SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka oo keenay moshin la xiriira khilaafka labada golle in laga doodo.
  • DAGAAL Culus oo ka Dhacay Degaanka Ceelwaaq
  • Saddex Qof ayaa ku geeriyootay dagaal shalay galinkii danbe dhexmaray ciidanka sugida amaanka isbahaysiga iyo kooxo hubaysan... 
  • Haweeneey Soomaali ah oo ka Madax ka aheyd Hay`ad Samalfal oo lagu dilay Magaalada Muqdisho 
  • Hay`adda IMC ee Baydhabo oo la bililiqeystay 
  • Mudaaharaad ballaaran oo ka socda magaalada London safaaradda Sacuudiga horteeda............

Qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka oo keenay moshin la xiriira khilaafka labada golle in laga doodo.

Qoraalkiina wuxuu u qoraa sidan:

Jamhuuriyadd Soomaliya

Ku. Guddoomiyaha baarlamaanka  FKMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan

Mudane Max’ed Cumar Dalxa- Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka

Ujeeddo:- Codsi Kulan Baarlamaan

-Annagoo ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed.
-Annagoo gudaneyna waajibaadka na saaran & dhaartii aan ku dhaaranay in aan daacad u noqono danta dadka & dalka Soomaaliyeed.
- Annagoo tixgelineyna dhibaatada dowlad la’aaneed ee haysata ummadda Soomaaliyeed muddada dheer

-Annaga oo ka cabsi qabna in geedi socodkii nabadda ee mudada labada sano & barka ka socday dalka Kenya loo fashiliyo sidii shirarkii hore oo kale.

-Annagoo xog-ogaal u ah tabaha guracan ee dad wax-magarato ahi ku doonayaan in ay ku burburiyaan dowladii loo hanka weynaa waqtiga & maalka badanna loo huray taabagelinteeda.
-Annagoo cuskaneyna qodobka 34-aad farqadiisa 2-aad ee axdiga Qaranka & qodobka 5-aad farqadiisa (X) ee xeer-hoosaadka baarlamaanka.

Waxaan ka codsaneynaa guddoonka baarlamaanka federaalka KMG ah ee warqadani sida tooska ahi ugu socoto in ay golaha shacabka u qabtaan fadhi aan caadi aheyn muddo 24 saac gudahood si looga doodo go’aan sharciyeedna loog gaaro qodobada hoos ku qoran.

1. Go’aankii golaha wasiiradda IGAD taariikhdiisuna aheyd 19 Maarso 2005
2. Qorshaha dib u guurista dalka ee ku aadan:-
a) Sidii maamulo loogu sameyn lahaa gobolada & degmooyinka dalka.
b) Goobtii ay dowladd si KMG ah ugu sii shaqeyn laheyd (Baydhabo & Jowhar) iyo in laga furo magaala madaxda dalka xafiis siyaasadeed.
c) Qorshihii golaha wsiirada ee xal u raadinta magaala madaxda dalka.
3. Qorshe 3 bilood ah oo hub ka dhigis & xareynta maleeshiyooyinka oo laga hirgelinayo dalka oo dhan.
4. In dhammaan xubnaha ka tirsan xukuumadda, baarlamaanka & shaqsiyaadka kale ee hubka & maleeshiyooyinka ku haysta dalka laga saxeexo axdi cusub oo ku saabsan xabad-joojin & hub ka dhigis, ciddii ku xadgudubtana la horgeeyo maxkamada dembiyada ee caalamiga ah.
5. Codsi in la abuuro guddi caalami ah oo ay hogaaminayaan IGAD, AU & Arab League oo u xilsaaran kormeerida & xaqiijinta fulinta qodobd kor ku xusan.
6. In baarlamaanku ku shiro Baydhabo ama Jowhar haddii guddiga caalamiga ah ee kormeerida & xaqiijinta ee ku xusan qodobka 5aad u arko in qorshihii xal u raadinta magaala madaxda dalka waqti dheeri ah u baahan tahay.

Waad mahadsan tihiin.

Xubnaha codsiga keenay

1. Khadiijo Max’ed Diiriye
2. Mud Barre Xuseen
3. Max’ed Cusmaan Maye
4. Cali Max’ed Max’uud
5. Hilowle Iimaan Cumar
6. Max’ed Max’uud Guuleed
7. C/llaahi Geeddi Shadoor
8. C/llaahi Axmed Afrax
9. Ibraahim Sheekh Cali
10. Salax Cali Faarax
11. Cali C/llaahi Cosoble
12. Max’ed Xasan Gorod
13. Max’ed Sh. Isaaq
14. Cumar Aadan Xasan
15. Max’ed Cabdi Xayir
16. Caasha Cabdullaahi Ciise
17. Mahad C/lle Canad
18. Xasan Isaaq Yacquub
19. Axmed Cumar Gaagaale
20. Max’ed Max’uud Xayd
21. Khadar Biixi Caalin
22. Sheekh Xasan Ismaaciil Bile
23. Nuur Sheekh Xuseen Caddow
24. Max’ed Ismaaciil
25. Ismaaciil Xasan Jaamac
26. Axmed C/llaahi Jaamac
27. Sahro C/qaadir
28. Xasan Cumar Xuseen
29. Ismaaciil Qaasim Naaji
30. C/casiis Sheekh Yuusuf
31. Cali Max’uud
32. C/llaahi Sheekh Ismaaciil
33. Xaawa C/llaahi Siyaad
34. C/kariin Cigaal Guuleed
35. C/raxmaan Cusmaan Dirir
36. Zeynab Max’ed Caamir
37. Axmed Dhimbil Rooble
38. Muuse Xersi Faahiye
39. Max’ed C/llaahi Kaamil
40. Xuseen Ceelaabe Faahiye
41. C/qaadir Xaaji Max’ed
42. Max’ed Cusmaan
43. Mowliid Macan Max’ed
44. Cali Max’ed Fiqi
45. Aadan Max’ed Cali
46. C/llaahi Bile Nuur
47. C/risaaq Cusmaan Xasan
48. Axmed Max’ed Samatar
49. Max’ed Max’uud Aadan
50. Max’uud Sayid Aadan
51. Cali Ismaaciil Cabdi Giir
52. Cali Muumin Ismaaciil
53. C/llaahi Axmed Cabdulle
54. Hido Faarax Cabdi
55. Mire Xaaji Faarax
56. Max’ed Axmed Kulan
57. Max’ed Axmed Max’uud (Kulalihi)
58. Max’ed Diiriye Cali
59. C/rashiid Max’ed Cabdi
60. C/raxman Max’uud Cali Beyr
61. Siciid Xasan Shire
62. C/raxmaan Xaaji Ismaaciil
63. Xasan Axmed Jaamac
64. Xasan Abshir Faarax
65. Xuseen Caddaawe Baadow
66. Axmed Max’ed Laxos
67. Axmed Xaashi Max’uud
68. Geelle Max’ed Aadan
69. Xasan Cabdi Guure
70. C/rashiid Max’ed Xiddig
71. Deeqo Col-u joog Jaamac
72. Faadumo Daahir Aadan
73. Islaan Max’ed C/llaahi Xiddig
74. Aadan C/llaahi Diiriye
75. Ibraahim C/nuur
76. Ibraahim Xuseen Cali
77. Xasan Cabdi nuur Aadan
78. C/llahi Cabdi C/raxmaan
79. Madoobe Nuunow Max’ed
80. Saalim Aliyow Ibrow
81. Fowsiyo Max’ed Sheekh
82. Luul Cabdi Faarax
83. Yuusuf Max’ed Kheer
84. Khalid Cumar Cali
85. Amiin Max’ed Sheekh
86. Sareed Max’uud
87. Cali Adan Xuseen
88. Cali Sheekh Max’ed
89. Xuseen Cusman Xuseen
90. Cali Sheekh Max’ed
91. Max’ed Nuureyni Bakar
92. Axmed Max’ed Cabdi
93. Shariif Soofriaq
94. Faadumo Sheekh Nurow
95. Max’ed Cabdi Xasan
96. Cabdi Warsame Isaaq
97. Salaad Cali Jeelle
98. Cali Jeyte
99. Max’ed Cusmaan Bulbul

DAGAAL Culus oo ka Dhacay Degaanka Ceelwaaq

Dagaalkaan oo sababay dhimasho gaareysa ilaa Sideed ruux, ayaa Dhaawacana waxaa lagu sheegay 34 qofood. 

Dagaalkan oo ay isaga soo horjeedaan beelaha Garre iyo Mareexaan ayaa maanta iyo xalay ka dhacay degaanka Ceelwaaq iyo Tuulooyinka ku teedsan, inkastoo warar danbe oo soo baxaya ay tilmaamayaan inuu qaboobayo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dirirtaa la isugu adeegsaday labada dhinacba noocyada kala duwan ee hubka.

Dadkii ku dhaawacmay ayaa loo kala  qaaday deegaanda Ceelqaaloow iyo Dhammase oo Oodwadaag la ah goobta dagaalku uu ka dhacay ee ceelwaaq.

Dagaalkaan ayaa bud-dhig u noqday in dad badani ay ka qaxaan guryahoodii,waxaana la sheegayaa qaarkood inay ka gudbeen xadka soomaliya ay la leedahay Kenya.

Ilaa hadda ma jiraan cid ku baxday dagaaladan oo waan waan ka dhex wadda labadan beelood,hase yeeshee sida wararku ay nagu soo garayaan waxaa jira hub urursi xooggan oo ay wadaan labada dhinac ee dirirtu ka dhaxeyso.

Dagalkan ayaa ka bilowday sabab la xiriirta aanno qabiil, kaasoo markii danbe u xuubsiibay dagaal ekeeya ceelwaaq iyo gacan ku heynteeda.

Hassan dhaaleey | Dheel10@hotmail.com | Mogadishu Somalia


Saddex Qof ayaa ku geeriyootay dagaal shalay galinkii danbe dhexmaray ciidanka sugida amaanka isbahaysiga iyo kooxo hubaysan... 

Kadib markii ay ciidanka isbahaysiga ay wadeen waayadan howlgalo lagu aruurinayo hubka sida sharci darada ah loogu sito magaalada ayaa waxaa galinkii dambe ee shalayto ay weerareen koox dablay ah oo iyagu rugo ku yeeshay magaalada kismaayo kadibna waxaa ka dhashay is rasaaseen gacan hadal ah halkaas oo ay ku dhinteen sadex ruux oo uu midi yahay shicib halka uu ku dhaawacmay hal qof. 

Hadaba wali waxay wadaan ciidamada amaanka ee isbahaysiga howlgaladooda ay ku aruurinayaan hubka sida sharci darada loogu sito magaalada ayadoo labadii bari aynu soo dhaafnayna ay ku socdeen howlahaasi dardar aanan horey loogu arag islamarkaana ay ku soo xareeyeen qoryo A.K naaca loo yaqaan ah oo gaarayo ku dhowaad labaatan qori halka ay ka qaadeen isbaaroornk rugaha ku yeeshay meelo badan oo ay ka mid tahay tuulada goob weyn oo ku taala duleedka magaalada kismaayo. 

Arimaha sugida amaanka ayaa laga dareemayaa guud ahaan magaalada kismaayo  suuqyadeeda kala duwan iyo waliba xaafadaheeda ayadoo ay yaraadeen malayshiyaadka sida sharcidarada ah uga guran jirey dadweynaha lacagaha baada ah ee loo yaqaano leejada. 

Balse waxaa ay shacabka reer kismaayo iswaydiinayaa in maamulka  isbahaysiga ay ka dhabeen doonaan ama ay sii wadi doonaan howlgalkaan oo faa'iido u leh bulshada iyo in ay tahay arintaan mid aan sii socon doonin oo ah arin dhalanteed ah.

Dhanka kale dadweynaha ayaa si weyn u soo dhoweeyey howl galada noocaan oo kale ah maadaama ay shacabku ku soo jireen xili aad u dheer oo ay soo mareen inka badan 14 sano oo qax iyo burbur ah. 

C/qadar nuur maxamed (filipiin) | kismaayo soomaaliya | cabdiqadar84@hotmail.com


Haweeneey Soomaali ah oo ka Madax ka aheyd Hay`ad Samalfal oo lagu dilay Magaalada Muqdisho 

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Maryan Maxamed Xasan (Kuusow) oo saakay ku geeriyootay Magaalada Muqdisho ayaa madax ka aheyd hay`ad lagu magaacabo International Aid Sweden, taasi oo ka howl geli jirtay Soomaliya. 

Ka hor inta uusan dhicin falka dilka ah ee loo geystay haweeneydan ayaa waxa ay ku sii jeeday inay casharo la xiriira caafimaadka ay ka bixiso Seminaar lagu baranayay caafimaadka,kaas oo ka soconayay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho. 

Haweentan oo ay dileen Seddax rag ahaa,  kuna  hubeeysnaa Baastalo ayaa hadana sida wararku ay sheegayaan waxaa goobtaas ku dhaawacmay nin dhalashadiisu ay tahay Kenyaanti,oo ka mid ahaa shaqaalaha hay`ada gargaarka caalamiga ah ee Sweden. 

Marxuumaddan oo lagu dilay KM-4 ayaa sida la sheegayo waxaa ay ku howlaneyd in muddo ahba daaweeynta dadka qaba Juudaanka iyo cudurada ku dhaca Dhimirka,gaarahaan kuwooda laga dhaxlo dagaalada. 

Ilaa iyo hadda lama oga sababtii dilka iyo cidii ka danbeeysay hase yeeshee dadka Muqdisho ayaa aad uga xumaaday dilka loo geystay marxuumadda,waxaana si weyn u dhaliilay dhaqaatiirta Muqdisho,iyagoo qiray dadaalka hayadda iyo doorkii maryan. 

Dilkaan ayaa ku soo beegmay xilli hogaamiye kooxeedyadii muqdisho oo iminka u xuubsiibtay madaxda dowladda federaalka ay xusul duub ugu jiraan nabadeynta muqdisho,si loo helo nabadgelyo muuqata oo la taaban karo

Hay`adda IMC ee Baydhabo oo la bililiqeystay 

Howlagal bililiqo ah oo lagu soo afjarayay dhismaha xarunta hay`adda IMC ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo ayaa maanta ka dhacay isla magaaladaas. 

Tiro dad ah ayaa ku qamaamay dhismaha IMC ee baydhabo,waxaana sida wararku sheegayaan la diirtay saqafkii sare,iyadoo cagta la sii mariyay dhamaan wixii Qalab Xaafiiseed ahaa ee halkasi yaalay. 

Horaantii bishan ayaa hay`adda laga bililiqeysatay qalabkii dhalinayay Quwadda Korontada iyo Computaro dhowr ah. 

Weli waxaa soconaya howshii bililiqada aheyd waxaana wararka halkaasi ka imaanaya sheegayaan inay jiraan dad la baxaya tubooyinka biyaha u  keeni jiray hay`adda ee dhulka hoos mara,sidoo kale waxaa lala baxay guud ahaanba Albaabadii iyo Daaqadihii xaruntaasi. 

Guud ahaan hay`adihii samafalada ee ka howl geli jiray gobolkaas ayaa ka huleelay wax yar ka hor markii halkaas ay ka qarxeen dagaal beeleedyadii u dhaxeeyay taageerayaasha Xaabsade iyo Shaarguduud oo labaduba ka tirsan mas`uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaliya. 

Hassan dhaaleey | Dheel10@hotmail.com | Mogadishu Somalia


Mudaaharaad ballaaran oo ka socda magaalada London safaaradda Sacuudiga horteeda............
 


Waxaa maanta ka socda mudaaharaad lagaga soo horjeedo dhacdadii foosha xumeyd ee 4tii bishan qoorta looga jaray dhallinyaro Soomaaliyeed dalka Sacuudiga ka dib markii lagu soo eedeeyay falal aan lagu mudan karin qoorgooyo. Banaanbaxan oo uu soo qaban-qaabiyay Naadiga UK ee Bulshada iyo Dhaqanka iyo xubno si weyn looga yaqaano dalka Ingiriiska.

 
Ugu horreyn waxaa halkaasi qudbad xamaadsan badan uga soo jeediyay dadweynihii ka qeybgalayay mudaaharaadka Guddoomiyaha Naadiga UK ee Bulshada iyo Dhaqanka madane C/raxmaan Macallin Cali in aad uga xun yihiin sidii naxariisdarrada aheyd ee qudha looga jaray dhalinyaradaasi Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsaday wakiillada jooga safaaradda Sucuudiga in ay dowladdooda dadka Soomaaliyeed u soo bandhigaan sababtii loo laayay dhallinyaradaasi. 
 
Mudaaharaadkan oo biloowday maanta saacaddu markii ay aheyd 2:00 duhurnimo saacadda magaalada London ayaa weli ka soconaya halkaasi, iayadoo ay ka soo qeybgalayaan dhamaan qeybaha bulshada ee ku dhaqan dalka Ingiriiska.
 
Banaanbaxan oo ay ka qeybgalayaan  boqolaal Soomaali ah ayaa laga soo jeediyay in Islaamka uu yahay kan kaliya ee dhowra qiimaha aadanaha, laakiin dhaqanka maanta ee boqortooyada Sacuudiga uu yahay mid lagu fuliyo kuwa aan is difaaci karin.
 
Dadka sida weyn looga yaqaano magaaladan ee ka dhex muuqday waxaa ka mid ahaa:- Dr. Feytaan, Ing. Sayid Axmed Sh. Daahir, Ing. Maxamed Nuur Xassan, C/casiis "Xildhiban", Dahabo Ciise, Hodan Axmed, C/qaadir Xooshoow iyo xubno kale oo fara badan, iyadoo banaanbaxaasi intii uu socday warqad cabasho ah loo gudbiyay wakiillada Safaaradda Sacuudiga xubno ka tirsan iyo Boliiska xagga ammaanka ee magaalada London ee halka uu ka socdo banaanbaxaasi ilaalada ka hayay.
 
Waxaa maanta banaanbaxa goobjoogayaal ka ahaa xubno ka socday hey'adda xuquul Insaanlka ee Amnesy International iyo inta badan laamaha wararka ee dunida gaar ahaan Cnn, Al-Jasiira, Telefishinnada Locol-ka ah ee dalka Igiriiska iyo suxufiyaal ka socday jaraa'idka ka soo baxa isna magaalada London marka laga reebo Laanta Afka Soomaaliga ee Bbc oo aan la ogeyn sababta ay uga maqnaadeen banaanbaxaasi.
 
Wixii warar ah ee ku soo kordha waxaan idin soo gudbineynaa sida ugu dhaqsiyaha badan.
 
Freelance Somali Journalist
Saleeban Hassan Allasow
London, UK | alasow73@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk Apr 18, 2005

BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD