SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY
Safarkaygii Wadanka Germany iyo Waayaha Soomaalida ku dhaqan wadanka Jarmalka:
  • Hassan Cookaar(Salahuddin)
    Chairman | Global Media Group

Galabnimadii 20-Kii bishii March ee sanadkan 2005-ta ayaan ugu soo baxay wadanka Garmalka(Germany) safar gaaban oo la xidhiidha horu u socodsiinta hawlaha hayada warbaahinta iyo wararka ee GLOBAL MEDIA GROUP, waxaan ka soo duulay gagida dayuuradaha ee LUTON AIRPORT, oo dhinaca waqooyi kaga beegan magaalo weynta London, isla habeenimadii maalinkaasna waxaan ka soo degay gagi aan sidaas u sii weynan oo ay dayuuraduhu ka haadaan kuna taal magaalada DORTMUND oo ku taala badhtamaha wadanka Germalka.

Hadaba maadaama aan in muddo ah ma qanaa saaxada saxaafada, qalinkii iyo warqadiina aanan is dulsaarin wakhti aan yarayn, waxaan jeclaystay inaan akhristayaashaydii faraha badnaa ee aan hayay milgaha iyo maamuusku ay igula nastaan qormo kooban oo ku saabsan safarkayga wadanka Garmalka iyo waayaha nolosha Soomaalida ku dhaqan wadankan.

Wadanka Jarmalku waxa uu ku yaalaa yurubta galbeed, waxaanu xuduud la wadaagaa wadamo dhawra oo ku kala yaala waqooyiga iyo galbeedka qaarada Yurub, wadamada ay xariiqa xuduuda wadaagaan waxa ka mida wadanka NETHERLAND oo ay Soomaalidu u taqaano HOLLAND, France, Belguim iyo Austria ayaa iyaguna xuduud la leh wadanka Jarmalka.

Waa wadamka ugu tirada badan xaga dadka wadamada ku yaala guud ahan qaarada yurub oo dhan, waxaana tirada dadweynaha Jarmalka lagu qiyaasaa ilaa 82 million oo qof.

Wadanka Jarmalku waxa uu ka mid yahay wadamada ugu dhaqaalaha badan qaarad yurub, waxaanu safka hore kaga jiraa hormuudka xaga warshadaha , wax soo saarka iyo Technology-ga casriga ah ee wadamad reer galbeedka maanta dunida ku saydareeyeen ilbaxnimada casriga ah ee inaga waageeratay ilaa qarnigii tagay.

Badi dadweynaha wadanka Jarmalku way shaqeeyaan, waxaanu ka mid Jarmalku wadamada la dagaalamay shaqo la’aanta inkasta oo xisbiga hadda haya talada dalku ay dhawan ku eedeeyeen xisbiyada mucaaradku in ilaa intii uu talada dalka qabtay ah shaqo la’aani ku dhacday ilaa 5 million oo qof.

Germany waxa ka jira xisbiyo siyaasadeed oo tiro badan waxaanse soo qaadanayaa kuwa ugu waaweyn, SPD oo ah xisbiga hadda haya talada dalka, CDU, CSO iyo FDP.

Wadanka Jarmalku waxa uu aan ku yahay masaaniicda xaga baabuurta sida MERCEDES; BMW izo AUDI-ga oo caan ka laamiyada wadamada ku yaala daafaha aduunka.

Haddii aan u soo noqdo xaga nolosha Soomaalida ku dhaqan wadanka Jarmalka sida laga yaabo in ay la socdaan dad badani , Jarmalku waxa uu ka mid yahay wadamadii yurubta galbeed ee ay ku soo jabeen quxuuntiga Soomalid dabayaaqadii sanadihii 80-aadkii iyo ilaa horaantii sanadihii 90-aadkii, hasayeeshee Soomalidu inta badan kumay hakanin wadankan Jarmalka waxaanay u soo dhaafeen wadamada kale ee la jaarka sida Holland iyo Britian. Sababtuna waxay tahay wadanka Jarmalka oo aad ugu adag xaga bixina dhalashooyinka iyo sharciyada deganaanshaha wadanka marka loo eego marka loo eego wadamada sida ay u bixiyaan wadamada kale ee soo dhaweeya quxuuntiga magangelyo doonka ah.

Wadanka Jarmalka waxa ku nool qiyaastii ilaa 3000 oo Soomaali ah oo badankoodu soo galay wadankan horaantii sanadihii 90-aanaadkii, waxay dadkaasi ku baahsan yihiin magaalooyinka waawey ee wadanka Jarmalka sida COLN; BONN, izo FRANKFURT.

Guud ahaan xaga nolosha Soomaalida Jarmalku waxay la wadaagaan dhibta iyo dheefta nolosha qurbaha ee wadamadan galbeedka jaaliyada kale ee Soomaaliyeed ee iyaduna degan qaaradan yurub, sidaa waxa ii sheegay OSMAN DUCAALE ELMI oo ah gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada NORDHORN oo ku taala meel u dhaw xadka uu Jarmalku la wadaago wadanka NETHERLAND:

Inta badan Soomaalida ku dhaqan wadankan Jarmalku waxay iskugu jiraan dhalinyaro shaqaysata, kuwo waxbarta iyo qoysas ku tiirsan dhaqaalaha ay bixiso dawlada Jarmalku.

Waa Walaalkiin

Hassan Cookaar(Salahuddin)
Chairman
Global Media Group
Nordhorn, Germany.
Email: GloballmediaQhotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 1, 2005

Waraysiyo: Xubno Kamid ah Ergeda Dib u Heshiisiinta Beelaha Sacad iyo Saleebaan
Warbixin iyo waraysiyo la xiriira dib u heshiisiinta
ka socota gobolka Mudug... Guji... Mar 30

Madaxweynaha Liibiya oo  La Kulmay Waftiga DFKMG
Madaxwaynaha & Raysulwasaaraha Soomaaliya iyo waftigoodii ayaa Madaxtooyada Liibiya kula Kulmay... Guji Mar 31


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD