SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Wasiirka Arimaha Dibada DFKMG oo Kudbad kale ka jeediyeye jakarta
  • Gudoomiya G/Banaadir Firimbi oo sheegay in goobaha caafimaadku ay yihiin meelaha ugu horeeya ee ciidamada amaanka Muqdisho ay ka howlgelayaan 
  • Xubnaha labada gole ee ku sugan muqdisho oo la kulmay saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa booliska 
  • Ciidamo ka amar qaata Xaabsade oo qaaday jidgooyooyin yiilay inta u dhaxeysa magaalooyinka baydhabo iyo baardheere 
  • Beesha Saransoor ee Jubbooyinka oo Qaadaacday DFKMG
  • Xidhibaan Jini Boqor & Xidhibaan Caasha Axmed oo Faalo ka Bixiyay shaqada xubnaha Baarlamaanka ee kusugan Xamar

Wasiirka Arimaha Dibada DFKMG oo Kudbad kale ka jeediyeyhirka Jakarta

Wasiirka Arrimaha Dibedda DFKMG Soomaaliyeed ayaa khudbad labaad ka jeediyey kulankii Madaxda Asia - Africa oo ka soconaya Jakarta - Indonesia.

 
Qudbadan oo uu Wasiirku kaga hadlay xaaladda Soomaliya & ka qeybgalka DFKMG Somaliyeed shirkan taariikhiga ah, talooyin ku haboona ka jeediyay sidii ay isu kaashan lahaayeen dawladaha labada qaaradood. Khudbadii oo afka Ingiriiska ah ka akhri halkan... [pdf]

Xubnaha labada gole ee ku sugan muqdisho oo la kulmay saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa booliska 

Muqdisho April 23: Kulankan ayaa ka dhacay xarunta baarlamanka oo ah xaruntii xisbiga ee magaalada muqdisho,waxaana looga wada hadlay sida ugu fudud ee loo abuuri karo ciidamo tayeysan oo ka qeyb qaadankara howlaha la xiriira amaanka G/Banaadir 

Kulankii maanta oo ay ka qeyb qaateen shan iyo labaatan xubnood oo labada gole ka tirsan iyo saraakiisha ciidamada ayaa ah mid laagu gogol xaarayo nabad ku soo dabbaalida muqdisho oo maalmahanba lagu howlanaa sida uu saxaafada u sheegay xildhibaan cali baashi xaaji maxamad isagoo intaa raaciyay in waqtigu uu foodda ku soo hayo sidaasi daraadeedna ay dardar gelinayaan 

Shirkii maanta ayaa lagu magcaabay 13 xubnood oo ka tirsan saraakiisha ciidamada kuwaasi oo ka shaqeyn doona nidaaminta howlgalada dhowaan lagu wado in muqdisho laga fuliyo iyo sidii maleeshiyooyinka dibada loogu saari lahaa islamarkaasina hubka dhigis loogu sameyn lahaa 

Saraakiishan waxyaabaha kale ee loo xilsaaray waxaa ka mid ah inay ka soo baaraan degaan qaabkii jidgooyooyinka yaala gudaha magaalada iyo wadooyinka soo galaba loo qaadi lahaa iyo sidii loo howl gelin lahaa stationada booliiska ee degmooyinka G/Banaadir

 Xubnaha saraakiisha ee loo magcaabay howshaas waxaa ka mid ah

  • G/sare maxamuud kaahiye barre
  • G/sare maxamad c/dulle axmad
  • G/sare faarax c/dulle gacal
  • G/sare siciid salad cilmi
  • G/sare maxamas maxamuud saney
  • G/sare c/laahi maxamad shiiq xasan
  • G/sare isaaq c/dulle nuur
  • G/dhexe maxamad xasan maxamuud
  • G/dhexe cartan cali warsame
  • G/dhexe cali maxamad

Iyo qaar kale oo aan la shaacin,waxaana dadka muqdisho ay sheegayaan in ciidamadu ay waxweyn ka qaban karaan haddii loo daayo howlaha amaanka bacdamaa ay aqoon u leeyihiin howlaha la xiriira amaanka isla markaasna ay heystaan waayo aragnimo dheer oo dabooli karta nabad aslaaxinta.

Ciidamo ka amar qaata Xaabsade oo qaaday jidgooyooyin yiilay inta u dhaxeysa magaalooyinka baydhabo iyo baardheere 

Ciidamadan oo ku hubeeysan gaadiidka dagaalka ayaa saakay waaberigii qaaday howlgal balaaran oo ay ku nadiifinayaan isbaarooyinka yaala wadada baydhabo uga timaada dhinaca baardheere ee gobolka gedo. 

Howlgalkan ayaa lagu qaaday ilaa toban isbaaro,kuwaasi oo sida la sheegay dhib weyn ku hayay gaadiidka iyo dadka socotada ah ee wadadaas isticmaala,warka ayaa intaa ku daraya in mudadii uu socnayay howlgalkaasi aaney cidina wax ku noqonin. 

Amarkan howlgalkaan ayaa waxaa bixiyay sida ilo xogogaal ah ay ku waramayaan xildhibaan maxamad ibraahin xaabsade oo isagu gacanta ku haya magaalada baydhabo tan iyo shan iyo labaatankii bishii aanu soo dhaafnay markaa soo ay ku dagaalameen maleeshiyooyin isaga taageersan iyo kuwa shaarguduud, kaasoo keenay in magaalada laga saaro maleeshiyooyinkii taageersabnaa col,shaarguduud. 

Howlgalkii maanta ayaa waxaa uu daba joogaa mid la mid ahaa oo shalay isla maleeshiyada xaabsade ay ku sifeeyeen wadada u dhaxeysa baydhabo iyo buurhakaba oo ay yaaleen in ka badan 30jidgooyo. 

Dhinaca kale wasiirka gaadiidka circa iyo dhulka ee dowladda federaalka ibraahin kiishbur oo ku sugan xuddur ayaa ku tilmaamay howlgaladaas kuwo iska horkeenaya shacabka gobolkaas. 

Si kastaba ha ahaatee shacabka ku dhaqan magaalada baydhabo ayaa si weyn u soo dhoweeyay tilaabooyinkan lagu nadiifinayo wadooyinka soo gala. 

Hasan dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu  somalia


Beesha Saransoor ee Jubbooyinka oo Qaadaacday DFKMG

  • Qowmiyada Saransoor ee gobolada jubbooyinka oo markoodii ugu horeysay cadeeyay in ay qaadacsanyahiin dowada FKMG ah ee soomaaliyeed kadib markii ay masuuliyiinta "dowlada ay duudsiiyeen xubnahii ay ku lahaayeen baaralamaka dowlada FDRKMG ah ee soomaaliyeed " Waa sida ay wark au dhigeene.

sawirka gudoomiyaha beesha saransoor xaaji maxamed

Shir balaaran oo ay shalay galinkii danbe qabteen qowmiyada saransoor oo ka dhacay xaafada Calanleey gaar ahaan xaafada Via Afmadow ee magaalada Kismaayo  ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaan siyaasiyiinta aqoonayhanada wax garadka  culumaa udiinka iyo ururada bulshada ee ku abtirsada qowmiyada Saransoor ayaadoo halkaa ay dhamaanba ku sheegeen in ay masuuliyiinta dowalada FDKMG ah ay duudsiyeen xubnahii baarlamaanka soomaalieed ay ku lahaayeen qowmiyada Saransoore. 

Intii uu shirkaan socday ayaa waxaa qudbado halkaas kasoo jeediyay siyaasiyiinta iyo aqoonayahanada qowmiyadas oo uu ka mid ahaa gudoomiha qowmiyada saransoor xaaji Maxamed Muuse Guuleed isagoo ku nuuxnuxsaday hagar daamada ay madaxada dowlada u geyesteen qowmiyadooda aysan ahayn mid xaq ah islamrkaana ay qowmiyada Saransoor la midtahay qowmiyadaha kale ee sooomaaliyeed . 

Gudoomiyaha oo labo sano iyo bar ku maqnaa shirarkii dib u heeshisiinta ee soomaalida oga socday dalka Kenya ayaa mar uu shirkiii ka dhacay xafada Via Afdoow ee magaalada Kismaayo ka hadlayay waxa uu xusay wajiyadii uu soo maray shirka dib u heeshisinta somalida oga socday dalka Kenya iyo dhibaatooyinkii halkaa ka qabsaday  isagoo intaa raaciayay gudoomiyaha in ay waajib muqadas ah tahay nabadeynta iyo dib u  midayenta  umada soomaaliyeed balse waxa uu sheegay gudoomiye xaaji Maxamed Muuse Guuleed in qaybsigii beelaha ee lagu qaybsaday magalaada Enbagathi ee dalka Kenya loona qeybsaday 4.5 uusan ahayn  mid loo qaybiyay si cadaalada ah  waayo ayuu yiri godoomiyaha kamid ma aysan ahayen xubina lagama siin qowmiyada Saransoor ee soomaaliyeed sidaa daraadeed qowmiyada Saransoor ma aqaaonsana dowlada FDRKMG ah  ayuu yiri gudomiyaha qowmiyada Saransoor . 

Hadaba ugu danabeyntii waxa uu gudomiyaha ugu baaqay umada soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba  in ay mas uuliyiinta dowlada FDRKMG ah ee soomaaliyeed duudsiyeen jiritaankii iyo xaqii ay lahaayeen qowmiyada Saransoor isagoo islamarkaana gudoomiyaha ugu baaqay qowmiyada Saransoor meel kasta oo ay joogaan in ay xaqooda ku raadsadaan si nabdoon oo ay soomaalinimo iyo wadaninimo ku jirto. 

Si kasta o ay ahaataba ma ahan markii ugu horeysay oo ay qaar ka mid ah qowmiyadaha iyo beelaha soomaaliyeed sheegaan in ay mas uuliyiinta dowlada FDRKMG ah ay duudsiiyeen xaqooda iyo jiritaankoodii aydoo dabayaaqadii sanadkii aynu soo dhaafnay ay beesha Sheeqaal ay samaysay mudahaadyo iyo shirar ay oga soo horjeedaan dowada FDRKM ah ay ku qabteen magaalada kismaayo halkaas oo ku cadeeyeen in la nusqaamaiyay jiritaankodii soomaalinimo. 

Hadaba baaqii ay shirkooda kasoo saareen qowmiyada Saransoor oo ay u soo jedinayeen beesha caalamka ayaa waxaa ku saxiixnaa dadkan soo socda 

  • 1:gudoomiyaha qowmiyada Saransoor xaaji Maxamed Muuse Guuleed 
  • 2: suldaan Cali maxamed Nuur (daacad) 
  • 3: suldaan Rashiid Nuure Cumar  
  • 4: suldaan Maxamed Nuur Cali 
  • 5: ganacsade AadanBbariise Fareey

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com


Xidhibaan Jini Boqor & Xidhibaan Caasha Axmed Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka Soomaalida ayaa Faalo ka Bixiyay shaqada ay qabteen Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyed ee ku Sugan Muqdisho 

Xidhibaanadan oo iyagu saaka u waramayay Saxafiyiinta Gudaha& Dibada ee ku Sugan Nairobi ayaa Faalo dheer ka bixiyay wax qabadkii Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyeed oo ay ku sheegeen in ay kor u dhaafayaan 100. 

Dr Cabdi Cabdulle Saciid Jino Boqor waxa u xusay in Dadka reer Muqdisho u baahanyihiin Doowlada Soomaaliya u curatay ayna soo dhaweynayaan iyagoo 10/10/2004 Markii la Doortay Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf. 

Ay reer Muqdisho qabten Banaanbaxyo lagu taageerayo Dowlada hase yeeshee ay Dadku si aada u niyad Jaben markii ay soo Ifbaxday in Xukuumadu ay ka warwareegayso in ay Xarun ka dhigato Muqdisho. 

Dhinaca kale mar la waydiiyay sida ay u aamini karaanHogaamiyaasha Hubaysan ee Muqdisho Xidhibaan Dr Cabdi Cabdulle Saciid Jini Boqor waxa u hoosta ka xariiqay in ay in dhihiisa ku arkay. 

Hogaamiyaasha oo shah wada cabaya Ciidamadooda oo wada wadaagaya laamaha Qaadka ah iyo iyaga oo nagu qanciyay in ay wax weyn ka badalayaan Nabada iyo Xasilinta Muqdisho buu Yiri. Dr Jini Boqor. 

Dhinaca kale Xidhibaanad Caasha Axmed Cabdalle ayaa iyaduna Xustay in Xubnaha Baarlamaanka Soomaliyeed ee ku sugan Muqdisho ay hayaan hoowlo qaran iydoo xustay in looga baahanyahay Guud ahaan Baarlamaanka howlo qaran. 

Waxa ay sheegtay in wax yaabaha lagu farxo o ay aragta ay ka mid ahaayeen Warshadii Dharka ee Balcad oo bad qabta iyadoo ku uamaantay Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxow iyo Ciidamadiisa. 

Waxaa kaloo ay xustay in xidhibaanada ku sugan Muqdisho ay Sameeyeen Xeryo lagu xaraynayo Ciidamada ku waas oo kalla ah shan Xarumood . 

Dhanaane ,Carbis, Dayniile, Hiilweyne, Balcad iyadoo sidoo kale xustay 46 Baabuurta gaashaaman ahi ay diyaariyeeniyadoo xustay in 14 Dagmoo ee Magaalada muqdisho Saldhigyadooda la geeyay Ciidamo Suga Nabada. 

Dhinaca kale waxa ay sheegeen in Xidhibaanada ku suganMuqdisho ay dhiseen gudiyo ka shaqeeya nabada ku waas oo kalla ah. 

  • 1-Gudiga Kornmeerka& FulintaWaxqabadyada Gudiyada
  • 2-Gudiga Amniga& Nabadgalyada
  • 3- Gudiga Dhaqaalaha
  • 4-Warfaafinta& Qoraalada
  • 5-Arimaha Bulshada
  • 6-Qaymaynta iyo Dib u dhiska Xeryaha Ciidamada

waxa kaloo ay sheegtay in ay aad u tahay nasiib daro in Madaweyne Yusuf ku baaqo in Xidhibaanada ku sugan Muqdisho ha soo noqdaan waxaa kaloo isaga o oku Sugan Xurunta Muqdisho isna Hadalkaa qaadacay Dr Maxamuud Jaamac Cabdulaahi Sifir.

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya_Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com


Gudoomiya G/Banaadir Firimbi oo sheegay in goobaha caafimaadku ay yihiin meelaha ugu horeeya ee ciidamada amaanka Muqdisho ay ka howlgelayaan 

C/laahi Xasan ganey Firimbi oo ah guddoomiyaha G/banaadir ayaa maanta shaaciyay in goobaha u horeeya ee ay ka howlgelayaan ciidamada ay diyaarinayaan labada gole ee ku sugan Muqdisho ay noqonayaan goobaha Caafimaadka. 

Firinbi ayaa sheegay in goobaha caafimaadku ay yihiin halbowlaha umadkasta oo meel deggan,lama huraana ay u yihiin nolosha,waxayna mudan yihiin buu yiri,in la adkeeyo amaankooda,wuxuuna intaa ku daray in arintan ay isla soo qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan xilligii uu booqanayay Muqdisho. 

Arintan oo u muuqata talo soo jeedin ayaa firinbi sheegay in labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho ay dhowaan go`aan ka soo saarayaan ku aaddan sidii ciidamo amaanka suga loo geyn lahaa goobaha caafimaadka. 

Hase ahaatee gudoomiyaha G/banaadir C/laahi xasan ganey Firinbi ayaan sheegin nooca ciidamada ka howlgelaya goobaha caafimaadka. 

Horay ayuu u shaaciyay duqa magaalada muqdisho in dhowaan ay magaalada ka howl geli doonaan ciidamo amaanka sugaya oo ku hubeysan ilaa afartameeyo gawaarida dagaalka ah,waxayna u muuqataa in hadalka firinbi uu kaabayo kii duqa magaalada. 

Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu maanta booqday tuulada caruurta SOS oo maalin dhoweyd lagu weeraray bam gacmeed,kaa soo dhaawacyo ay ka soo gaareen sedax ka mida howlwadeenada oo ay ku jirto haweeney sooro ah oo u dhalatay talyaaniga. 

hassan dhaaleey
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia


Suldaan Nayruus Xaaji Aadan oo Sheegay in lagu been abuurtay.
Aniga oo ah Suldaan Nayruus xaaji Aadan kuna nool magaalda Karachi ee waddanka Pakistan waxaan halkaan ka naqdinayaa been abuurkii waynaa ee la iga sheegay ee mareegaha internet-ka


Haween iyo Caruur ku Xirnaa Xabsiyada Sucuudiga oo soo gaaray Muqdisho
»Kulan Albaabadu u xiran yihiin oo ka dhacay Xuddur, Bakool
»Nairobi: Laba shir oo iska soo horjeeday oo La Baajiyey
»Xubno ka tirsan baarlamaanka oo isugu yimid Sagret Hotel
»Khadkii cagaarnaa ee degamada Wadajir oo la qaaday
»Wafti Soomaaliyeed oo Booqasho Ku Jooga Indonesia
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...

Faafin: SomaliTalk.com | April 23, 2005

BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD