Dad-qalatada Sacuudiga oo aan Cambaaraynayo(Soomaaliyeey ka
dhiidhi Dulmigaas)
Acraabtii dadka iyaga oo nool aasi
jiray (Markay gabari dhalato) ,intaan nabigeenii suubanaa aanu
koonka imaan,ayaan waligeed iska dayn caadadii xumayd ee ahayd dad
qalatinimda iyo naxariis-darada ay caanka ku tahay qowlaysatada aan
rabi iyo rag aqoon ee maalin walba qoorta ka goynaysa dhalinta aan
waxba galabsan ee maciinka soo baday .
Soomaalida waxay noqotay looma-ooyaan lagu tijaabiyo ciqaabaha ay
samaystaan badawda ka talisa khaliijul carab. Waxaan marna
quluubtayada ka go,ayn sida waxashnimada leh ay qolyahaas ula
dhaqmaan soomaalidaan masiibadu ku habsatay oo daafaha aduunka u
kala carartay. Wadamada Carabta waxay noqdeen meelaha uga xun ee
Soomaalidu intay maciinka badeen lagu bahdilay oo wax la kufasado
kuwa la masaafuriyo iyo wax la xasuuqo sida ku dhacday Wiilashaan
masaakiinta ahaa ee lagu qashay wadanka sacuudiga ayagoo waxa lagu
eedeeyay wadamada sharcigu ka jiro ay ciqaabteedu tahay
lix(6)_bilood oo qura:waayo wax ma ay dilin burcadnimana ma ay
sameeyan ee waxaa lagu eedeeyey inay nin taksiilaa la murmeen deedna
gacan ka hadal aan waynayn u gaysteen.
Muddooyin badan ayaan waxaa soo qorayay inaan meelna Carab ka ahayn
oo nimankaas aan isku dhajinayno la iska daayo sheegadkooda, waxaase
iiga yimmid falcelisyo badan oo la leeyahay warkaaga naga jooji
Carabta waaa ehelkeenne. Waxaan u malaynayaa in inta caqliga lihi ay
garanayaan maalintaad liidatid kii ku gargaara ayaa walaalkaa,
laakiin kii maalinta aad jabto kugu sii wirirsadaoo maatadaad iyo
shabaabka silicdilyeeya kaas(sida Carabta badda cas naga xigta)
ehelnimo kala dheeridin.
Waxaan aad uga xumahay inaan arag rag aan islahaa oo sheegta
masuuliyad ayaa cambaaraynayaa falkaas waxashnidamda leh ee nimanka
horbooda sacuudiga ay ku sameeyeen wiilasha inta xabsi lagu haysatay
lix sano hadda tusalee looga jeedo baqdin gelin kuwa ku kacsan
xukunkooda la laayay. waxaase aan marna soomaalidu iloobayn ragga
sida geesinamada leh u Cambaareeyay qowlaysatada Sacuudiga kuwaasoo
kala ah Gudoomiyaha gobalka Banaadir Cabdullaahi Firimbi iyo
wasiirka warfaafinta Maxamuud jaamca sifir oo iyagoo ku hadlaya
magacyadooda si gaar u cambaareeya falkaas aan inaba laga cafiyeeyan
dhagaraqabyaasha xasuuqay wiilashaas hiilka waayay. Waxaa nasiib
daroo ah in intii badnayd ee la filayay inay ka hadlaan arrintaan ay
noqdeen kuwa fiirsada oo iyaga isku jeeda.
Waar geesinimada aad idinku isku leedihiin u yeesha cadowga
shabaabtiina qalanaya.Oo maanta waxay arini taagan tahay yaa maali
jiray oo soomaali ka naxaya.
Noloshayda ka go'imayso caloolxumada aan ka qaaday sida
baniidanimada ka baxsan ee loola dhaqmay dhalintaas soomaaliyeed ee
wadankoodii uga soo cararay abrisyada ku shiraya Nayroobi maciina
mowday Dad-qalatada dhinaca badda cas inaga xigta.
Anigoo ku hadlaya magacayga una dhashay qoomiyada soomaaliyeed ee
Cawsla fil waxaan cambarayn usoo jeedinayaa kuwa dubtay
wiilashadayada aan hiilka helin gooray noqotaba waa godob u taal
dadkaas oo jiilka bahda soomaaliyeed gooray noqotaba waanu la
xisaabtamin.
Waxaan soomali meelay joogtaba kula dardaarmayaa inay ka dhiidhiyaan
falkaas waxashnomo oo ay ku dhaqantay Acraabta sacuudga oo meelaha
baniiadamka laga tixgeliyo noloshiisa laga dhigo mudahaaraad siiba
safaaradahooda hortooda.Qof walina uu diiwaankiisa geliyo godobtaas
aan marna aan ka tirmayn qulubbta inta soomaalida dhaladka
ah.laakiin kuwa qalfoofkoodu soomaalida u egyahay aanse aan shaqada
nagu lahayn sheegtana ummad ayna muuq iyo dhaqan wadaagin warkaygu
uma socdo waayo iyagaaba iiga daran nacabka i qalanaya.
Abwaan soomaliiyeed ayaa yiri:
waxaa jira Ma-daalow
dir qof aad wadaagtaan
oo diir wadaagtaan
oo degel wadaagtaan
oo diin wadaagtaan
misna dunida kuu neceb
dabargooyadaadiyo
dumintaada loo diray
Ilaahw Soomaali u maciin oo ka abaal mari kuwii ka haray warasadii
duugi jiray gabdhaha iyagoo nool kwaqtigaasoo aad ugu maciintay
noorkii rasuulka ee aad usoo dirtay.
Siciid Xasan
sdhegacade@hotmail.com
Saciid Xasan Dhegacade
Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2005