SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

15 Apr. 2005

  • Shacab fara badan oo ciidamada cadowga itoobiya ay ku xidh-xidheen Ogaadeenya
  • Dagaalladii ugu denbeeyay ee dhex maray cwxo iyo kuwa cadowga itoobiya
  • Heshiis ciidammo heegan ah loogu samaynayo dalalka Bariga Afrika
  • Labo milyan oo qof oo AIDS ugu dhiman doona Itoobiya
  • Madaxweynaha DFKM ee Soomaaliya oo ku hanjabey inuu kalsoonida kala laabanayo xukuumada Cali Maxamed Geedi
  • Iyo Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga

======================

Shacab fara badan oo ciidamada cadowga itoobiya ay ku xidh-xidheen Ogaadeenya .

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa 22/3/05 dadwayne badan ka soo xidhxidhay deegaanka Daratoole, waxayna arrintaasi ka denbaysay, ka dib markii dagaal halkaas ka dhacay si wayn loogu naafeeyay ciidammada cadowga itoobiya. Dadka deegaanka Daratoole laga soo qabqabtay ee hadda ku xidhan magaalada Wardheer ayaa waxaa ka mid ah:

  • 1- Xasan Xayd.
  • 2- Maxamed Xasan Xirsi.
  • 3- Maxamed Magan Dalmar.
  • 4- Gaaciye Wacdi Xaashi Jiis.
  • 5- Eemar Aw-daa’uud.
  • 6- Cabdi Dhiico.
  • 7- Maxamed Cabdi
  • 8- Faarax Cali Barkhadle.
  • 9- Fadumo Maxamed.
  • 10- Iyo Food-cadde.

Isla 22/3/05, waxaa Magaalada Wardheer lagu xidhxidhay dadka kala ah:

  • 1- Naado Xasan Barre.
  • 2- Xaliimo Sh. Cabdi.
  • 3- Axmed Jaamac waranle.
  • 4- Cabdi Faarax Maxamuud.
  • 5- Cabdi-kariin Siraad Koodey.
  • 6- Cabdulaahi-suud Il-cirro.
  • 7- Cabdulaahi Xuseen Budul.

Meesha lagu magac-aabo Ban-yare oo Iimey ka tirsan ayaa 8/4/05,lagu xidhay dad rayid ah oo aan waxba galabsanin,iyadoo weliba dadkaas lagu sooxidh-xidhay si naxariis darro ah oo dil iyo jidhdilkujiro,waxaana dadkaas ka mid ah:

  • 1- Beddel Muleec Laag.
  • 2- Maxamed Qorane Muleec Laag.
  • 3- Rumaan Beddel Muleec.
  • 4- Cabdi Jawaab Axmed.
  • 5- Hire Cabdi Jawaab.
  • 6- Weli Suufi Garaad.
  • 7- Axmed-Ciid Xasan Xuseen
  • 8- Shire Cabdi Sheekh.

Waxaa kaloo jira dad shacab ah oo meelo kale lagu kala xidh-xidhay oo aan magacyadooda dib ka soo sheegi doono.

Dhinaca kale gumaysiga Wayanaha oo siyaabo kala duwan u cadaadiya dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya ayaa toddobaadkii la soo dhaafay billaabay inuu dadwaynaha ka af-qabto Ceelashii biyaha. 10/4/05, ayuu gumeysigu dadka iyo duunyadaba ka xidhay ceelashii waaweynaa ee waqtiga kulaylaha loo baxsan jiray, waxaana Ceelashaas ka mid ah Ceelka Hadhaawe iyo Ceelka Dhanaan oo labadaba loo diiday dadkii iyo dunyadiiba inay ka cabaan, diidmada noocan ah ayay sabab uga dhigeen in Ceelashan ay Jabhaddu ka cabto.

Dagaalladii ugu denbeeyay ee dhex maray cwxo iyo kuwa cadowga itoobiya.

Wariyaha RX uga soo warama jiida hore ee cwxo ayaa noo soo tabiyey dhacdooyinkii dagaal ee ugu dambeeyey ee dhexmaray naftood hurayaasha cwxo iyo ciidamada nacabka gumaysiga itoobiya waxaana dagaaladaas ka mid ah:

Dagaal ka dhacay duleedka Iimey 10/3/05,dagaalkaas ayaa ciidamada Wayaanaha lagaga dilay 5 askari, halka 3 kalana laga dhaawacay.

18/3/05, dagaal ku dhexmaray ciidammada JWXO iyo kuwa Wayaanaha meesha lagu magac-aabo Magaalo-cad,ayaa 2 kamid ah ciidammadii Wayaanaha lagu dilay midna lagu dhaawacay.

Dagaal ku dhex maray Daratoole 22/3/05,ciidamada xoraynta Ogaadeeniya iyo kuwa Wayaanaha itoobiya, ayaa ciidamada Wayaanaha lagaga dilay 2 askari, 3 kalana lagaga dhaawacay.

5/4/05, Walaal-goo, oo Dhanaan ka tirsan, ayaa lagu qab-qabtay koox Dabaqoodhi ah, ka dibna intii hubkii laga qaatay ayaa la sii daayay.

Sidoo kale 6/4/05, Dhooba-weyn ayaa iyana lagu qabtay koox Dabaqoodhi ah,kadib markii hubkii ay siteen laga qaatay ayaa lasii daayey.

Heshiis ciidammo heegan ah loogu samaynayo dalalka Bariga Afrika.

Kulan horraantii toddobaadkan ay ku yeesheen madaxda dalalka Bariga Afrika caasimada itoobiya magaalada Addis Ababa ayaa lagu go’aamiyay in ciidammo heegan ah loo sameeyo dalalka Bariga Afrika, waxaana go’aankan gogol-dhig looga dhigay qorshe ay soo diyaariyeen wasiirrada gaasdhaandhigga ee wadammada Bariga Afrika.

Kulankan waxaa ka qayb galay madaxweynayaasha dalalka Suudaan, Soomaaliya, Jabuuti iyo ra’iisal wasaaraha gumayisga Itoobiya. Waxaa sidoo kale ka qayb galay wasiirrada gaashaandhigga iyo kuwa arrimaha dibada ee dalalkaas. Dalka Eritereya oo ka mid ah dalalka muhiimka ah ee Bariga Afrika ayaa kulankan ka baaqday.

In kastoo ayna dawlada Eritereya hadal rasmi ah ka soo saarin baaqashadeeda haddana waxaa la filayaa in meesha kulanka lagu qabtay oo Eritereya ayna ku faraxsanayn ay ahayd sababta ugu weyn ee baaqashada keentay. Waxaa kaloo jira warar kale oo sheegaya in sababta ay Eritereya arrintan uga gaabsatay ay tahay iyadoo xukuumadda Itoobiya ay lahayd fikrada samaynta ciidammada heeganka ee Bariga Afrika, isla markaana ay aad uga shaqaysay sidii loo gaadhi lahaa heshiis ciidammo noocan ah lagu sameeyo.

Ciidammadan ayaa loogu talagalay inay si dhakhsa ah uga hawlgalaan meelaha ay qulquladuhu ka dhacaan ee wadammada Bariga Afrika, waxaana xarun looga dhigi doonaa caasimada gumaysiga Itoobiya ee Addis Ababa.

Labo milyan oo qof oo AIDS ugu dhiman doona Itoobiya.

Tirada dadka Itoobiya ugu dhinta cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka ayaa seddex sano godohood labanlaabmi doonta, isla markaana gaadhi doonta 1,8 milyan oo qof, sidaas waxaa tilmaantay daraasad uu Maraykanku sameeyay oo arbacadii la faafiyay.

Dadka Itoobiya AIDS-ka ugu dhintay sannadkii 2003 waxay ahaayeen 900,000 oo qof waxaana la filayaa in tiradaasi ay gaadho 1,8 milyan oo qof sannadka 2008, haddii ay xaaladdu ku sii socoto sida ay hadda tahay, arrintaasoo dhibaato wayn u keeni karta guud ahaan dadwaynaha ku dhaqan gobolka Geeska Afrika.

Daraasadaasi waxay sheegtay in dadka waawayn ee Itoobiya hadda ku dhinta, marka seddex meelood loo dhigo, meel ka mid ah ayaa u dhinta cudurka AIDS-ka, sidaas waxaa tilmaantay daraasadaas. Waxay kaloo muujisay daraasadaasi in dadka ku jira da’dii la shaqaysan lahaa ee cudurkan u dhimanaya ay ka dhalan karto dhibaato dhaqaale oo aad u xun.

Daraasadani waxay kaloo tilmaantay in ciidammada Itoobiya ay qayb wayn ka qaataan faafinta cudurka AIDS-ka. Qiyaastii 75,000 oo ka mid ah ciidammadii la ruqseeyay markii uu dhammaaday dagaalkii Itoobiya iyo Eritereya dhex maray ayaa la sheegay inay cudurkan si wayn u faafiyeen markii ay guryohoodii ku noqdeen.

Isbitaal wayn oo lagu daweeyo saraakiisha ciidammada hadda ka tirsan iyo kuwii horay uga tirsanaan jiray ayaa 80% sariirihiisa waxaa jiifa dad qaba cudurka AIDS-ka. Marar badan oo hore ayaa laga dhawaajiyay in ciidamada gumaysiga Itoobiya ay si ula-kac ah cudurka AIDS-ka ugu faafiyaan dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya.

In kastoo ayna warbixintani si toos ah u sheegin ciidammada Itoobiya ee Ogaadeenya ku sugan inay faafiyeen cudurka AIDS-ka, haddana waxay warbixintu tilmaantay in ciidammada Itoobiya ee furimaha jooga ay cudurkan faafiyaan.iyadoo Ogaadeenyana ay ka mid tahay furimaha ay Itoobiya ciidammada badan gayso.

Madaxweynaha DFKM oo ku hanjabey inuu kalsoonida kala laabanayo xukuumada Cali Maxamed Geedi

Madaxweynaha Dowladda federaalka ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa ku hanjabey inuu kala dirayo xukuumadda Cali Mohamed Geedi hadii ay ku guul-dareeysato wax ka qabashada qorshaha horyaala ee shacabka loogu adeegayo,hasa-ahaatee madaxweynuhu ma aanu sheegin xiliga uu kala eryayo dowladda Ra’iisal Wasaare Geedi wuxuu kaloo madaxweynuhu intaas raaciyey in uu jiro khilaaf ka dhex aloosan golaha wasiirada ee dowlada federaalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaanu shacabka soomaaliyeed dooneyn Ciddii ka gaabineeysa Howlaha wax loogu qabanayo Qaranka iyo umadda somaaliyeed.

Wargeeyska Al khaleej ee ka soo baxa Imaaraadka carabta oo uu hadalkaan siiyey ayaa sheegay in madaxweynahu uu ku wargeliyey labada Gole ee xukuumadda in guud ahaan Umadda soomaaliyeed ay dareemeen waxa ka dhex jira labada Gole.

Cabdulaahi yuusuf ayaa hadalkiisa intaa raaciyey in dhawaan ay dowladdiisu sal dhigan doonto Gudaha soomaaliya inkastoo uusan cayimin Goobta la geeynayo dowlada,wuxuuse Kal hore sheegay in lakala geynayo magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in beesha caalamka ay diyaar ula tahay wax ka qabashada baahida dowladda hase yeeshee Sharuud looga dhigay in Dowladdu ay tagto gudaha soomaaliya oo kal hore looga baahnaa in ay gaadho.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmey Xili labada Gole ee dowlada ay isaga so horjeedaan xagga afkaarta oo qaarkoodna ay muqdisho ku sugan yihiin ayagoo wada Ol ole balaadhan oo ay ku doonayaan sugida amaanka ee magaalada Muqdisho.

Radio Xoriyo

15 Apr. 2005

C/nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk Apr 15, 2005

Minnesota: Soomaali Dembi Loogu Soo oogey Arrimo La Xiriira Cashuur Celinta Dawlada
»Canada: Hal qof oo loo xiray dilkii aqooyahankii Soomaaliyed
»USA: Laba qoys oo Soomaaliyeed oo iskaga hor yimid gabar
»Baaritaan lagu sameeyey cashuur celinta Soomaalida MN
Wararka oo dhan ka akhri halkan...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD