SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO
Barnaamijka Radio Xoriyo wuxuu caawa ka kooban yahay qodobadan soo socda
  • Xukuumadda Itoobiya oo caydhisay khubaro Maraykan ah.
  • Safiirkii Israa?iil u fadhiyay Itoobiya oo la dhaawacay.
  • Wasiirro ka tirsan DFKMG ee soomaaliya oo saraakiil itoobiyaan ah la kulmay.
  • Miinada dhulka lagu aaso oo wali dhibaato badan ku haysa Eritereya.
  • Waraysi aanu la yeelanay masuul ka tirsan jaaliyadda Ogadenya ee wadanka Denmark.

==============================

Xukuumadda Itoobiya oo caydhisay khubaro Maraykan ah

Xukuumadda Addis Ababa ayaa arbacadii amar ku siisay seddex urur oo Maraykan ah oo fidinta dimuqraadiyada ka shaqeeya inay Itoobiya 48 saacadood kudahood kaga baxaan. Ururradan oo lagu kala magacaabo The National Democratic Institute, the International Republic Institute iyo weliba Ururka magiciisa loo soo gaabiyo IFES, waxay Itoobiya u joogeen inay ka caawiyaan hab-sami u socodsiinta hawlaha doorashooyinka Itoobiya ka dhici doonta 15 May.

Shaqaalaha ajnabiga ah ee seddexdan urur oo dhan ayaa arbacadii looga yeedhay wasaarada arrimaha dibada ee xukuumadda Addis Ababa, ka dibna waxaa amar lagu siiyay inay labo maalmood gudohood dalka kaga baxaan.

Madaxda taliska Addis Ababa ayaa sheegay in uruurradan dalka looga caydhiiyay rukhsad la?aan darteed, hase yeeshee ururradan ayaa sheegay inay mar hore rukhsado dalbadeen.

Mid ka mid ah shaqaalaha ururradan ayaa rumaysan in caydhinta Itoobiya laga soo caydhiyay ay la xidhiidho canbaarayntii ay dawlada Maraykanku dhawaan ku canbaaraysay xukuumadda Addis Ababa ku xadgudubka xuquuqda aadanaha.

Warbixin xuquuqul insaanka ku saabsan oo Maraykanku soo saaray horraantii sannadkan ayaa si wayn loogu canbaareeyay xukuumadda Addis Ababa, iyadoo lagu eedeeyay in ciidamdeedu ay sanadkii 2004 gaysteen denbiyada ay ka midka yihiin dad rayad ah oo si sharci darro ah loo dilay, dad siyaasad ahaan loo dilay, dad la garaacay, kuwo la jidhdilay iyo kuwo loo xidhay si aan sharciga waafaqsanayn.

Maraykanka ayaa sidoo kale xukuumadda Itoobiya ku eedeeyay inay qaqabato oo xabsiga ku hayso dadka rayadka ah, gaar ahaan dadka lagu tuhmo inay taageersan yihiin Ururka ONLF iyo Ururka Oromada ee OLF, kuwaasoo xabsiga la iskaga hayo iyadoon wax maxkamad ah la horkeenin. Waxay warbixintu sheegtay in kumanaan rayad ah xabsiyada lagu hayo iyagoon maxkamad la saarin.

Safiirkii Israa'iil u fadhiyay Itoobiya oo la dhaawacay


Safiirkii dalka Israa?iil u fadhiyay Itoobiya ayaa dhaawiciisa laga helay huteelka Hilton ee magaalada Addis Ababa, isagoo madaxa xabbadi kaga taallo. Arbacadii ayaa safiirka dhaawiciisa laga helay qolkii uu huteelka ka hurday, waxaana dhawiciisa diyaarad loogu qaaday dalka Israa?iil.

Booliska Itoobiya iyo W/arimaha dibada ee dalka Israa?iil ayaa wada sheegay in dhaawaca safiirka aan argagixiso lala xidhiidhin karin. Booliska xukuumadda Itoobiyana wuxuu sheegay in safiirku uu doonayay inuu is-dilo.

Raadyaha Israa?iil ayaa isaguna sheegay in safiirka dhawaan lagu sheegay cudurka dilaaga ah ee kansarka, sidaas darteed uu doonayay inuu is-dilo, hase yeeshee xukuumadda Israa?iil ayaa magaalada Addis Ababa u soo dirtay labo denbi baadhe oo baadhis ku samayn doono sidii ay arrintu u dhacday.

Safiirkan dhaawiciisa la helay wuxuu Itoobiya safiir ka ahaa muddo seddex sano ah. Xukuumadaha Itoobiya iyo Israa?iil waxay leeyihiin xidhiidh diblumaasi oo aad u sarreeya, waxayna Israa?iil ka caawisaa xukuumadda Addis Ababa arrimo badan oo dhinaca amniga iyo millatariga la xidhiidha.

Wasiirro Soomaali ah oo saraakiil Itoobiyaan ah la kulmay

Xubno ka tirsan wasiirrada dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ayaa kulamo kala duwan kula yeeshay saraakiil itoobiyaan ah magaalada Ceel Barde, kuwaasoo ay kala hadlayeenn sidii ay Itoobiya uga caawin lahayd qabsashada magaalada Baydhabo oo dhawaan laga soo saaray maleeshiyooyinka taabacsan.

Xubnaha dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ka tirsan ee saraakiisha itoobiyaanka ah la shiraya waxaa ka mid ah kornayl Shaati Guduud, Sheekh Aadan Madoobe, Cabdalla Deeroow iyo Ibraahim Kiish-buur, oo dhammaantood wasiirro ka ah dawladii Soomaaliya ee dhawaan lagu soo sameeyay dalka Kenya.

Xubnahan ayaa khamiistii dib ugu soo noqday magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool, ka dib markii ay kulamo dhawr ah la yeesheen saraakiisha Itoobiya. Lama sheegin wixii ay ku heshiiyeen, hase yeeshee waxay taageero u raadsanayaan sidii ay mar kale u qabsan lahaayeen magaalada Baydhabo oo malleeshiyada taabacsan Maxamed Ibrahim Xaabsade ay dhawaan gacanta ku dhigtay.

Xubnahan la shiray saraakiisha itoobiyaanka ah ayaa diiday inay Itoobiya taageero ka dalbanayaan mar arrintaas la waydiiyay markii ay ka soo baxayeen dalak Kenya. Kooxdan ayaa ku gacan saydhay waan-waan ay wadeen madax dhaqameedyada deegaannadaas oo doonayay in nabadgelyo lagu dhammeeyo khilaafka u dhexeeya Xaabsade iyo kooxdan.

Dhinaca kale xukuumadda Itoobiya ayaa wali ku adkaysanaysa in ciidammadeedu ka mid noqodaan ciidammada nabad ilaalinta loo keenayo dalka Soomaaliya, waxayna sheegtay inayna ku qanacsanayn go?aankii dhawaan ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu diiday in ciidamo itoobiyaan ah la keeno dalka Soomaaliya.

Miinada dhulkalagu aaso oo wali dhibaato badan ku haysa Eritereya

Dadwaynaha Eritereya ee ku dhaqan dhulka ku dhaw xadka u dhexeeya Eritereya iyo Itoobiya ayaa wali dhibaato badani ka haysataa miinadii dhulka lagu aasay markii dagaalku dhex maray Eritereya iyo Itoobiya sannadihii 1998-2000.

Dadwaynahan ayaa ka cabanaya inay dagaalkaas ku waayeen hantidoodii iyo beerohoodii ku yaallay dhulka xuduudda ku dhaw oo la miineeyay. Waxay kaloo dhibaato wayni soo gaadhay dadkii ku dhaqnaa dhulka 25 kiiloo mitir ah ee lama dagaanka laga dhigay markii la gaadhay heshiiskii lagu joojiyay dagaalkii labada dhinac u dhexeeyay.

Eritereya iyo Itoobiya oo labo sano dagaalamayay ayaa dagaaladaas iskaga dilay in ka badan 70,000 oo qof, hase yeeshee in kastoo dagaalkaasi uu joogsaday haddana waxay dhibaatada ugu badani ka taagan tahay miinadii dhulka lagu aasay ee aan wali qarxin.

Radio Xoriyo

01 Apr. 2005
C/nuur Sh. Mohamed
radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | April 2, 2005


Odayaal Dhexdhexaadin ah oo Maanta Gaarey Hobyo
Odayaashaan oo saakay kasoo ambabaxay magaalada gaalkacyo ayaa waxaa ay soo mareen... Guji... April 1

Warbixin: Soomaalida Deggan Dalka Jarmalka
Socdaalkii Hassan Cookaar(Salahuddin)...
Guji... Apr 1

Koobka Ciyaaraha ee Soomaalida Norway::
Waxaa baryahan magaalada Oslo ee dalka Norway ka socday koob loogu magac daray.. Guji Apr 1

Shirkii Soomaalida Oslo Oo Guul Ku Dhammaaday
Dad tiradooda lagu qiyaasay (1700) oo soomali ah ayaa soo gaba-gabeeyey shir islaami ah oo... Guji...


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD