SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • JINNI BOQOR: “C/llaahi Yuusuf weligiis Laaji ayuu ahaa laajinimadaas buu ku dhameysan  doonaa….
  • Hay’adda SOCDA oo ka codsatay dalalka horumarey in fuliyaan baaqii caalamiga ahaa …
  • Isbahaysiga SNA oo sheegay inaysan ka mid ahayn kooxha doonaya in ay maamul…
  • Kooxda Elman oo  soo bandhigtey ciyaar ay si aad ah u la yaabeen..

  • Hay’adda CRD oo aqoon-isweydaarsi uga furtay Degmada Marka Odayaal  iyo..

  • SADEX SUXUFIYIINA OO MAANTA LAGASOODAAYAY SALDHIGA DHEXE EE GAROOWE.
  • SHIRIKADA TELESOM OO KHADKA ISGAADHSIINTA CASRIGA AH KA FURTAY DEGMADA WIDHWIDH
  • Muqdisho: Muran Dhuleed oo ka Dhex Taagan Sufiyada ee qaaddiriyada
  • keyse Jaamac oo Dib Loogu Soo Celiyey Minnesota

SADEX SUXUFIYIINA OO MAANTA LAGASOODAAYAY SALDHIGA DHEXE EE GAROOWE.

Garowe(Somalitalk).

Axad: 24/04/05: Waxaa maanta xabsiga dhexe ee garoowe laga soo daayay sadex suxufiyiina oo saldhiga lootaxaabay labaatankii bishan aynu kujirno, kadib markii lagu eedeeyay in ay ku kaceen falan laxiriira aflagaadooyin kawarbixin dowladda taasi oo lagu tilmaamay in ay tahay midda haatan keentay xarigooda.

Suxufiyiintan ayaa waxay ahaayeen suxufiyiin ka shaqaysa wargayska Shacab ee ka soo baxa magaalada Garoowe maalin walba oo axada.

Suxufiyiintan oo lagu kala magacaabo:-

  • 1-Dr Cabdi Faarax Nuur   (Faray)        Tafaftiraha Wargayska Shacab.
  • 2- C/rashiid Xusseen Qooransay        Wariye katirsan wargayska.
  • 3- C/maan Qoondeeye                       Wariye katisan Wargayska.

Sadexdan wariye xariga loogaystay ayaa waxaa dhaleecayn dusha uga tuuray cidii kadanbaysay xarigooda Ururka Saxaafadda iyo Xuquuqda Gabdhaha oo lagu magacaabo Ururka Horumarinta Gabdhaha Soomaaliyeed (Sofaydo) oo fadhigoodu yahay magaalada Galkacyo Ururkan ayaa sidoo kale waxay dhaleeceeyeen in Shabakadda Puma Net aysan kahadlin marna xariga iyo xadgudubka loogaystay dhalinyarada uheelan in ay kashaqayso ama bayaaniso waxwalba oo taabanaya baahida iyo xaqiiqada loona baahanyahay in ay ogaadaan dhacabka iyo inta uheelan danta umadda Soomaaliyeed. 

Hadaba mar ay Somalitalk Laxiriirtay Suxufiyiintan oo goordhowayd saldhiga laga soo daayay ayaan wax kawaydiinay sababta looxiray waxa ayna sheegeen in lagu eedeeyay aflagaado Madaxwayne iyo kicin dadwayne, kadib intaa ayaa xeer ilaaliya Maxkamadda ayaa saaka la horgeeyay sadexdan suxufi waxa uuna u yeeray ciddii kuluglahayd xariga suxufiyiinta, xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in uu kuwaayay waxyaabaha lagu eedaynayo wariyayaashan kadib ayuu yiri xeerilaaliyuhu markii aan baaray jaraaidkii hore ee lasheegay in ay aflagaadooyinkan ku qoraayeen.

Sidoo kale waxay Suxufiyiinta somalitalk uxaqiijiyeen in aysan wax cuna ah ku haysan saldhiga mudadii ay xiraayeen sidoo kalana aan loo ogolayn in ay eheladooda u soo gudbiyaan cuntada ay ugu tala galeen maxaabiistan wariyayaasha ah waasida ay xaqiijiyeen suxufiyiinta markii aan kula xiriirnay khadka telfoonka goordhowayd  ayagoo kusugan xarunta uu ka soobaxo Jaraaidkan maalinlaha ah. 

Sahro Sheikh | Sahrosiglan@hotmail.com


JINNI BOQOR: “C/llaahi Yuusuf weligiis Laaji ayuu ahaa laajinimadaas buu ku dhameysan  doonaa….

Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni Boqor) oo ah xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka oo maalintii Khamiista ahayd ka hadlayay munaasabad lagu sameynayay urur u dooda xuquuqda xayawaanka ayaa sheegay in xubnaha labada gole ee ku sugan xamar ay wadaan olole xooggan oo ay ku soo dhaqaajinayaan xubnaha labada gole ee ku sugan Nairobi. “Intii awooddeenna ah dabada ayaan ka riixaynaa kooxaha ku maqan Magaalada Nairobi” ayuu yiri Jinni Boqor oo sheegay inaysan marnaba ogolaan doonin in dalka lagu soo hoggaamiyo wuxuuu ugu yeeray cadowga Soomaaliyeed oo uu ula jeeday Dalka Itoobiya. “C/llaahi Yuusuf 1978-kii 9, April; ayuu wuxuu ka mid ahaa saraakiil damacday inay inqilaab ku sameeyaan Maxamed Siyaad Barre, balse taasi way dhicisowday, siduu waagaas u baxsaday oo haatan laga joogo muddo 30 sano ah wuxuu weli yahay Laaji, Laajinimadaas ayuu ku sii jirayaa haddii uusan garan in dalka uu dib ugu soo laabto oo uusan la qaybsan shacabkiisa dhib iyo dheef” ayuu yiri Jinni Boqor.

Sidoo kale waxaa xafladdaas ka hadlay Xildhibaan Jaamac Cali Jaamac oo sheegay in loo baahan yahay inay shacabka Soomaaliyeed is kaashadaan; wuxuuna si gaar ah ula dardaarmay shacabka Muqdisho oo uu sheegay inay yihiin kuwii lagu dayan lahaa, waxa kale oo uu sheegay inay jiraan shaqsiyaad doonaya inay dalka u gacan-geliyaan cadowga Soomaaliyeed, wuxuu sheegay in dhinacooda ay mar walba diyaar u yihiin in wixii khilaaf ah lagu dhameeyo, haddii kale la raaco axdiga KMG-ka ah. 

Hay’adda SOCDA oo ka codsatay dalalka horumarey in fuliyaan baaqii caalamiga ahaa …

            Waxaa maalintii shalay ahayd Hotel Saxafi 2 lagu qabtay shir jaraa’id oo looga hadlayay ciribtirka Gaajada waxaana shrikaasi jaraa’id qabtay madaxa barnaamijyada ee Hay’addaasi C/qaadir khaliif Shiikh Yuusuf wuxuuna sheegay in bishii Maarso ay warqad qoraal  gaarsiiyeen safaaradaha wadamada horey u maray ay ku leeyihiin magaalada Nayroobi kuwaaso kala ah Mareykanka, Ingiriiska, Kanada, Jaban, Jarmalka, Talyaaniga, Faransiiska iyagoo ka dalbanaya in la fuliyo baaqii caalimiga ahaa ee la dagaalanka Gaajada maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay lixda wadan ee ugu saboolsan adduunka C/qaadir Shiikh Yuusuf waxa uu sheegay in 70% shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo sabool ah kuwaas oo uu sheegay in ay u baahan yihiin in gacan la siiyo.

            Madaxa Barnaamijyada Hay’addaasi waxa uu ugu baaqay Bangiga adduunka in laga cafiyo daymanka lagu leeyahay Soomaaliya maadaama ay jiraan dalal maalaayiin ku leh soomaaliya oo uu sheegay in ay u heelan yihiin sidii ay u taageeri lahaayeen bulshada Soomaaliyeeda.

            C/qaadir Khaliif Shiikh Yuusuf waxa uu sheegay shantii sano ee uu jiray baaqaas ee la dagaalanka gaajada aan waxba loo qaban bulshada soomaaliyeed iyadoo baaqaasi` uu sheegayay in sanadaka 2015-ka caalamka laga tirtiro saboolnimada wuxuuna sheegay in aysan muuqan saan saan Soomaaliya looga ciribtirayo saboolnimada, wuxuuna u soo jeediyay shacabka soomaaliyeed inay iska kaashadaan sidii loo ciribtiri lahaa gaajada.     

Isbahaysiga SNA oo sheegay inaysan ka mid ahayn kooxha doonaya in ay maamul…

            Warqad qoraal ah oo uu nasoo gaarsiiyay Afhayeenka Isbahaysiga SNA C/kariin Axmed Cabdulle (Ximbil) ayaa waxa uu ku wargeliyay dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba inaysan ka mid ahayn kooxaha sheegay inay maamul u sameynayaan gobolka Banaadir, isagoo sheegay in mabaadii’da SNA ay ku saleysan tahay wadatashi iyo Wada hadal si loo gaaro nabad iyo dib u heshiisiin dhab ah.

            Ugu dambeyn afhayeenku wuxuu sheegay inaan loo dhameyn maamul u sameynta Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in kooxaha wada ay ujeeddadoodu tahay sidii ay qas iyo nabadgalyo darro uga abuuri lahaayeen Muqdisho.

            Waxaana maalmahaan magaalada Muqdisho ka socday dadaal la doonayo in maamul loogu dhiso gobolka Banaadir oo ay wadaan xubno ka socda labada gole, waxayna maalintii khamiista ahayd ay dhiseen guddiga nabadgalyada Gobolka Banaadir.

Kooxda Elman oo  soo bandhigtey ciyaar ay si aad ah u la yaabeen..

            Kooxda Elman oo ka mid ah kooxaha heerka 1-aad dalka Soomaaliya haatanna ka qayb-galaysa tartanka Bariga iyo bartamaha Afrika oo shalay ka furmay dalka Tanzania ayaa waxaa lagu furay kooxaha Elman (Somalia) iyo Kooxda Athletic Olympic ee dalka Burundi.

            Ciyaartaan oo ahayd mid ku billaabatay dardar iyo ciyaar wanaag ay muujiyeen labada kooxood ee Somalia iyo Burundi ayaa waxay Soomaaliya ku hormartay 2-gool, balse waxaa Soomaaliya laga dhaliyay inta 2-gool oo kale, taasoo keentay in qaybtii hore ee ciyaarta ay ku dhammaato 2-2, barbaro ah.

            Dib ayaa mar kale la isugu soo laabtay waxayna labada kooxood muujiyeen ciyaar wanaagyo balse kooxda Athletic Olympic ee dalka Burundi ka socotay ayay u suuro-gashay  inay dhaliyaan gool saddexaad, kaasoo muran xoog badan dhaliyay oo la sheegay inuu ahaa Offside, waxayse ugu dambeyn kooxadii ka socotay Burundi ay guushu ku raacday 3-gool iyo 2-gool oo Soomaaliya ay lahayd.

            Soomaaliya oo ku hormar-tay labada gool ayaa waxaa u kala dhaliyay ciyaar-yahannada kala ah Baasuuke iyo

            Maalinta Khamiista ah ee soo socota oo ay Soomaaliya mar kale ciyaari doonto kulankeedii labaad; waxay la yeelan doontaa koox lagu magacaabo Villa oo ka socota dalka Uganda 

Hay’adda CRD oo aqoon-isweydaarsi uga furtay Degmada Marka Odayaal  iyo..

            Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta IIDA ee Degmada Marka ka furmay aqoon is weydaarsi ay soo qaban qaabisay hay’adda CRD waxaana ka qaybgalay oday-dhaqameedyo, waxgarad iyo culummaa’uddiin ka kala socday gobollada Gedo, Sh/Hoose, Banaadir, Bay iyo J/Dhexe.

            Siminnaarkaan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa furay guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada Hoose Geeddi Shiikhaaloow Cali oo isagu u Mahadceliyay Hay’adda CRD oo iyadu la sheegay inay ka shaqeynayso sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa dalka.

            Sidoo kale ayaa waxaa ka hadlay Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ah mas’uuliyiinta Hay’adda CRD oo sheegay in siminnaarkaan uu ahaa kii ugu horreeyay ee ay qabato CRD isagoo sheegay in siminnaarkani uu dabasocdo siminnaaro ay horay hay’addu u qabay oo looga hadlayay nabadda, dib u heshiisiinta, hub ka dhigista iyo han isku celinta.

            Waxaa shalay si aad ah looga dooday arrimaha nabad-galyada, waxaana gabagabadii laga soo saaray dhowr qodob oo muhim u ah nabadgalyada oo ah in marka hore la wada hadlo, in hub ka dhigis lagu sameeyo dhammaan dalka in aan weli lagu heshiin wax la yiraahdo siyaasadda, inay is dhex yaaceen hay’adihii sharciga iyo Amniga.

            Sheekh Siraad Nuurre Maxamuud oo ka socday gobolka Gedo una warramay wariyaheenna ka qaybgalaya aqoon isweydaarsigaas  ayaa u mahadceliyay hay’dda CRD oo uu sheegay inay qabatay howl muhim ah, wuxuuna ugu baaqay hay’adda in barnaamijyada noocan oo looga hadlayo nabadda ay joogteyso.   

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail - amiinkhasaaro@hotmail.com


SHIRIKADA TELESOM OO KHADKA ISGAADHSIINTA CASRIGA AH KA FURTAY DEGMADA WIDHWIDH

Maxamed Gaaxnuug
gaaxnuug10@hotmail.com

SomaliTalk | Widhwidh Apr 24: Shirkada teleefanada ee telesom ayaa waxay ka furtay markii ugu horaysay isgaadhsiin casri ah ee Mobileka iyo lineka degmada widhwidh ee gobolka Cayn ee maamul goboleedka soomaaliyeed ee Puntland.

Shirkadan oo ah mid casri ah ayaa iyadu dhowaan waxa ay ka hawl gashay gobolka cayn magaalo madaxdiisa Buuhoodle hadaba maraan khadka telefanka kula xidhiidhay maamulaha shirkada telesom ee widhwidh Cabdilaahi Cawad waxa uu ii sheegay in ay tahay talaabo horumar ah oo ay gaadhay degmadu ayna soo dhoweeyeen dadka deegaanku waana markii ugu horeysay ee ay dadka deegaanku helaan isgaadhsiintan cusub ee Mobileka.

Dhanka kale waxa uu ii sheegay maamuluhu in ay ku soo dhoweynayaan dadka dibedaha in ay la soo xidhiidhaan amase ay soo garaacaan 002522793200 oo ah shirkada telesom widhwidh

Maxamed Gaaxnuug
gaaxnuug10@hotmail.com
SomaliTalk | Widhwidh

 


Ninkii Soomaaliyeed ee Maraykanka Laga Tarxiilay oo Dib Loogu Soo Celiyey Minnesota Kaddib markiii Loo Diidey in uu Ka Dego Boosaaso

Minnesota April 24: Sida ay werisey warbaahinta magaalada Minneapolis, waxaa dib Soomaaliya looga soo celiyey Keyse Jamac oo markii hore laga tarxiilay Minnesota, waxaana wararku sheegeen in uu maanta ku xirnaa xabsiga Ramsey County oo ku yaal St. Paul ee gobolka Minnesota halkaas oo dib loogu soo celiyey.

Waxaa warku intaas ku daray in Keyse loo duuleyey Kenya kaddibna diyaarad loo sii saaray Boosaaso, laakiin markii uu Boosaaso ka degey in loo diidey in uu halkaas ka dego, sidaasna dib loogu soo celiyey Maraykanka.

Keyse Jaamac waa 26-jir Soomaali ah, waxana uu dalka Maraykanka yimid saannadkii 1996, dacwadiisuna waxay gaartey maxkamada ugu saraysa Maraykanka ee loo yaqaan U.S. Supreme Court.

Keyse waxa uu dugsi sare ka dhigtay Minneapolis. Waxaa la xiray sannadkii 1999.

XAYAYSII


Shir jaraa’id  oo lagu soo bandhigayey milkiyadda dhulka oo lagu qabtey xerta sheekh Aaden Dheere

Shirkaan jaraa`id ayaa yimid markii shalay ay saxaafada la hadleen laba kamida Caruurta shiikh Maxamad Faarax kuwaasi oo sheegay in ay iyagu leeyihiin Milkiyadda xeerta oo ku fadhiya Dhul aad u ballaaran isla markaasina ay dagaal qaadayaan haddii aan lagu soo wareejin Dhulkooda sida ay sheegteen. 

Shirkii Jaraa`id ee maanta oo uu qabtay Axmad Shuqul sheekh Aadan Dheere ayaa saxaafada u soo bandhigay Document muujinaya lahaanshaha iyo milkiyadda dhulkaas waxaana sida Documentiga ku xusneyd dhulkaasi la bixiyay sanadkii 1968dii iyadoo uu ku saxiixnaa  Yaasiin Xaaji Ismaaciil oo xiligaa ahaa duqa magaalada ,waxaa kale oo halkaasi lagu soo bandhigay Document uu ku saxiixnaa Xasan Abshir Faarax,kaasi oo ahaa sanadkii 1974tii xiligaasoo Xasan Abshir uu ahaa duqa magaalada Muqdisho. 

Axmad Shuqul ayaa kulankii maanta saxaafaddu la yeelatay ku sheegay in dhow jeer oo hore ay u fidiyeen gogol ilmaha Sheekh Maxamad faarax laakiin ay diideen,waxaanu siinay buu yiri dhul Beereed iyo Boosas ku yaala  xamar , taasina wey diideen buu sii raaciyay. 

Sidoo kale Axmad Shuqul ayaa sheegay in la kala saaro Dariiqada iyo Milkiyadda waxaa uu yiri dhamaanteen waxaan nahay Dariiqo,hase ahaatee waxaa uu intaa raaciyay inaan dariiqo is dhaxlin oo uu leeyahay nin waliba wixii uu aabihii ka dhaxlay. 

Shuqul ayaa kulankii maanta ay saxaafadu la yeelatay waxaa uu ku soo wareejiyay goob lagu soo tuuray bambooyin oo uu sheegay inay mas`uul ka ahaayeen warasada Sheekh Maxamad faarax weerar goor habeen ah ay ku soo qaadeen xarunta xerta,

Shuqul oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal iyo wada xaajood inuu la yeesho kuwa uu ku sheegay inay is hayaan. 

Dhismaha xerta oo ah mid aad u balaaran ayaa waxaa ay ka kooban tahay 167 qol,seddax dugsi quraan,masaajid ka sameysansan dhagax,laba ceel biyood oo matooro ay saran yihiin,idaacad FM ah,oo sida qaalibkaa laga soo daayo xadradda Sufiyada ee qaaddiriyada,iyo goobo lagu dabiibo dadka waalan,dhismaha xerta ayaa waxaa uu dhacaa bartamaha magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wardhiigley Agagaarka Geed jaceyl. 

Dagaalka iyo is maandhaafka kasoo cusboonaaday xertaas ayaa waxaa ka biyo diiddan dadka Oodwadaagta la ah xerta,waxayna sheegeen inaysan u dulqaadan doonin dagaal halkaas ka dhaca mar kale. 

Si kastaba ha ahaatee xaaladda nabadgelyada ee xarunta xerta ayaa aheyd mid deggan  maalmihii la soo dhaafey,

xasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com

mogadhisho somalia

Faafin: SomaliTalk.com | April 24, 2005

Ciidamo ka amar qaata Xaabsade oo qaaday jidgooyooyin yiilay wadada Baydhabo iyo Baardheere
»Muqdisho: Xubno katirsan DFKMG la kulmay saraakiil
»Beesha Saransoor ee Jubbooyinka oo Qaadaacday DFKMG
»Gudoomiyaha G/Banaadir oo ka hadlay amaanka Muqdisho
»Xidhibaan Jini Boqor & Caasha Axmed oo Faalo Bixiyay
»W/Arimaha Dibada DFK oo markale ka hadlay shirka Jakarta
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji..

Sweden oo ay walaac Diimeed ka jirto
kadib markii nin waalani uu aflagadaayeye Nabi Muxamed Guji


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD