SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • LABO NIN OO MAANTA LAGU DILAY KOOFURTA MAGAALADA GALKACYO.
  • Roobab ma hiigaan ah oo gayestay Khasaaro naf iyo maal leh oo afar iyo labaatankii saac ee ugu danbaysay ka dayaya magaalada kismaayo iyo deegaanada ku xeeran

LABO NIN OO MAANTA LAGU DILAY KOOFURTA MAGAALADA GALKACYO.

Galkacyo; (Somalitalk)

Sabti: 30/04/05

Waxaa maanta goor duhurkii ah lagudilay koofurta magaalada Galakcyo labo nin oo midkood ahaa nin watay gaari xamuulka qaada oo doonayay in uu u soo gudbo dhinaca waqooyiga ee magaalada galkacyo ninkan oo kujiray gaarigii uu watay kadib rasaas ooda uu uga furay nin kale, halka kankalana ay rasaasta ugudubtay asagoo taagan meel aan gaariga kafogayn.

Dilka labadan nin ayaa la sheegayaa in ay dileen beel kamida labadii beelood ee kudagaalamayay gobolada mudug iyo galgaduud, balse dilkan maanta aygaysteen beesha kasoo jeeda dhanka galgaduud, waxaa sidoo kale laxaqiijinayaa in dilkan uu kulug leeyahay dagaalkii kadhacay 11,Apriil, 05, ee bishan horaanteeda.

Ilaa iyo haatan majirto cid gacanta ku soo dhigtay gacankudhiiglihii gaystay falka dalka ah ayadoo lasheegayo in uu markiiba baxsaday.

Sahro Sheekh | SomaliTalk | Galkacyo | sahrosiglan@hotmail.com

Roobab ma hiigaan ah oo gayestay Khasaaro naf iyo maal leh oo afar iyo labaatankii saac ee ugu danbaysay ka dayaya magaalada kismaayo iyo deegaanada ku xeeran

Roobabkaan ayaa waxa ay bilowdeen shalay galinkii hore ayagoo ka day meelo badan oo ka tirsan gobolka jubbada hoose gaar ahaan magaalada kismaayo ayaa waxa ay gayesteen khasaaro isugu jira naf iyo maal roobkan oo si aad ah u biyo dhigay laamiyada magaalada islamrkaana hakad galiayay isusocodka gaadiidka b.l ka ee u kala goosha gudaha magaalada kismaayo.


Sawirka maanta (Apr 30) laga qaaday daadka | Kismaayo

Intii ay da ayeen roobabkaan ayaa waxa ay dumiyeen ugu yaraan lix guri ayadoo ay barakac u gayesteen dad aad u fara badan oo ku dhaqan magaalada kismaayo oo ay ugu badnaayeen dadka ku jira xeryaha qaxootiyada ee magaalada kismaayo oo aan haysan hoy iyo gabaad ay ka galaan roobabaka guga ee sida lixaadka leh oga curtay gobolada jubooyinka . 

Roobabkaan oo yimid xili ay u baahnaayeen dad iyo duunyo islamarkaana ay qaylo dhaan xoogan oo ku saabsan daaq iyo biyo la aan ay kasoo yeeraysay dadka ku dhaqan miyiga gobolada jubbooyinka ayaa haatan si wacan ugu diirsaday robkaan.

 
Sawirka maanta (Apr 30) laga qaaday daadka | Kismaayo

Dhanka kale hal qof ayaa dhintay mid kalana waa uu dhaawacmay kadib markii shalay maqribnimadii ay jac ama wiriq ay ku dhacday deegaanka jamaame ee ka tirsan gobolka jubbada hoose ayadoo lasheegayo marka ay nimankaan ay jacda ku dhacayso ay ku sugnaayeen meel dhowr KM u jirta magaalada in ay ku sugaanayeen balse haatan la sheegayo in xaaladiisa caafimaad ay roontay qofkii uu dhaawaca shalay halkaa ka soo gaaray kii kalena lagu xabaalay isla magaaladaas. 

Sidoo kale waxa maanta istaagey dhamaanba rarkii laga gaadiyay baaburta xamulka ah ee isaga kala gooshta gobolda dalka ee inta badan raashinka iyo bagaashka ka qaada dakada magaalada kismaayo ayadoo ay la sheegayo in ay dhamaanba xirmeen wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa magaalada kisaayo roobka oo si xoog ah u biyo dhigay radaadeed.

Cabdiqadar Nuur Maxamed "filipiin"  | SomaliTalk | Kismaayo
cabdiqadar84@hotmail.com ama cabdiqadar@somalitalk.com

Booqashada R/Wasaaraha Soomaaliya uu Ku Joogo Xamar
Afhayeenka DFKMG ayaa  sheegay in uu Prof. Geedi Bilaawey Kulamadii wada tashiga uu la yeelanayey... Guji.. Apr 30

Dadkii ka badbaaday Doonta iyo Dhaawacii iyo Dhimashadii oo la keenay Boosaaso
Tirada dadka ka soo badbaadey doontii ku degtey Badda Cas ee la keenay Boosaaso waa 89 qof..
Warbixin & Sawiro

 

Faafin: SomaliTalk.com | April 30, 2005


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD