SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


WARAR GOOSGOOS AH:: APRIL 13, 2005

  • Madaxweyne C/llaahi Yuusuf "waxaa la ii yaqaanay Kornayl ma gudbe" & Munaasabada Maalinta ciidanka oo lagu qabtay Nairobi.
  • Wasiiirka koowad ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya arrimaha dastuurka iyo federalka iyo xubno kale.   
  • Hal qof ayaa dhintay laba kalana waa ay dhaawacantay kadib markii shalay ay  tuulada sanguuni ay ku dirireen laba malayshiyo 
  • Xubnaha Labada gole ee jooga magaalada Muqdisho oo magacaabey Guddi wax ka qabanaya arimaha gobalka Banaadir
  • C/laahi Yuusuf oo ku hanjabey in uu kalsoonida kala laabanayo golaha wasiirada ee Cali Maxamed Geedi...

Wafdi uu Hogaamnayo Wasiirka Hub ka digista iyo dhaqan celinta oo soo gaarey Muqdisho.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf "waxaa la ii yaqaanay Kornayl ma gudbe" & Munaasabada Maalinta ciidanka oo lagu qabtay Nairobi.

  • Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
    EMail:
    canabmumtaz@yahoo.com

Munaasabad balaaran oo lagu xusayay 45 guuradii ka soo wareegtay markii dhibadad loo aasay ciidanka xooga dalka soomaaliyeed ee 1960 12 kii april.

Munaasadan oo meelo kala duwan oo dalka ah laga xusay ayaa mid la mid ahi waxa ay ka dhacday xalay magaalada Nairobi waxaana qaban qaabadeeda lahaa dowladda FKMG ah ee Somaliya.

Munaasabadan waxaa ka soo qayb galay xubnaha labada golle ee baarlamanka,gudoomiye ku xigeenka 1aad,Taliyaha ciidanka Qalabka sida Gen Qaasim Naaji Sacad iyo saraakiil kala duwan oo ka mid ahaa ciidamadii dalka soomaaliyadii hore.Waxaa looga hadlayay guud ahaan ciidamada dalka soomaaliyeed iyo sida lagu soo celin karom,waxaa ka hadlay Taliyaha ciidanka Qalabka sida  ee Soomaaliya Gen Ismaaciil qaasim naaji  waxa uuna sheegay in uu balan qaadayo soo celinta ciidankii xooga dalka soomaaliyeed iyo qaybihii kale ee ciidanka oo dhan si loo helo ciidan midaysan oo nabad galyada soo celiya.

Waxaa kale oo ka hadlay munaasabadaas gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Prof.Maxamad Cumar dhalxa oo sheegay waxa uuna u hambalyeeyay dhamaan ciidanka xooga dalka soomaaliyeed iyo iyo qoysaskooda meel walba oo ay dunida  ka joogaan munaasabada ku beegan maalintii la aas aasay oo ku beegan 12 ka april isagoo ku hadlaya magaciisa,kan gudoomiyaha iyo kan guud ahaan baarlamaanka FKMG ah .

Munaasadan oo dheerayd waxaa kale oo ka hadlay Wasiirka kowaad Cali geddi,oo hambalyo u diray ciidanka iyo shacabka soomaaliyeed,waxa uuna sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu maanta magacaabay taliyaha ciidanka xooga wax badana uu ka badali doona baahida ciidan ee ay dowladdu u baahan tahay,waxa uuna intaas ku daray in isaga iyo C/llaahi yuusuf aysan ka reebi doonin in ay dhibida u aasaan ciidanka xooga dalka soomaaliyeed iyo keenis ciidan kaleba dalka khilaafyada ka dhex jira labada golle ee dowladda iyo baarlamaanka.

Madaxweyaha oo ugu dambayn lagu soo dhaweeyay qudbada ayaa uga hadlay heerarkii ciidan ee uu soo maray,ugu horeyn waxa uu u hambleeyay ciidan waxii sheegta ee ku sugan dalka dibadiisa ama dibadiisa,Mar uu ka hadlayay heerarkii uu soo maray ee xagga milatariga waxa uuna jiri"Aniga mucaaradnimidaydii awgeed ayaa keentay in aan ka gudbi waayo darajadii waagaas la ii magacaabay,kadib markii dadkii isku darajada aan ahayn ay wada dalaceen ayaa la ii baxshay Korneyl ma Gudbe".waxa uu xiligigaas ka hadlayay mucaaradnimadii uu soo maray iyo jabhadayntii dagaalka uu mudada dheer kula jiray inta ka soo horjeeday in aysan meel sare gaarsiinin waxa uuna cabirayay in mucaaradnimo dhib keento.

C/llaahi yuusuf waxaa kale oo uu ka hadlay shirkii Addis ababa ka dhacay ee uu isla  xalay ka soo laabtay ee ku saabsanaa dhisid xoog midaysan oo ay leeyihiin wadamada bariga afrika,iyadoo la isku darayo ciidamo ka socda wadamada gobolka,kadibna wax looga qaban doono halkii ay ka jirto amaan daro,ciidamadan ayaa hoos iman doona ururka amaanka iyo nabad galyada ee Ururgoboleedka IGAD.

Shirkan waxaa ka maqnaa Gudoomiyaha  baarlamaanka shariif xasan Sh.Aadan,waxa uun a sheegay ku xigeenkiisa koowaad in uu ka cudurdaartay imaanshaha xaflada laakiin uu dirayo ciidanka xooga dalka soomaaliyeed Hambalyo.

Khilaafkii u dhaxeeyay Gudoomiyaha baarlamaanka iyo Ra'iisul wasaaraha ee ka dhashay u codayntii ciidamada safka hore ayaan wali lagu guulaysanin,waxaana la filayaa in dhexdhexaadin laga dhex sameeyo dhawaan.

Wasiiirka koowad ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya arrimaha dastuurka iyo federalka iyo xubno kale.   

Shir lagu qabtay mid ka mid ah hotelada magaalada Nairobi(silver Springe Hotol) ayna iskugu yimaadeen wasiiradda ayaa dood dheer ku saabsan qodobada dastuurka kadib la isla ogolaaday in la magacaabo 13 xubnood oo loo xulo qaab beeleed, in ay ka shaqeeyaan arrimaha dastuurka iyo federalka xubnahan ayaa kala ahaa.                

1- Avv. Sheekh Cumar Axmed
2- Max’ed Nuur Jiley
3- Max’ed Isaaq Ibraahim
4- Tahliil Xuseen Geeddi
5-Max’ed Buraale Ismaaciil.
6- Xasan Ugaas Daahir
7-Mukhtaar Cabdi Dhuubow
8- Avv. Ilyaas Max’uud Maalin
9- Eng. Max’ed Siyaad Naaleeye
10- Avv. Sheekh Ibraahim Sheekh Axmed
11- Ismaaciil Nuur Maxamed.

Labada xubnood ee ka maqan guddigan ayaa wadatashi ahaan uga maqan la xiriira dhinaca beelahooda,waxaana la filayaa in ay dhawaan soo magacaabaan xubanah guddigaas uga mid noqonaya(beesha dir).
 
Waxaa  kale oo uu wasiirku magacaabay xubno kala ahaa.
 
Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen.Ismaaciil Qaasim Naaji, Agaasimaha Bandhiga Dhexe ayaa waxaa loo magaacabey Bashiir Ciise Cali halka Xeer ilaaliyaha Guud loo magacaabey C/laahi Daahir Barre.
 
Dhinaca kale magaabista xubnahan waxaa ku tilmaamay xadgudub wasiirka amniga qaranka Maxamad Qanyare oo hadda ku sugan magaalada Mogadisho,isagoo sheegay inaan la marin nidaamka dastuuriga ah iyo kan dowladdaba.
 
Wasiirka amniga maxamad qanyare waxa uu horey u magacaabay taliyaha ciidanka booliska dalka soomaaliya,iyo kan laanta socdaalka.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
EMail:
canabmumtaz@yahoo.com


Hal qof ayaa dhintay laba kalana waa ay dhaawacantay kadib markii shalay ay  tuulada sanguuni ay ku dirireen laba malayshiyo 

Dadkan ku dhintay kuna dhaawacmay tuuladaasi ayaa lagu soo waramayaa in ay ahaayeen dad rayid ah oo iyagu gaari ka soo raacay magaalada muqdisho una soo socdeen magaalad kismaayo .

Dadkii dhaawacmay oo dhaawacooda la keenay magaalada kismayo ayaa la ildaran dhawacii soo gaaray halka hal qofna wax laga qaban waayey dhawac lugta ka soo gaaray oo ay daweyn waayeen dhaqaatiirta isbitaalka.

Isbitaalka guud ayaa haatan gabay howlahiisii caafimaad kadib markii ay ka guurtay hayadii M,S.F Belgium sanadkii labada kun iyo kowda, dhaawacii xalayto oo wax looga qaban waayey isbitaalka arimo dhaqaalo iyo daawo la,aan awgeed ayaa loo tiirinayaa la'aanta isbitaalka uusan lahayn wax daboola kaabigii caafimaad ee loo baahnaa.

Dhanka  kale arinta amaan xuma ee ka jirta wadada dheer ee isku xirta jilib iyo kismayo ayaa ah is baarooyin baro ku yeeshay aagaas oo ay ka ariminayaan malayshiyaad aan cidina ka amar qaadan taasoo lagu wax yeelaynaayo shacbiga aan awooda lahan ee isaga goosha waddooyinkaasi  ,ugu yaraan waxaa wadadaasi yaalo ku dhowaad labaatan isbaaro oo si sharci daro ah lacago baad ah looga aruursado shacabka, arintaasi waxay dhalisay in xitaa ay qiimaha badeecooyinka kala duwan ee lagu gado degmada jilib ay noqdaan kuwa ka qaalisan badeecooyinka kale ee  degmooyinka kale arintaasina waxay dhabar jab kunoqotay dadka danyarta ah ee aan awoodin sicir bararka badeecooyinka.

Mana jiraan ilaa iyo haatan cid iska xil saartay wax ka qabashada xaalada amaan ee wadaadsi.

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com


C/laahi Yuusuf oo ku hanjabey in uu kalsoonida kala laabanayo golaha wasiirada ee Cali Maxamed Geedi... 

Madaxweynaha Dowladda federaalka ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa ku hanjabey inuu casilayo xukuumadda hadii ay ku guul-dareeysato waxa uu ugu yeerey wax ka qabashada qorshaha horyaala ee shacabka loogu adeegayo waxaa kaloo intaas uu raaciyey in uu jiro khilaaf ka dhex aloosan golaha wasiirada ee dowlada federaalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaanu shacabka soomaaliyeed dooneyn Ciddii ka gaabineeysa Howlaha wax loogu qabanayo Qaranka somaaliyeed. 

Wargeeyska Al khaleej ee ka soo baxa Imaaraadka carabta oo uu hadalkaan siiyey ayaa sheegay in madaxweynaha uu ku wargeliyey labada Gole ee xukuumadda  in guud ahaan Umadda soomaaliyeed ay dareemeen waxa ka dhex jira labada Gole. 

Waxaa la gaarey xiligii umadda soomaaliyeed ee mudada 14ka sano ku soo jirtey mashaqada dabada dheeraatey ee dagaalada sokeeye ay haataan u baahan yihiin in wax loo qabto, balse aysan u baahneeyn is qab-qabsi “sidaas waxaa yiri madaxweyne cabdillaahi yuusuf oo u waramayey wargeeyska khaleej times waxaa kaloo oo intaa raaciyey in aysan caqli gal ahayn in xubnaha labada Gole ay isaga damaashaadaan Nairobi iyadoo aan laga fekereeyn Danta iyo maslaxada caamka ah. 

Cabdulaahi yuusuf ayaa hadalkiisa intaa raaciyey in dhawaan ay dowladdiisa sal dhigan doonto Gudaha soomaaliya inkastoo uusan cayimin Goobta la geeynayo dowlada hadana Kal hore waxaa uu sheegay in lakala geynayo magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo. 

Madaxweenaha ayaa sidoo kale sheegay in beesha caalamka ay diyaar ula tahay wax ka qabashada baahida dowladda hase yeeshee Sharuud looga dhigay in Dowladdu ay tagto gudaha soomaaliya  oo kal hore looga baahnaa in ay gaarto. 

Madaxweeynaha ayaan sheegin xiliga uu kala eryayo dowladda Ra’iisal Wasaare Geedi 

Hadalkaan ayaa ku soo beegmey Xili labada Gole ee dowlada ay isaga so horjeedaan xagga afkaarta oo qaarkoodna ay muqdisho ku sugan yihiin ayagoo wada Ol ole balaaran oo ay ku doonayaan nabad buuxda oo ka aslaaxda  Muqdisho.

Xubnaha Labada gole ee jooga magaalada Muqdisho oo magacaabey Guddi wax ka qabanaya arimaha gobalka Banaadir

Kulankan maanta ay isugu yimaadeen xubnaha labada gole oo qaatey muddo Afar saacadod ah ayaa lagu magacaabey Guddi ka kooban Shan iyo Labaan tan Xubnood kuwaasi oo ka soo kala jeeda  beelaha kala duwan ee ay dowladadu ka kooban tahay. 

Cumar xaashi Aaden oo ah af hayeenka labada Gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gudigaan uu yahay  Gudiga Xiriirinta iyo Kormeerka Guddiyada Howl galka Gobolka Baraandir.waxa uuna sheegay in Arintaan ay qayb ka tahay go’aankii lagu gaarey Nairobi ee 29kii Qodob ka koobnaa ee ku saabsanaa nabadeeynta Magaalada Xamar. 

Cumar Xaashi Aaden ayaa ka biyo diidey xubnihii uu u  magacaabey Ra’iisal wasaare Geedi, aslaaxinta Gobolka banaadir oo uu ka mid ahaa Xasan Abshir Faraax oo ah Wasiirka kalluumeeysiga ee Dowladda federaalka. 

Xubnahaan lamagaacaabey ayaaneey ka dhex muuqan  Haweenkii xildhibaanada ka mid ahaa ee dadaalka ugu jirey sidii muqdisho u noqan lahayd meel xasiloon. 

Hase ahaatee dadka ku dhaqan magaalada muqdisho ayaa ayagu qaba aragtiyo kala duwan oo ku aadan meel marinta howsha ay wadaan xubnaha ka tirsan labada gole ee ka soo jeedaa  Banaadir, taasoo horey loogu hungoobey ballan qadyadooda waloow dhanka kale ay muujinayaan yididiilo taas ka duwan ayagoo la cuskanaya biseylka siyaasadeed ee xiligaan

Wafdi uu Hogaamnayo Wasiirka Hub ka digista iyo dhaqan celinta oo soo gaarey Muqdisho.

Wafdigaan oo uu hogaaminayo Bootaan Ciise Caalin oo ka soo ambabaxay Magaalada Nairobi ayaa barqonimadii maanta waxa ay ka soo caga dhigteen garoonka diyaaradaha ee Balli Doogle ee Gobalka Shabeelada hoose. 

Wafdigaan waxaa garoonka ku soo dhaweeyey taageerayashiisa iyo Dadweeyne aad u farabadan waxaana lagu soo gal biyey Gaawarida dagaalka.

Wasiirka Hubka dhigista iyo dhaqan Celinta maliishiyooyinka ayaa markii uu soo gaarey magaalada Xamar waxa uu qabtey shir jaraa’id waxaa uu kaga Hadley Qorsheyaasha ku aadan wasaaraddiisa isagoo sheegay in wasaaradiisa hawsha ugu Horreysa ay qabaneeyso ay tahay Hub ka dhigista maliishiyooyinka ku baahsan magaalada muqdisho isla markaana loogu abuuri lahaa xirfado ay ku shaqeystaan si caasimada u noqoto mid hanata doorkeedii nabad galyo iyo waliba kaalinteedii caasimadeed.

Waxaa kaloo wasiirka uu soo hadal qaaadey ujeedada socdaalkooda waxaana uu sheegay inuu la xiriiro howlihii ay u wadeen  qaar ka tirsan labada gole ee ku taxaluuqay meel marinta waxa ay ugu yeereen 29 Qodob.

Hassan Dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu Somalia

Faafin: SomaliTalk Apr 13, 2005

USA: Qof Dumar ah oo Soomaaliyeed oo Loo Xiray Been Abuur ay Ka Samaysay Ninkeeda
»Khadra Faarax Cali oo Lagu Xiray Columbus, Ohio
»
Kismaayo oo Laga Xusay Aasaaskii Ciidankii Xoogga Dalka
»Muqdisho oo laga xusay Maalinta Ciidanka Xoogga Dalka
»Sh. Aweys: Ciidanka Lagu Dhisayo Adis Ababa waa shirqool
Warka oo dhan ka akhri halkan.... Guji... Apr 12

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD