SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Maalinta malaariyada oo laga xusay muqdisho 
  • Lix gawaarida dagaalka ah ee shaarguduud oo ku soo biiray kuwa xaabsade 
  • Mas`uuliyiinta g/sh/hoose oo ku faanay in danbiyada halkaasi ka dhaca ay sababaan ulo iyo dhagxaan. 

Maalinta malaariyada oo laga xusay muqdisho 

Xuskan ayaa lagu qabtay isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee banaadir,munaasabadan oo ay iska kaashadeen hay`ado door ah oo ku sugan muqdisho,waxaana munaasabasii manta lagu sheegay in daqiiqad kasta uu qof ugu dhinto caalamka cudurka kaneecada

Dr fuje oo ka hadlay munaasabadii manta ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabka soo maaliyeed ay si wadajir ah uga hortagaan cudurkaan. 

Dr fuje o ka halayey qatarta iyo wax yelada kaneecada waxa uu shegay in ya ka dhalato meelha biyo degga ah iyo harooyinka waweyn, 

Ilaa 50 haween ah oo isugu jira kuwo uur leh iyo kuwo kale,waxaana loo qeybiyay maro kaneeco, si ay gaban uga dhigtaan kaneecada lagu wado in ay ka dhalato roobabka gu’ga oo xilgaan ka billowdey gobalada qaarkood. 

Munaasabadda maalinta ladagaalnka cudurka duumamada ayaa la isku af gartey in laga sameeyo dhiri gelin fara badan xagga shacabka taasoo loo arkey ineey tahay wadada ugu macquul san ee lagu dabar goyn karo duumada iyo wax yeeladeeda.

36 xubnood oo ka mida ciidanka booliska G/Banaadir oo talo jeedin u soo jeediyay cidda loo magacaabayo taliyaha ciidanka booliiska soomaliyeed. 

Bayaankan oo ku socda madaxweynaha iyo ra`iisal wasaaraha dowladda federaalka iyo weliba wasiirka amniga ayay saraakiishani ku xuseen inay muhiim tahay in si feejigan looga fiirsado cidda loo magacaabayo taliyaha ciidanka booliiska soomaliyeed oo ay ku sheegeen inay tahay xil culus oo waaya aragnimo u baahan iyadoo raacayo xeerkii 1972kii ee dhismaha booliiska. 

bayaankan ayay sidoo kale ku sheegeen in hogaanka sare ee booliiska loo dhiibo ruux nadiif ka ah dagaaladii sokeeye islamarkaana ka mid ah saraakiisha sare ee booliska. 

booliiskan soo saaray bayaanka ayaa qiray inay isku dubarideen oo weliba ay diiwaan geliyeen dhamaan ciidamada booliiska soomaliyeed intooda nool. 

gabagabadii bayaanka ayay ku sheegeen inay diyaar u yihiin la shaqeynta dowladda federaalka islamarkaasina ay shacabkooda ugu adeegi doonaan si daacdnimo ah. 

Mas`uuliyiinta g/sh/hoose oo ku faanay in danbiyada halkaasi ka dhaca ay sababaan ulo iyo dhagxaan. 

Hadalkaan ayaa maanta waxaa saxaafadda u jeediyay taliyaha saldhiga degmada marka   Maxamad salad sanjabiil,xlli uu ku sugnaa isla saldhiga marka waxaa uu intaa sii raaciyay in dadka deegaanku ay arintaa gacan ku siyeen islamarkaasina ay u hayaan qaddarin weyn sidoo kale waxaa uu qiray in amaanka gobolka la isku haleyn karo oo uu soo wanaagsanaaday intii la doono isagoo carabka ku dhiftay in ay ku timid rabitaanka shacabka halkaasi ku nool. 

Taliyaha saldhiga degmada marka ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin maxaabiista ku xiran xabsiga oo la sheegay inay si weyn ugu dhibaateeysan yihiin hase ahaatee waxaa uu taas kaga jawaabay in qololka xabsiga aaney ka dhicin

Sida hoteelada oo kale waxaa uuna intaa raaciyay in canshuurta laga qaado shacabka ay dib ugu laabato iyaga

Maamulka shabeelada hoose ayaa mamnuucay qaadshada hubka oo ay tooreydu ku jirto waxaana iminka halkaasi ka gala hay`ado farabadan.

Lix gawaarida dagaalka ah ee shaarguduud oo ku soo biiray kuwa xaabsade 

Wararka ka imaanaya magaalada baydhabo ee xarunta gobolka bay ayaa sheegaya in lix baabuur oo kuwa dagaalka ah ay maanta halkaasi soo gaareen kadib markii ay ka soo baxsadeen shaarguduud oo ay la jogeen 

Sarkaalka hogaaminayay ciidanka iyo gaadiidka oo la yiraahdo buuloow ayaa ka gaabsaday sababta uu u soo gaaray baydhabo iyo inuu baxsad ka ahaa ciidanka shaarguduud oo uu ka tirsanaa. 

Wararka ayaa intaa ku daraya in saacadaha soo socda ay wada hadlayaan xaabsade iyo buuloow inkastoo aan la ogeyn waxyaabaha ay ka wada hadlayaan.,hase ahaatee qaar ka mida mas`uuliyiinta hoos taga maamulka xaabsade ee baydhabo ku sugan ayaa xaqiijiyay inuu jiray xiriir ay lahaayeen iyaga iyo kuwa haatan soo gaaray. 

Dadka ku dhaqan baydhabo ayaa si weyn u soo dhoweeyay ciidanka soo gaaray waxaana loo sameeyay qado sharaf heersare ah. 

Waa markii koowaad oo ay yimaadaan magaalada baydhabo ciidamo hubeeysan oo ka yimid dhinaca shaarguduud tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay magaaladaas 

 xasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2005


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD