SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Golaha ma guurtada beesha Biyamaal oo eedeyey Danjire Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil…

  • Aqoon isweydaarsi  lagu soo gabagabeeyay Degmada Marka

  • Nin u shaqeynayay Hay’adda OXFAM oo..

  • Kooxda Elman FC oo guuldarradii labaad..

  • Maamulka somaliland oo magacaabay guddi...

  • Haan ku soo caarisay Marka oo laga helay Shidaal..

  • Nin u shaqeynayay hay`adda Oxfam oo jamaame lagu  afduubtay.. 

  • Qeybtii ugu danbeeysay horjoogayaasha maleeshiyada Muqdisho oo la dhaariyay..

  • Xubnaha labada gole ee ka soo jeeda gobolada dhexe oo maanta qodobo soo saaray, 

  • Golaha Wasiirada Ee Beesha Hawiye ayaa Taageeray Howsha Nabadaynta ah ee ka Socota Muqdisho,


Golaha ma guurtada beesha Biyamaal oo eedeyey Danjire Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil…

Shir ballaaran oo uu soo qababqaabiyay Golaha Maguurtada Beesha Biyo-maal ayna ka qaybgaleen waxgarad, nabaddoonno, culumaa’uddiin aqoonyahanno iyo haween iyo dhallinyaro ayaa looga hadlay arrimo fara badan oo  horyaalla golaha iyo sida xuquuqda beesha ku lahayd labada gole ee DFKMG oo si buuxda looga xaqiray.

Waxaa lagu sheegay shirkaasi in beesha Biyo-maal ay u qaybsan tahay Jareer ma guurto iyo Jileex guurto, iyadoo Jareer ma guurto ay deggan yihiin gobollada kala ah: Sh/hoose, Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Banaadir.

“Danjir C/llaahi Sheekh Ismaaciil wuxuu ku takri falay xuquuqdii ay lahayd beesha Biyo-maal direed, dhibaatada maanta ka dhex taagan beesha Direedna isaga ayaa aabbe iyo hooyo u ah, waayo wuxuu dafiray qowmiyad dhan xuquuqdeedii” ayaa lagu yiri kulankii ay isugu yimaadeen golahaasi, waxayna intaas sii raaciyeen waxaa caalamka iyo dowladda Federaalka ku wargelinaynaa inuusan C/llaahi Sheekh Ismaaciil imaan Karin isla markaana soo booqan Karin deegaannad beesha Biyo-maal isla markaana aan laga taageeri doonin lagana soo dhaweyn doonin maadaama xuquuqdii beesha uu lunsaday. Qoraalkaan waxaa ku saxiixnaa xubanaha kala ah: Ibraahim Maaddey, Axmed-dey Mursal G. Golaha, Max’ed Xuseen Xasan  G/ku xigeen, Max’ed Sheekh Cumar xog-haye guud, C/raxmaan Axmed Nuur af-hayeen, iyo  xubnaha kala ah Ugaas Xaaji Max’ud Ciise Muuddey, Ugaas Max’ed Nuur Cismaan Garaad, Idiris Maxamed Nuur iyo Cumar Sheekh C/llaahi    

Aqoon isweydaarsi ay soo qaban-qaabisay Hay’adda CRD oo lagu soo gabagabeeyay Degmada Marka          

TACSI::: Marxuumad Xaajiyo Faadumo Yuusuf Cusmaan oo bishan maarso sagaalkeedii ku geeriyootay degmada Shibis ee Magaallada Muqdisho, Soomaaliya. Guji

Waxaa maalintii shalay ahayd Xarunta IIDA ee degmada Marka ee Gobolka Sh/Hoose lagu soo gabagabeeyay Aqoon isweydaarsi ay soo qababanqaabisay Hay’adda Cilmi baarista iyo wadatashiga Soomaaliyeed ee CRD, Ergooyin ka kala socday 5-gobol oo kala ah: Banaadir, Shabeellada Hoose, Jubbada Hoose iyo Gobollada Bay iyo Gedo, waxaana looga hadlayay arrimo la xiriira dhanka Nabadda iyo hub ka dhigista, iyadoo shalayna looga dooday arrimo la xiriira laamaha amniga iyo garsoorka, waxaana halkaas la isku dhaafsaday fikrado fara badan, waxaana la soo jeediyay in la helo garsoor caddaalad ah oo ka billaabanaysa Boolis illaa maxkamad.

            Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Hay’adda CRD oo ka hadlay gabagabadii kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in barnaamijka ay waddo CRD uu yahay sidii dalka Nabad loogu soo dabbaali lahaa isagoo sheegay in aqoon is weydaarsigaan uu daba joogay aqoon is weydaarsiyo hore oo ay CRD qabatay, wuxuuna sheegay in barnaamijka nabadda ee CRD lagu faarin doono guud ahaan dalka, si loo helo xal dhinaca nabadda, hub ka dhigista iyo cadaaladda ah.

            Ka qaybgalayaashii dooddaan ayaa wuxuu Mas’uulkaan kula dardaarmay inay si dhaqso leh u gaarsiiyaan dadka kale ee fursadda aan u helin ee ku sugan gobollada dalka, wuxuuna sheegay in hay’adda CRD ay mar walba doonayso inay meel isugu keeno odayaasha dhaqanka, Waxgaradka, Nabaddoonnada, culummaa’uddiinka, Aqoon-yahanada, saraakiiskha ciidammada iyo haweenka si loo helo fikarado kala duwan oo xal u noqda arrimaha nabadgalyada iyo dib u dhiska dalka.

Jabriil  wuxuu soo sheegay in dad gaaraya 70-xubnood oo uu sheegay inay ka kala yimaadeen shan gobol isagoo sheegay in dooddii dhex martay ergooyinkaas ay ku dhammaatay is faham iyo wadatashi, isagoo sheegay in Mas’uuliyiinta CRD-da ay u mahadceliyeen Maamulka gobolka oo ay sheegeen inay gacan ku siiyeen qabsoomidda aqoon is weydaarsigaas, la xiriira dhinaca nabadda, hub ka dhigista iyo garsoorka. 

Nin u shaqeynayay Hay’adda OXFAM oo..

            Waxaa maalintii dorraad ahayd degmada Jammaame lagu afduubtay Nin u shaqeynayay Hay’adda OXFAM una dhashay dalka Kenya waxaana la sheegay in kooxo Dabley ah ay afduubteen, illaa iyo haatanna lama garanayo halka ay la aadeen ninkaas Keenyaatiga ah. Odayaasha Deegaanka ayaa la sheegay inay ku raad joogaan ninkaasi iyagoo doonaya inay ka soo badbaadi-yaan kooxdii dambleyda ahayd ee afduubtay oo iyagu dalbaday in la sii yo lacag madax furasho ah.

            Afduubka ninkaan ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii dhinaca samo-falka ee ka jiray deegaanka Jamaame, waxaana la xiray gebi ahaan howlihii ay hay’addaasi ka wadday deegaanka Jamaame. [war dheeraad ah oo arintan la xiriira hoos ka akhri]

Kooxda Elman FC oo guuldarradii labaad..

            Kooxda Elman FC oo haysata horyaalka Soomaailya kana qaybgalaysa tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa shalay waxay kulan aad u adag la yeesheen kooxa ka socotay dalka Yugandha oo lagu magacaabo Villa, waxaana ciyaartaasi qaybteedii hore ku soo gabagabowday 2-0 oo ay lahayd kooxda Villa.

            Markii qaybtii labaad la isugu soo laabtay ayay kooxda Villa sii karaar qaadatay waxayna dhalisay 3-gool oo kale, ciyaartiina waxay ku soo gabagabowday 5-0 oo ay guushu raacday kooxda Villa oo haatan ku hoggaaminaysa Group-keeda 6-dhibcood.

            Waxaa la sheegay intii aysan ciyaartan inay kooxda Elman FC ku soo gashay garoonka niyad-xumo iyo is qabqabsi, taasina ay keentay in laga guulaysto maadaama ay kooxda ka maqnaayeen saddex ciyaaryahan oo muhim ah, waxayna maalinta Berri ah la ciyaari odonaa kooxda Simba ee dalka Tanzania. 

 W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com


Maamulka somaliland oo magacaabay guddi soo qiimeeya qasaarihii uu geysatay roobkii dhowaan haleelay hargeysa iyo deegaanada ku teedsan

Wararka ka imaanaya magaalada hargeysa ayaa sheegaya in guddiggan oo uu magacaabay madaxweynaha maamulka Somaliland Mr Riyaale ay soo bandhigeen wejigoogii koobaad baaxadda qasaaraha halkaasi ka dhacay ee ay geeysteen roobabkii mahiigaanka ahaa. 

TIRADA DADKA KU DHINTAD ROOBABKII HARGEYSA:::
Warark augu dambeeyey ee ka imanaya Hargeysa waxa ay sheegeen in aanay 20 qof roobabku ku dilin Hargeysa, balse waxaa dhintay shan(5) qof, waxaana dhaawacmay 18 qof.
isha: somalitalk | hargeysa

Guddigan ayaa soo bandhigay boqolaal guri oo ay dumiyeen roobabkaasi iyo weliba dhimasho ay geeysteen,gudaha iyo duleedka hargeysa, taasoo gaareysa inta la hubo sida ay sheegeen 20 ruux waxaana la sheegay inay jiraan dad roobabkaasi ay soo barkiciyeen,kuwaasi oo sida la sheegayo dowladda Somaliland ay u raadineyso xarumo cusub oo ay degaan,waxaana iminka socda lacag uruurin ay wadaan qaar ka mida guddiga iyo ganacsato reer Somaliland ah. 

Roobabkan ayaa sidoo kale waxaa ay qasaaro u geysateen waddooyinka magaalada hargeysa iyadoo la sheegayo inay ka qodeen boholo waaweyn. 

Si kastaba ha ahatee waa markii koowaad muddo lixdan sanno ah oo ay hargeysa ka da`aan roobab ceynkan oo kale ah,waxaana socda dadaalo xooggan oo lagu samata bixinayo dadkii waxyeeladu ay ka soo gaartay

Haan ku soo caarisay Marka oo laga helay Shidaal 

Wararka ka imaanaya xarunta Shabeelada hoose ee marka ayaa sheegaya in xeebta magaaladaasi ay saakay waaberigii ku soo caarisay Haan aad u balaaraan oo markii hore laga baqayay ayaa laga helay shidaal ilaa iyo Boqol iyo konton Fuusto ah hase yeeshee waxaa markii dambe ku soo baxay maamulka gobolkaas oo la wareegay gacan ku heynta haantaas iyo shidaalkii ku haray iyadoo weliba la sheegay in haantaasi uu saarnaa matoor 

Maamulka gobolka shabeelada hoose ayaa ku ancadooday inay baarayaan haantaas iyo halka ay ka timid,iyagoo shacabka halkaa ku dhaqana ku booriyay inay hubiyaan shidaalka gacmahooda galay iyo inaysan ku dedegin haamaha noocaan oo kale ah oo laga yaabo inay ku jiri karaan haraagga qashinka sunta wershadaha sameeya nukliyeerka 

Ma aha markii ugu horeysay ee xeebaha soomaliya lagu arko haamaha soo caariya iyadoo afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay lagu arkay xeebaha xarardheere,Eyl

Iyadoo todobaadyadii la soo dhaafana lagu arkay xeebaha jubada hoose iyo warshiikh

Nin u shaqeynayay hay`adda Oxfam oo jamaame lagu  afduubtay 

Wararka ka imaanaya degmada jamaame ee gobolka jubada hoose ayaa sheegaya in halkaasi lagu afduubtay nin u shaqeynayay hay`adda samafalka ee Oxfam dhalashadiisuna ay tahay kiinyaati ayaa shalay ay dabley hubeysani qafaasheen iyadoo halkaasina ay ku dhaawaceen mid ka mid a ilaaladiisii

wararku waxay intaa ku darayaan in xaalada caafimaad ee ninkaasi inay iminka aad u liidata sida ay xaqiijiyeen dadka deegaankaas. 

ninkan oo la sheegay inuu qabo cudurka kaadi macaanka ayaan helin daryeel caafimaad iyadoo sida wararku nagu soo gaarayaan ay dsableyda heysata ay marba goob ula guurayaan si xeeladeysan

ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay dableyda,hase yeeshee odayaasha deegaanka ayaa sheegay inay qadyaan ka joogaan xalinta afduubka la heystaha Oxfam. 

si kastaba ha ahaatee ma yara dadka u ololeynaya sii daynta ninkaan la heystaha ah.

Qeybtii ugu danbeeysay horjoogayaasha maleeshiyada Muqdisho oo maanta la dhaariyay  

Dhaartan ayaa maanta ka dhacday xarunta Baarlamaanka ee Xaruntii xisbiga ee magaalada Muqdisho, horjoogayaashan ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin 35kii horjooge ee la diiwaan geliyay  Dhaartooda ka dib ayaa waxaa isla goobtaa looga furay horjoogayaasha Seminar Qaadanaya muddo Seddax maalmood ah. 

Waxaa kulankii maanta dhaarta ka hadlay Wasiirka warfaafinta ahna R/wasaare ku xigeen Maxamuud C/laahi Sifir iyo Wasiirka dhaqan celinta iyo hub ka dhigista maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin waxayna labaduba sheegeen in maliishiyaadka ay yihiin ciidankii laga doonayay oo looga fadhiyay nabadda magaalada Muqdisho. 

Waxaa kale oo ka hadlay Maxamad qanyare afrax oo sheegay in horjoogayaashu ay daacad ka noqdaan nabadda caasimadda islamarkaasina ay uga hiiliyaan kuwii iyaga ka hiiliyay ee doonayay ciidamadda safka hore. 

Si kastaba ha ahaatee waxaa looga fadhiyaa labada gole ku sugan muqdisho meel marinta 29kii qodob oo ay ugu horeysay nabad ka aslaaxinta muqdisho. 

Shir jaraa`id oo ka dhacay magaalada baydhabo 

Shirkan jaraa`id ayaa waxaa maanta halkaasi ku qabtay guddigii nabadeeynta iyo dhexdhexaadinta ee garabyada RRAda oo dhowaan dagaal dhexmaray.

Guddigan ayaa shirkoodii manta uga hadlay waxyaabo farabadan oo ay ka mid yihiin waxyaabihii u suuragalay intii ay ku jireen howlihii dhexdhexaadinta ee ay maalmahan wadeen. 

Guddigan ayaa shir saxaafadeedkii manta ku soo bandhigay qodobo door ah oo ay ka mid yihiin in la joojiyo dhaqdhaqaaqyada dhanka ah nabadda islamarkaana wax u dhimi kara iyo in la tixgeliyo geeddi socodka nabadda . 

Sidoo kale waxaa ay baaq u jeediyeen bulshada deriska la ah beelaha digil iyo mirifle iyagoo ka codsaday inay qaddariyaan deris wanaagga,sidoo kale waxaa ay baaq u jeediyeen beesha caalamka oo ay kaga codsadeen inay taageeraan baadigoobka nabadda curdanka ah ee ka socota geyigga digil iyo mirifle. 

Maxamad ibraahin bilaal oo shirkan jaraa`id qabtay isagoo hogaaminayay guddiga xaldoonka ayaa sheegay in qeybaha iska soo horjeeda ay iminka ku dhow yihiin in la is hor fariisiyo. 

Shirkan jaraa`id ayaa waxaa uu ku soo beegmay xilli shalay ay magaalada baydhabo soo gaareen lix gawaarida dagaalka ah oo ku soo biiray kuwa xaabsade,kuwaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaaladaas. 

Xubnaha labada gole ee ka soo jeeda gobolada dhexe oo maanta qodobo soo saaray, 

Kulanka oo maanta ay ku yeesheen magaalada muqdisho xildhibaanada iyo wasiirada dowladda federaalka ee ka soo jeeda mudug iyi galguduud ayaa waxaa ay shan qodob ka soo saareen  dagaalada ka soo cusboonaday gobolada dhexe kuwaasi oo kala ah 

  • 1-in xabad joojin la sameeyo deg deg ah

  • 2-in la bilaabo wada hadal

  • 3-in la kala qaado ciidamada

  • 4-in wafdi loo diro goboladaas

  • 5-in gogol nabadeed la dhigo magaalada dhuusomareeb ee xarunta G/Guduud

Qodobadaas waxaa saxaafadda ka hor aqriyay Cismaan Xasan Cali ‘caato’ oo ah wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta kulankii maanta waxaa ka soo qeyb galay culima`uddiinka iyo waxgaradka beelahaas. 

 XASAN DHAALEEY
dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia


Golaha Wasiirada Ee Beesha Hawiye ayaa Taageeray Howsha Nabadaynta ah ee ka Socota Muqdisho,

Afartii galabnimo Sacaada Afrikada Bari ee Nairobi ayuu shirku u biloowmay xunhan Golaha Wasiirda ee Beesha Hawiye ee ku sugan Nairobi iyagoo ka doodayay go aanka ugu danbeeya oo ay ka gaarayaan Xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho, 

Dood iyo Istusaalayn badan ka dib Wasiiradu waxa ay go aamiyeen qodobadan  

1-in la taageero hoowsha nabadeeynta ah oo ay wadaan Xubnaha labada Golle ee ku sugan Magaalo Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho. 

2- In la magacaabo Wafdi  heer qaran ah oo wada tashi& Qaymeyn u taga Muqdisho  

3-In xubnaha labada Golle ee Nabadaynta u jooga Muqdisho ay dib ugu soo laabtaan magaalada Nairobi si loo gaaro Go aanka ugu danbeeye oo ay Xukuumadu dib ugu noqonayso Gudaha Dalka Soomaaliya, 

Hore waxaa Warkan oo kale u soo saaray Madaxweyne Yusuf hase yeeshee waxaa Gaashaanka u daruuray Rasulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka Warfaafinta Dr Maxamuud Jaamac Cabdulaahi,Wasiirka Amniga qaranka Maxamed Qanyare Afrax oo iyagu sheegay in ay Doonayaan in dadku aamino balse hadii ay iska laabtaan loo qaadanayo in ay u yimaadeen Been Abuur, 

Waxaa kaloo iyaguna Amuurta soo noqoshada Xubnaha Baarlamaanka ee ku sugan Muqdisho ka hadlay  Xidhibaan Cabdi Cabdulle Saciid Jiniboqor oo yiri Hadii ay soo noqdaan Doontoodu way dagaysaa Hadii kalena Doonta Cabdulaahi Baa Dagaysa Labada Doonyood Bada wada saaraanmayaan, 

Waxaa kaloo iyadu ka hadashay Xidhibaanad Caasha Axmed Cabdalle oo Tibaaxday in Baarlamaanka looga baahanyahay howl qaran aysana Haboonayn in ay Nairobi iska Joogaan, 

Shirkan waxaa gudoominayay Rasulwasaare Cali Maxamed Geedi waxaana ka mid ahaa Ragii ka qayb qaadanayay Rasulwasaare ku xigeenka ah wasiirka Arimaha Gudaha Eng Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, 

  • Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta Cumar Maxamuud Maxamed ,
  • Wasiirka Waxbarashada Cali Cabdulaahi Cosoble
  • Wasiirka Horumarinta reer miyaga& Deeqa Maxamed Maxamuud
  • Wasiirka Macdanta& Biyaha Maxamuud Salaad Nuur
  • Wasiirka Shaqada& Shaqaalaha Saalax Cali Faarax,
  •  Wasiiru doowla Arimaha Dibada Ibraahin Cali Jeebo
  • Wasiir ku xigeen warfaafinta  Salaad Cali Jeele
  • Wasiir ku xigeenka Maaliyada Maxamed Xasan
  • Wasiir ku xigeenka Tamarta Maxamed Sh Isaaq
  • Wasiir ku xigeenka ka luumaysiga C/qaadir Nuur Caraalle ,

Lama sheegin Cida Hogaaminaysa Wafdiga aadaya Muqdisho waxaan kaloon la sheegin Maalinta Wafdigu baxayo Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Xubno ka tirsan Labada Gole ee Xukuumada Soomaaliya,

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya_Nairobi   
axmeddheere65@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2005

Picture048Buundadii ugu Weyney Hargeysa oo Daad Qaaday
Roob aad u lixaad badan oo ka da'ay Hargaysa iyo agagaarkeeda ayaa qaaday buundadii isku xiri jirtey labada dhinac ee maagaalada. Sawiro & warbixin Eeg halkan

BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD