WARQAAD FURAN
(Open Letter)
Maarso
9,2004
Ujeeddo: DOORASHO
MADAX QARAMEED ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
Cabdirisaaq
Xaaji Xuseen
Ra’iisul Wusaare hore
hussen100@yahoo.com
Daabacadii Labaad:
April 3, 2005
Hadal-keyga waxaan ku
bilaayaa “wax weyddiin” (su’aalo):
S (= su’aal):
Akhriyow (Soomaali) ma rabtaa in nabad,
xasillooni iyo midnimo lagu soo dabbaalo waddankaaga hooyo, Soomaaliya?.
J (= jawaab):
Waxaan filayaa in jawaabtu noqondoonto: HAA (maxaa
kale!).
S : Sideebaa
lagu heli karaa, xaggeese laga bilaabi kara?
J :
Waxaan filayaa in lagu kala duwanaan karo jawaabaha
labadaan su’aalood. Haddiise, metalan, qof soo jeeddiyo in sida lagu heli
karaa ay tahay iyadoo la helo madax daacad ah, karti iyo aqoon dhab ah leh,
kasbi karta kalsoonida aqlibiyada dadweyneha, inkastoo ummaddii loo kala
qaybiyey reer-reer iyo qoys-qoys qoryo isu haysta. Waxaa laga bilaabi karaa
is-doorashada la filayo/rajeynayo in dhawaan laga sameeyo shirka dib-u-heshisiinta
ee ka socda dalka Kenya. Qofkee haya ra’yi ka mac-quulsan mid kaas? Ka
dhig iyadoo la isla oggolaaday jawaabahaan: Madax daacad ah…… oo lagu
doorto shirka Kenya.
Waa hagaag (fiican badan!).
Ma ku heshiin karnaa micnaha “madax daacad ah”?. Alle ha sahlo!. Dareenka
guud ee haataan ka jira ummada dhexdeeda, madax daacad ah “ waxaa badiba
qofku u arkaa kan la qabiilkiisa ah. Kaan ahayn qabiilkiisa daacad maaha,
sidaa darteedna ma oggola madaxnimadiisa. Haddii la ogsoonyahay in waddanku
uusan yeelan karin hal madaxweyne, hal ra’iisul wusaare iyo hal ra’iisul
baarlamaan ka badan, sidee la yeeli karaa? Markaas, labo talo midkood ayaa
gudboon: ha la iska illoobo midnimo iyo dawladnimo, oo aan ku joogno sida
haatan xaaladdu tahay iyo si ka sii xun; ama haddii kale, waa in dib looga
fiirsado xikmadda ku salaysan in wax kasta lagu qiimeeyo aragti qabyaaladeed
keliya.
CabdiRisaaq Xaaji Xuseen
Ra'iisul Wasaare Soomaaliya: 14
Jun 1964 - 15 Jul 1967 |
Inkastoo aan garan karo
jawiga waqtigaas jiray, weli waxaan rumeysnahay in qalad weyn iyo aragti
gaaban ayey ahayd markii shirkii Carta (Arta), ee Djibouti, lagu
sharciyeeyey in talada ama maamulka qaranka saldhig looga dhigo fiiro
qabyaaladeed (4.5). Intii ay cambaareyn lahaayeyn qabyaaladdii sababtay
xasuuqii iyo bur-burkii dagaallada sokeeye keeneen, ee markaas ay ku dadaali
lahaayeen soo noleynta ama xoojinta wacyi waddaninimo iyo qowmiyadnimo
(national consciousness and national belonging), dadkii shirkaas ka qayb
galay waxay, si aan toos ahayn (indirect), muujiyeen in sababta dagaalladasi
ku dhaceen ay jid/gar ahayd, ee sidaas darteed qabyaaladdu, hadda ka
dib, noqotaa mitirka talo qaybsiga qarameed lagu jaangooyo. Si dhug leh ma
loogu dhabba galay sida nidaam qabyaaladeed iyo mid qarameed ay u heshiin
karaan?
Waxaan rajaynayaa in
ummadu badiba aysan rabin inay ku sii jirto bur-bur iyo midnimo/qaran la’aan.
Haddii taasi jirto, soo waa waajib maaha in xoogga la saaro sidii
fikradaas loo hirgalin lahaa ee looga bixi lahaa xaaladda murugta iyo
xanuunka weyn leh ee haatan lagu suganyahay. Tallaabada ugu horreysa waa
sidii loo heli lahaa madaxda MAANTA loo baahan-yahay: daacad, caddaalad/sinnaan
(eex qabiil iyo qaraabo kiil la’aan) joogto ah, u hoggaansan sharciga iyo
qaynuunka (“strictly observing and respecting the rule of law”), uguna
dhaqma awoodda (mas’uuliyada) lagu sharfay in danta guud ay u adeegsadaan
ee aysan u adeegsan danahooda gaarka ah iyo kuwa qoysaskooda.
Haddii intaas kor ku
xusan la isla garto, waxaa soo haray sidii loo xaqiijin lahaa ama loo fulin
lahaa. Waa arrin daacadnimo, dadaal iyo geesinnimo u baahan, siiba dadka
dhallinyarada ah ee aayahoodu si gaar ah ugu xiran-yahay sugidda
tallaabooyin kaas.
Waxaa loo baahnaan karaa
in dib loo jalleeco ama loo fiirsho wixii la soo maray 40kii sano ee la soo
dhaafay, wixii dhacay iyo sida ay ku dhaceen, iyadoo la iska ilaalinayo
eedeyn, iyo been abuur aan raad run ah taariikhda dhabta ah ku lahayn.
Dib-u-jalleecaas waxaa badiba loogu baahan yahay in la xasuusto
qaladdaadkii dhacay si looga gaashaanto in aysan dib u dhicin, horona looga
socdo ee aysan naftoodu noqon caqabad.
Arar dheer ka dib, sidee
“matoorka” (‘engine”-ka) loo kiciyaa?. Mee furihii?. Furihii derbi dhagax ah
ay ka so keeya: waa qabyaalad iyo tiro ku faan. Bal wixii ka horreeyey iska
daaye, 14tii sano ee dagaallada sokeeye socdeen, maxaan ka helnay qabyaalad
iyo tiro ku faan?. Jawaabta laga filan karo qofkii daacad ah amase dan gaar
ah wadan, waa balo, baas iyo bur-bur aan sahal looga soo kaban doonin.
Ku soo dhawow arrinta
dulucdeeda: Sidee loo heli karaa madax suubban oo si daacad ah u rumeysan
nabadeynta, dib-u heshisiinta, isu soo dumidda iyo dhayidda dhaawaca weyn ee
colaadihii sokeeye reebeen; madaxdaasoo, isla mar kaasna, xooggooda iyo
kuwa dadweynahaba isugu gaynaya dib-u-dhiska iyo dib-u-habeynta qaraneed/dawladeed
si loo soo nooleeyo ama celiyo sharaftii iyo magacii ummadda.
Waxaa Soomaalida qaarkeed
tiraahdaa: “NIN YIRI ANIGA’, dad iska reeb”. NIN waxaa looga jeedaa QOF.
Anigoo taas tix-raacaya, waxaan soo jeedinayaa, ka dib markaan in muddo ah
arrintaan ka fakaray oo ka fakaray, in maanta arrinta dhabbe cusub loo jeexo.
“Bal shab-shablana ku day “ (waa maah-maah). Maxaan ula jeedaa dhabbe cusub?.
Sida la wada ogsoon-yahay, waxaa jira (jirta) labo reer oo si gaar ah isu
fiirsanaya ama u ficil-tamaya: D (=Daaroot) iyo H(= Hawiye). Labadaan reer
si weyn ayey wax u kala tirsanayaan. Waa sheeko muddo dheer soo socotay,
welina socota. Dadweynaha kalena wax weyn ayuu ka tirsanayaa labadoodaba.
Hoggaanga xukunka oo
labada reer (D iyo H) midkood ama labaduba qabtaan wuxuu noqon karaa qoryo
xansaso ah oo dab la saaray?. Intii ay xoogga saari lahaayeen wacyi
waddaninimo iyo horumar guud, waxay waqti iyo maalba ku lumen-doonaan
tartan, awood ku looltan(power struggle) iyo xoog-qabiil isugu faan, taasoo
deg-deg u horseedi karta colaad cusub iyo sii kala fogaansho horleh. Qiyaas
cad ayaa laga qaadan karaa sansaanka iyo “record”-ka dadka maanta
walaalahay D iyo H safka hore ugu jira loollanka hogaanka xukunka.
Ummadu waa ka daashay
dagaal iyo xunguruf ku salaysan qabyaalad, oo koox yari danaheeda gaar ah
ku beer dulucsato. Dadweynahu taas waa ka dhereg-sanyahay, waxaanaan
rajaynayaa inuu ka soo jeedo. Wuxuu maanta doonayaa (maaha u
baahan-yahay) nabad, xasillooni, dib-u-heshisiin iyo dib-u-dhisid, si uu
uga soo kabto bur-burkii iyo barakacii uu ku soo jiray in ka badan 14 sano.
Sidaas darteed, daawadu
maanta waxay ku jirtaa in labadaan reer ay ka tanaasulaan saddexda jago ee u
sarreeya jagooyinka qaranka: Madaxweyne, Ra’iisul Wusaare iyo Ra’iisul
Baarlamaan, 5ta sano oo KMG ah. Saddexdaas jago waa in loo doortaa madax ka
soo jeedda dadweynaha kale ee aan ku abtirsan labadaas reer (D iyo H).
Dadweynahaas kale wuxuu
tabanayaa, dhabna ah, xaq darrooyin iyo tacaddi; wuxuuna sheeganayaa, oo
badibana wax ka jiraan (si ay ku noqotayba), in laga bursaday talada/
maamul qarameedka, ilaa qaarkood ku dhawaaqay goosasho. Arrimahaasu garowsho
iyo daawo ayey u baahanyin ama mudanyihiin, waana ayaan darro haddii si weyn
loo tixgelin waayo.
Walaalahay D iyo H waa
inay si fiican uga fiirsadaan taladaan. Kursi qof iyo labo ku fariisato,
waxaa ka faa’ido badan daryeelka danta guud. Waa ogahay in qofkii rabaa oran
karo dad gaar ah ayaa Cabdirisaaq ula jeedaa taladaan. Anigu waxaan leeyahay,
oo iga dhab ah, qof (qofaf) toona ulama jeedo. Waa arrin iigu muuqatay in
daawo ay u noqon karto xaaladda maanta lagu suganyahay. Waa talo dabin looga
boodayo, ee maaha mid loola jeedo “joogto”. Waa shan taan sano oo lagu
magacaabay “Ku Meel Gaar (KMG)”. Xukunku maaha, oo keliya, madaxweyne iyo
ra’iisul wusaare, iwm. Walaalahay D iyo H saami weyne ayey ka qaadan karaan
maamulka dawladda, waxayna ka ciyaari karaan dowr weyn dib-u-heshisiinta iyo
dib-u-dhiska qarankooda, waana ku waajib. Sidaas bayna magac, muunad (sharaf)
iyo tixgelin weyn kaga kasbi karaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo
adduunweynahaba. Maxaa ka sharaf iyo qiimo badan xaqaaga oo aad uga
tanasushay daryeelka danta (maslaxadda) guud ee Qaranka?
Madaxweyne Aaden Cabdille
Cusmaan (Aden Adde) waxaa laga dhaxlay erayo qiimo weyn u leh nidaamka ku
dhisan in talada qaranka loo simanyahay. Wuxuu mar ka badan fagaare kaga
dhawaaqay: ‘Dadku ha kala barto raggiisa (madaxdiisa)’. Muxuu ula jeeday?.
Wuxuu ula jeeday : xukunka waa in loo sinnaadaa, oo hadba qofof talada loo
dhiibaa, si dadweynahu u kala bartaan madaxdooda iyo si ay u caddaato
in qof/qofof ama reer/reero gaar ahi aysan si joogto ah u layn hoggaanka
xukunka. Haddii aan si kale u dhaho. Wuxuu, Mudane Aadan, u la jeeday in
qabashada mas’uuliyad qarameed “yuu yahay” aysan muhim ahayn ee “muxuu
yahay” ay tahay su’aasha loo baahanyay.
Waa in la gaaraa
maalin la’ ogaado in tiro qabiil aysan noqon karin mitirka wax lagu
jaangooyo, ee mitirku noqdaa heer aqooneed, daacadnimo, dadaal gaar ah,
caddaalad, dammiir ama dun fiicni, Alle ka cabsi, iwm. Faraqa ku jira “Yuu
yahay” iyo “muxuu yahay” waxaa metal ama markhaati cad, oo la
taaban karo, u ah Mudane Aadan Cabdulle qudhiisa. Daacadnimadiisa, eexasho
la’aantiisa, dadaalkiisa iyo kartidiisa (muxuu yahay ) weeye wuxuu ku
kasbay in lagu magacaabo: “Aabbihii Qaranka” (Father of the Nation).
Haddii, sidaan
rajaynayo, taladaasi saameyn yeelato, markaas waxaa lagama maar-maan ah in
la helo madax leh tilmaamaha/sifooyinka kor ku xusan iwm, oo la rajayn karo
inay kasbi karaan, haddii fursad la siiyo, kalsoonida dadweynaha, iyagoo mar
kasta xasuusan sababta ay hoggaanga ku kasbeen iyo iyagoo ficil ku
muujinaya in “muxuu yahay” ay ka khayr roonaan karto “yuu
yahay”.
Eebbow adigaa naga og
wixii khayr ah, ee na waafaji, aammiin.
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
Ra’iisul Wusaare hore
hussen100@yahoo.com
QORAALADII HORE EE C/RISAAQ
XAAJI XUSEEN:
Faafin: SomaliTalk.com |
April 3, 2005
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com