SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


Sweden oo ay walaac Diimeed ka jirto kadib markii nin waalani uu aflagadaayeye Nabi Muxamed.
Inkastoo aysan aheyn arrin layaab ku ah mujtamaca Islaamka ah ee maanta jira in Diintooda had iyo goor la aflagaadeeyo, hadana mida tacajabka lehi waxey tahay sida aysan Muslimiintu aheyn kuwo mowqif mideysan ka qaadan kara arrimaha qaar oo karaamadooda diimeed ku difaacan karra.
 
Dalkan Sweden oo kamid ah dalalka ay Muslimiin badan ku nool yihiin goobkastana ay Diintoda ku caabudaan ayaan noqon dal ay dadkiisu aflagaadeeyaan diimaha kale sida Islaamka iyo kuwa soo saaraca. Hase dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey ayaa mid kamid ah xagjirada ugu caqliga liita islamarkaasina isku magacaabay "wacyigeliya" Si bareer ah ugu gafay diinta Islaamka iyo Nabi Muxamed NNKH ahaatee, kadib marku ku sheegay nin guursaday carruur aan qaan gaar aheyn.

Hadalka ninkan oo dareen xoog leh ku abuuray muslimiinta dalkan iyo guud ahaan meelo kale oo kamid ah caalamka ayaa laga muujiyey cabsi xoog leh taasoo ay sababi karto  kooxo la sheegay iney xirriirla leeyihiin Usaama Bin Laadin ay ku raad joogaan ninkan waalan ee aflagaadooday.

Labo kamid ah wargeysyada dalkan ayaa faallooyin kala duwan oo arrintaasi ku saabsan ka hadlay. Wargeyska la yiraahdo Aftonbladet oo amuurtan ka hadlaya ayaa cadadkiisi maanta soo baxay ku qoray sidatan. "Runar oo Tv-ga been ka sheegay" Runar Sögaard-ka waa ninka mintidka ah ee ku aflagaadooday Nabi Muxamed NNKH. Wargeyska oo ka faalloonaya beenta ninkani  sheegay isagoo la hadlayay channel-ka 4-ka dalkan  ayaa xusay in saxaafadddu ay si qaldan hadalkiisa u buun buunisay, balse xaqiijiyey in ereyada qaar laga soo qaatay CD  uu dhawaan soo saari doono.

"Dhamaan diimaha jira ayaan ka hadlay ee si gooni Islaamka ugama hadlin, laakinse saxaafadda ayaa buun buunisay, taasina waxey keentay dhibka jira. Shaqsiyan muslimiinta dhib uma arko. Muxamed-na podefile maaheyn ee waxa uu guursaday carruur. Waxaanu leenahay sharci xakameynaya in dhibaato loo geysto carruurta Qaramadda Midoobeyna arrinkaasi qaraar bey kasoo saartay sidaas daraadeed waa inaan dhowrnaa" Ayuu yiri xagjir Runar oo wareysi siiyey qeybta warka ee Channel 4-ka Sweden isagoo muujinaya sida ay arrintan ugu noqotay mid keentay dhibaato naftiisa halis ku ah waxaana uu diiday inuu raaligareyn buuxda ka baxsho hadalkii meel ka dhaca ahaa ee kasoo yeeray.

Dhinaca kale Imaamka la yiraahdo Cabdul Xaq Kielan ayaa  gaashaanka u darruuray iney FADWO deg deg oo ninkaasi lugu dilo la soo rogo "Waa wax lugu yaq yaqsoodo in muslimiin ahaana la aamino inaan dil deg deg ah ku soo rogno qof bani'aadam ah sida ay MAFIA-da yeesho, saxaafadda qaarkeedna waxey wad waday meelaha in wadaad caan ahi uu amray dilka ninkaasi laakin taasi waa mid aan waxba ka jirin" ayuu yiri Imaamkaasi oo saxaafada u xaqiijiyey ineysan marna jecleysan dil lugu soo roggo ninkaasi.
 
Guud ahaan salaaddii Jimcaha ee shalay lugu tukaday masaajidka Stockholm ayaa laga dareemayey walaac iyo niyad jab aad u weyn oo la xirriirta hadalkii meel ka dhaca ahaa ee ninkaasi u geystay Rassuulkii Eebbe NNKH. Maxamuud Khalfi oo ah Imaamka Masjidka oo saxaafadda u warameyey ayaa sheegay in ninkan uu doonayo inuu saxaafadda ka dhexmuuqdo balse aaney jaanis siineyn si arrintan awgeed uu magac ku yeesho. Waxaa kale uu sheegay in meel looga dhaco diintooda aysan aheyn mid hada cusub, dhowr sanno ka hor ayuu xusay in madaxaf ku yaala dalkan lugu soo bandhigay sawir ay ku sheegeen inuu ahaa Nabi Ciise  (CS) oo si darran loo aflagaadeyey.

Isku soo dawada duubo hadalka sida weyn muslimiinta uga careysiiyey ayey culumida Sweden doneysa iney ku dejisho xiisadda kacsan si aysan u iman isku dhac diimeed oo dalkan hanaankiisa siyaasadeed iyo dimoqoraadiyadeedba wax u dhima, maadama dalkan Sweden uu yahay dalka keliya ee ku yaala waqooyiga Yurub ka jirto xornimo buuxda oo diimeed muslimiinta ku dhaqanina ay goob kasta ku gudan karaan waajibaadkooda diiniga ah.

Waxaa soo arruurisay; Ikraam Cali-kaar
ikraam_calikaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 23, 2005

BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD