SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
  • SHIR SAXAAFADEED UU MAANTA QABTAY DUQQA DAGMADA GALKACYO.
  • DAGAAL CUSUB  KA DHACAY DEGMADA GALINSOOR.
  • Wafdigii labada gole ee ku sugnaa muqdisho oo maanta gaaray d/balcad ee g/sh/dhexe 

SHIR SAXAAFADEED UU MAANTA QABTAY DUQQA DAGMADA GALKACYO.

Galkacyo. (Somalitalk) | Sahro Sheikh |  sahrosiglan@hotmail.com

Axad: 17/04/05

Shir looga hadlayay marxaladda amaanka iyo wadadaganaanshaha magaalada Galkacyo ayaa saaka ka dhacay xarunta D/hoose ee magaalada Galkacyo.

Shirkan oo uu hogaaminayay duqqa dagmada Galakacyo  Xuseen Jamac Yabaq" ayaa waxaa ka soo qaybgalay suxufiyiinta kusugan magaalada Galkacyo oo uu isugu yeeray maalinyii shalay ahayd.

Sir saxaafadeedkan ayuu duqu kaga hadlayay arimo dhowra oo salka kuhaya dagaalkii kadhacay magaalada 11,04,2005. kaas oo ay ku dhinreen illaa labaataneeyo halka ay afartameeyo kalana ku dhaawacantay. dagaalkaas oo gaystay khasaaro isugu jirta naf iyo maalba, laguna bililiqaystay qaar kamida goobihii ganacsiga ee kuyaalay suuqa wayn ee Galkacyo.

Duqqa ayaa tibaaxay  dagaalkii maalintaa dhacay in uusan wax raada kulahayn dadka lagu tuhmayo in ay kadanbeeyaan, duqqa oo si dhab ah oo caro ay ka muuqato u hadlayay ayaa ku adkaystay in magaalada aysan wax dhiba kajirin hadda iyo hadkalaba' waxa uuna sheegay in dagaalkaasi uu kamid ahaa dagaaladii horay uga dhicijiray magaalada 1991, iyo waliba kuwii kadanbeeyay balse ayuu yiri kani waxa uu ahaa mid udhexeeyay labo beelood oo in muda ahaydba dagaalkoodu soo jiitamayay.

Mar uu lahadlayay shacbka ayuu yiri"!

Hadaa-tihiin shacabka magaalada waxaan idinleeyahay waxaan maalmahanba aan maqlayay oo internetyada laguqorayay in dowladdu aysan ahayn mid la isku halaynkaro gaar ahaanna lasheegay in ciidanka magaalada ee tuutaha labisan laftooda aysan wax dhexgal iyo iska caabina aysan samayn maalintaa ayada ah, sidoo kale waxaa lasheegay in loobaahanyahay in ciidamo labeeno goobaha ganacsiga ee suuqa wayn si ay amaanka usugaan; taasi maaha mid naqabata hadaannahay maamulka oo meelaan dhibi jirin aan anagu dhib ka abuurno waxaan filayaa hadii maalintaa ayada ah ciidamo aan gayno magaalada mawaxaad filaysaan in aad maanta sidan ahaanlahaydeen.

Hadaa tihiin reer Galkacyo waad garanaysaan dhibaato waxaytahay ee hala joojiyo dacaayadaha iyo been abuurka la isla dhexmarayo oo dadka sheegaya in koofurta ciidamo laga abaabulayo shacbka beenta haka, daayaan dagaalkanna waxa uu udhacay si lama filaana ee maahayn mid ay ogaayeen maamulka iyo shacbka koofurta iyo waliba kuwa maalmahanba lacarabbaabayay (Cismaan Caato)!.

Duqqa ayaa hadalkiisa dabasocda kadib markii uu Gudoomiyaha Gobolka "Maxamed Warsame C/dulle (Jabhad) uu kahadlay xaaladda amaanka ee magaalada asagoo shacba badidiisa usheegay in looga baahanyahay in ay difaacdaan magaalada gaar ahaan hadii uu dhaco isku day lagu doonayo in lagu abaabulo ama lagu soo weeraro magaalada waa muhiim dhanka kale ayuu yiri in la ilaaliyo lana dhowro nabadda ilkaha iyo gacmahana aysan ka baxsan!.

Duqqa ayaatan ay isku mowqif noqdeen Wasiirka Maaliyadda DGSPL, oo isna sheegagay in magaalada uusan wax abaabul colaadeen kajirin lana joojiyo qulquladaha lala wareegaysanayo Puntlana aysan keenay wax ciidana oo dagaal ku qaada shacabka iyo maatada labada dhinac sidoo kalana ciidanka PL, oo ladagaalo oo kaliya ciidan hubaysan hadii ay soo weeraraan hantida iyo shacbka reer PL.

Hadaba maamulka ayaa qaarkood noqday kuwo isku aragti, isku mowqif iyo isku ra,yi kamidaysan, halka qaar kalana ay ka aragti duwanyihiin kuwa kale ayadoo ay waliba si kul kulun isugu jawaabayaan, balse aysan dareensanayn in shacbku uu yahay mid dusha ka eegaya jawaabaha canaantu kudheehantahay ee soo yeer yeeraya mudadii dagaalkan uu bilowday.

Shacabka hadaba maxaa udana yayse ku aragtiyihiin?

Qaar kamida shacabka ayaa maalintii jimcaha ahayd shir layeeshay Gusoomiyaha iyo wasiirka maaliyadda, waxayna isku raaceen in ay raacayaan ra,yiga Gudoomiyaya." hadaba sheekadu waa Jug jugow meeshaada joog dhankay doontana hakaaladhacdee."! 


DAGAAL CUSUB OO GALABTA KA DHACAY DEGMADA GALINSOOR.

Galinsoor: (Somalitalk).

Axad: 17/04/05.

Dagaalo ayaa Maanta dhexmaray labadii beelood ee horey ugu dagaalamijirtay Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Dagaalkan oo goordhowayd ka dhacay degmada galinsoor ayaan wali lsheegin inta uu le,egyahay khasaarihiisa iyo ciddii kadanbaysay.

Dagaalkan ayaa haatan lagu soo waramayaa in uu joogsaday balse iskii u joogsaday ayadoon cidi kala dhexgalin.

Sahro Sheikh |  sahrosiglan@hotmail.com


Wafdigii labada gole ee ku sugnaa muqdisho oo maanta gaaray d/balcad ee g/sh/dhexe 

Wafdigaan ayaa booqashadooda waxaa ay ka bilaabeen oo ay ku hakadeen xeradii tababarka ciidamada ee hiilweyne,oo dhacda agagaarka degmada balcad,waxayna halkaasi kula kulmeen macalimiintii hore ee tababarka ciidamada ee hiilweyne oo goobtaasi ay qaarkood xaadir ku ahaayeen 

Xerada hiilweyne ayaa muuqaal ahaan aad u burbursan waxaana ka muuqda diiftii dagaalada sokeeye,sida muuqatana waxaa ay u baahantahay dayactir xooggan sida ay ku warameen dadka deegaanka iyo macalimiintii hore ee xeradaasi kulankii ay la qaateen xubnaha labada gole ee halkaasi gaaray,sidoo kale waxaa ay tilmaameen mas`uuliyiinta labada gole in xerada hiilweyne ay noqoneeyso tan koobaad ee lagu xareynayo maliishiyaadka hubeysan iyo gawaaridooda ee ku sugan caasimadda muqdisho sida ugu dhaqsiiyaha badan 

Wax yar kadib waxaa ay wafdigu bilaabeen socodkoodii,kaasi oo ku wajahnaa degmada balcad oo aan sidaa uga sii fogeeyn,haseyeeshee waqti yar kadib ayay gaareen,degmada balcad oo aan maanta wax shaqo ah laga qaban,xitaa waxaa xirnaa goobihii ganacsiga oo idil, 

Waxaa isu soo baxay oo halkaasi ku soo dhoweeyay dadweyne la sheegay inay ka kala yimaadeen balcad iyo tuulooyinka hoos yimaada,kuwaasi oo wejiyadooda laga dheehan karayay sida ay raaliga uga yihiin soo dhoweynta wafdiga dowladda federaalka soomaliya 

Dadkaasi ayaa isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka,dhalinta, Waxgaradka iyo ganacsatada, 

Wasiirka ganacsiga muuse suudi yalaxoow oo isagu ka taliya halkaasi ayaa sheegay in dadka ku dhaqan g/sh/dhexe ay si weyn u taageersan yihiin xubnaha labada gole ee soo gaaray soomaliya dhowaan,waxaa uu carabka ku dhiftay kartida iyo soo dhoweynta ay muujiyeen dadka g/sh/dhexe isagoo caddeeyay inay yihiin kuwo daacad u ah barnaamijyada dowladda federaalka 

Mas`uuliyiintii kale ee halkaasi ka hadshay waxaa ka mid ahaa cusmaan cilmi boqore oo ah g/ku-xigeenka 2aad ee baarlamanka,maxamuud c/laahi jaamac sifir,cismaan xasan cali ‘caato’maxamad cabdi yuusuf,cali cismaan,cumar xaashi aadan caasho axmad candalla, maxamad qanyare afrax,sheekh yuusuf maxamad siyaad ‘indhacadde’oo ah guddoomiyaha g/sh/hoose iyo xubno kale 

Waxayna dhamaantood sheegeen inay balcad ay noqotay degmadii ugu horeysay ee si diiran u soo dhoweysa dowladda federaalka,sidoo kale waxaa ay ku amaaneen sida dadka balcad deggani ay u badbaadiyeen warshadii dharka iyo suufka,taasoo ka mid ah bey yiraahdeen meelaha keliya ee ka badbaaday burburkii dalka aafeeyay 

Si kastaba ha ahaatee talaabooyinka mas`uuliyiintaan ayaa waxa ay soo dedejin kartaa meelmarinta heshiiskii ka koobnaa 29ka qodob ee lagu gaaray nairobi kaasoo saldhigiisu ahaa amaanka iyo nabadgelyada muqdisho,mar haddii laga soo dhoweeyay meel ka baxsan 

Hassan dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu Somalia

Faafin: SomaliTalk Apr 17, 2005


Boqoradda Denmark: " Waa in aynu Islaamka Hor Istaagnaa!"
Boqoradda ka talisa dalka Denmark ayaa ku dhawaaqday erayo aad u kul-kulul oo ku wajahan muslimiinta
Guji..

Haamo Waaweyn oo kusoo Caariyey Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose
»Barre Hiiraale oo booqday jasiirado kamid ah G/J/Hoose
»Cudduro aan la aqoon oo ku dhacay kalluumaysato...
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji...

Xubno katirsan DFKMG oo Muqdisho kula kulmay Horjoogayaasha ciidamada Maleeshiyooyinka
»Xubno ka mid ah Labada Gole oo ka Ambabaxay Nairobi
»
G/Baarlamaanka oo Muqdisho tegi doona aakhirka Bishan
»Galkacyo: Shirar ay yeesheen DGPL iyo ganacsato..
»G/Bay & Bakool: Khudbadihii jimce  looga hadlay dagaalada
»Dowladda malaawi oo qaabishay qaxooti Soomaaliyeed 
»UK: Mudaaharaad ka soconaya magaalada London
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...

Mindi ayaa Lagu Diley Aqoonyahankii Soomaaliyeed ee reer Kanada
»Canada: 3 qof oo loo xiray dilkii marxuum Xassan M. Yusuf
»Minnesota: Ismaaciil M.Cali oo Qirtay Dilkii Yaasmiin Geelle
»USA: Laba qoys oo Soomaaliyeed oo iskaga hor yimid gabar
»Baaritaan lagu sameeyey cashuur celinta Soomaalida MN
Wararka oo dhan ka akhri halkan...
Guji... Apr 15

Xubno ka mid ah DFKMG digniin lagu siiyay in ay ka baxaan Aqalka Chaster house ee Nairobi
»Kal fadhigii 3aad ee Board-ka Dalsan oo lagu qabtay Nairobi
»Soomaliya iyoTantanka ciyaaraha dhalinyarada islaamka
Warka oo dhan ka akhri halkan... Apr 15

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD