SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Bam gacmeed lala beegasaday Tuulada Caruurta ee SOS Muqdisho 
  • Beesha Caalamka ayaa Dadaal badan ugu jirta in aysan lumin mirihii ka soo baxay shirkii dinu heshiisiinta Soomaaliya
  • Warqadii Madaxweynuhu udiray labada Mas uul ee Kala ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan iyo Rasulwasaare Geedi 

Bam gacmeed lala beegasaday Tuulada Caruurta ee SOS Muqdisho 

Bamkaan ayaa dhaawac u geysatay seddax ruux oo ay ku jirto Soorada tuulada caruurta ee SOS iyo laba ka mid ah howlwadeenada oo Soomaali ah 

Sooradan oo la yiraahdo Marzo,ayaa muddo afartan sanno ah ka shaqeeynaysay Soomaliya,waxayna shan iyo tobankii sanno ee ugu danbeysay ka howl geleysay isbitaalka SOS Muqdisho 

Dhaawaca soorada ayaa la sheegay in firir ka haleelay lugta midig,hase yeeshee xaaladda caafimaad ee haweeneydan ayaa ah mid fudud, 

Xilligii uu dhacayay weerarkaan oo aheyd 12;00 duhurnimo ayaa waxaa fuliyay nin dhalinyaro ah oo sida la sheegay ka soo degay gaari marayay albaabka hore ee qeybta xanaanada caruurta, xiligaasoo soorada iyo labada howl wadeen ahi ay ka soo baxeen qeybta dumarka ee SOS,waxayna ku sii jeedeen qeybta xanaanada caruurta 

Weerarka ka dhacay SOS ayaa keenay in irdaha loo xiro gelinkii danbe ee maanta dhamaan howlihii ay u hayeen hooyada iyo dhalaanka. 

Sooradan ayaa 1998dii, waxaa ay gacanta u gashay dableey hubeeysan ka dib markii ay ka qafaasheen tuulada caruurta ee sos,xiligaas ay u gurmadeen dadka muqdisho iyo howlwadeenada sos. 

Weerarkaan loo geystay SOS ayaa waxaa uu ku soo beegmay xilli saacado kooban ay ka soo wareegtay weerarkii gaadmada ahaa ee lagu dilay haweeney soomali aheyd oo madax ka aheyd hay`ad samafal. 

Ilaa imInka lama shaacin xiliga la furayo SOS iyo inta ay xirnaaneyso,balse nin u qaabilsan xagga amaanka ayaa sheegay in SOS ay bilaabeyso howlaheedii. 

HASSAN DHAALEEY
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu Somalia


Beesha Caalamka ayaa Dadaal badan ugu jirta in aysan lumin mirihii ka soo baxay shirkii dinu heshiisiinta Soomaaliya

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya_Nairobi
Axmeddheere65@hotmail.com

Afar&labaatankii Saac ee ina dhaafay waxaa jiray dadaal xoogan oo ay beesha Caalamku ku doonayeen in ay iskugu soo dhaweeyaan Masuuliyiinta ugu saraysa Xukuumada Federaalka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya,

 

Waxaa jiray kulamo ay Beesha Caalamka gaar ahaan Wadamada Maraykkanka Ingiriiska Ruushka iyo Xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobay ay la wadaagayeen Madaxweynaha Soomaaliya iyadoo fadhigaasi dhacay Habeenimadii Xalay,

Hadaba Afayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Dr Yuusuf Ismaaciil Yusuf Baribari ayaa ii sheegay in Amuurtaasi madaxweynuhu ka jawaabay isaga oo warqad qoraalla gaarsiiyayRasulwasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka,

Waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay taageeraan Midnimada iyo Wada Jirka Shacabka Soomaaliyeed sidoo kallena Xusay in Muranka u dhaxeeya Baarlamaanku Yahay oodi Qaadid iyo Guri gayn waa isku mid,

Balse looga baahanyahay Midnimada iyo in ay ka shaqeeyaan sidii loo badbaadin lahaa Bulshada Soomaaliyed ee Dhibku ka daalay 14 Sano ee ina dhaaftay ,

Waxaa kaloo uu xusay in Siyaasiyiinta looga Baahanyahay in ay Shacabkooda u qeexaan Mutaqbalkooda Siyaasadeed iyo Ajandahooda ku wajahan qaabkii ay bulshada Soomaaliyeed u badbaadin lahaayeen,

Warqadii Madaxweynuhu udiray labada Mas uul ee Kalla ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan iyo Rasulwasaare Geedi  ka Bago hoos  

Qodobadan ayaa ahaa qodobadii ay kukala Fikirka duwanaayeen Xiligii ay kulmayeen Madaxweyne Yusuf Gudoomiye Shariif iyo Raaysulwasaare Gedi kulankaa oo aan wax na tiijo ihi ka soo bixin

Hadaba beesha caalamka ayaa amuurtaasi isku xilsaartay Jawaabtii madaxweyne Yusuf ka Bixiyana waxa ay noqotay Sidan isaga oo Ugu maaqay labada mas uul ee kale in ay ka shaqeeyaan Nabada ,

Qoraalka Madaxweyne Yusuf ayaa ahaa Sidan

Ka dib markaan idinla yeeshay kulanno wadatashi ee kala gaar-gaar ah iyo mid wadajir ahba,isla markaana soo bandhigay talooyin ku aaddan sidii looga gudbi lahaa khilaafaadka iyo xannibaadaha,loona heli lahaa xal dhexdhexaad ah ee xukuumadda dhexdeeda iyo Baarlamaanka dhexdiisaba,

ANIGOO MADAXA KU HAYA baahida degdegga ah ee loo qabo midnimadeenna ku wajahan meel marinta nabadda,midnimada,iyo xasilloonida Qaranka,

ANNIGOO XUSUUSAN Xilka Qaran iyo waajibaadka aynu u wada dhaaranay:

I. Waxaan idinku adkaynayaa baahida loo qabo in la gaaro heshiis iyo meel marin Qorshe Sharciyeed buuxa oo la xiriira nabadgelyada iyo rarista Hay'adaha Dawladda Federaalka KMG gudaha dalka ay golaha Wasaaraddu gaaraan,Baarlamaankuna meel mariyo.

II. Qorshe Sharciyeedkaas oo qodobbadiisu ka kooban yihiin kuwa hoos ku qoran,waxaa loo baahan yahay in laga doodo , la qeexo ,isla markaana laga wada shaqeeyo:

Qaybaha Qorshe Sharciyeedku ka kooban yahay waa:

1.Go'aankii Wasiirada Arrimaha Dibedda ee IGAD

2.Qorshaha dib u guurista dalka:

 B.  Nabadaynta , dib u heshiisiinta iyo maamul ka  dhisidda Degmooyinka iyo Gobollada dalka .

 T.  Goobaha ku meel gaar ahaan xukuumaddu ku sii shaqayn doonto:Baydhabo iyo Jowhar iyo Muqdisho oo laga furayo xafiis Qaran oo fulinaya barnaamijka nabadaynta magaalo madaxda.

 J.  Barnaamijka magaalo madaxda Qaranka ee Muqdisho ee hadda hor yaal Golaha Wasaaradda.

3.Hub ka dhigista iyo xeraynta maleeshiyooyinka oo laga hirgeliyo dalka oo dhan muddo saddex(3) bilood gudahood ah.

4.Ballan qaad cusub ee xabbad joojin iyo hub ka dhigis oo ay saxiixaan dhammaan xubnaha xukuumadda ,Baarlamaanka iyo cid kasta oo haysata maleeshiyo hubaysan,ciddii jebisa ballanqaadkaas la saxiixayna waxaa la horgeyn doonaa maxkamadda dembiyada ee caalamiga ah.

5.Waa in la sameeyaa hab lagu hubiyo meel marinta xabbad joojinta iyo hub ka dhigista oo ay hoggaaminayaan dalalka IGAD,Midowga Afrika,dalalka Jaamacadda Carabta iyo xubno ka kooban oo ka tirsan beesha caalamka.

6.Marka lixdanka(60-ka ) beri ee baarlamaanku dhammaado ,Baarlamaanku wuxuu fadhigiisa ugu horreeya ku yeelanayaa meel kasta oo nabad ah ee dalka gudihiisa ah,haddii amniga iyo nabadaynta magaalo madaxda Muqdisho aanay meel marin mudadaas lixdanka (60-ka) cisho ah,isla markaana aanay soo caddayn Hay'adaha ku xusan qodobka shannaad(5aad) ee isla warqaddan ,shirka Baarlamaanka waxaa lagu qabanayaa Jawhar ama Baydhabo.

7.Marka ay timaaddo xaalad degdeg ah ,Baarlamaanka waxaa isugu yeeraya Madaxweynaha Dawladda Federaalka KMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya sida uu qabo xeerka KMG ah.

III. Waxaan ka rajaynayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah iyo Wasiirka Kowaad in ay qaadaan tallaabooyinka muhiimka ah ,si loo meel mariyo dhammaan qodobbada aan kor ku soo sheegnay.

IV. Anigoo tixraacay baaqii aan ka soo saaray xafiiskayga 9kii bisha April 2005, mar labaadna uga mahad celinaya doorka wax ku oolka ah ee ay ka geysteen xallinta arrimaha kor ku xusan,ayaan mar kale waxaan ka codsanayaa kooxdii ka tirsanayd Beesha Caalamka oo sida gaarka ah isugu xilsaartay hawlahan inay sii wadaan dadaalkooda wax ku oolka ah si looga miradhaliyo natiijo la taaban karo ee soo afjaraysa khilaafaadkan.

Mahadsanidin
Cabdullaahi Yuusuf Axmed
Madaxweynaha

Intaasi ka dib Raysulwasaaraha Soomaaliya ayaa isaguna soo saaray warqad u ku muujinayo in uu diyaar uyahay go aanka Madaxweynaha isaga oo sheegay in Xukuumadu ay diyaar utahay Midnimada iyo Isku keenida Baarlamaanka iyo Golahiisa Wasiirada,

 

Isagoo Xusay sida u xaqiijiyay C/rixmanaan Nuur Maxamed Diinaari oo ah Afayeenka Xukuumada Soomaaliye in ay tahay xukuumad dib u heshiisiin ah loona baahanyahay midnimo iyo wada jir qaranimo,

 

Mas uul sare oo u hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan ayaa sheegay in ay had iyo goor ilaalin Doonaan Axdi qarameedka isagoo intaa ku daray in Gudoomiyaha Shaqadiisu tahay in uu Gudoomiyo Go aamada Baarlamaanka,

 

Waxa uu intaa ku daray in gudoomiyuhu dhinaciisa ku dadaali doono midnimada iyo wada jirka umada Soomaaliyeed ka shaqaynayo.

Faafin: SomaliTalk Apr 19, 2005

Dagaal ka Dhacay Degaanka Ceelwaaq
»Saddex Qof oo ku geeriyootay dagaal ka dhacay Kismaayo
»Hay'adda IMC ee Baydhabo oo la bililiqeystay
»Mudaaharaad ka dhacay safaaradda Sacuudiga ee London
»Gabar u shaqaynaysa hay'ad Sweden ah oo lagu diley Xamar
»99 Xildhibaan oo soo jeediyey in laga doodo Khilaafka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...

Maalinta Dhirta Adduunka oo laga Xusay Gobolada Puntland
Xaflado lagu qabtay Boosaaso iyo Galkacyo.. Guji Apr 18

"Rayaale intii uu xilka hayay waxaa cadaatay in uu maamulkii uu dhaxlay diciifay"
Sidaas waxaa shir jaraa'id ka yiri afhayenka xisbiga UCID Guji

Shir Saxaafadeed oo Qarbtay Duqa Gaalkacyo
»Wafdigii labada gole ee gaaray degdmada  Balcad
»Dagaal Ka Dhacay Gelinsoor
Wararka oo dhan halkan ka Akhri.. Guji... Apr 17

BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD