SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Xubno ka mid ah labada gole oo digniin lagu siiyay in ay ka baxaan Aqalka Chaster house ee Nairobi.
  • Kal fadhigii 3aad ee Board-ka Dalsan ayaa lagu qabtay Nairobi
  • Soomaliya iyoTantanka ciyaaraha dhalinyarada islaamka

Xubno ka mid ah labada gole oo digniin lagu siiyay in ay ka baxaan Aqalka Chaster house ee Nairobi.

Qoraal ka soo baxay maamulka hotelka Chaster house ee magaalada Nairobi ayaa lagu dhajiyay hoolka cuntada ee hotelkaas xalay qoraalkan ayaa muujiyanayay ku wargalin xubnaha soomaalida ee ka mid ah labada golle in ay iskaga guuraan hotelkaas waxii ka horeeya 10 ka subaxnimo ee maanta hadii ay ku sii jiraana loo saari doono banaanka alaabadooda.

Digniintan ayaa ka dambaysay ka dib markii maamulka uu waayay sida ay sheegeen qarashkii ay ergada soomaaliyeed ku daganaayeen hotelkaas oo aan la siin muddo gaaban,waxa ayna maamulka sheegeen in aysan intaas ka badan u dulqaadan karin oo ay rabaan qarashkoodaas.

Xubanaha labada golle oo aan wax ka waydiiyay arrintan ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado,in mar walba ay la kulmaan handadaad iyo cagajuglayn ay u gaysanayaan maamulka hotelada ay dagan yihiin,waxaana dhacda ayay dhaheen in marmarka qaarkood na loo gaysto dhac qarsoon iyo mid toos ah amaankeena uu qatar galo,haddana ay noo dheertahay in guryaha nalaku cabsi galiyo.

Mas’uuliyiinta IGAD Gaar ahaan kuwa ka socda kenya ayaa wada dadaal ay kula hadlayaan maamulka hotelka si ay u qaboojiyaan arrrintan, arrintan ayaa lagu wadaa in loo bandhigo deeq bixiyayaasha shirka ee midowaga yurub,Jaamacada Carabta iyo Hay’adaha kale ee bixiya lacaga ku baxa xubnaha soomaaliyeed.

Bilwalba waxaa ku baxda mid walba oo ka mid ah labada golle lacag gaaraysa kun iyo shan boqol doolar $ 1,500,waxaana hay'addahas aan soo sheegnay muddo ka badan laba sano iyo bar.

Hanjabaadahan waa kuwo inta badan ay la kulmaan xubnahan labada golle,intii uu shirka socday xisaab malahan inta jeer ee ay la kulmeen dhibtaadan oo kale,qaarkood banaanka ayaa loogu soo saaray boorsooyinkoodi,waxaa ugu darnayd xili madax dhaqameedki laga saaray hotelka 680 sanadkii hore ka dib markii ay guuri waayeen iyadoo raashinkii iyo korontadiiba laga jaray.

Canab Mumtaz| Nairobi Kenya
canabmumtaz@yahoo.com


Dalsan Interanational 
Shirkii 3aad ee  Boarka Dalsan 

Kal fadhigii 3aad ee Board-ka Dalsan ayaa lagu qabtay Nairobi, 8th  Ilaa 14 April, 2005. 

Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Boardka iyo hantiile-yaasha shirkadda waxa uu ku dhamaaday guul, waxaana ka soo baxay go’aamo wax ku’ool ah oo ay ka mid ahaayeen: 

  • Hirgalinta  Bangiyada Dalsan ee Soomaaliya: Muqdisho, Hargaysa, Boosaaso, Gaalkacyo, Garoowe, Laascaanood iyo Kismaayo.
  • Hagaajinta tayada  adeega dadwaynaha iyo macaamiisha, ayada oo la isticmaalayo qaabka cusub ee Web banking system.  Dalsan  waxay ku shaqaynaysay “Web based” program  laga bilaabo January 2005. Macaamiishu waxay ku helikaraan lacagtooda 5-10 daqiiqo meel kasta oo ay aduunka ka joogaan.
  • Sidoo kale waxaa dib u habayn lagu sameeyay maamulkii shirkada Dalsan oo loo magacaabay maamul cusub oo a qoon dheeraad ah u leh maamulka dhaqaalaha, kana kooban koox loo carbiyey Shaqada maamulka una leh xirfad dheeraad ah.
  • Shirkadda Dalsan waxay qaataday qaab cusub oo ku saabsan kordhinta wax soo saarka iyo kor u qaadida ribixa ay helikaraan dadka hantida gashaday Dalsan.
  •  Guud ahaan, Dalsan waxay u socotaa dhinaca horumarka iyo casriyaynta khidmaadka ay u hayso dadwaynaha. Waxayna u ballanqaadaysaa macaamiisha inay u qaban-doonto adeeg hufan oo ay ku farxaan.

Marketing manager
Abdirahman Mohamed Jibriil
horumarintadalsan@hotmaill.com


Soomaliya iyoTantanka ciyaaraha dhalinyarada islaamka

Tartankaan oo iminka ka soconaya waddanka sucuudiga ayaa waxaa uu soo gaaray wareegiisii ugu dambeeyay,tartankaan ayaa si rasmi ah uga furmay 9kii bishaan magaalooyinka Daa`if,Jeddah,Maka Al-Mukarama iyo Madiina Al-Munawara ee dalkaasi 

Tartankaan oo ah kii koowaad ee noociisa ah ee la qabto ayaa waxaa ka qeyb qaadanayaa 700 oo ciyaartooy,kuwaasi oo ka kala socda 54 waddan.oo ka tirsan wadamada islaamka 

Kooxda kubadda koleyga ee ka socotay soomaliya ayaa la kulantay wadamada Kuweyt,Aserbajan iyo wadanka Sucuudiga oo martigelinayay, 

Sidoo kale waxaa ka socda halkaasi ciyaaro kala duwan oo ay soomaalidu ka qeeyb qadanayso sida Tenniska  Miiska, Dabbaasha, Boodada, Koleyga, Cagta, Orodka.  

G/Ku-xigeenka 1aad ee Guddiga olompikada C/qaadir Ibraahin Gacal Abkoow oo hogaaminayay wafdiga ayaa qiray in Soomaliya ay ku ciyaareeysay niyad keliya,silamarkaasina aysan muujineeyn Natiijooyin la taaban karo hase yeeshee looga faa`iideeysan karo Waaya- aragnimo Ispoorti. 

Si kastaba ha ahaatee ciyaartoyda soomaaliyeed ayaa caado joogtaa u noqotay inaysan wax libin ah ka soo hoynin ciyaaraha kala duwan ee ay dibadaha ugu ambabaxaan iyadoo loo aaneynayo karti xummo iyo dhaqaale la`aan waxaase jira dadaalo lagu doonayo horumarinta ispoortiga iyo abuurista Jiil Sporti oo laga dhex baadi goobayo dhalaanka soo koraya si ay u difaacaan sharafta qarankooda una soo hooyaan guulo 

Hassan dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu Somalia

Faafin: SomaliTalk Apr 15, 2005


Minnesota: Soomaali Dembi Loogu Soo oogey Arrimo La Xiriira Cashuur Celinta Dawlada
»Canada: Hal qof oo loo xiray dilkii aqooyahankii Soomaaliyed
»USA: Laba qoys oo Soomaaliyeed oo iskaga hor yimid gabar
»Baaritaan lagu sameeyey cashuur celinta Soomaalida MN
Wararka oo dhan ka akhri halkan...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD