SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
 
Daabaco Boggan | Print

Somalitalk oo wareysi ku saabsan Doorashada Maraykanka La Yeelatay Maxamuud Nuur Wardheere oo ah murashaxii hore ee duqa magaalada Minneapolis USA hadana u Shaqeeye US Senate...

Somalitalk: Mudane Wardheere doorashada madaxweynaha ee Maraykanka xaggee maraysaa?

Wardheere: Ololahii ay murashaxiinta ku jireen waa gebo gebo dhowan waa la ogaan doonaa qofka noqon doona madaxweynaha dalka mareykanka afarta sano ee soo socota. Ilaa hadda mala garan karo kii soo bixi lahaa oo waa cilmulqayb ilaah uunbaa og. Sida adduunka loo maamulo baniadamka ma garan karaan.


Soomaalida ku nool Minnesota, USA waxaa lagu qiyaasaa 35,000 ilaa 45,000, waa cod wax weyn ka bedeli kara siyaasadda Gobolak Minnesota.... LAAKIIN WAA HADDII ADIGU, HADDA ADIGAAN KULA AHADLAYAAYE AAD CODKAAGA DHIIBATID ....
MINNESOTA:: GOOBAHA CODBIXINTA... GUJI...

Somalitalk: Madaxweynaha maraykanka yaa doorta? Ma shacabka mise congress-ka?

Wardheere: labaduba ma doortaan madaxweynaha waxaa soo doorto guddi la yiraahdo Electoral College. Haddii ay qoladan is mari waayaan markaas waxaa madaweynaha dooranaya US House madaxweyne ku xigeenkana US Senate. Dadku waxay doortaan electoral college kuwaas oo ayaguna doorta madaxweynaha.

Somalitalk: Mudane Wardheere Electoral College waa maxay? Yaase doorta? Maxaa se looga gol leeyahay?

Wardheere: Markii uu dalka maraykanka xoroobay oo dastuurkana la sameeyey ayaa la isku raacay in madaxweynaha aanay dadweynaha dooran ee la sameeyo guddi dhexe oo la yiraahdo Electoral College kuwaas oo kala jooga 50ka gobol ee maraykanka. Hadba sida loo kala dad badan yahay ayaa loo kala badsadaa tusaale: meesha gobolka Minnnesota leedahay 10 electoral college, California waxay leedahay 55. Xubnahan waxaa soo doorta hogaamka xisbiga ee gobolka waxayna u shaqeeyaan badanaa hadba kii codka dadka ku guulaysta ayey u codeeyaan (winner takes all).

Electoral College waxaa looga dan lahaa:

a) In gobolada dadka yar loo cadaalad sameeyo oo la siiyo awood

b) In la koontoroolo murashaxiinta meesha ay ka ololaynayaan waayo haddii kale waqti iyo lacag kuma luminyeen gobolada dadka yar mana ka ololeeyeen waxay ka ololayn lahaayeen oo keliya gobolada dadka badan kuwa yar yar ma u suurtowdeen inay xataa doortaan madaxweynaha.

c) In haddii qof ama xisbi aanan la rabin doorashada afduubo ama si kastaba ha ahaatee dadweynaha doortaan inay Electoral Collegeka ka hortagaan qayaanadaas ama afduubkaas.

Somalitalk: Dadka Electoral College ah ma la yaqaanaa?

Wardheere: Haa haddii la raadiyo magacooda waa la heli karaa. Tusaale Minnesota magacyadooda waxay kala yihiin sidan:

Demoqraadiga Minnesota (DFL) Carol Barteles, Prudy Cameron, Joan Campell, Elmer Deutchman, Elizabeth Kalisch, Mathew Little, Glenda Meixell, John Meuers, Janis Ray, Georgiana Ruzich.

Minnesota Republican (GOP) Rudy Boschwitz, Neal Breitbarth, Ron Britton, Rich Chandler, Todd Ciresi, David Durenberger, John MaCallum, Lynn Swon, Armin Tesch, Mitch Thompson.

Xisbiyada yar yarna waa u diyaar hadba xisbigii ku guulaysto 10 kiisa ayaa Minnesota u dooranaya madaxweynaha. Tirada Electoral College-ka USA waa 538 xubnood. Murashaxii hela 270 electoral college ama in ka badan ayaa noqonaya madaxweyne.

Xubnahan qofkii ay doonaan ayay u codeyn karaan waana taas tan keentay in gobolka Coloraado soo jeediyey in gobolkooda sharciga Electoral Collegeka wax laga bedelo. Dadka maraykanka kuma baraarugsanayn Electoral College wixii ka horeeyey doorashadii madaxweynaha ee 2000.

Somalitalk: Doorashada Madaxweynaha maahee maxaa kale oo lagu tartamayaa?

Wardheere: 34 kursi oo ah US Senate ah, 405 US House, 11 governor of states, in badan oo ah dawladaha hoose iyo maxkamadahaba waa lagu tartamayaa. Senate-ka oo ah meel aad u awood badan waxaa waqtigoodii dhamaaday oo ololo doorasho ku jira ruugcadaa laga wada yaqaan America sida Senator MaCain, Feingold, Daschle iyo kuwa kale. Waxaa kale oo aad loo xiisanynayaa gobolka IL oo labada murashax ee kursiga senate-ka ee gobolka ay ku tartamayaan labo nin oo madow- taasi macnaheedu waa in dhowaan nin madow senator noqon doono waayo dhowaanahan senator madow lama hayn. Murashax Barack Obama ama Alan Key midkood haddii uu ilaahay idmo.

Somalitalk: Maxay tahay arrinta ugu muhiimsan (issue) maskaxda dadka mareykanka doorashadan?

Wardheere: Hal arrin la iskuma raacin oo qaar waxay aamisan yihiin shaqooyinka, qaarna waxbarashada, qaar daryeelka caafimaadka, qaar amniga, qaarna dagaalka Ciraaq. Aniga waxay ila tahay in dadka badanaa markay codeynayaan ay maskaxda ku hayn doonaan amniga iyo dagaalka ciraaq ama sax ha u arkaan ama qalad.

Somalitalk: Taariikhda dalka mareykanka meeqa doorasho madaxweyne ayaa soo martay?

Wardheere: Ka qiyaas qaado Madaxweyne George W. Bush waa madaxweynihii 43aad ee soo mara dalka maraykanka mudadada madaxweynenimadu waa afar sano halmar oo keliya ayaa madaxweynahu dib isu soo sharaxi karaa.

Somalitalk: Mudane Wardheere waxaan maqalnaa in sanadkan doorashada madaxweynaha mareykanka in la afduubo laga baqayo oo dadka laga badan yahay loo caga juglayn doono qiyaano iyo wax isdaba marisna dhacayso oo goor hore bilaabmeen lawyeradii iyo dacwadihii gaar ahaan gobolka Florida. Cadaalad ma u dhacaysaa doorashada sanadkan?

Wardheere: waxaa aad sheegtay oo dhan waan maqlay oo meelaha waa la wad wadaa laakiin xaqiiqo looma hayo ilaa hadda wax la xoogay ama la qiyaameeyey oo cad lama hayo waa ku tiri ku teen. Laakiin waxaan shaki ku jirin taariikhda dadka madow iyo waxay soo mareen oo ahayd gees u riix, takoor, iyo cadaalad darro taasna waa tan keentay in goob-joogayaal reer yurub ah sanadkan joogaan. Wax qiyaano ah oo aan maqlay ilaa hadda waxaa weeye Florida oo waraaqo lagu daadiyey kuwaas oo ay ku qoran tahay ha iloobin Arbacada weyn Soo bax arbacada oo wax dooro. Sida la ogyahay doorashada waxay dhacaysaa Talaadada marka qolada dadka leh soo baxa arbacada waxay rabaan in dadku seexdo maalinta talaadada oo soo baraarugaan arbacada si ay u dhaafto maalinta doorashada. Aniga waxay ila tahay waxaasi waa kaftan waayo qof la siri karaa meesha ma joogo arrintanna waxaa ka danbeeya siyaasad iyo xeelad dadka lagu jeclaysiinayo codkooda laguna dhiirigelinayo inay wax doortaan. Qalad iyo qayaanoba waa ka dhici kartaa meelo ka mid ah USA laakiin sida wax loo buun buuninayo wax uma jiraan laakiin ilaahay uunbaa cadaalad ah 100%.

Somalitalk: Wardheere waxaan ognahay senatoorka aad la shaqaysaa inuu republican yahay, su'aasha ugu danbaysaa ee aan ku weydiinayaa waa - adiga ma dimoqraadi baad tahay mise Republican ?

Wardheere: Jawaab kooban midna ma ahi shaqaalaha US Senate waqtiga shaqada ma loo ogola inay hal xisbi u ololeeyaan saacadaha shaqada dhismaha dawladdana uma isticmaali karaan olole doorasho, hadiyad ka badan $50 looma ogola inay qaataan aadna waa loo ilaaliyaa. Dadka ayaan u shaqeynaa. Laakiin habeenkii iyo sabtida iyo axadda qofka cidii uu rabo ayuu banaanka uga ololayn karaa anigase qofna uma ololaynayo mana ahi dimoqraadi ama republican.

Somalitalk: Mahadsanid mudane Wardheere

Intaas ayuu ku dhan yahay wareysigii aan la yeelanay Maxamuud Nuur Wardheere oo ahaa murashaxii hore ee duqa magaalada Minneapolis, Minnesota USA hadana ah US Senate staff. Waxaana lagala xiriir karaa mnwardere@yahoo.com 

Wareysigan waxaa qaaday Somalitalk.

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2004


OLOLAHA DOORASHADA USA OO CIRKA ISKU SHAREERAY
»Doorashada Maraykanka oo gashay toddobaadkii ugu dambeeyay...
»Muslimiinta Maraykanku musharaxee codkooda siin doonaan Guji...

SOMALI ACTION ALLIANCE IYO HAWLGALKA ISBADDELKA BULSHADA SOOMAALIYEED EE GOBOLKA MINNESOTA
Soomaalida ku nool Minnesota, USA waxaa lagu qiyaasaa 35,000 ilaa 45,000, kuwaas oo Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great

MINNESOTA:: GOOBAHA CODBIXINTA... GUJI...



HTML CD