SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

29 Apr. 2005 

  • Hanbalyadii ay Jaaliyadaha Ogaadeenya u dirayeen ciidammada Xoreynta

  • Ogadeniya  oo wali socda. 

  • Khasaarihii  daadadka oo soo kordhay. 

  • Ciidammo Itoobiyaan ah oo la soo dhoobay dhinaca koonfureed ee Soomaaliya.

 ======================

Hanbalyadii ay Jaaliyadaha Ogaadeenya u dirayeen ciidammada Xoreynta Ogadeniya  oo wali socda.


Jaaliyadaha Ogaadeenya ee dalalka kala duwan ee adduunka ku kala yaalla ayaa toddobaadyadii u denbeeyay waday shirar ay uga dan-leeyihiin inay ku xoojiyaan halganka hubaysan ee lagaga soo horjeedo gumaysiga Itoobiya. Waxay kaloo Jaaliyaduhu hanbalyo u gudbinayeen ciidammada xoreynta Ogaadeenya ee guusha wayn ka soo dheelmay ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo sida ay ugu guulaysteen Hawlgalkii Mandad. 

Haddaba waxaa goor dhawayd na soo gaadhay qaar ka mid ah hambalyooyinkii ay Jaaliayaduhu dirayeen CWXO waxaana kamid ah hambalyada  ay soo dirtay;

Jaaliyada Ogaadeeniya ee magalada Edmonton, ee dalka Kanada, waxayna Jaaliyaddu hambalyadeeda  ku billowday;

Annagoo ah Jaaliyadda Ogaadeenya ee magaalada Edmonton ee dalka Kanada, waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhamaanba Ciidamada Jabhadda Waddaniga Xorayta Ogaadeenya, oo guushii la filayay ka soo dheelmay Hawgalkii Mandad.

Waxaana aad iyo aad ugu hanbalyaynaynaa dhamaan Ciidamadii ka qayb qaatay hawgalkaa taariikhiga ah, iyo ciidammada kale ee jilibka udhigay daandaansiga gumaysiga Itoobiya, waaxaanan leenahay guulaysta waan idin garab taaganahay oo waan idinku dhaadanaynaa.


Jaaliyada Ogaadeenya ee Koonfur Afrika ayaa iyaduna qabatay shirar kala duwan oo looga gon-lahaa xoojinta halganka Ogaadeenya iyo dhiirri gelinta Hawlgalkii Mandad ee ay CWXO ku qaadeen ciidanka Waayanahaa ah ee cabudhiska u jooga ciidda Ogadeenya.

Shirarkii ugu horreeyay waxaa lagu qabtay xarunta Jaaliyadda oo fadhigeedu yahay Gobolka Easten Cape, gaar ahaan Magaalaada Port Elazabeth, halkaasoo maalintii axadda ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 24/04/05 lagu qabtay laba shir oo kala duwan oo ragga iyo dumarka kala ah. 

Waxaa shirarkan goob-joog ka ahaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Ogaadeenya ee dalkaas ku dhaqan iyo waliba dadwayne ka socda jamhuuriyada Soomaaliya.

Shirarkan waxaa ka hadlay guddoomiya Jaaliyadda oo soo bandhigay warbixintii guud midii u danbeeysay ee Ciidanka Xoreynta Ogaadeenya ay wacdaraha ka muujiyeen, waxaana halkaas loogu soo jeediyay CWXO hanbalyo iyo bogaadiin. Waxay halkaas dadwaynuhu ka  ballanqaadeen inay taagero dedeg ah u fidinayaan ciidammada xoreynta Ogaadeenya.

Waxaa isla maalintaas shir noocanoo kale ah lagu qabtay magaalada Cape Town,  kaasoo isaguna si habsami ah u dhacay, dadwaynuhuna ay ku ballanqaadeen inay  qayb libaax ka qaadanayaan hawlaha dagaalka ka socda ciidda Ogaadeenya.


Jaaliyadda Ogadeeenya ee Afrikada Koonfureed iyo dhamaan ummada Soomaliyeed ee halganka jecel ee ku nool Koonfur Afrika waxay hanbalyo iyo bogaadin u dirayaan madaxda JWXO iyo CWXO ee ka qaybqaatay howlgalkii "Mandad" iyo kuwa kale heeganka u ah xoreynta dalka Ogaadeenya. 

Khasaarihii  daadadka oo soo kordhay. 

Qiyaastii 88 qof ayaa ku dhintay daadad ka dhashay roobab xoog leh oo ka da’ay dhulka Ogaadeenya, kuwaasoo si xidhiidh ah u da’ayaya muddo labao caana-maal ah, waxaana laga yaabaa in dhimashadu ay intaas ka sii badato haddii aan gargaar degdeg ah lala gaadhin dadka daadadkan ku waxyeelloobay, sidaas waxaa sheegay ururrada samafalka. 

Dad kumayaal gaadhaya ayaa guryo la’aan noqday, ka dib markii uu Wabiga Shabeelle fatahay oo qaaday tuulooyinkii ku dhawaa oo dhan. Tuulooyinka ay biyuhu qaadeen waxay hadda gaadhayaan 40 tuulo, iyadoo ugu yaraan 60,000 oo qof ay guryo la’aan yihiin.  

Dadkii ku noolaa bariga iyo galbeedka Iimay ayaa la sheegayaa inay wali geedaha saaran yihiin, isla markaana ayna wax gargaar ah helin. Nawaaxiga Qabridaharre ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 16 qof, 9000 oo kalana ay guryo la’aan noqdeen, daadadkuna ay qaadeen 15 tuulo. Waxaa kaloo la sheegay in 1000 Neef oo xoolo ah ay daadadku dileen.

Dhinaca Mustaxiil waxaa la xaqiijiyay in 6 qof ay ku dhinteen, 2000 oo kalana ay guryo la’aan noqdeen, waxaa kaloo ku dhintay 317 Neef iyo 17 Dameer. 

Dhimashada ayaa laga cabsi qabaa inay intaas aad uga badato haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin. Yaxaasyo gaajaysan oo daadadka soo raacay ayaa cabsi ballaadhan ku haya dadkii daadadka ka badbaaday. 

In ka badan 4000 oo Adhi ah ayay daadadku qaadeen, waxay kaloo la tegeen 2000 oo Geel ah iyo dhawr boqol oo Lo’ ah.

Adeeg yar oo gargaar ah ayaa gobolka la geeyay, hase yeeshee shaqaalaha gargaarka waxaa ku adkaatay inay gargaarkaas gaadhsiiyaan dadkii dhibaatadu soo gaadhay, sidaas waxaa yidhi Axmed Cabdi oo ka tirsan Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobey oo u warramayay wakaaladda wararka ee AP. 

Ciidammo Itoobiyaan ah oo a soo dhoobay dhinaca koonfureed ee Soomaaliya. 

Ciidammada Itoobiya ayaa dhaqdhaqaaq xoog leh ka wada magaalooyin ka mid gobolka Bakool ee dalka Soomaaliya. Ciidammada Itoobiya ayaa soo buuxiyay magaalooyinka Ceel Barde, Rab-dhuurre, Moora Gaabey iyo Ceel Garas oo ka tirsan gobolka Bakool, halkaasoo dadka laga joojiyay inay wax dhaqdhaqaaq ah sameeyaan. 

Wararka ka imanaya magaalada Xuddur ayaa sheegaya in maalintii arbacada ahayd iyo fiidnimadii khamiista ahayd la demiyay tilifoonnadii magaalada laga isticmaali jiray, iyadoo xilligaas ay magaalada soo gaadheen saraakiil ka tirsana ciidammada gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo wadahadal la yeeshay xubnaha labada gole ee dawlada ku meelagaadhka ah ee Soomaaliya ee sii joogay  magaalada Xuddur. 

Dadwaynaha ku dhaqan nawaaxiga ay ciidamada Itoobiyaanka ahi yimaadeen ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqa millatari ee Itoobiyaanku uu kuwii hore aad uga duwan yahay, isla markaana uu gudaha u soo galayo gobolka Bakool. 

Masuuliyiinta xukuumadda ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan sida wax u socdaan iyo arrimaha ay kala hadleen saraakiisha Itoobiyaanka ah.  

Dhinaca kale malleeshiyooyin isku dhaf ah oo laga kala keenay galbeedka iyo bariga magaalada Baladweyne ayaa dhawaan tababar uga furmay meesha lagu magacaabo Sariiraale oo ku dhaw magaalada FeerFeer, waxaana tababarkaas siinaya saraakiil Itoobiyaan ah.  

Tababarkan waxaa malleeshiyada Hiiraan loo furay, ka dib markii uu guddoomiyaha maamulka Midland State C/kariim Faarax Laqanyo ka soo laabtay booqasho uu ku tegay Ogaadeenya, halkaasoo uu kula kulmay saraakiisha ciidammada gumaysiga Itoobiya eek u sugan dalka Ogaadeenya.

Halkan ka dhegeyso wararka Xorriyo

 Radio Xoriyo

29  Apr. 2005

C/nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com  
raadioxoriyo@yahoo.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari.

Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2005


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD