SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
WARARKA MAANTA:::
  • Dowladda Ethiopia oo gaarsiisay Saanad iyo hub maamulka la baxay Midland ee G/Hiiraan 
  • Gaadiidka ka howlgala wadada isku xirta G/banaadir iyo SH/hoose oo si rasmi ah u bilaabay socodkoodii barqanimadii maanta 
  • Dowlada maraykanka oo taageertay go'aamadii W/Arrimaha dibada ee IGAD.
  • Shirkii lagu taageerayay go'aankii dowladda oo la soo celinayo.
  • Kal fadhigii labaad ee looga arinsanayo arimaha maamul u samaynta gobolada jubbooyinka
  • Wadamo islaam ah oo ka hadlay geerida Pope-ka labaad tacsina u diray.
Dowladda Ethiopia oo gaarsiisay Saanad iyo hub maamulka la baxay Midland ee G/Hiiraan 

April 4, 2005

Wararka ka imaanaya xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyn ayaa sheegaya in subaxnidii saakay ay gaareen gawaari ay ku raran yihiin noocyada kala duwan ee hubka. 

Wararka ayaa intaa ku daraya in hubkaasi uu kaga yimid beledweyne dhinaca dowladda Ethopia, iyadoo uu ku yimid wadada Feerfeer abaarihii 10 barqanimo  waxaana la sheegayaa in hubkaasi dowladda Ethiopia ay ugu deeqday madaxweynaha maamul goboleedkaasi la baxay Midland ninka la yiraahdo C/Kariin Faarax Laqanyo.

Deeqdaan ayaa timid sida la tilmaamayo markii Mr. Laqanyo uu muddo toddobaad ah uu ku sugnaa wadanka Ethopia oo ay halkaasi ku qaateen wadahal dheer.

Waxaana la filayaa in saanad kale ay soo gaarto maalmaha foodda inagu soo haya, iyadoo lagu waramayo in hubkaas wax looga qabanayo arimaha la xiriira nabadgelyada G/Hiiraan sida ay sheegeen qaar kamida maamulkaasi.

Imaatinka hubkan ayaa saakay laga dareemayay magaalada beledweyn kadib markii halkaasi laga maqlayay dhawaaqa kala duwan ee rasaasta oo la tijaabinayo.

Ma ahan markii 1aad ee saanad ka timaada Ethiopia ay soo gaarto beledwene waxaana jiray dhowr jeer oo maamulkii hore ay hub iyo rasaasba ka heleen dowladda Ethiopia.

Hubkaan ayaan waxaa uu xadgudub ku yahay cunaqateytii hubka ee Q/Midoobay ay saartay soomaliya abaarihii horaantii 90maadkii.

Gaadiidka ka howlgala wadada isku xirta G/banaadir iyo SH/hoose oo si rasmi ah u bilaabay socodkoodii barqanimadii maanta 

Waxay aheyd ku dhowaad 36saacadood markii ay joogsadeen howlihii safarada ee ay sameyn jireen gaadiidleyda wadada Afgooye iyo Muqdisho isku xirta,iyadoo sababtana lagu sheegay badashada Isbaarooyinka yaala wadadaasi oo marba marka sii danbeeysa cirka isku shareerayay. 

Waxaana si xoog leh arintaasi looga dareemay magaalada muqdisho oo qiimaha qudaarta iyo caanahuba ay laba lixaadsadeen.

Haseyeeshee waxaa saaka la arkayay haweenkii caanaha oo shaqadoodii dib u bilaabay,sidoo kale waxaa la arkayay qudaartii oo iyaduna ka imaaneysa dhinaca afgooye iyo xitaa waxyaabo farabadan oo halkaasi ku xayirnaa shalay 

Isu socodka gaadiidka dadweynaha ee wadadaas ayaa waxaa suurtatageliyay wadahadal dheer oo ay qaateen Guddi ay leeyihiin gaadiidleyda iyo Horjoogayaasha isbaarooyinka halkaasi bilqan. 


Wadada isku xirta Muqdisho iyo Sh/hoose oo xayirantay maanta
iyo Shir lagu yagleelayo maamul u sameynta J/hoose oo ka bilowday magaalada Kismaanyo Ka Akhri halkan Apr 3


Warka ayaa intaa ku daraya in weli ay jiraan cabashooyin ay qabaan gaadiidleyda iyagoo weli saluugsan tirada Isbaarooyinka weli baaqiga ah oo gaaraya 4-Jidgooyo halkii markii hore ay gaarayeen ilaa 12-fariisin,sidoo kale gaadiidleyda ayaa qaba in weli ay badantahay lacagta wadada laga qaadayo oo ay ku sheegeen 160,000sh/s maalinkasta hase yeeshee waxaa aysan meesha ka saarin in xaddiga qarashkani uu wax badan ka hooseeye qiimihii ay markii hore bixin jireen 

Si kastaba ha ahaatee dadweynaha ku kala nool labada gobol ayaa si weyn u soo dhoweeyay is afgaradkaan ay gaareen horjoogayaasha Isbaarooyinka iyo gaadiidleyda Ka howlgasha wadadaasi. 

Hassan A.Dhaaleey
Tel: 002521576666/653623

Email: dheel10@hotmail.com
mogadishu,Somalia


Dowlada maraykanka oo taageertay go'aamadii W/Arrimaha dibada ee IGAD.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | kenya
Email:
canabmumtaz@yahoo.com | Apr 3, 2005

 
Dowladad maraykanka ayaa markale ku celisay in ay ka soo horjeedo ciidamo ka socda wadamada safka hore oo la geeyo soomaaliya,.warqad maanta laga soo saaray safaarada maraykanku ku leeyahay magaalada Nairbo ayay ku sheegeen in ay taageersan yihiin go'aankii ugu dambeeyay ee wasiiradda IGAD ay gaareen kuna saabsanaa in somaliya loo diro ciidamo ka socda wadamada Ugandha iyo suudaan.
 
:::WAAN KUU SHEEGAY:::
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo mar-labaad soo diray warqadiisii furnay ee uu qoray  2004.. Guji..
:::FAHAD & ISNIINTA:::
Reer Jabuuti: Shantaan Qodob haku doorteen Geelle: Qormadii isniinta ee Fahad Yaasiin.. Guji..
Warkan oo laga soo saaray safaarada maraykanka ee magaalada Nairobi waxa uu intaas ku darayaa in ay  ka caawin doonaan qarashyada ay u baahan yihiin ciidamada ka socda wadamada IGAD ee aan ahayn kuwa safka hore.
 
Warkan ayaa ku soo beegmay xili ay wasiirada gaashaan dhiga u raadiyaan qarash lagu diyaariyo ciidamada sahaydooda iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin ka hor inta aysan soomaaliya meel ka mid ah ku dagin,hadii la isla ogolaado in ciidamaaas ay galaan soomaaliya.
 
Dalka maraynkan waxa uu horay usoo saaray dhowr qoraal uu kaga digayo wadamada safka hore in aysan gaynin soomaaliya ciidamo,waxa ayna taageereen go'aankii baarlamaanka ku diiday ciidamada safka hore bishii.
 
Dowlada itoobiya ayaa todobaadkan ka saartay dalkeeda saraakiil maraykan ah,kadib markii uu maraykanku ku eedeeyay itoobiya in aysan ilaalin xuquuda dadka laga badan yahay isla markaana ay caburiso xoriyatu qowlka.
 
Shir la soo celinayo mar kale.
 
Shirkii dhacay 1Dii bishan laguna taageerayay go'aankii wasiiradda ee ku aadanaa in ay Dowladu dagto magaalooyinka baydhabo iyo jowhar,isla markaana looga soo horjeeday go'aankii baarlamaanka ayaa lagu wadaa dib loo qabto markale maalmaha soo socda.
 
Guddi ka kooban toban xubnood uuna mid yahay Salaad Cali jeele wasiiru dowlaha warfaafinta ayaa wada qabanqaabada lagu soo celinayo shirkaas,sababta loogu celinayo mar aan wax ka waydiiyay Wasiirka dakadaha Xasan Abshir waxa uu sheegay in ay damacsan yihiin  in ay soo bandhigaan magacyadii iyo saxiixi xubnihii labada golle ee taageeray mowqifka dowlada kana soo horjeeday go;aankii baarlamaanku ku ansaxiyay diidista ciidamo ka socday wadamada safka hore.
 
Khilaafka ku dhex jira labada golle maahan wali mid soo afjarmay wali,waxaana soo muuqanaya kala fogaansho xagga aragtida dastuurka ah,xubno saakay safar ugu soo ahaa magaalada mogadisho ayaa baaqday,waxaana la filayaa in ay arbcada ka ambabaaan magaalada Nairobi,safarkoodan baaaqday ayaa ka dambeeyay kadib markii ay deeqbixiyayaasha ka dalbadeen in ay sugaan ilaa maalinta arbada ah si loo xaliyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira labada golle ee dowladda iyo baarlamaanka xiligaas ka hor oo la filayo in wafidiga iyo madaxweynaha ay soo gaaraan magaalada Nairobi.

Kal fadhigii labaad ee looga arinsanayo arimaha maamul u samaynta gobolada jubbooyinka oo ay maanta yeesheen odayaasha beelaha  gobolka jubbada hoose iyo aqoonyahano

Kal fadhigii maanta oo ahaa kii labaad oo ay yeeshaan nabadoonada beelaha wada daga gobolada jubooyinka iyo aqoonyahanada gobolkaan ayaa waxaa uu daba socdaa shirkii dhacay dabayaaqadii bishii maarso ee looga arinsanaayay maamul u sameynta gobolada jubooyinka oo ay yeesheen saraakiisha ugu saraysa ee  isbahaysiga dooxada jubba iyo odayaal dhaqamneedyada  ka socday beelaha wada daga gobolada jubbooyinka. 

ugu yaraan kontan odayaal beeleedyo iyo aqoonayahno  ayaa kulankii maanta ka hadlay iyagoo gabi ahaantoodna qalinka ku duugay in ay soo dhoweynayaan howlahan ugubka ah islamrkaana ay dardar galinayaan sidii looga dhabayen lahaa hadafkaan ah in maamul goboleed loo simanyahay uu yeelan lahayeen gobolada ku abtirsada jubbooyinka . 

Shirkii maanta ayaa waxaa qudbado kala duwan kasoo jeediyay aqoonyahanadii iyo odoyaal dhaqameedkii halkaasi isugu yimid ayadoo uu ka dhexmuuqday ugaaska beesha sade ugaas ciise ugaas cabdule oo isagu ahaa  shirgudoonka kala fadhigii halkaa saakay lagu qabtay waxaa sidoo kale saakay shirkaas ka hadlay suldaanka beesha  gaaljecel suldaan rashiid dhure iyo waliba nabadoonka guud ee beesha jajeele xasan ibraahim warsame iyo nabdoono kale   oo ayagu dhamaantood ka mid ah beelaha wada daga gobolada jubooyinka . 

Shirkaan oo maanta ka dhacay xafiiska maamulka degmada kismaayo ayaa Intii uu socday  waxaa si weyn loogu lafa guray islamarkaana loo tagkiidiyay ka dhabayenta hadafka umada gobolada jubooyinka oo ah in ay hesho sinaan nabad iyo waliba midnimo ayadoo la isku afgartay  in sida ugu dhaqsiiyaha badan looga soo gabagabeeyo loona muujiyo dhisida maamulka. 

Maamulkaan ayaa noqonaya mid gogol xaar u ah islamarkaana  qaybka ah howl fududyenta dowlada F.D.K.MG ah ee soomaaliyeed ee la filayo in dhawaan ay ka howl gasho gudaha dalka soomaaliya. 

Hadaba ma ahan markii ugu horeysay oo ay masuuliyiinta gobolada jubooyinka u tafa xaytaan maamul u samayenta gobolkan balse ay ku fashilmeen kadib markii ay isku maandhaafeen masuuliyiinta iyo odayassha dhaqankla ee gobolkaan balse uu shirkaan u muuqdo mid shirarkii hore ka duwan lagana dhabaynayo sharuucda ay siyasiyiinta iyo odayaal dhaqameedka doonayaan in ay si hufan oga hirgaliyaan gobolada jubbooyinka taasoo wax weyn ka badali doonta hanaanka nabadeed ee gobolada jubbooyinka 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya

cabdiqadar84@hotmail.com


Wadamo islaam ah oo ka hadlay geerida Pope-ka labaad tacsina u diray.

Geerida Pope John Paulka-labaad ee xalay ku geeriyooday dalka talyaaniga kadib markii uu muddo xanuunsanaa,saamaynta uu ay dunida dadka ku nool ee haysta Madhabta katooliga ee masiixiga ku yeeshay aad looga dareemayay meelo badan oo ay mid yihiin kaniisadaha.
 
Geeridiisa oo madax badan oo dunida ahi ay u direen dhamaalo tacsi ah ayaa waxaa ka mid ahaa ,shaqsiyaad, ururo iyo madax ka soo jeeda dunida islaamka ah.
 
Madaxweynaha dalka falastiiniyiinta Maxamuud cabaas ayaa ku tilmaamay in wadaadku ka soo qayb qaatay wadahadalii bariga dhexe ee lagu dhexdhexaadinayay falastiiniyiinta iyo israa'il,sidoo kale waxa uu ku tilmaamay in uu ahaa nin ka soo horjeestay in shacabka reer falastiin aan la duudsiinin xuquudiisa.
 
Ururka Xamaas oo ka mid ah ururada islaamiga ah ee ka jira dalka falastiin ayaa wadadka u tilmaamay inuu ahaa mid nabadeed wax badana ka soo qaatay dhexdhexaadinta labada dal ee falastiin iyo isra'il,waxa ayna intaas ku dareen in uu ku baaqay in la soo celiyo xoriyadda dadka reer falastiin dagaaldana laguna dhameeyo wadahadal.
 
Madaxweynaha dalka iiraan Maxmaad Khatami ayaa tacsi u diray isagana pope john paul-ka labaad waxa uuna ku tilmaamay inuu qayb wayn ku lahaa isku soo dhawaanshaha diimaha,waxa uuna ahaa nin nabadeed oo aan dagaalka jeclayn sida hadalka loo dhigay,dalka iiraan oo ay ku nool yihiin muslimiin shiico iyo sunniyiinba ah boqolkiiba sagaashan waa muslim.
 
Wadamada kale ee tasiyadda u diray wadaadka ugu sareeyay madhabta diinta masiixiga ah oo xalay geeriyooday waxaa ka mid ah wadamo ku yaalada qaarada aasiya,wadanka indonesia ayaa ka mid ah wadamada looga dhiray tacsida,waxa ayna ku tilmaameen in uu ahaa nin nabadeed.
 
Dalka lubnaan wadaadka lagu magacaabo Aayatullah maxamad Xusen ayaa dhamaal tacsi ah u diray pope-ka labaad isagoo sheegay in wadaadka lagu xasuusto booqasho uu ku yimid masaajid ku yaala magaalada Dimish ee dalka suuriya,sanadkii 2000,waxa uu intaas ku daray in uu ahaa  shaqsi nabada jecel.
 
Wadaadka ugu sareeya diinta katooliga oo lagu magacabayay Pope John Paul-ka 2aad ayaa booqday in ka badan labaatan dal oo muslim ah,sida ay sheegayaan wararka wakaalaha ay ka qoreen maanta pope-ka.

Dalka kenya oo laga dareemay geerida wadaadkii masiixiyiinta.

 
Caadiyan Dalka kenya masiixiyiinta ku dhaqan waxa ay tagaan maalinta axada ah kaniisadaha si ay ugu cibaadaystaan,laakiin maanta waxaa laga dareemayay kasiidaha iyo meelaha kale ee ay iskugu yimaadaan masiixiyiinta niyad jab iyo hadal hayn ku aadan odayga ugu sareeya diinta masiixiga ee Pope John paul ka labaad oo xalay ku geeriyooday xarunta Vaticanka ee dalka Talyaniga.
 
Madaxweynaha dalka kenya Mwai Kibaki oo ka mid ahaa boqolaal kirishtan ah oo saakay u dareeray kaniisadaha ayaa tacsi u diray dhamaan masiixiyiinta dunida ku nool ee u barooranaya wadaadka Gaar ahaan xarunta Vaticanka,Warsaxaafadeed uu madaxweynaha saakay soo saaray ayuu ku sheegay in shabanka kenya iyo dowladdaba haystana diinta masiixiga ay aad uga tiiraanyaysan yihiin geerida Pope- iyagoo la qaybsanaya asaxaabta kale ee dunida ku nool haystana diinta masiixiga ah,
 
Waxa uu madaxweynuhu intaas ku daray in wadadku wax badan ka qabtay faafinta diinta masiixiga,Nabadana uu u ahaa horseede sida uu hadalka u dhigay,Madaxweynaha oo saakay shacabka kenya ee kirishtanka ah kala hadlaya TV-yada dalka isagoo ku sugnaa kasiinada ugu wayn magaalada Nairobi.
 
Dalka kenya waxa uu ka mid ahaa wadamada uu wadaadka soo booqday xili uu booqanayay wadamo ku yaala qaarada Afrika waxa uun soo booqday dalka kenya mudo sadex jeer ah oo sanado ay u dhexeeyeen kalana ahaa 1980-85-95,sida ay saakay qoreen wargasyada dalka kenya maanta.

BOB JON. WADAADKII KAATHOOLIGA UGU WEYNAA. 

AKTARNIMO ISU BADASHAY WADAADKA IGU WEYN KAATHOOLIGA. 

Markii loo dhiibay jagada wadaad-nimada ugu saraysa Kaathooliga 1978. Waxay da’diisu ahayd 58. jir. Waa wadadkii ugu da’da yara ee loo dhiibo jagadaas. Sidoo kale, waa markii u horeysay oo uu xilkaas qabto Wadaad aan dalka Talyaaniga u dhalan.

Bilowgii noloshiisa kuma fakarayn inuu noqdo wadaad weyn. Wuxuu jeclaa dhalinyaro-nimadiisi Banooniga iyo shaneemoyinka, wuxuu hankiisu ahaa inuu noqdo jilaa weyn. Waxayse mar qura isbadalay fakarkiisii dagaalkii labaad ee dunida, markaas oo uu sir ah ku bartay Cilmiga Laahuutka ilaa uu noqday Qasiis weyn sanadkii 1946.kii, kadibna wuxuu kamid noqday Kahanada Kaathooliga. Sanadkii 1964.tiina wuxuu noqday ninka ugu sareeya Usqufyada magaalada afraad ee wadanka Bolan. 1967.kiina wuxuu  isu badalay Kardinaal. 1978.na waxaa loo dhibay jagada ugu sareysa Mad-habta Kaathooliga. Wuxuu dhashay 1920.kii.

Intii uu xilka Boobnimda hayey 27. jeer ayuu dunada ku soo wareegay, isagoo booqday ilaa 100.wadan. oo ay kamid tahay 20.dal oo dunida Islaamka ah. Waa Boobkii ugu horeeyey ee cagihiisa dhiga Masjid ay Muslimiintu leeyihiin, waana markii uu booqday Dimishq Caasimadda Suuriya. Sidoo kale wuxuu booqday goob cibaado oo ay Yahuudu leedahay. 

Wuxuu lahaa aragtiyo u gaar ah oo ay xitaa isku khilaafeen qayb ka tirsan Culimadda Kaathooliga.  Wuxuu ahaa nin aysan jeclayn wadada isaga ku xiga,. Waxay u arkeen nin dhuminaya haybadii Kaathooliga, wuxuu dhunkada Musxafka quraanka, wuxuu booqday qabrigii Nabi Yaxye. Taasoo ka caraysiisay wadaado isaga la shaqeeya.

Wuxuu aad u taageeray Falastiiniyiinta 1981 ayuu qaabilay Hogaamiyihii Falastiin Yaasir Carafaat. Wuxuu aad u mucaaraday duulaankii Ciraaq ay xulifadu ku qaadeen. Dhinaca kale 1986. ayuu aqoon saday Dowladda Israa’il . 

YAA BADALI DOONA BOOBKA 

Intii uusan dhiman Boobku ayuu dajiyey sidii wax loo maamuli lahaa kadib marka uu geeryoodo. 22.Feb 1996. dii ayuu dhigay sharci qeexaya in Kardinaal ( Kamer-Leng) uu hago dhamaan hawlaha wakhtiga kala guurka, si’uu  udiyaariyo qaabkii lagu dooran-lahaa wadaadka loo dhiibi doona jagada uu ka dhintay.

TARTAMAYAASHA.

Ilaa iyo hadda waxaa xilkan u sharaxan Wadaado badan oo ku kala dhashay Talyaaniga. Jarmalka. Austeriya. Laatin Ameerika. Hindiya iyo Wadaado Afrikaan ah.

Yurub waxaa u taagan ilaa 5.wadaad oo u kala dhashay wadamada R/Yurub. Hindiya waxaa taagan laba wadaad. Laatiin Ameerakana waxaa taagan 4.

Musharax. Qaarada Afrikana waa hal wadaad oo kaliya.

Loolan aday ayaa ka dhexmuuqda wadaada u tartamaya iney helaan jagadaan muhimka ah. Waxay dad badani qabaan in xiligan la dooran doono wadaad ka soo jeeda Laatiin Ameerika maadama dadka Kaathooliga ah kala barkood ay halkaas ka soo jeedaan. Sidoo kale Wadaada ka soo jeeda Afrika ayaa qaba in markaan loo dhiibo iyaga. Naajeeriya wadaado u dhashay ayaa leh waa in markan Boobnimda loo dhiiba nin madow.

Faafin: SomaliTalk.com | April 3, 2005


Wasiirro Soomaali ah oo saraakiil Itoobiyaan ah la kulmay
ka akhri wararkii radio Xorriyo ee maanta...
Guji.. Apr 1

Odayaal Dhexdhexaadin ah oo Maanta Gaarey Hobyo
Odayaashaan oo saakay kasoo ambabaxay magaalada gaalkacyo ayaa waxaa ay soo mareen... Guji... April 1

Warbixin: Soomaalida Deggan Dalka Jarmalka
Socdaalkii Hassan Cookaar(Salahuddin)...
Guji... Apr 1

Koobka Ciyaaraha ee Soomaalida Norway::
Waxaa baryahan magaalada Oslo ee dalka Norway ka socday koob loogu magac daray.. Guji Apr 1

Shirkii Soomaalida Oslo Oo Guul Ku Dhammaaday
Dad tiradooda lagu qiyaasay (1700) oo soomali ah ayaa soo gaba-gabeeyey shir islaami ah oo... Guji...


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD