SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Barnaamijkii Radio Xoriyo

22 Apr. 2005

  • Hawlgalkii Mandad ee Ciidammada Xoreynta Ogaadeenya oo guul ku meel-maray.
  • Xildhibaan caan ah oo Maraykan ah oo Zenawi u qoray warqad canaan ah.
  • Saraakiil Itoobiyaan ah oo shiriyay saraakiil soomaali ah.
  • Iyo barnaamij gaar ah oon kaga hadlayno Ciidammada Xoreynta Ogaadeenya

======================

Hawlgalkii Mandad ee Ciidammada Xoreynta Ogaadeenya oo guul ku meel-maray

Wararka naga soo gaadhaya Ogadenya ayaa waxay sheegayaan,in Ciidan ka kooban N/hurayaal rag iyo haween isugu jira oo in muddo ahba ku tababaranayey dugsiga tababarka Sayid C/Weli ay bilaabeen 13/04/05 hawlgal balaadhan oo loogu magacdaray hawlgalka Mandad,hawlgalkaas ayay ujeedadiisu ahayd in lagu wiiqo ciidnka cadowga ee jiida Qoraxay iyo Doollo.

Ciidamadaas oo ay is kaashanayaan CWXO ee labada qaybood ee Doollo iyo Qoraxay ayey guulo badan ka soo hoyiyeen dagaalo dhexmaray iyaga iyo ciidamada cadowga itoobiya.

Ciidankan oo in mudda ahba lagu carbinayey dugsiga Sayid CabdiWeli ayuu cadowgu ka war helay inay qaadayaan Halwgalka Mandad isaga oo adeegsanayey sirdoonkiisa iyo dabaqoodhiga madiidinka u ah.Cadowga gumaysiga itoobiya ayaa isku deyey inuu fashiliyo Hawlgalkan, isaga oo

amar ku siiyey ciidankiisa Fadhiya Laaso Caano iyo Shilaabo inay ka hortakaan. Cutubyo ka mid ah CWXO ee H. Mandad fulinayey ayey isku heleen labadaas ciidan ee cadowga goobta la yidhaahdo Caleen iyo Garas Qalooc 15/04/05. Waxaa meeshaas lagaga gubay cadowga 2 b/buur oo Ural oo ciidankii saaraa basbeeleen. Waxaa kale oo halkaas lagaga dilay cadowga askar ka badan 60,iyadoo weliba la caydhsaday askartii cadowga itoobiya. Cwxo oo ku dhaadanaya guushaas weyn ayaa goobti ku soo hadhay kadibna ka hawl qaybsaday.

Dhacdadan kadib: ayay ciidamada cadowga itoobiya bandow ku soo rogeen magaalooyinka Q/dahare, Wardheer iyo Shilaabo. 20 Abriil 2005 waxaa magaalada Qabridaharre loo diiday in dadka lugta ahi ay soo galaan ama ka baxaan

waxay kaloo joojiyeen gaadiidkii gabi ahaanba,waxaana ka mid ah gaadiidkaas ay joojiyeen Awrtii ay dadka reer miyiga ahi raran jireen. Dhinaca kale qaylo dhaan iyo gurmad ayay u dirsadeen magaalooyinka Godey iyo Jigjiga si gurmad ciidan loola soo gaadho. Hawlgalkaas barakaysan wuxuu la kowsaday curashada roobabkii Guga.Taas oo CWXO iyo shacabkiisa ku duuban ay Eebbe ugu mahadnaqeen. 

Sida wararku sheegayaan waxaa weli socda hawlgalkii Mandad oo aagag kala duwan ka socoda. Wararka ka imanaya aaga cadowga ayaa sheegayaa inuu cadowgii dib isu abaabulayo iskuna urrusanayo agagaarka Togga Faafan iyo jiidda udhexaysa Ceel Ogaden iyo Q/Dahare iyo weliba Q/Dahare iyo Wardheer.

Ciidanka cadowga itoobiya ayaa sidii caadada u ahayd ku gadooday dadweynihii aagaga degganaa markii jabkaas uuna ka soo waaqsanaynin loo gaystay , isaga oo ku eedaynaya inay gacan siiyeen CWXO,halkaasoo uu ku xidh-xidhay dad shacab ah oo badan.

Maamul ku-sheegga Kililka ayaa shegay in heegan la geliyay, waxaa sidoo kale cabsi wayni ku beerantay ciidammada Wayaanaha ee ku sugan dalka Ogaadeenya, kuwaasoo hadda dalbaday in gurmad degdeg ah lala soo gaadho.

Dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya ayaa iyaguna dhinacooda aad ugu diirsaday Hawlgalka Mandad, iyadoo dadka ku dhaqan dalka Ogaadeenya loo kala qaybin karo labo qaybood. Qayb faraxsan oo si qarsoodi ah isugu hanbalyaynaysa iyo qayb murugo iyo argagax ku habsaday oo ah ciidammada Wayaanaha iyo taageerayaashooda.

Hawlgalka Mandad wuxuu u dhacay sidii loogu talagalay. Qaybtiisii horana si fiican ayay u hirgeshay, waxaana lagu talajiraa in qaybaha kalana ay sidaas iyo ka sii fiican u dhacaan, iyadoo la kaashanayo awoodda Eebe iyo kartida dagaal iyo mintidnimada ciidammada xoreynta Ogaadeenya ee u dhaartay inay ciiddooda ka dahiraan gumaysiga Itoobiya.

Xildhibaan caan ah oo Maraykan ah oo Zenawi u qoray warqad canaan ah

John McCain oo madax ka ah guddiga agaasimayaasha Machadka Caalamiga ah ee Jamhuuriga, kaasoo ka tirsan golaha senatarrada ee dalka Maraykanka ayaa warqad canaan ah u qoray keligii taliye Meles Zenawi, taasoo uu kaga hadalayo sida uu Maraykanku uga xun yahay tallaabadii ay qaaday xukuumadda Addis Ababa ee ahayd inay dalkeeda ka soo caydhiso seddex urur oo laga leeyahay dalka Maraykanka.

Senatar John McCain wuxuu warqaddan ku sheegay inuu aad u danaynayo, isla markaana ka qarracmay in xukuumadda Itoobiya ay soo caydhiso seddexda urur ee kala ah IRI, IFES iyo NDI, kuwaasoo iyagoo kaashanaya Hay’adda USAID, doonayay inay gacan ka gaystaan qorshaha dimuqraadiyada iyo u diyaar garowga doorashada 15 May.

John McCain wuxuu yidhi; " Ururradani waxay wateen barnaamij dhexdhexaad ah, waxayna doonayeen inay gacan ka gaystaan sidii qorshaha doorashadu u noqon lahaa mid si fiican u hirgela"

Wuxuu kaloo intaas ku daray; "Waa markii ugu horraysay ee muddo 20 sano ah ay dawladi si wadajir ah ururradan dalkeeda uga soo caydhiso. Waxaa ururradan dalkaaga laga soo caydhiyay xilli ay dawladaadu sheegtay inay qabanayso doorasho xor ah oo hannaanka dimuqraadiyada ku qotonta". 

John McCain wuxuu intaas ku daray in tallaabada xukuumadda Itoobiya dalkeeda kaga soo caydhisay ururradan ay keenayso oo kaliya in su’aal laga keeno hufnaanta iyo nadiifnimada doorashada. Wuxuu sidoo kale xukuumadda Itoobiya ugu baaqay inay ka shaqayso sidii ay u abuuri lahayd jawi habboon oo horseedi kara doorasho xor ah oo cadaalad ku salaysan.

Saraakiil Itoobiyaan ah oo shiriyay saraakiil soomaali ah

Saraakiil sare oo ka tirsan ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa degmada Gaashaamo ee gobolka Jarar ku shiriyay kooxo soomaali ah oo ka tirsan ciidammada ammaanka ee maamullada Puntland iyo Woqooyi Galbeed soomaaliya.

Saraakiishan Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay inay kooxaha soomaalida ah kala hadlayeen waxa ay ugu yeedheen in la adkeeyo ammaanka xuduudda u dhexaysa Soomaaliya iyo Ogaadeenya. Maalmo yar ayaa laga joogaa markii ciidammada gumaysiga Itoobiya soo galeen meelo ka mid ah gobolka Togdheer ee dalka Soomaaliya, halkaasoo ay ku shiriyeen ciidammada maxalliga ah ee qaabilsan ammaanka meelihii ay tegeen oo ay ka mid ahayd magaalada Buuhoodle.

Dhinaca kale ciidammada Wayaanaha ee ku sugan dalka Ogaadeenya ayaa xayiraad ku soo rogay gaadiidka ka yimaada dalka Soomaaliya, waxayna gaadiidkaas ku amreen inay soo maraan meelo xaddidan, oo lagu baadhi doono. Gaadiidka ka imanaya dhinaca gobolka Hiiraan waxaa lagu qasbay inay soo maraan degmada Feerfeer, waxaana gaadiidlayda loo sheegay in gaadiidkooda lagala wareegi doono iyagana la xidhi doono haddii ay waddo kale soo maraan.

Gaadiidka ka imanaya dhinaca koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa iyagana lagu qasbay inay soo maraan oo kaliya magaalada Ceelbarde. Tallaabadani waxay ka mid tahay cunaqabataynta ay ciidammada gumaysiga Itoobiya ku hayaan dadwaynaha Soomaalida Ogaadenya iyo kuwa soomaaliyeed labadaba, waxaana ka mid ah waxyaabaha ay raadsanayaan hub iyo lacagta shilin soomaaliga ah oo beryhan denbe oo dhan laga uruurinayay dalka Ogaadeenya.

Radio Xoriyo

22 Apr. 2005

C/nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2005

BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD