowteey ku soo baacsadeen, maxaa ku daba dhigay.! Maanta maanta maanta waa maalin weyne maanta. Maanta maanta madaxweynaheena maanta. Maanta maanta maanta madaxiis ha raagee maanta! 

Waxay hadaladaasi ka mid ahaayeen kuwa ay si caro leh u lahaayeen islaamo Soomaaliyeed oo ka careysnaa Cali Khaliif oo la sheegay inuu ka hadlayo shir lagu taageerayo go’aankii uu Baarlamaanku ka qaatay inaan ciidan ka socda Itoobiya waddanka la keenin. Waxay ahayd Maalin Axad ah 20 Maarso 2005 oo dad badan oo Soomaaliyeed ay u dareereen meeshii uu shirku ka dhici lahaa. Waxaa la buuxiyey Golihii lagu shirayey. Waxaase si xawli ah ku socday qabanqaabo ay wadeen rag Jaaliyado iska leh ama ku tiirsan oo soo daad gureynayey Hooyooyin qufulo sakatuuro ah lagu soo jebiyey. Waxaa shirkii furay oo isaga danbeeyey labada Wadaad ee Shiikh Xasan Jaamici iyo Sheekh C/Rahmaan. Waxay labaduba dadka xusuusiyeen, haddayba na geleyso, Alla ka cabsi iyo isku duubnaan. Waxaa kaloo ay si wacan uga hadleen dhibaatada ciidamadada shisheeya ay leeyihiin iyo fasahaadka ka dhalan kara. Waxay sheegeen inay taageeransan yihiin Dowlada iyo Baarlamaakeeda iyo go’aankii ay soo saareen Culimada Soomaaliyeed. Waxay xusuusiyeen dadweynihii inaysan Soomaalidu xiise u qabin Ciidamo Shisheeye oo aanu hore u soo aragnay waxay noo geysteen oo ilaa iyo haatan meel walba looga sheekeysto. C/llaahi Kulmiye oo metelayey Ardayda Jaamacada ayaa isna intaa ay wadaadadu yiraadeen oo kale hore u sii qadimay. Wiil dhallinya ah oo meel gees ah taagnaa ayaa si jees-jees ah intuu u qoslay buu yidhi: “ Haddee waxaa sidaa loo galay sow Hawiye daba madoobe ma ahayn”! Anigiibaa afkii I kala tegey: “Adduunow xaalkaa ba’! Haddiiba dunidu noo kala taqaano Midgaan, Hawiye, Daarood, Digil, Dir, Isaaq, Jareer ama Reer Xamar ma dhib baan qabi lahaa! Haddiiba kii la dilo ama la kufsado ama la ceejiyo aysan oran lahayn waa Soomaali ee ay qabiilkiisa sheegi lahaayeen waxba ma ahaateen!”. Anigu koley sawirada laga naxo ee ay Biljamkii, Kanadiyaankii iyo Talyaanigiiba sameeyeen ee meel walba lagu sawiray waxaa ku qornaa: “ Soomaali sida xoolaha la hogaaminayo!, Soomaali sida Hilibka la dubayo! Soomaali sida musqusha lagu kaajayo! Soomaali sida neef bakhtiyey gaadhi lagu jiidayo! Soomaaliyad sidii eey la nacay wadada ku dhalaysa!”iwm  

Mar keliya uun baa shirkii waxaa ka kacay Dr. Hussein Cigaal oo wixii qolyihii ka horeeyey carabka kala meermeerayeen ku bariijiyey: “Xabashi waa cadowgeena, ma rabno! Yay na soo gelin! Baarlamaankuna wuu ku saxsanaa arrintaas waanan ku taageersanahay”! Wuxuu tusay dadkii Calaamado ku dheganaa gidaarada oo lagu diidan yahay ciidamada safka hore. Isagoo doonaya Hussein inuu si faahfaahsan u sheego dhibaatooyinkii ay Itoobiya noo geysatay ayaa mar keliya qaylo iyo bulaan la bilaabay haba ugu darnaadeen kooxo dumar ahaa oo iyagu si wanaagsan isu soo abaabulay, meelo gooni ahna fadhiyey. Saaxiib Dotoore yaa hadalkaas dheh ku yidhi? Bug! Qaylaa yeedhay iyo bulaan aad u dheer: “ Itoobiya ka daa afkaaga afku ku go’ye! Ka naxow nafta waa! Adiga yaa kaa Amxaarsan waadiga Kismaayo xooga ku haystee! Maxaad ku diidasaa mid kaa kiciya in laguu keeno haddaad garan weydey dadka masaakiinta ah u arxan oo xaqooda sii! Iska nac-nacleeye! 

Xiriiriyihii shirka ayaa caqli kaashaday markaasuu weydiiyey in inta Itoobiya taageersan iyo inta diidan ay marba mid gacanta taagaan. Dad badan baa gacanta u taagay Itoobiyaankii, laakiin waxaa labanlaab iyo saddex laaba ka badnaa intii ka soo horjeeday Xabashida.  Haddaba waxaa uu Xiriiriyaha Shirku kusoo gabagabeeyey in caqli laysu yeelo oo ay qolada Itoobiyaanka wakiilka u ahi ay iska soo doortaan qof u hadla si loo dhegeysto fikradahooda. Waxaa la soo doortay Oday la yiraado Cubeyd. 

Hal cabaar ah markii warku socday ayaa waxaa mar keliya isagoo maqiiqan soo booday Cabdi Barre isagoo leh qof keliya waa nagu yar yahay ee 4 qof baanu doonaynaa inay na metelaan. Waxaa isna meeshaa qaylo iyo bulaan aad u badan ka wadey Sulub oo ah nin mayal adag isagoo ay caro aad u badan ka muuqatay. Wadaadkii martida ahaa ee aan weli hadlin ee nooga yimid Seattle ayaan dhawaqiisa iyo Alla xasuusintiisa dheg loo dhigin kadibna Sheekh Ibraahim wuu iska fariistay. Xoogaa haddii aan dib jaleecay oo aan wax dhega dhegeeyey ayaa waxaa uu Jaamac leeyahay: “Anigu waxaan la yaabay ninkaan isagu isu magacaabay Afhayeenka Ururka SRRC ee Jimcayaashana Masaajidka hortiisa sadaqada ka uruuriya” Mid kalaa soo booday oo yidhi: “ Ma aragtay yaakhii! Baarakumulaahu Fiikum! Sadaqada Masaajidka uu ku haayaa, haddana waxaanuu sameynaa”. Cabdi baa halkan ka yidhi: “ Acuudi Bilaahi sadaqa aruuris aa! Masaajidkee waayena” wiilkii kalaa yidhi: “ Masaajidka Hawiyaha!”. Anigiibaa iska yaabay uun!. Mid kaloo I agtaagnaa ayaa ila yaabay oo yidhi Miyaadan garanayn Masaajidka Daaroodka iyo kan Hawiyaha! Maya-e, Yaasiinka! Tabaaraga! See wax u jiraan Masaajidka Ikhwaanka iyo kan Odayaasha leeba ogaaye! Bal Halkan ka akhri qoraalkii hore

Waxaa uun aan ku baraarugay Boolis ciiddaa ka badan oo meel walba soo buuxiyey iyo iyadoo cod baahiyaha laga leeyahay: “ Deg-deg uga baxa meesha”! Maxaa dibada nalal walac-walac leh, Maxaa Eeya ah! Waxaad uun moodi in meesha masiibo ka dhacday!.Waxaa warkoodii ku noqday dad badan oo ka hadli lahaa Golahaas oo uu Dr. Cali Khaliif iyo Sheekh Ibraahim ka mid ahaa. Waxaa wejiyada dadkii diifoosaha u ahaa Itoobiya ka muuqday farxad weyn iyo guul weyn oo ay ka soo hoyeen burburinta shirkii lagu taageerayey Baarlamaanka. Dadweynihii kale oo caro dardeed isla hadli la’ ayaa Golihii shirka  ka huleelay. 

Jaamac oo soo daalay diif xumina ay ka muuqato ayaa gabal dhicii isoo qaabilay. Wuxuu Jaamac ii sheegay in burburkii shirkii ka dib aanba intaa lagu harin, Wuxuu yidhi: “Waxaa horey loo sii qaatay calamo iyo durbaano waxaana lasii istaagay Aqalka looga taliyo Gobolkan Minnesota si warbixin loo gaarsiiyo Madaxda Gobolkan. Waxaa caadi ah in qofku uu sameysto ballan si uu u arko Odayga metela xaafada ama magaalada uu degan yahay loona sii ogaado imaanshahiisa. Maxaad naga taqaanaa anaga Soomaali ma nihinoo! Iyadoo uu Islaamahan hor boodayo Xubin ka mid ah SomaliShow TV Mr. Xaayow ayaa waxaa layska hor dhoobtay Aqalkii Odayaasha oo sawaxan iyo qaylo la bilaabay: “ Taageera dowlada Soomaaliya! Taageera Itoobiyaanka la keenayo!”

Wuxuu ii sheegay in uu Laab Qerer ku dhici gaaray mar gabadh dhalinyara ah oo Mareykan ah ay I weydiisay waxa ay u banaanbaxayaan. Wuxuu yidhi anigoon u jawaabin ayaa qof uun halkan ka soo booday oo ku hadashay Ingriiskii Daraawiishta: “ You know, you know love Itoobiya! Free Somalia!”. Gabadhii oo in la habaaray iyo in la amaanay garan la’ baan ku idhi buu yidhi: “Waxaanu u banaan baxaynaa in Mareykanku taageero dowlada cusub ee noo dhalatay iyo in Ciidamo Itoobiyaan ah la keeno si ay amaanka u sugaan”. Gabadhii baa is hayn kari weydey caro awgeed, markaasey iyadoo haddana dhoola cadeynaysa tidhi: “ Miyeydaan idinku mas’uul qaadi Karin oo mas’uul noqon Karin” Waxaan ku hadlo intaan garan waayey baa halkii ay jawaab iga sugeysay tobon goor iska idhi Thank you! Thank you! Thank you! 

Qoladii laga banaday shirka ayaa waxay isku dhaarsadeen inay shir kale qabtaan oo ay si xor ah u muujiyaan taageerada Go’aankii Baarlamaanka is kursiyeeyey! La arki doonee! 

Waa yaab! Maantaanu Itoobiya haa iyo Itoobiya maya isku haynaa! Rah baa waxaa laga sheegay inuu yidhi: “ Hadday biyo naf leeyihiin dabadeyda ka daya”.

Hadday Itoobiya naf leedahay Ogaadeenya ka eega!

C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

QORAALADII HORE EE EELAY...

Faafin: SomaliTalk.com |  April 4, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD