SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Shan Qof ayaa Ku Dhintay Doon Ku Degtey Badda Soomaaliya
  • Wafdi Ballaaran oo uu Horkacayo R/wasaare Geedi oo soo gaaray Muqdisho
  • Masjid ay markiiba ku tukan karaan illaa 2500 oo qofood oo laga furay agagaarka warshadda cusub ee coca-cola oo ku taala magaalada muqdisho.
Shan Qof ayaa Ku Dhintay Doon Ku Degtey Badda Soomaaliya

Warar laga soo xigtey militariga Maraykanka ee gaaf wareega xeebaha badda cas ayaa sheegay in shan qof ay dhinteen, islamarkaasna aan la la'yahay 41 qof, kaddib markii ay doon ku degtey baadda Soomaaliya maanta oo Jimce ah (April 29, 2005). Waxaana doontaas laga badbaadiyey siddeetan iyo sagaal qof. waxaana dadkaas doonta ka daad gureeyey maraakiibta Jarmalka iyo kuwa Maraykanka ee jooga badda cas.

Waxaa la sheegay in doontaas (dhow) ay saarnaayeen 135 qof.

Galabnimadii Jimcada ayaa markabka Jarmalka ee loo yaqaan "FGS Karlsruhe" iyo markabka Maraykanka ee loo yaqaan "USS Firebolt" ee ku sugan badda u dhexaysa Yemen iyo Soomaaliya, waxay arkeen doon biyaha kusii qaraqmeysa oo aan u jawaabayn baaqa markabka Jarmalka.

Markabka "Firebolt" iyo markabka kale ee "USS Typhoon" ayaa dadkii ka soo guray doontii marka ay degtey. Waxaana badda laga soo saaray shan qof oo meyd ah. 84 kamid ah 89kii qof ee badbaadey waxaa lagu wareejiyey markabka kale ee Maraykanka ee loo yaqaan "Normandy" halka shanta qof ee kale ay aad u dhaawacmeen oo si degdeg ah loo qaaday.

Meesha ay doontani ka timid, iyo sabata ay u socotey weli lama sheegin. Dadka kale ee weli badda ku maqana sidii loo badbaadin lahaa ayaa lagu raad joogey.

Isha: AP | Tarjumadii SomaliTalk.com | April 29, 2005


Dhegeyso Nadwadii Boosaaso.. GUJI...

Wafdi Ballaaran oo uu Horkacayo R/wasaare Geedi oo soo gaaray Muqdisho 

Wafdigan oo ka kooban mudanaayaal ku jira labada gole ee dowladda fedaraalka KMG ah, madax kakala socota IGAD, jaamacadda carabta iyo midowga afrika  ayaa maantay  abbaarihii labadii duhurnimo waxaa ay ka soo degeen garoonka dayuuraduhu ay cago dhigtaan ee lambar.50 oo ku yaalla gobolka sh/hoose.

Soo dhaweyntii maanta loo sameeynayay wafdiga uu hoggaaminayo R/wasaaraha ayaa waxaa kaalinta ugu ballaaran qaadanayay ururrada bulshada rayidka ah iyo dadweyna aad ufara badan oo ka kala yimid gobolada sh/hoose, sh/dhexe iyo banaadir. 

Dhinaca ammaank ayaa iyaguna waxaa muuqanayay in illaa kolonyo ah gawaarida dagaalka ah sugayeen amniga goobta uu wafdigu ka soo degayay, inta badanna sugida amniga waxaa u xilsaarnaa guddoomiyaha gobolka sh/hoose shiikh yuusuf indhacadde. 

R/wasaaraha ayaaney usuurto gelin inuu garoonka kula hadlo dadwenaha amaba uu gacan qaado mas'uuliyiintii  kusugaysay garoonka illaa saakay sideeddii subaxnimo taasoo loo aaneynayo xammaasad  markii uu soo degay R/wasaaraha lumisay deganaanshihii garoonka nom.50. 

R/wasaaraha ayaa la sheegay inuu gaari doono  saacadaha soo socda (waa marki aan warkan qoraynay'e) xaruntii hore ee xisbigii XHKS oo hada ah xarunta golaha baarlamaanka halkaasoo illaa saakayba ay taagnaayeen dadwene farabadan oo diyaar u ah soo dhaweynta wafdiga iyadoo kulaylka qorraxduna uu yahay mid aad u daran, sidoo kale waxaa  la sheegay in wafdigu ay degi doonaan hotel ramadaan oo ku yaalla dhinaca waqooyiga muqdisho. 

Wafdiga ayaan la xaqiijin muddada ay joogi doonaan muqdisho balse warar ayaa tibaaxaya muddo labo cisho ah oo ay ug kuurgelayaan xaaladda amniga muqdisho.


Waa Nadwo Kusaabsan Caqiiqada..... GUJI...

Masjid ay markiiba ku tukan karaan illaa 2500,oo qofood ayaa maanta laga furay agagaarka warshadda cusub ee coca-cola oo ku taala magaalada muqdisho.

 Masaajidkan oo loogu magacaabay Umul mu,miniin Caa,isha bintu Abuubakar ayaa dhismahiisu wuxuu soconayay in ka badan labo sannadood,waxaana hadda oo ladhammeeyay howlihiisii oo dhan mar qura ku wada tukan karta tiro dad ah oo gaareysa illaa 2500 oo ruux, masjidkan oo ay maanta u,aheyd markii ugu horreysay ee salaad jameeco ah lagu tukado ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dadka deegaanka uu masjidku ku yaallo ee xaafadda juungal kuwaasoo salaaddii jimcaha ee maanta halkaas ku tukaday. 

Furitaankii masjidkan ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeybgalay culumaa'udiin waaweyn oo caan ka ah magaaladan xamar. 

Cabdullaahi Diiriye Abti-doon oo kamid ah howlwadeenada masaajidkaas ayaa innoo caddeeyay inuu masjidkani kaalin weyn ka qaadan doono xoojinta kitaabka Alle iyadoo waliba inuu leeyahay masjidku qeybo ardayda lagu bari doono culuunta islaamka,inkastoo uu sheekhu ka gaabsaday cidda maalgelisay hirgelinta masjidkan weyn.

Waxaa warkan soo tebiyey
MUUSE MAXAMUUD JISOW

Xildhibaan Jini Boqor: "waa wax lagu farxo in Prof Geedi Booqdo Muqdisho.."
»Nairobi: Xubnaha BFKMG oo soo dhoweeyey safarka Geedi
»Wafti british ah oo booqday Somaliland...
Warka oo dhan ka akhri halkan...

Faafin: SomaliTalk.com | April 29, 2005


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD