SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  •  Xidhibaan Jini Boqor: "waa wax lagu farxo in Prof Geedi Booqdo Muqdisho.."
  • Wafti british ah oo booqday somaliland.

Xidhibaan Jini Boqor: "waa wax lagu farxo in Prof Geedi Booqdo Muqdisho.."

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni Boqor) ayaa maanta isagoo ugu warammayey magaalada Nairobi koox suxufiyiin ah waxa uu ku soo dhoweeyey booqashada Ra'iisal Wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi uu berito ugu kicitimi doono magaalada Muqdsiho.

Jinni Boqor ayaa socdaalka Ra'iisal Wasaaraha ku sheegay mid ku soo beegmay waqti loo baahan yahay, maadaama ayuu yiri muddo 8 bilood ah dawladdu ku sugan tahay Nairobi, isla markaana waa fikrad sax ah oo in la soo dhoweeyo u baahan ayuu yiri booqashadaan uu Ra'iisal Wasaaruhu ku goostay inuu booqdo magaaladii uu ku dhashay ,taasoo loo baahnaa inuu ku dhaqaaqo markii xukuumadda la dhisay ayuu intaa raaciyey.

Xildhibaanka ayaa rajo wanaag ka muujiyey in booqashadaan iyo kulan iyo wadatashi uu la yeesho xubnaha ka tirsan labada gole ee Muqdisho ku sugani ay keeni karto isu soo dhowaansho ,isla markaana loo baahan yahay in wax la taaban karo ay ka soo baxaan booqashadaas sida furitaanka Dekedda iyo Garoonka Dayuuraadaha ee Muqdisho.

Xidhibaan Cabdi Saciid waxa uu xusay in Muqdisho ay tahay Caasimada Soomaaliya ayna tahay magaalo aan la huri Karin. Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee ku Sugan Nairobi ayaa si aada u soo dhaweeyay Aadista Geedi ee Muqdisho. Waxa ayna Xuseen in Booqasho oo qura aan hoowsha laga dhaafin laakiin lagu daro Guuritaan ay u guuraan Xukuumadu Muqdisho.

Axmed Muusse Cabdulle(idaawaqaca) Kenya_Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com


 Wafti british ah oo booqday somaliland.

warbixin : Aadan yuusuf qodax hargysa somaliland.
Email: aadanqodax@somalitalk.com ama qodax28@hotmail.com

wafti kasocda dawlada britain oo uu hogaaminayo danjiraha dawladaa ufadhiya adisababa ethiopia mr Bob dewar ayaa shalay galab kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee hargaysa , danjiraha iyo waftigiisa oo markii ay soo gaadheen hargaysa soo saaray warsaxaafadeed ayaa sheegay in farxad utahay inuu markale kusoo noqdo somaliland oo aan eego wixii horumar ah ee qabsoomay oo ah dhismaha bulsho dimuquraadi ah iyo kudhaqanka xeerka dalka , waxaanay xukuumada kudhiiri galiyeen in lameelmaryo doorashada golaha wakiilada ,wuxuuna ugu baaqay xisbiyada mucaaridka iyo muxaafidka ahba in ay muujiyaan xilkasnimo marka ay timaado dooda siyaasadu waxaanu sheegay in dawladiisu ay caawimo kagaysan doonto qabsoomida doorashada wakiilada somaliland.

danjiraha oo kahadlay arimaha koonfurta somalia waxaa uu yidhi "waxaan kudhiirin galinayaa somaliland in aad kala shaqaysaan dib uheshiisiin idin dhexmarta walaalihiina somalia taas oo kudhisan wada xaajood nebed galyo iyo iskaashi ,waxaanan idin kudhiiri galinayaa in aad kaqayb galisaan waayo aragnimadiina aad dib ugu dhisateen dalkiina".

madaxweyne rayaale oo xalay waftiga kuqaabilay casho sharaf ayaa warsaxaafadeed kasoobaxay madaxtooyada lagusheegay in ay madaxweynaha kawada hadleen doorashada wakiilada ,arinta somalia,iyo xidhiidhka ingiriiska iyo somaliland, waxaanu rayaale ubalanqaaday in doorashadu udhicidoonto sixor ah oo xalaal ah oo ay martiqaadi doonaan goobjoogayaal caalami ah , mr rayaale waxaa kale oo sida warsaxafadeedka lagu sheegay madaxweynuhu uga waramay khasaaraha ay gaysteen roobabku isagoo danjiraha dawlada britain maanta lakulmidoona gudiga loosaaray khasaaraha roobka.

danjirha oo daahir rayaale usoo jeediyay in ay waayo argnimada somaliland ee qaabka dalkan loodhisay uga faa,iideeyaan walaalohooda koonfurta somaliya,waxaa uu madaxweynuhu ku jawaabay " horta shacbigani 97% ayuu ugu codeeyay gooni isutaaga oo kawadahadal maleh, waayo aragnimo kubiirina anagaa jecel in ay wax uqabsoomaan oo aan noqono laba dal oo walaalo ah oo darisnimo wadaag kuwada nool sida wadamada kale ee aanu dariska nahay , laakiin yaanu talo siinaa wali way kalasocdaane".

Dawlada britain hore ayay uga qaybqaadatay dooroshooyinkii hore ee kadhacay somaliland .

doorashada wakiilada somaliland waxaa rayaale ucayimay in ay dhacdo 15 sep.2005, waxaana taas soo dhaweeyay xisbiga UCID iyo xisbiga talada haya ee UDUB ,waxaase aanu waxwari kasoo bixin xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE oo isagu cadho kumaqan horena usheegay in aanu lashaqaynay xukuumada iyo komishanka dooroshooyinka taas oo ay kaga jawaabeen markii xaruntooda dhexe ee hargaysa ay booliisku xoog kubaadheen horaantii bishan. Dhinaca kalena roobab laxaadle ayaa kad,ay magaalooyinka burco ,berbera , iyo meelo kale oo deegaamada somaliland ah waxyeelana gaystay sida ay wararku sheegayaan,waxaa magaalada burco oo waxyeelo xuni gaadhay kubaro kacay boqolaal qoys oo uu baabiiyay roobku guryahoodii ,balse majiraan warar sheegaya wax dhimasho ah balse waxaa jira dhaawacyo fudud.

allaa mahad leh

warbxin : aadan yuusuf qodax hargaysa somaliland
email: qodax28@hotmail.com ama aadanqodax@somalitalk.com

Ra'iisul Wasaare Geedi oo Jimcada Tegi doona Muqdisho
»Prof. Geedi oo shaaca ka qaaday safarkiisa Muqdisho
»Geedi oo la kulmay agaasimaha waaxda siyaasadda UN-africa
»Wafdi ka socday hayado samafaleed oo gaaray kismaayo

Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji...

Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2005


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD