SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Wadada isku xirto Muqdisho iyo SH/hoose oo xayirantay maanta

  • Shir lagu yagleelayo maamul u sameynta J/hoose oo ka curtay Kismaanyo 

Hassan A.Dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu ,Somalia

Wadada isku xirto Muqdisho iyo Sh/hoose oo xayirantay maanta 

Xayiraadan ayaa timid markii ay soo bateen jidgooyada wadadaasi maalmihii la soo dhaafay waxaana ay abuuratay in gaadiidleyda ka shaqeeysata wadadaasi ay awoodi waayaan bixinta qarashka Isbaarada, taasina ay ku xanbaartay joojinta howlihii ay hayeen ee u kala gooshida Gobolada Banaadir iyo SH/hoose. 

Xayiranka ku yimid wadadaasi ayaa waxaa uu sababay in dhamaan magaalada muqdisho aan la keenin waxyaabihii gobolka sh/hoose uga imaan jiray sida Caanaha, Qudaarta iyo guud ahaanba saricii beeraha . 

Inta u dhaxeysa Muqdisho ilaa Afgooye waxaa yaala ilaa 12 Isbaaro oo ay joogaan dableey hubaysan oo qaata halkii gaari oo ah nooca loo yaqaano Caasiga adduun dhan 500,000sh/s maalintiiba . 

Dableeydan sameysatay goobaha jidgooyada ayaa lagu waramayaa in badankood ay ka kala amar qaataan qaar ka mida ganasatada magaalada muqdisho,iyadoo la sheego in ganacsatada aysan ka soo gelin wax lacag ah balse ay ugu talagaleen in dableeydaa ay xaalad ugu abuuraan si ay u badbaadiyaan hubkooda oo isugu dhafan mid culus iyo kuwo fudud intaba. 

Xayiraadaan oo ka careysiisay dad badan ayaa haddana Isbaheysiga SNA garabka Caato waxaa ay sheegeen inaysan u dulqaadan doonin culeyska ku yimid isusocodka muqdisho iyo SH/hoose,waxayna sheegeen in dhamaan Isbaarooyinkaas ay cagta marin doonaan.

Isbaheysiga SNA ee ka amarqaata wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta Cusmaan Xasan cali Caato ayaa ballanqaadkan waxa ay ka sheegeen xilli maanta ay la kulmeen qaar ka mida xildhibaanadii maalmahanba ku sugnaa magaalada muqdisho. 

Ma ahan markii ugu horeeysay ee ay xiranto wadadani hase ahaatee laba sanno ka hor ayaa waxaa isu taagay nadiifinta wadadaasi maxkamado Islaami ah iyo xubno ka tirsanaa Ciidamaddii qalabka siday.

Shir lagu yagleelayo maamul u sameynta J/hoose oo ka curtay Kismaanyo 

Shir ay ka qeyb gelayeen Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ku sugan G/J/hoose ayaa maanta ka bilawday magaalada kismaanyo,kaasi oo looga arinsanayo talaabada ay isbaheysiga dooxada jubba ay ku doonayaan maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka. 

Doodii ugu horeysay ee kulanka maanta ayaa lagu lafa guray sida ay meel mar u noqon karto maamul u sameynta jubbooyinka iyo weliba sida wax looga qaban lahaa arimaha la xiriira amaanka. 

Isbedelkaan lagu baadigoobayo maamul u sameynta gobolka ayaa ahaa mid in door ahba soo jiitameysay,sida wararku ay sheegayaan xilligan meelmarinta arintaan in  ay isu taageen Aqoonyahanada,cullima`uddiinka,siyaasiyiinta ku abtirsada jubbooyinka. 

Wararka ayaa intaas ku daraya in meelmarinta maamul u sameynta jubooyinka ay isku waafaqeen nabadoonada beelaha iyo dadka wada dega halkaasi. 

Dadka ku dhaqan kismaanyo iyo nawaaxigeeda ayaa niyadsami ka muujiyay isbedelkan cusub ee la doonayo in laga yagleelo goboladaasi ma ahan markii ugu horeeysay ee gobolo ka tirsan soomaliya ay isu taagaan sameynta maamul iyaga u gaar ah. 

Hassan A.Dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu ,Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | April 3, 2005


Wasiirro Soomaali ah oo saraakiil Itoobiyaan ah la kulmay
ka akhri wararkii radio Xorriyo ee maanta...
Guji.. Apr 1

Odayaal Dhexdhexaadin ah oo Maanta Gaarey Hobyo
Odayaashaan oo saakay kasoo ambabaxay magaalada gaalkacyo ayaa waxaa ay soo mareen... Guji... April 1

Warbixin: Soomaalida Deggan Dalka Jarmalka
Socdaalkii Hassan Cookaar(Salahuddin)...
Guji... Apr 1

Koobka Ciyaaraha ee Soomaalida Norway::
Waxaa baryahan magaalada Oslo ee dalka Norway ka socday koob loogu magac daray.. Guji Apr 1

Shirkii Soomaalida Oslo Oo Guul Ku Dhammaaday
Dad tiradooda lagu qiyaasay (1700) oo soomali ah ayaa soo gaba-gabeeyey shir islaami ah oo... Guji...


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD