SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Diblomaasiyiin shisheeye oo ku guuleystay in ay baajiyaan laba shir oo iska soo horjeeday oo ay qaban lahaayeen labada gole.
  • Haween iyo caruur ku xirnaa xabsiyada Sucuudiga oo soo gaaray Muqdisho
  • Kulan Albaabadu u xiran yihiin oo ka dhacay Degmada Xuddur ee G/Bakool. 
  • Khadkii cagaarnaa ee ka jiray degamada Wadajir oo maanta la qaaday 
  • Wafti Soomaaliyeed oo Booqasho Ku Jooga Jakarta, Indonesia

Diblomaasiyiin shisheeye oo ku guuleystay in ay baajiyaan laba shir oo iska soo horjeeday oo ay qaban lahaayeen labada gole.

  • Canab Mumtaz | SomaliTalk | nairobi
    canabmumtaz@yahoo.com
Nairobi April 22: Shirar aan caadi ahayn oo lagu waday in ay kala qabtaan laba koox oo  siyaasad ahaan iska soo horjeeda kana wada tirsan baarlamaanka iyo dowlada ayaa maanta baaqday kadib markii uu goobta shirarka tageen mas'uuliyiin ka socotay IGAD iyo IIPF-ta dalbadeena in la joojiyo.
 
Shirarkan mid ka mid ah waxaa qaban lahaa xildhibaabo gaarayay 99,oo todobaadkii hore u gudbiyay mowshin gudoomiyaha baarlamaanka FKMG ah ka hadlayay in la qabto shir lagu fulinayo go'aankii dowlada ee dagista baydhabo iyo jowhar ay ka mid ahaayeen iyo in la maxkameedyo hogaamiyayaasha hubaysan hadii ay diidaan hubkooda in ay dhiibaan lana saaro maxkamad dambiyadeed caalami ah.
 
Shirkan waxa uu ka dhici lahaa hotelka Sagret ee magaalada Nairobi waxaana soo qaban qaabiyay urur dhawaan la magac baxay ururka dardargalinta baarlamaanka oo dooran lahaa gudoomiye iyo ku xigeeno ka dhan ah kuwa baarlamaanku leeyahay,iyaga laf ahaantooda waa qayb ka mid ah baarlamaanka iyo dowlada ninka ay dooranayeena waa mid banaanka ah baarlamaanka.
 
Kulankan oo daqiiqado socday markii ay ururkani ku dhawaaqeen Aadan Maxmad Cali in uu gudoomiye u noqday ayaa waxaa soo galay Am.kiplagad oo ka dalbaday in ay si dag dag ah u joojiyaan shirka ay wadaan sidaas ayaana lagu joojiyay.
 
Dhinaca kale ee shirkan iyagana lagu waday in ay qabtaan waa guruubka kale ee ka soo horjeeday moshinka ay keeneen kooxdan u badan dowladda iyagoo ku qaban lahaa hotelka grand regecy ee magaalada Nairobi,balse iyagana waxaa joojiyay kooda isla kiplagad oo ka dalbaday in ay joojiyaan.
 
Hadaladii uu danjiraha shirka Somalida u qaabilsan kenya waxaa ka mid ahaa isagoo yiri"Waxaa niyad jab nagu ah inaan aragno baarlamaankii oo mid ahaa lahaana nidaam iyo gudoomiye ay maanta u kala saftaan laba koox oo mucaarad isku ah iyadoo aan la gaarin dalkii iyo waxqabad midna,waana mid si wayn noogu abuurays walwal,mid keena ka badana waxaa qaba shacabka soomaaliyeed ee aad xilka u haysaan ee fadlan si dagan u wada hadla xalku waxa uu ku jiraa wadahadalka".
 
Gudoomiyaha baarlamaanka xiliga waxani dhacayaan waxa uu ku sugan yahay qolka uu ka dagan yahay Hotelka Grand Regency ee Nairobi,kooxda ku qaban lahayd shirka secret waxaa la joogay oo shirkaas kala qayb galay gudoomiye ku xigeenka koowaad Prof Maxamad Cumar dhalxa.
 
Ugu dambayn shirarkan hadii ay qabsomi lahaayeen waxaa dhici lahaa sii kala fogaansho iyo khilaaf cusub oo ka dhex dhasha baarlamaanka soomaaliya ee lagu dhisay dalka kenya.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | nairobi
canabmumtaz@yahoo.com


Mudanayaal  ka tirsan baarlamaanka Soomaalida oo isugu yimid Sagret Hotel ee magaalada Nairobi galabta Hotelka  

kulanka Xubnaha ka tirsan mudanayaalka Baarlamaanka  ayaa waxay ahayd in lagu lafaguro Mashaariicda iyo Go'aamada Xukuummadda iyo Dhamaystirka dhismaha Golaha baarlamaanka,ayna doonayaan Xildhibaanadu sida ay sheegeen inay ku dhaqaaqaan ka soo bixitaanka Xilka loo doortay,iyagoo Xildhibaanadu si gacan taag ah ku aqbaleen codsigii uu soo jeediyey Kiplagat ka dib markii Xildhibaan Aadan Maxamed Cali oo u hadlay Xubnaha baarlamaanka ku taliyey in shirka baarlamaanka la baajiyo oo la aqbalo dalabka Kiplagat.




Kiplagat oo isagu halkaasi hadal dheer ka jeediyey ayaa waxa uu sheegay inuu dhawaan socdaal ku soo maray dalalka Mareykaanka, Masar, Koonfur Afrika, iyo Nayjeeriya, islamarkaasna dhamaan dalalkaasi muujiyeen inay taageero u heelan yihiin Dawladda FKMG ah,hase yeeshee khilaafka ka soo shaacbaxay ee ka dhextaagan gudaha baarlamaanka iyo Xukuumadda ayuu ku tilmaamay mid u baahan in lagu xaliyo wada hadal,ayna ku dedaali doonaan inay farqiyada jira isu soo dhaweeyaan si looga mira dhaliyo guulihii laga gaaray shirkii dib u heshiisiinta soomaalida.

Betheul Kiplagat ayaa waxa uu la socodsiiyey Xubnaha baarlamaanka inay jirto kulan dhawaan isugu imaan doonaan Deeqbixiyaasha caalamka oo ku saabsan sidii dawladda looga caawin lahaa dib u guuritaanka,islamarkaasn uu ku rajo weyn yahay in kulankaas arrimo wax ku ool ah ka soo bixi doonaa,isagoo sheegay inay dhinaca kale jirto sidii lagu buuxin lahaa kaalintii Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr.Tubman oo hawlgab noqday,ayna socdaan dedaal lagu soo magacaabi doono Wakiil Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya oo ah shaqsi noqon doona mid leh khibrad dheeraad ah.

Ugu dambeytii  Kiplagat ayaa  ku ammaanay dadka Soomaaliyeed in ilaah hibo u siiyey inay khilaafaadka soo dhexmara uga gudbaan iscafis iyo wada hadal ku dhisan samir iyo dulqaad,isagoo ka codsaday Xildhibaanada inay ku dedaal taabo galinta heshiiskii la gaaray. 

Waxaa halkaa ka hadlay Xidhibaan Adan Maxamed Cali oo sheegay in Xubnaha Baarlamaanka ee Goobta joogaa ay dhanyihiin 146 Xidhibaan isagoo intaa ku daray in Xubnahani yihiin ku wii ugu badnaa ee qabta kulan baarlamaan. 

Dhinaca kale waxaa isaguna halkaa ka hadlay Xidhibaan Cabdi Warsame Isaaq oo isaga oo ku hadlayay Gudiga Qabanqaabada Shirka Salaan Diiran gaarsiiyay Xubnaha Xidhibaanada ee Goobta fadhiyay. 

Kulankan kama uusan qaybqaadan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan ku Xigeenkiisa Koowaad Prof Maxamed Cumar Dalxa. 

Khilaafka xaga Aragtida ah ee u dhaxeeya Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ma ahan mid  farax galinaya Beesha Caalamka oo iyadu Juhdi& Dadaal badan shirka ku bixisay. 

Sidoo kale Umada Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan Daafaha Dunida ayaan iyaduna ku farxayn khilaafkan waloow aad moodo in lagu jiro dadaal la doonayo in lagu dhameeyo Muranka uu dhaxeeya Mudanayaasha Baarlamaanka. 

Wali go aan cad lagama gaarin Arimo badan oo ay sharciyeyeen Golaha Wasiiradu waloow qaar ka tirsan Golaha Wasiiraduna ay sheegayaan in aan wasiiradu isku raacin go aanka dib uguurista. 

Hadaba Khilaafka u dhaxeeya Baarlamaanka& Xubnaha ugu sareeya Doowlada ayaa ah Qodobadan oo aad moodo in qolabo si udoonayso. 

1.Go'aankii Wasiirada Arrimaha Dibedda ee IGAD
2.Qorshaha dib u guurista dalka:

B. Nabadaynta , dib u heshiisiinta iyo maamul ka dhisidda Degmooyinka iyo Gobollada dalka .
T. Goobaha KMG ahaan Xukuumaddu ku sii shaqayn doonto:Baydhabo iyo Jowhar iyo Muqdisho oo laga furayo xafiis Qaran oo fulinaya barnaamijka nabadaynta magaalo madaxda.
J. Barnaamijka magaalo madaxda Qaranka ee Muqdisho ee hadda hor yaal Golaha Wasaaradda.

3.Hub ka dhigista iyo xeraynta maleeshiyooyinka oo laga hirgeliyo dalka oo dhan muddo saddex(3) bilood gudahood ah.

4.Ballan qaad cusub ee xabbad joojin iyo hub ka dhigis oo ay saxiixaan dhammaan xubnaha Xukuumadda ,Baarlamaanka iyo cid kasta oo haysata maleeshiyo hubaysan,ciddii jebisa ballanqaadkaas la saxiixayna waxaa la horgeyn doonaa maxkamadda dembiyada ee caalamiga ah.

5.Waa in la sameeyaa hab lagu hubiyo meel marinta xabbad joojinta iyo hub ka dhigista oo ay hogaaminayaan dalalka IGAD,Midowga Afrika,dalalka Jaamacadda Carabta iyo xubno ka kooban oo ka tirsan beesha caalamka.

6.Marka lixdanka(60-ka ) beri ee baarlamaanku dhammaado ,Baarlamaanku wuxuu fadhigiisa ugu horreeya ku yeelanayaa meel kasta oo nabad ah ee dalka gudihiisa ah,haddii amniga iyo nabadaynta magaalo madaxda Muqdisho aanay meel marin mudadaas lixdanka (60-ka) cisho ah,isla markaana aanay soo caddayn Hay'adaha ku xusan qodobka shannaad(5aad) ee isla warqaddan ,shirka Baarlamaanka waxaa lagu qabanayaa Jawhar ama Baydhabo.

7.Marka ay timaaddo xaalad degdeg ah ,Baarlamaanka waxaa isugu yeeraya Madaxweynaha Dawladda Federaalka KMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya sida uu qabo xeerka KMG ah.

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca)Kenya_Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com


Haween iyo caruur ku xirnaa xabsiyada Sucuudiga oo soo gaaray Muqdisho 

Muqdisho April 22: Haweenkan iyo caruurtan oo ay dowladda sucuudigu soo tarxiishay ayaa tiradoodu gaareysaa Sideetan ruux,kuwaasi oo dhamaantood faramaran islamarkaasina ay ka muuqaato diif xooggan. 

::HAY'ADA COSSOB::

Muqdisho: Hay’adda Samafalka Cossob iyo wax qabadkeeda Guji
::SOOMAALIDA DENMARK::

DENMARK: Si maamuusid Leh ayaa Loogu Gurmaday Soomaalidii Lagu Dhibaateeyay Langeskow.. Guji...
::DAGAALKA CUSUB::

Aan la dagaalano Anshax xumida: sidaas waxa laga sheegay shir ka dhacay Boosaaso oo... Guji...
::XAALUFINTA DHIRTA::

Waa geed Cambe ah oo qoyan oo la jarayo si looga shido Dhuxul. Akhri wararka maalinta dhirta Guji
::DENMARK & ISLAAMKA::

Boqoradda dalka Denmark ayaa tiri " Waa in aynu Islaamka Hor istaagnaa!".. Guji...
:WAA KUWAA HAAMIHII SUNTA:

Barroooow waa kuwaa haamahii: "kusoo Caariyey Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose ee Somalia" Guji
::JIHAAD AYUU KU DHINTAY::

"Jihaad uu ugu Jirey Qoyskiisa ayuu Ku Dhintay marxuum Hassan M.Yussuf" waxaa yiri Imaamka Masjidka Edmonton.. Guji..
::SOOMAALIDA & SACUUDIGA::

Waraysi Nin 15 sano deganaa Sacuudiga... Guji...

Dadkan ayaa waxaa ka mid ah qaar aan laheyn dhimir kadib markii si xun loogu garaacay xabsiyada Sucuudiga sida ay sheegtay Abshiro Cali Geni oo ka mid ah dadkaasi waxayna intaa ku dartay in jiifka ay ku seexan jireen baakado islamarkaasina.

Waxay tilmaantay in raashinka ku filan aysan helin,waxayna sidoo kale sheegtay in raashinka qofba kan uu ka xoog weynyahay uu ka qaato gudaha xabsiyada Sucuudiga. 

Soomalida u baqoosha sucuudiga ayaa inta badan halkaasi u xoogsi tagta,waxaase xusid mudan in qaar kale oo soomali ah,kana taga dalka iyo dibadahaba ay sucuudiga u tagaan gudashada waajibaadka diiniga ah sida xajka iyo cumrada. 

Cabashadan ay sheegayaan dadka maanta soo gaaray muqdisho ee tarxiilka ah ayaa ku soo beegantay xilli quluubta shacabka soomaaliyeed ay weli ka sii guuxeyso gowracii aan loo meel dayin ee dhowaan lix dhalinyaro soomaliyeed ah loogu geystay wadanka boqortooyada Sucuudi Areebiya,kaasi oo ay cambaareeyeen hay`adaha xuquuqul insaanka u dooda ee jooga gudaha iyo kuwa caalamiga ahba.

Kulan Albaabadu u xiran yihiin oo ka dhacay Degmada Xuddur ee G/Bakool. 

Kulankaan oo ay ka qaybgaleen Wasiirka Garsoorka Sheekh Aaden Madoobe iyo Gudiggii xaldoonka ahaa ee maalmahan ku sugnaa gobolada Bay iyo Bakool oo ahaa mid saxaafada loo diiday ayaa hadana qaar ka mida xubaha kulankaasi ka qeyb gelaya oo diiday shaacinta magacooda waxay sheegeen in kulankan looga hadlayo arimaha la xiriira dhexdhexaadinta iyo nabadeeynta garabyada RRAda ee dirirtu dhexmartay. 

Kulankaan ayaa sida wararku sheegayaan waxaa uu hordhac u yahay kulan balaaran oo lagu ballansanyahay maalinta berri ah,kaa soo ay ka qeyb qaadanayaan dhamaan garabyada RRAda oo ay kala hogaamiyaan Xaabsade,Shiiq Aadan Madoobe, Shaatiguduud, Kiishbuur, iyo xubno kale oo ka mid ah labada gole ee dowladda federaalka KMG Soomaaliya. 

Sida ay ku waramayaan dadka deegaanada Bay iyo Bakool,kulankaan ayaa haddii uu sida loo qorsheeyay u qabsoomo waxaa laga fili karaa isu soo dhawaasho iyo is faham dhexmara garabyada RRAda ee ku kala duwanaa aragtida ku aadan soo qorshayaasha dowladda federaalka. 

Tan iyo markii ay bilawdeen dadaalada nabadeeynta goboladaas waxaa jiray isku dayo in la isugu keeno mas`uuliyiinta sarsare ee RRAda oo sidii loo qorsheeyay aan u qabsoomin taasoo loo aaneynayay in xubno kamida mas`uuliyiintaas ay xagal daacinayaan dadaalada nabadda ee ay wadeen gudigga xaldoonka.

Qadkii cagaarnaa ee ka jiray degamada Wadajir oo maanta la qaaday 

Qadkaan oo u dhaxeeyay taageerayaasha ka kala amar qaata wasiirada gacancsiga iyo awqaafta iyo arimaha diinta,muuse suudi yalaxoow iyo cumar finish ayaa waxaa uu soo taxnaa muddo seddax sanno ah. 

Waxaa maanta la arkayay dadka reer Madiino oo si niyad furnaan iyo kalsooni ah u kala gooshaya goobihii kala caaganaa ee cabsidu ay ka jirtay,ka hor inta aysan dadweynuhu isaga gudbin qadadkii kala xirnaa,waxaa bilaabay isu socodka dableeydii halkaas ka dagaalami jiray ee labada dhinac,iyagoo is marxabeysiinayay oo midba midka kale uu xabadka xabadka u saarayay. 

Sidoo kale waxaa la arkayay Odayaasha Dhaqanka ee labada dhinac oo iyaguna qeybtooda ka qaadanaya furitaanka qadkaasi,iyadoo dadweynaha ku dhaqan halkaasi ay ka daba luxayeen caleemo qoyan,waxaana goobtaasi ka muuqatay farxadda ay u hayaan talaabadaas horay loo qaaday. 

Axmad Maxamad Culusoow oo aan maanta goobtaas kula sheekeeystay ayaa ii xaqiijiyay niyadda ay u hayaan talaabada maanta ay qaadeen dadka degaanka madiina taasoo sida uu ii sheegay qeyb ka ah dadaalka nabadeed ee lagu doonayo nabadda iyo amaanka muqdisho,si aysan u seegin magaceedii caasimadeed. 

Degmada Madiina ayaa culeeys xoog leh oo dhinaca  nolosha dadweynaha  uu heystay tan iyo markii uu biloowday qadkan cagaaran waxaana laga yaabaa iney tusaale u noqo hanaanka nabadda ee laga fuliyay goobtaas guudahaan G/Banaadir.

Hasan dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu Somalia


Wafti Soomaaliyeed oo Booqasho Ku Jooga Jakarta, Indonesia

  • Waftiga oo uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda DFKMG ayaa ka Qaybgelaya shirkii Madaxda labada qaaradood ee Aasiya iyo Afrika ee ka Socda Jakarta

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Federaalka KMG, Amb. Abdillahi Sheikh Ismail, ayaa wuxuu ka qeybgalay shirkii Madaxda labada qaaradood oo maanta furmay Jakarta, wuxuuna socon doonaa ilaa 24/04/2005, Wasiirka wuxuu wakiil ka yahay oo uu matalayaa Madaxweynaha DFKMG ee Soomaliyeed, isagoo magaca Madaxweynaha, kan Ra'iisul Wasaaraha & Xukuumadaba ku hadlaya ayuu marlabaad khudbad ka jeedin doonaa Shirka Madaxda Asia Africa, waxaana shirkaas ku wehlin doonaa, Dr. Hussein Ali Ahmed, Md. Mohamud Olow Barrow, & Md. Abdisaid Muse.

 
Sidoo kale, wuxuu waftiga wasiirku kulamo gaar gaar ah la yeeshay intuu shirka socday Wasiirada Arrimaha Dibedda Indonesia, China, Japan, Malaysia, Singpore & Srilanka oo uu dhamaantood u sharaxay xaalada ay maanta ku sugan tahay DFKGM ee Somaliyeed. Fursad wanaagsan ayey ahayd kulankoodii Japan, markii hore dawladda Japan oo meel fog ka taagneyd taageerida Somalia, ayaa kulankooda ka dib soo dhaweeysey dadaalada DFKGM, ballan qaadayna in ay si dhaqsa ah uga jawaabi doonan qaabka ay u taageeri karaan DFKGM ee Soomaaliyeed.

Kudbadii hore ee uu W/Arimaha Dibada DFKMG ka Jeediyey Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Asian & African ka akhri halkan...Guji.... [.PDF]. [Isha warka: Xoghaynta waftiga, Jakarta]

Faafin: SomaliTalk.com | April 22, 2005

Madaxweynaha DFKMG ah oo ka Codsaday Xubanaha ku Sugan Mogadisho in ay Yimaadaan Nairobi
»W/A/ Dibada DFKMG oo Khudbad ka Jeediyey Shirka Asian
»Muqdisho oo laga hir gelinayo ciidamo suga Amniga
»Wasaaradda caafimaadka ee DFK cambaaraysay dilkii xamar
»Wafti ka socda hay'ad oo tegey magaalada Kismaayo
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji...

BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD