SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • USA: Qof Dumar ah oo Soomaali ah oo Loo Xiray Ninkeeda oo ay Been Abuur Ka Samaysay
  • Sanadguuradii 45 aad ee ka soo wareegatay aas aaskii ciidanka xooga dalka soomaaliyeed oo looga dabaal dagay  magaalada Kismayo. 
  • Muqdisho oo Maanta laga xusay Maalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
  • Shiiq Xasan Daahir Aways oo Shirqool Siyaasadeed ku tilmaamay Ciidanka lagu dhisay Magaaladda Addis Ababa ee Dalka Itoobiya. 

Khadra Faarax Cali oo Lagu Xiray Maraykanka Kaddib Markii ay Been Abuur La Xiriira Argagixiso Ka Samaysay Ninkeeda oo Deggan Dalka UK...

COLUMBUS, Ohio - Qof dumar ah ayaa isniintii la xiray kaddib markii lagu soo oogey dembi ah in ay FBI-da Maraykanka u sheegtay been abuur ah in ninkeedu maleegayey shirqool uu rabey in uu qarxiyo safaaradaha Maraykanka iyo Sucuudiga ee London, UK.

Kadrah Farah Ali, oo 42-jir ah, waxaa laga kaxeeyey guriga ay deggan tahay oo ku yaal magaalada Columbus ee gobolka Ohio, waxaana loo taxaabay Xabsiga.

Bishii hore ayaa la soo weriyey in ay Kadrah warbixin u gudbisey FBI-da, warbixintaas oo ah in ninkeeda oo lagu magcaabo Osman Yusef Dirie, uu ayada u sheegay in asaga iyo afar qof oo ah Moroccan ah ay qorshaynayeen in ay qarxiyaan Safaaradaha.

FBI-du waxay arintaas ku wargelisey CIA iyo xukuumada Ingiriiska. Waxayna dalka England waraysi kula yeesheen Osman Yusef Dirie, halkaas oo uu degan yahay, laakiin ninkaas wax dembi ah laguma soo oogen ama labma xirin.

Sida ay sheegtay FBI, markii dambe Kadrah waxay saraakiil u sheegtay in ay sheekadaas samaysay si ay ugu wax yeelayso Dirie (ninkeeda), kaas oo ay tiri waxa uu uu guursadey si uu u qaato dhalashada maraykanka.

Labaduba(Osman & Kadrah) waxay ka yimaadeen dalak Soomaaliya, laakiin Kadrah waxay haysataa dhal;ashada maraykanka, sdia ay sheegtay FBI.

Haddii dembigaas lagu helo, waxaa dhici karta in  Kadrah lagu xakuma shan sano oo xabsi ah, ayey tiri hay'adda wararka ee AP oo warkaas laga soo xigtey.

ISHA: AP | Tarjumadii SomaliTalk | Apr 12, 2005


Sanadguuradii 45 aad ee ka soo wareegatay aas aaskii ciidanka xooga dalka soomaaliyeed oo looga dabaal dagay  magaalada Kismayo. 

Cutubyo ka tirsan ciidankii xooga dalka soomaaliyeed oo ay bar bar socdeen baabuurta gaashaaman iyo kooxaha baando durbaanada ayaa maanta si weyn u soo bandhigay xuska sanadguuradii 45 ee ka soo wareegatay xiligii la aas aasay ciidamada xooga dalka jumhuuriyada soomaaliyeed.

ciidankan oo lug ku soo maray wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismayo ayaa waxaa wehlinayey dadweyne aad ufaro badan oo iyagu ka qeyb qaadanayey maalinta lagu maamuuseyey sanad guuradaasi.

wareeg dheer ka dib ayey ciidanka isugu yimaadeen bartamaha beerta Baranwaa ee magaalada Kismaayo iyagoo tumahayey muusigii astaanta u ahaa qaranka soomaaliyeed halkas ayaa waxaa ku sugnaa masuuliyiin faro badan oo katirsan isbahaysiga Dooxada Jubba, ururada bulshada rayidka aqoonyahano iyo dadweyne reer kismaayo ah.


Kooxda Tunta Durbaanada | Kismaayo

 dadkii saaka ka hadlay munaasabadaasi ayaa waxaa ka mid ahaa taliya ciidanka isbahaysiga Dooxada Jubba Maxamed Rooble jimcaale Goobaale oo isagu wax ka sheegay in ay taageersan yiin dowlada ku meel gaarka ah isagoo ku nuuxnuuxsaday in aanan laga hor imanin dowlada haatan u dhalatay soomaaliya. 


Barre Hiiraale iyo qaar kale oo ka tirsan isbahaysiga Dooxada Jubba

sidoo kale ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha isbahaysiga dooxad jubba Barre adan shire oo isagu baaq u jeediyey beelaha walaalaha ee ku dirirayo gobolada soomaaliya meelo ka mid ah oo uu ka tilmaamay Gedo ,Bay ,Mudug,iyo Galguduud isagoo guud ahaana u mahad cehshay ciidanka xooga dalka soomaaliyeed . 

hadaba munaasabadan mid la mid ah oo ay xaadir ka ahaayeen labada gole ee dowlada kumeelgaarka xubno katirsan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho halka sidoo kalena laga xusay magaalooyinka Baydhabo ,Marko ,iyo Beled weyn.

ugu dambayntiina waxaa caawa lagu soobandhigayaa riwaayad ka turjumaysa maalintaasi xuskeeda hotel international meridian ee magaalad kismaayo.

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com


Muqdisho oo Maanta laga xusay Maalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeeda ayaa Maanta u dabaaldagay Sannadguuraddii 45-aad ee ka soo wareegtay markii dhidibadda loo taagay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. 

Munaasibadan lagu Maamuusayay Maalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo si wayn loo soo agaasimay ayeey Cutubyo ka tirsan Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku soo bandhigeen Gaada ka cayaar. Waxaana ay socod ku soo mareen Barxadda lagu ciyaaro ee Garoonka Stadium Muqdisho.  

Munaasibad oo ka duwanayd Munaasibaddii hore ee 14-kii Sanno ee la soo dhaafay ka dhici jiray Somalia ayaa waxaa ka qayb qaadanay Naafaddii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay Dagaalkii 1977-dii dhex maray Somalia iyo Itoobiya. Waxaana Naafadan oo Safnaa goob gaar ah oo loogu tala galay ka muuqatay Diif daran iyo daryeel la’aan soo wajahday 14-kii Sanno ee Somalia ay Fawdada ka jirtay. 

Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka ah ee Somalia oo Munaasibadan ka qayib galay ayaa hadallo ay ka jeediyeen waxay kaga dalbadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed inay dib u soo celiyaan Kaalintoodii kaga aadanayd Illaalinta Sharafta Qaranimo ee Dalkooda. Waxaana Masuuliyiintan oo u badnaa Hogaamiyayaashii Kooxaha Hubaysan ee Soomaalida ay ka gaabiyeen Dalabkii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed eee ahaa inay Hubkooda ku wareejiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. 

Masuuliyiintii ka qayb gashay Munaasibadan ayaa waxaa ka mid ahaa Cumar Xaashi Aadan, Maxamed Qanyare Afrax, Cusmaan Caato, Muuse Suudi, Gen Maxamed Nuur Galaal iyo Xubno kale.  Waxaana intii ay Munaasibadaasi socotay ay Ka qayb galayaashu Qadar Daqiiqado ah u istaageen Astaanka Calanka Soomaaliya oo ay garaacayeen Kooxda Bambayda Soomaaliyeed. 

Munaasibado kale oo isla maalintan lagu waynaynayo ayaa iyaguna ka dhacay Magaalooyinka Kismaayo, Baladwayne, Baydhabo, iyo Magaalooyin kale oo Soomaaliya ka mida. Waxaana Magaaladda Kismaayo kala qayb galay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasibaddaasi Wasiirka Dib u Dhiska iyo Dib u Dajinta Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia, Barre Shire Aadan “Barre Hiiraale” oo tan iyo markii xilka Wasiirnimo loo magacaabay aan ka qayb galin Shirarka Golayaasha Dawladda oo haatan Xarun ku Meel Gaar ah ay u tahay Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya. 

Magaaladda Baydhabo ayaa iyadana waxaa Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo isugu soo baxay hadal u jeediyay Xildhibaano ay ka mid yihiin Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo C/laahi Black. Waxaana Munaasibadan Baydhabo looga dabaal dagay xilli ay ka jirto Magaaladaasi cabsi ku aadan in mar kale ay ku hardameen Garabyadda RRA-da ee Magaaladaasi isku haya. 

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la aas aasay 12-kii April Sannadii 1960-kii ayaa waxay la burbureen Hay’adahii Qaranka. Kadib markii Sannadkii 1991-dii ay Jabhado Hubaysan Afka Ciida u dareen Maamulkii uu Madaxda ka ahaa Gen Maxamed Siyaad Barre. Waxaana wixii waqtigaasi ka dambeeyay ay noqdeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwo Sacabooleey ah. Iyadoo Hubkiina uu gacanta u galay Maleeshiyooyin Beeleedyo. 

Shiiq Xasan Daahir Aways oo Shirqool Siyaasadeed ku tilmaamay Ciidanka lagu dhisay Magaaladda Addis Ababa ee Dalka Itoobiya. 

Xasan Daahir Aways oo ka mida Mashaa’iiqda Caanka ah ee Soomaaliyeed. Isla markaana Xilli Madax ka soo ahaa Ururka Al-Itixaad Al-Islaamiya ayaa hadal uu siiyay Saxaafadda Gudaha ee Somalia waxa uu sheegay in qaabka loo dhisay Ciidamadda Deg Dega ah ee Bariga Afrilka uu yahay mid la asluubeeyay oo la doonayo in Somalia loogu gacan galiya Dawladda Itoobiya oo iyadu horayba u haysatay qaybo ka mida Dhulka Somalia. Wuxuuna sheegay in Fikradan ay ku doonayso Itoobiya inay ku qabsato Somalia inay tahay mid soo jireen ah oo soo taxnayd tan iyo xilligii Xayle Salaasa. 

Shiiq Xasan Daahir Aways oo ay ka muuqatay Carro xoogan oo uu ka qabo Go’aankii ka soo baxay Shir Madaxeedkii Shalay lagu soo gaba gabeeyay Addis Ababa ayaa sheegay in Waajib Diiniya ay tahay inay la jihaadaan waxa uu ugu yeeray Gumaysiga Cusub ee la doonayo in Somalia la galiyo. Wuxuuna sheegay in Go’aankii Shalay uu yahay mid la doonayo in mar marsiiyo looga dhigto soo galitaanka Somalia ee Ciidamadda Safka hore oo Baarlamaanka Somalia uu horay u diiday. 

Ma ahan markii ugu horaysay ee Xasan Daahir Aways oo ku dhawaaqo inaysan oggolaanayn in Itoobiya ay Somalia soo gasho. Waxaana Fikirka lagu diidan yahay Ciidamadda Itoobiya la qabo inta badan Hogaamiyayaasha Hubaysan ee Muqdisho, Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Qaybo ka mida Shacaka Somalia. Laakiin Madaxda Sare ee Dawladda Federaalka ah ee Somalia ayaa wali ku adkaysanaya in la keeno Somalia ciidamo nabad illaalin ah oo ay ka mid yihiin Dalalka Safka hore. 

Hassan Dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | April 12, 2005

Muuse Yalaxow & Cismaan Caato oo Kasoo Degey Kismaayo, Una Sii Dhaafay Baydhabo
»Barre Hiiraale, Yalaxow & Caato oo yeeshay Kulan Gaar ah
»Kulan Albaabadu u xiran Yihiin oo Muqdisho lagu qabtay
»Maamulka Maxamad Dheere oo sii daayay Odoyaal
Wararka oo dhan ka akhri halkan..

Qoraal kasoo Baxay Xafiiska Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaliya
Waxa uu dadweynaha ku wargelinayaa in.. Guji Apr 11

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD