SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Booqashada R/Wasaarha Soomaaliya uu Ku Joogo Xamar
  • Sidee u arkaan Xubnaha Baarlamaanka ee ku Sugan Nairobi Wafdigii uu Hoggaaminayey Ra段isul wasaaraha Soomaaliya ee Shalay Gaaray Muqdisho? 

Booqashada R/Wasaaraha Soomaaliya uu Ku Joogo Xamar
Warbixintii: Abdikarim Aden Hussein.

War-1-30,April,2005,Muqdishu.

Somali Prime Minister Ali Mohamed GhediKumanaan qof oo Somaali ah ayaa garoonka dayuuraradaha ee N0-50 gobalka shabeelada Hoose ku soo dhaweyey Raisulwasaaraha Xukumada federaalaka kmg ee Soomaaliya Muddane Cali Maxamed Geedi iyo wafdigii uu hogaaminayey shalay 2-Duhurnimo. wadiga uu hogaamionayey raisul wasaaraha ayaa ku wehilya xubno ka tirsan Beesha Caalamka,qaar ahaan Midawga Afrika,Carabta iyo IGAD.

Dadweynaha ayaa sitay caleemo qoyan iyo boorar ku qornaa ``Raisuwasaare Dawlad ayaan rabnaa ku soo dhawow Muqdisho caasimada Dalka,dadweynaha ayaa si goos goos ah u safnaa dhinacyada wadooyinka laga soo bilaabo garoonka N0-50 ilamaa hotelka Ramaadan.

Raisulwasaaraha markii uu ka soo degay garoonka ayaa Bandada Boliiiska u garaacdey muusik soo dhaweyn ah,ka dib waxaa uu halkaasi ku salaamey xubnihii labada gole iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee ururada bulshada oo ku sugnaa Garoonka dayuuraha ee N0-50,isagoo salaan sharaf ka qaatey Ciidamada qalabka sida gaar ahaan xoog Dalka Soomaaliyeed iyo Boliiska.

70-gaari teknikada hubka culus qaada ayaa adkeeyey amaanka Garoonka oo ay si wadajir isaga kaashadeen Ciidamaha labada Gobol ee Banaadir iyo shabelada hoose. Raisulwasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi ayaa Markiiba si toos ah u tagey Dhismihii Xaruntii Xisbiga hore ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo uu Raisulwasaaraha hadalo mahad celin uga jeediyey dhamaan dadkii halkaasi ku sugnaa oo u sheegay inuu kula hadli doono barxad weyn oo fakaaraha,waxa kale uu Raisulwasaaraha sheegay in dadweynaha Magaalada Muqdishu u baahan yihiin Dawlad. Afhayeenka Dawlada Federaalka ee Soomaaliya Cabdirahmaan Dinari ayaa ii sheegay in Raisulwasaare geedi Bilaawey Kulamadii wada tashiga uu la yeelanayey qaybaha kala duwan ee bulshada sida Culumaa'u diinka ,Cuqaasha ,Aqoon yahanka iyo haweenka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Raisulwasaare Cali Maxamed Geedi ayaa Maalmaha uu joogo la kulmi Doona Xubnaha Labada gole ee Baarlamaanka iyo Golaha Shacabka ee ku sugan Magaalada Muqdisho. Dhamaad.

Abdikarim Aden Hussein.
Ramadaan Hotel,Muqdishu.
abdikarimhussein@hotmail.com


Waraysi: Wasiirka Deegaanka ee DFKMG... GUJI...


Sidee u arkaan Xubnaha Baarlamaanka ee ku SuganNairobi Wafdigii uu Hoggaaminayey Ra段isul wasaaraha Soomaaliya ee Shalay Gaaray Muqdisho? 

Wafdigii uu Hoggaaminayey Ra段isul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa Shalay Markii uguhoreeysay gaaray Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. 

Wafdiga  waxaa ka mid ahaa Safiiro ka socda Jaamacada Carabta Midoowga Afrika iyo Sadex wadan oo ka Tirsan IGAD oo kalla ah Kenya, Jabuti, Ugandha Wafdiga ayaa si wanaagsan oo aan hore loo arag loogu soo dhaweeyay Caasimada Muqdisho. 

Xubnaha Xidhibaanada Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa si wanaagsan u soo dhaweeyay Booqashada Wafdigii uu Hoggaaminayey Ra段isul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Gedi. 

Iyaga oo sheegayy in aytahay Horumar laga Gaaray isku keenida Xaga Fikirka ee hore u gu dhaxeeyay Xubnaha labada golle ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya waxaa kaloo Amuurtan soo dhaweeyay Beesha Caalamka. 

Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ku Sugan Nairobi ayaa Amuurtan ku tilmaamay guul laga gaaray is fahamka Xukuumada isaga oo intaa ku daray in ay Doowladahooda kalla Hadli doonaan in ay TaageeraanXukuumada Soomaalida. 

Booqashada Wafdigii uu Hoggaaminayey Ra段isul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi waxa ay Astaan u tahay Arimo ay ka mid yihiin. 

1-     In Muqisho Tahay Goob Xasilan ayna ka howlgali karto Xukuumada Federaalka Soomaaliya

2-     In Muqdisho ay joogi karaan dad xaga Afkaarta aan ka midaysnayn isla markaana ka doodi kara Afkaarahoodaa kale gadisan oo aysan cidina cida kale I soo raac ku qasbi karin

3-     In Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Muqishu uu bisilyihiin una oomanyihiin Dowlada wax ka qabata Caqabadaha ay ka dhaxleen Dagaalada Sokeeye.

4-     Waxaa kaloo Amuurtani keentay in Safiirada iyo Dibulumaasiyiinta la Socday Prof Cali Maxamed Geedi indhahooda ku arkaan Xaalada Amaan ee Muqdisho

 Magaalada Muqdisho ee Xarunta u ah Soomaaliya waxaa hore  ubooqday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan iyadoo iminkana ay ku sugnaayeen Booqashada Geedi ka hor Xubno ka tirsan labada golle oo kor u dhaafaya 100 Xidhibaan.

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya-Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com

Shan Qof ayaa Ku Dhintay Doon Ku Degtey Badda Soomaaliya
89 qof oo doonta laga soo badbaadiyey & 41 la la'yahay
Ra'iisul Wasaare Geedi oo tegey caasimada Soomaaliya
Masjid weyn oo laga dhisay Magaalada Muqdisho
Wararka oo dhan ka khri halkan.. Guji..

Faafin: SomaliTalk.com | April 30, 2005


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD