SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Kulan dhexmaray Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Xildhibaanada ku sugan magaalada muqdisho
  • Madaxwaynaha & Rasulwasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed & Prof Cali Maxamed Geedi ayaa Booqday Wabiga Sanaaciga ah ee Liibiya.. 

Kulan dhexmaray Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Xildhibaanada ku sugan magaalada muqdisho

Muqdisho (April 2, 2005): Kulankan oo ah kii 1aad ee noociisa ah ee ay yeeshaan xubnaha baarlamaanka iyo sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa ay iskula soo qaadeen arimaha la xiriira amaanka magaalada muqdisho iyo ciidamada shisheeye. 

Sheekh xasan oo saxaafada u waramayay ayaa sheegay in ay isku aragti  ka noqdeen mudanayaasha baarlamaanka  hanaanka ay mareeyso siyaasadda guud ee dalka.

Kulanka galabta ay xildhibaanadu la yeesheen Sheekh Xasan Daahir ayaa waxaa uu qeyb ka yahay kulamo dhowr ah oo ay la yeelanayeen qeybaha kaladuwan ee bulshada ku dhaqan G/Banaadir sida ganacsatada ,siyaasiyiinta, ciidamada iyo ururada bulshada rayidka ah. 

Sheekh Xasan Daahir waxaa uu ka mid yahay cullima `udiinka soomaaliyeed islamarkaana waxaa la sheegaa inuu ka mid yahay aasasayaashii maxkamadaha islaamiga ee ka jira magaalada muqdisho iyo weliba qaar ka tirsan gobolada dalka. 

Wuxuuna ka mid yahay cullimada sida weyn uga soo horjeesatay ciidamo shisheeye oo dalka la keeno si ay u sugaan nabadda iyo kala danbeeynta gaarahaana dowladaha safka oo uu marar badan ku celceliyay in dalka iyo dadkaba qabsanayaan,iyadoo uu ku dhawaaqay si aan leexleexad laheyna uu u shaaciyay inuu la jihaadayo ciidamada dowladaha safka hore gaarahaan waddanka Ethiopia haddii ay dhulka soomaaliya cag soo dhigaan.

Hassan A.Dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu,somalia


Madaxwaynaha & Rasulwasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed & Prof Cali Maxamed Geedi ayaa Booqday Wabiga Sanaaciga ah ee Liibiya.. 

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya_Nairobi
Axmeddheere65@hotmail.com  | April 2, 2005

Wafdiga Madaxwaynaha Soomaaliya uuna ka mid yahay Rasulwasaaraha Xukuumada Federaalka Prof Cali Maxamed Geedi, ku xigeenada Wasiirka Koowaad Maaliyada& Arimaha Gudaha& Dibada iyo Afayeenka Xukuumada Dr C/rixmaanNuur Diinaari& Xuseen Ceelaabe Faahiye.

Madaxweynaha Liibiya oo La Kulmay Waftiga DFKMG
Madaxwaynaha & Raysulwasaaraha Soomaaliya iyo waftigoodii ayaa Madaxtooyada Liibiya kula Kulmay... Guji Mar 31

Waftiga DFKMG oo Booqday Magaalada Sabarata, Liibiya
»Prof. Geeddi oo Booqday Idaacadda Codka Afrika
»Cabsi soo wajahday
Warka oo dhan ka akhri halkan...  Mar 29

Wafdigan ayaa maalmihii nasoo dhaafay ku Joogay Booqasho Shaqo Jamaahiiriyada Liibiya iyaga oo kulamo kalla duwan la wadaagay Madaxwaynaha Jamaahiiriyada Liibiya Asayid Mucamar Al Qadaafi.

Waxaa kaloo ay Booqasho ku Tageen Magaalada Taariikhga ah ee Sabaraata iyagoo halkaa kula kulmay Saraakiil ka tirsan Xukuumada  Mucamar Al Qadaafi wafdiga, waxana Madaxwaynaha Soomaaliya iyo waftigiisa ee Jooga Liibaya ay Maanta Booqdeen Wabiga Sanaaciga ah ee Liibaya.

Wabiga ayaa Madaxwaynaha Liibiya Mucamar Al Qadaafi Suuro galiyay iyadoo la sheegayo in ay ku baxday ku dhawaad 20 Bilyan oo lacagta Maraykanka ah wabiga waxaa ka faa iidaysta Beeralayda saxaaraha, 

Wafdiga Madaxwaynaha ayaa halkaa lagu siiyay warbixino ku saabsan Wabigaa Sanaaciga ah iyo sida uu ku shaqeeyo iyo inta Dad ee ka faa iidaysata Maalinkii, waxaa kaloo wafdiga Madaxwaynaha ay iyagun dhiibeen Warbixin ku saabsan Xukuumada Soomaaliya.

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 2, 2005


Wasiirro Soomaali ah oo saraakiil Itoobiyaan ah la kulmay
ka akhri wararkii radio Xorriyo ee maanta...
Guji.. Apr 1

Odayaal Dhexdhexaadin ah oo Maanta Gaarey Hobyo
Odayaashaan oo saakay kasoo ambabaxay magaalada gaalkacyo ayaa waxaa ay soo mareen... Guji... April 1

Warbixin: Soomaalida Deggan Dalka Jarmalka
Socdaalkii Hassan Cookaar(Salahuddin)...
Guji... Apr 1

Koobka Ciyaaraha ee Soomaalida Norway::
Waxaa baryahan magaalada Oslo ee dalka Norway ka socday koob loogu magac daray.. Guji Apr 1

Shirkii Soomaalida Oslo Oo Guul Ku Dhammaaday
Dad tiradooda lagu qiyaasay (1700) oo soomali ah ayaa soo gaba-gabeeyey shir islaami ah oo... Guji...


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD