SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Odayaal dhexdhexaadin ah oo maanta gaarey degmada hobyo ee gobolka mudug 

Odayaashaan oo saakay kasoo ambabaxay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug  ayaa waxaa ay soo mareen qaar ka mid ah tuulooyinkii dagaalada sida ba’an ay uga dhaceen sida  Wargalo, Xiin dawaco, Gawaan iyo Cawgula sida uu noo xaqiijiyey Xasan Maxamed Kulmiye oo ka mid ah odayaasha waan waanta wada ee soo gaarey Hobyo. 

Odoyaashaan samejeclayaasha ah oo iyagu isu kala qeybiyey laba waji ayaa qaar kale oo uu hogaaminayo guddoomiyaha gobolka Galgaduud MD Yuusuf Xasan Ciyoow Ayaa iyaguna ku wajahan magaalada caddaado. 

Waraysi: Xoghayaha Guud ee hay'adda "Tools For Humanity"
Maxamed Maye oo SomaliTalk ku waraysatay magaalada Toronto Canada...
Guji...

Ujeedada socdaalka odayaashaan ayaa lagu sheegay sidii ay nabad ugu soo dabaali lahaayeen beelaha walaalaha ahaa ee muddooyinkii ugu danbeeyey diriritu ay ku dhexmareeysay deegaano ka kala tirsan Gobolada Mudug iyo Gal-gaduud. 

Odayaashan ayaa ugu baaqay guud ahaan beelaha soomaaliyeed ee nabada jecel ineey ku soo biiraan dadaalka loogu jiro waanwaanta labada dhinac iyo nabad ku soo dabaalida deegaanada mudug iyo galgaduud kuwaasoo sida ay sheegeen udub dhexaad u ah isu sicodka gobalada soomaaliya. 

Ma aha markii ugu horreeysay oo labada beelood laga dhexsameeyo waan waan, in kastoo aan lagu guuleeysan, iyadoo isku daygii ugu horreeyey uu hungoobey xasan daahir aweys iyo odayaal uu horkacayey  oo ka tagey magaalada Muqdisho. 

Hadaba Odayaasha maanta garey magaalada Hobyo ayaa waxaa ka mid ah Xasan Maxamed Kulmiye, Axmed Macalin Xuseen, Cali Sheekh Maxamed, Cabdiraxmaan Qaali Huur iyo  Suldaan C/naasir Jaamac Seed.

Odayaashaan ayaa waxaa ay caddeeyeen in tuulooyinkii ay soo mareen oo dhan Si diiran loogu soo dhaweeyey dadkuna ay u bisil yihiin  nabada iyo dibuheshiisiinta ay wadaan odayaasha. 

Odayaasha ayaa sheegay in maanta oo jimce ah ay nasan doonaan  oo ay dib u bilaabi doonaan maalinta bari ah waanwaanta nabadeed ee ay wadaan.  

Hasan Cali maxamed dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com | April 1, 2005

Warbixin: Soomaalida Deggan Dalka Jarmalka
Socdaalkii Hassan Cookaar(Salahuddin)... Guji... Apr 1

Koobka Ciyaaraha ee Soomaalida Norway::
Waxaa baryahan magaalada Oslo ee dalka Norway ka socday koob loogu magac daray.. Guji Apr 1

Waraysiyo: Xubno Kamid ah Ergeda Dib u Heshiisiinta Beelaha Sacad iyo Saleebaan
Warbixin iyo waraysiyo la xiriira dib u heshiisiinta
ka socota gobolka Mudug... Guji... Mar 30

Madaxweynaha Liibiya oo  La Kulmay Waftiga DFKMG
Madaxwaynaha & Raysulwasaaraha Soomaaliya iyo waftigoodii ayaa Madaxtooyada Liibiya kula Kulmay... Guji Mar 31


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD