SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

NAADIGA SOMALI P.E.N OO MADAXDA SOOMAALIYEED UGU BAAQAY IN AY JOOJIYAAN XARIGGA IYO CADAADINTA AY KU HAYAAN SUXUFIYIINTA IYO HAL-ABUURKA SOOMAALIYEED… 

Cabdulqaadir M. Wacays
Email:
cmwacays@yahoo.com

Indhowaalaba waxaa soo kordhayey cadaadiska iyo xadgudubyada ay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaalida la beegsanayeen suxufiyiinta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa, iyadoo kuwa ku sugan magaalada Nayroobi ay iyaguna si joogto ah uga cabanayeen bahdil iyo cagajugleyn ay kula kacayeen qaar ka mid ah madaxda dowladda Soomaaliyeed ee xilligan fadhigeedu yahay Nayroobi. Ujeeddada ugu weyn ee ka dambeysa xadgudubyadaas ayaa ah in shacabka Soomaliyeed aysan marna ku baraarugin xaaladda khatarta ah ee ay ku sugan yihiin. 

Sida laga bartay waaya-aragnimo hore, heerka cadaadiska suxufiyiinta iyo hal-abuurka wuxuu isla-bedbeddalaa kolba xaaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo. Dabayaaqadii sanadkii hore waxaa Nayroobi lagu dhisay dowlad Soomaaliyeed, taasoo illaa iyo haatan ku xayiran isla Nayroobi kaddib markey madaxdeedii ku kala qaybsameen qorshahooda ku aaddan keenidda ciidamo nabad ilaalineed iyo u-guuridda gudaha Soomaaliya. Is-maandhaafkaas siyaasadeed oo weli taagan wuxuu saamayn toos ah iyo mid dadbanba ku yeeshay suxufiyiinta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba. 

Haddaba bishan Abriil Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka ku hadla Af-Soomaaliga oo ka mid ah bahweynta Caalamiga ah ee PEN International, wuxuu hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaalida usoo jeediyey baaq ka digaya ku-xadgudubyada la caadeystay in lagu xadgudbo xuquuqda warfidiyeenka iyo hal-abuurku u leeyihiin, sida qof kasta, in ay cabiraan ra’yiga ay ka qabaan arrimaha dalkooda iyo dadkooda. 

Baaqan oo lagu qoray warsidaha Somali P.E.N oo lagu faafiyey isla bogga internetka ee Naadigan (www.somalipen.org), ayaa lagu sheegay welwelka uu Naadiga P.E.N ka qabo caburinta sii kordheysa ee lagu hayo xoriyadda ra’yi-cabiridda; iyo cabsiinta, cago-jugleynta, xarigga iyo qaababka kale ee cadaadiska loogu geysto suxufiyiinta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed, wuxuuna Naadigu ugu baaqay dhammaan madaxda Soomaaliyeed ee hoggaamiyeyaasha ka ah dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Soomaalida in ay aqoonsadaan waajibka ka saaran xurmaynta xaqa ra’yi cabbirka iyo xuquuqda kale ee aadamiga, islamarkaana joojiyaan xarigga iyo cadaadiska ay ku hayaan suxufiyiinta iyo hal-abuurka. 

Iyadoo uu Naadiga Somali P.E.N aqoonsan yahay kaalinta hormuudnimo ee ay warfidiyeenka iyo hal-abuurka Soomaaliyeed kaga aaddan yihiin sama-taliska bulshada iyo baahida weyn ee maanta loo qabo in ay si xilkasnimo leh uga tarjumaan dareenka dadka, iftiimiyaanna waddada badbaadada iyagoo xor ka ah cabsi iyo cadaadis, wuxuu baaqiisa ku sheegay inuu aaminsan yahay in waddada lagu gaari karo dib-u-heshiin, dib-u-dhis, iyo xal waara ay tahay in la ogolaado dood-wadaag ku dhisan aqlabiyadda kala duwanaanta ra’yiga, taasoo ay weli diidan yihiin kooxaha iyo hay’adaha siyaasadeed ee doonaya in ay xakameeyaan madaxbannaanida warbaahinta. 

Ugu dambeyntii, Naadiga P.E.N, wuxuu suxufiyiinta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isku duubni, dhiirranaan iyo mas’uulnimo ku gutaan waajibkooda, marxaladda adag ee haatan la marayo, kana dhowrsadaan waxyaalaha hoos u dhigaya sharafta xirfaddooda, kuwaasoo ay ka mid yihiin; qabyaaladda, been-abuurka, fidmo-hurinta iyo in xirfadda loo adeegsado dano shaqsi ah oo aan xalaal ahayn. 

Cabdulqaadir M. Wacays
Email:
cmwacays@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2005


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD