SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Dagaal Xamar ku Dhexmaray labo Sheekh oo ka tirsan Darriiqada Qaaddiriyada ee Suufiyadda

  • Golaha guurtida Hawiye oo baaq nabadeed u soo jeediyay kooxaha ku dagaalamaya soomaliya 

  • Sadex qof ayaa dhimatay ugu yaraan lix kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari nooca dhaynaha ah uu ku rogmaday tuulada Aamineey ee gobolka jubbada dhexe

  • Amaanka Tuulada SOS ee magaalada muqdisho oo la adkeeyay. 
  • Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan ayaa soo dhaweeyay Warqadii Madaxweynaha ee 18/4/05

Dagaalo xalay iyo Maanta ka kala dhacay Magaalada Muqdisho 

(Muqdisho April 20, 2005): Dagaal ay isaga soo horjeedeen Warasadii labada Sheekh ee lagu tixgelin jiray Darriiqada Qaaddiriyada ee Suufiyadda ayaa habeenkii xalay ahaa isaga horyimid Xarunta Shiikh  Aadan Dheere ee Xaafadda Geed jaceyl ee Degmada Wardhiigleey. 

Dagaalkaan ayaa la isu adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka,waxaana uu ka bilowday lahaanshaha milkiyadda dhulka ee Xeyndaabka Xertu ay degantahay, Dhulkaasoo qiyaastii ku fadhiya ilaa boqol Boos. 

Murankan keenay gacan ka hadalka ayaa waxaa uu soo jiitamayay ilaa iyo markii uu geeriyooday Sheekh Maxamad Faarax oo ahaa sheekhii Jaazada siiyay sheekh Aadan dheere, hase yeeshee Ismaandhaafkan dagaalka sababay ayaa waxaa uu sii xoogeystay  kadib dhimashadii Sheekh aadan dheere oo dhowr bilood ka hor ku geeriyooday magaalada Muqdisho. 

Dagaalkan oo aan ilaa hadda la ogeyn qasaaraha uu sababay ayaa haddana dadka ka agdhow dhismaha xerada waxaa uu ku beeray cabsi farabada iyadoo habeenimadii xalay aheyd la arkayay dad ka huleelaya guryahoodii,inkastoo ay subaxnimadii saakay ay dib ugu soo laabteen xaafadahoodii, Inkastoo xabaddii ay joogsatay hadana ma jiraan wax waan waan ah oo laga dhex sameeyay dhinacyada is haya ee dirirta milkiyadda dhulka uu ka dhaxeeyo. 

Dhanka kale laba qofood ayaa ku dhimatay shan kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay xaafadda suuq-boocle ee degmada dharkeeynley, dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu isna  ka curtay milkiyadda ceel biyood ku yaala deegaankaas.  

Dagaalkaan oo ay isaga horyimaadeen laba meliishiyo ayaa labada dhaawacantay waxaa ay ka mid ahaayeen dableydii dagaalameysay.

Shaqaaqadan ayaa ka dhacday dhulka uu gacanta ku hayo wasiirka ganacsiga ee dowladda federaalka muuse suudi yalaxoow oo xilligan ku mashquulsan sugidda amaanka magaalada muqdisho.

Golaha guurtida Hawiye oo baaq nabadeed u soo jeediyay kooxaha ku dagaalamaya soomaliya 

Baaqaan oo ay soo saareen xubnaha ku sugan magaalada muqdisho ayay uga hadleen is afgaranwaaga iyo khilaafaadka mar walba sii laba lixaadsanaya ee ka dhex jira labada gole ee dowladda federaalka soomaliya iyo dagaalada ka soo cusboonaaday meelo ka mid ah dalka tan iyo markii la dhisay dowladda. 

Golaha ayaa ugu baaqay dowladda federaalka inay xaliyaan muranka ka dhex aloosan mar haddii shacabka soomaliyeed ay u heelan yihiin garab is taaggidda dowladda isla markaana ay muddo ku dhow shan iyo toban sanadood aysan helin wax nidaam ah oo la taaban karo. 

Golaha guurtida Hawiye ayaa cambaareeyay, dilalka macna darada ah ee lagula kacaya shaqsiyaadka u adeegaya shacabka taagta daran iyagoo tusaale u soo qaatay haweeneydii madaxda ka aheyd hay`ad ka shaqeeysa howlaha caafimaadka oo maalin ka hor lagu toogtay KM4 iyo weerarkii bambaanada ahaa ee lagu qaaday tuulada SOS oo ay ku dhaawacmeen laba soomali ah iyo haweeney sooro ah oo u dhalatay waddanka talyaaniga. 

Ugu danbeeystii ayay baaqooda ayay kaga codsadeen in kooxaha iminka hurinaya colaadaha soomaaliya ay joojiyaan iyagoo eegaya danta iyo maslaxadda umadda soomaliyeed oo ay sheegeen inaan loo celin Karin dhibaato kale. 

Baaqan golaha ayaa ku soo beegmay xilli ay magaalada muqdisho ka jiraan qulqulatooyin iyo dagaalo goos goos ah iyo nabaddoonimo ay wadaan qaar ka tirsan labada gole ee dowladda oo ay ku doonayaan,ballana ay ku qaadeen sugidda amaanka magaalada muqdisho. 

HASSAN DHAALEEY
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu Somalia


Sadex qof ayaa dhimatay ugu yaraan lix kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari nooca dhaynaha ah uu ku rogmaday tuulada Aamineey ee gobolka jubbada dhexe

(Kismaayo April 20, 2005): Gaarigaan saakay rogmaday ayaa waxa uu ahaa gaari nooca loo yaqaan Caasi Dhayno oo kasoo anba baxay magaalada Muqdisho kuna si jeeday deeganka Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose ayadoo gaarigan uu ku rogmaday tuulada Aaminey oo 15 km  koonfur galbeed kaga beegan magaalada Jilib ee gobolka jubbada dhexe. 

Dadkii saakay ku geeriyooday gaarigaas ayaa waxaa meedkoodii lagu xabaalay magaalada Hargaysa yereey oo 7km u jirta magaalada jilib halka dhaawaciina loola cararay isbitaal ku yala magaalada  mareerey oo ay gacanta ku  hayso hay'ada MSF Holand. 

Dadkaan saakay ku dhintay qaarkoodna ay ku dhaawacmneen shilkaan gaari ayaa waxa ay u badnaayeen dhalinyaro intooda badan u socday dalka Kenya kana soo tagay magaalada Muqdidho si ay halkaas ugu galaan imtixaanka responserka oo oo ay filayeeen in ay ku aadaan dibada . 

Hadba shilkaan foosha xun ee saakay ay ku la'deen sadexda qof ayaa sida la soo sheegayo waxaa sababtay kadib markii uu darawalkii baabuurka uu u waday si xowli ah ayadoo ay wadada isku xirta gobolada jubbooyinka iyo magaalada muqdisho ay tahay mid aad ula ildaran burburkii kasoo gaaray dagaaladii ahliga ahaa ee afar iyo tobanka sano ka socday dalka soomaaliya haatana aysan jirin cid wax ka qabanaysa wax yeelada soo gaartay wadadaas halbolaha u ah isku socodka gaadiidka u kala goosha gobolada jubbooyinka iyo magaalada muqdisho.

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
cabdiqadar@somalitalk.com


Amaanka Tuulada SOS ee magaalada muqdisho oo la adkeeyay. 

Taxadarka amaanka SOS ayaa yimid kadib markii weerar bambaano lagu qaaday shalay oo ay ku dhaawacmeen laba Somali ah iyo haweeney Sooro ah oo u dhalatay waddanka Talyaaniga, laguna magacaabo Marzo. 

Adkeynta amaanka SOS ayaa waxaa uu abuuray in gaadiidka dadweynaha ee halkaasi ka shaqeeya, inaan loo ogolaan iney istaagaan afaafka hore ee ku aadan albaabadeeda Si kooxihii weerarkii shalay, aaney uga faa`iideysan markale. 

Waxaana sidoo kale jiray maanta in si weyn loo baarayay dadka raashinka u wada bukaanka ku jira SOS ama kuwa soo booqanaya kuwaasi oo laga cabsi qabo in ay gelbin karaan waxyaabaha qarxa,waxyeelana u geysan karta bukaanka iyo shaqaalaha SOS mar haddii shalay gebi ahaanba la joojiyay howlihii caafimaad ee ay hay`addu shacabka u heysay ka gadaal markii bam gacmeed lagu weeraray. 

Hase ahaatee waxaa maanta si caadi ah u socday howlihii caafimaad ee hay`adda SOS Sida uu ku waramayo ninka u qaabilsan nabadgelyada. 

Dadka ku dhaqan caasimadda Muqdisho ayaa si xooggan uga xumaaday falka bambaano ee loo geystay tuulada caruurta iyo hooyada ee SOS,iyo xitaa dilalka lagula kacayo shaqsiyaadka wax u qabanaya shacabka,waxaana jira baaqyo kala duwan oo ay ka soo saarayaan falalkaas dhanka ka ah insaaniyadda. 

Hay`adda SOS ayaan sinnaba uga bixin soomaliya mudadii afar iyo tabanka sanno aheyd ee dagaalada sokeeye ay dalka ka socdeen,waxaana ay bixisaa kaalmooyin caafimaad oo lacag la`aan ah,iyadoo si gaara u daweysa hooyada iyo dhalaanka soomaaliyeed. 

Bambo lala beegasaday Tuulada Caruurta ee SOS Muqdisho

Hassan dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu Somalia


Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan ayaa soo dhaweeyay Warqadii Madaxweynaha ee 18/4/05

WARSAXAAFADEED
Nairobi
20 April , 2005

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Mudane .Shariif Xasan Shiikh Aadan waxa uu si diirran u soo dhoweynayaa baaqii taariikhdiisu ahayd 18 April , 2005 ee uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane .Cabdullaahi Yuusuf Axmed taas oo furaysa albaabkii wada hadalka.

Maadaama albaabkii furmay waxaa muuqata in loo wada hadlo si rasmi ah iyo si aan rasmi ahayn, wadahadalkaas oo mar walba la waafajinayo Axdiga KMG ah ,si loo helo tubta toosan.

Albaabkaa furmay waa inuu keenaa dib u heshiisiin,midnimo iyo wadashaqayn labada gole ka dhex dhalata oo ka tarjumaysa sida Axdigu sheegayo.

Taa haddii la helo waxa fududaanaya arrimaha ina horyaala oo ay ugu horrayso midnimada iyo wadashaqaynta golayaasha Dowladda ,si loo hirgeliyo waxa ay naga sugayso ummadda Soomaaliyeed iyo caalamka oo dhan gaar ahaan dowladihii iyo ururadii caalamiga ahaa oo ku bixiyey maalkooda iyo moodkooda shirka badbaadinta Soomaaliyeed ee socdey labada sano iyo barka oo ay ka dhalatay dowladnimadii Soomaaliyeed.

Waxaan si xushmad iyo qadarrin leh aan ugu mahad naqayaa beesha caalamka oo gacan weyn ka geysatey maal badana ku bixisay arrimaha nabadaynta Soomaaliyeed ,ilaa maantana u ah heeggan nabadaynta iyo xallinta khilaafaadyada yaryar ee ka soo ifbaxa maamulka dowladda dhexdiisa.

DHAMAAD

Akhri: Warqadii C/Laahi Yuusuf u Diray Geedi & Shariif Xasan

Dhinaca kale Rasulwasaaraha Xukuumada Federaalka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi ayaa isagu shalay ogolaaday Baaqa Madaxweynaha sheegayna in uu dhiniciisa diyaar uyahay Midnimada iyo wada shaqaynta Xukuumada& Baarlamaanka. 

Madaxweynaha ayaa isagu codsaday in la sharciyeeyo lana qeexo qodobadan  

.Go'aankii Wasiirada Arrimaha Dibedda ee IGAD
2.Qorshaha dib u guurista dalka:

B. Nabadaynta , dib u heshiisiinta iyo maamul ka dhisidda Degmooyinka iyo Gobollada dalka .
T. Goobaha KMG ahaan Xukuumaddu ku sii shaqayn doonto:Baydhabo iyo Jowhar iyo Muqdisho oo laga furayo xafiis Qaran oo fulinaya barnaamijka nabadaynta magaalo madaxda.
J. Barnaamijka magaalo madaxda Qaranka ee Muqdisho ee hadda hor yaal Golaha Wasaaradda.

3.Hub ka dhigista iyo xeraynta maleeshiyooyinka oo laga hirgeliyo dalka oo dhan muddo saddex(3) bilood gudahood ah.

4.Ballan qaad cusub ee xabbad joojin iyo hub ka dhigis oo ay saxiixaan dhammaan xubnaha Xukuumadda ,Baarlamaanka iyo cid kasta oo haysata maleeshiyo hubaysan,ciddii jebisa ballanqaadkaas la saxiixayna waxaa la horgeyn doonaa maxkamadda dembiyada ee caalamiga ah.

5.Waa in la sameeyaa hab lagu hubiyo meel marinta xabbad joojinta iyo hub ka dhigista oo ay hogaaminayaan dalalka IGAD,Midowga Afrika,dalalka Jaamacadda Carabta iyo xubno ka kooban oo ka tirsan beesha caalamka.

6.Marka lixdanka(60-ka ) beri ee baarlamaanku dhammaado ,Baarlamaanku wuxuu fadhigiisa ugu horreeya ku yeelanayaa meel kasta oo nabad ah ee dalka gudihiisa ah,haddii amniga iyo nabadaynta magaalo madaxda Muqdisho aanay meel marin mudadaas lixdanka (60-ka) cisho ah,isla markaana aanay soo caddayn Hay'adaha ku xusan qodobka shannaad(5aad) ee isla warqaddan ,shirka Baarlamaanka waxaa lagu qabanayaa Jawhar ama Baydhabo.

7.Marka ay timaaddo xaalad degdeg ah ,Baarlamaanka waxaa isugu yeeraya Madaxweynaha Dawladda Federaalka KMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya sida uu qabo xeerka KMG ah.
III. Waxaan ka rajaynayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah iyo Wasiirka Kowaad in ay qaadaan tallaabooyinka muhiimka ah ,si loo meel mariyo dhammaan qodobbada aan kor ku soo sheegnay.

Laakiin Gudoomiyaha Baarlamaanku Amuurtaan Sooma hadal qaadin oo isagu waxa uu hadalkiisa ku koobay uun soo dhaweynta Hadalkii Madaxweynaha iyo in dhinaca Baarlamaanku diyaar uyihiin Midnimada iyo wada jirka bulshada Soomaaliyeed, 

Waxaa Jiray Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaalida oo iyagu Gudoomiyaha Baarlamaanka ka codsaday in la qabto shir aan caadi ahayn balse ilaa iyo hada Gudoomiyaha Baarlamaanku kama uusan bixin wax wara. 

Xidhibaanada Soomaaliyeed ee ku sugan Nairobi ayaa mudo Labo goor ah gacanta iskula tagay Madaxweynaha iyo Xidhibaanadii Dalbaday Shirka aan caadiga ahayn macade sida ay ufaraxgalin doonto Warqada uu manta soo Saaray Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh Xasan Sh Adan

Axmed Muuse Cabdulle | nairobi, Kenya |  axmeddheere65@hotmail.com

Nin wacyigeliye isku sheegay oo Rasuulka aflagaadayey 

Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2005

BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD