SOMALI
ACTION ALLIANCE IYO HAWLGALKA ISBADDELKA BULSHADA SOOMAALIYEED EE
GOBOLKA MINNESOTA

Hashi Abdi (Shafi)
hashi@usa.com
Minneapolis, MN, USA
Somali Action Alliance iyo ku
baraarujinta la socoshada is baddallada siyaasadeed ee waddankan
Maraykanka, khaas ahaan gobalkan Minnesota oo ah meesha ugu badan
Soomaalida ku nool Maraykan
Dadka Soomaalida waxay gobolkan Minnesota soo degeen horaantii
1990kii, ayaga oo ku yimaadeen qaxootinimo laga keenay xerooyinkii
qaxootiga ee Bariga Afrika, iyo qaar ka mid ah oo ku yimid
magangalyo siyaasadeed. Tirada dadka Soomaalida ku nool gobolka
Minnesota waxaa lagu qiyaasaa 35,000 ilaa 45,000 qofood. Dadweynaha
Soomaalida ee degan gobolka Minnesota waxay ku amaanan yihiin in ay
yihiin dad shaqeysta, caruurtoodana ay ku dhiirigeliyaan in ay wax
bartaan. Waxaa kale oo ay ku amaanan yihiin in ay furteen ganacsiyo
fara badan oo ay ku jiraan Carwooyin, Bacaadlayaal, Makhaayado iyo
xafiisyada adeega bulshada.. Waxaa Gobolka Minnesota ka furan
xafiisyo badan oo u adeega dadweynaha Soomaalida ee Gobolka ku nool
Sanadku markuu ahaa 2002, ayaa dhallinyaro, aqoonyahano iyo
culumaa’uddiin Soomaaliyeed shir isugu tagay, waxayna ku faaqideen
in bulshada Soomaaliyeed ay u baahan tahay isbaddel ay kaga
qeyb-qaadanayaan in ay ka mid noqdaan nidaamka wadankan Maraykanka
loogu dhaqmo, mar haddii ay halkan ay deganaayeen muddo dheer (dhawr
iyo toban sanadood). Aqoonyahanaadasi, culumaa’ uddiinka iyo
dhalinyaradaba waxay go’aansadeen in ummadda Soomliyeed ee ku nool
Gobolka Minnesota lagu baraarujiyo lana baro habka ay ugu qeybgeli
lahaayeen hab nololeedka iyo qaabka u shaqeeyo nidaamka wadanka.
Aqoonyahanada iyo dhalinyarada waxay
fursad u heleen in ay isku xiraan madaxda siyaasdda Gobolka
Minnesota iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Magaalooyinka
Mataanaha (Minneapolis iyo St. Paul). Barnaamijkaasu wuxuu ku soo
beegmay xilli ay u tartamayeen
Senator Paul
Welleston iyo Senetor Coleman jagada madaxa siyaasadda ee
Gobolka Minnesota. Waxay
shir u qabteen
labada qof ee u tartamayay jagadaas, kulankaa soo ay ka soo qayb
galeen dadweyne aad u tiro badan waxayna kala hadleen dhibaatooyinka
dadka Soomaalida iyo sidii wax u qaban lahaayeen. Waxay weydiiyeen
su’aalo ka hadlaya arrimaha ay umaddu u arkayeen in isbaddel
siyaasadeed looga baahanyahay oo loogu danaynayo dadka Soomaalida ee
ku nool Gobolka Minnesota. lana waydiiyey in ay ku jawaabaan (Haa
ama Maya) arrimahaas oo kala ahaa kuwa la xiriira (Waxbarashada,
Guryaha, Socdaalka, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ).
Doorashadaasi ka dib, waxay
mas’uuliyiintaas is tuseen in loo baahan yahay in urur ka shaqeeya
isbaddeladaasi la sameeyo. Shirar iyo tababaro fara badan ka dib
waxaa la asaasay ururka la magac baxay
Somali Action Alliance.
Ururkan wuxuu ka shaqeynaya sidii umadda Soomaaliyeed ay uga mid
noqon lahaayeen, lana socon lahaayeen nidaamka siyaasadeed ee
wadankaan Maraykanka maaddaamaa ay in badan oo dadkeena ah ay
qaateen dhalashada waddankaan Maraykanka oo Soomaalida ay ka mid
noqon karaan madaxda gobolka sida qeybaha waxbarashada, adeegyada
dawladda hoose, iyo waliba xafiisyo kale oo muhiim ah waxaan
dadweynaha Soomaaliyeed ku dhiirro-galinaynaa in ay ka qayb qaataan
doorashooyinka sanadkaan iyo kuwa soo socdaba si codkeena loo maqlo
oo aan u dooranno musharraxa aan is niraahno wuu harmarinayaa
danaheenna anagoo kula gor- gortamayna in ay wax ka qabtaan
arrimaheenna waayo codku waa awood.
Somali Action Alliance oo ay qaybweyn ka qaadatay u la dagaallankii
xiritaanada dugsiyo badan oo caadiga ah ee dawladda oo ay ilmaheennu
qaar kood dhiganayeen balse kuwo ka mid ah aannu faa’iido weyn ku
qabnay sida dugsiga la yiraahdo
Sanford Middel School kaddib markii
la isku dayay in la xiro dugsigaas. Ururku wuxuu qeyb weyn ka
cayaaray una dooday in aan la xirin dugsigaas hoose/dhexe Sanford ee
ku yaala Koonfurta Minneapolis, iyo welina wuxuu dadaal iyo shirar
kula jira gudduga waxbarashada ee dugsiyada Koonfurta Minneapolis
sidii loo ballarin lahaa iyo sidii loo adkayn lahaa barnaamijka ELL iyo
barnaamijka Bilingual ee ka jira dugsiyada Minneapolis ee macalimiin Soomaaliyeed
wax ka dhigaan dugsiyadaasi, aad bayna u caawiyaan ardayda
Soomaalida ay luqada Ingriisiga u tahay luqada labaad. Ururku waxa
kale oo uu qabtay dhawr shir
iyo tababaro (listening session) oo ay ka soo qeybgaleen dad badan.
Somali Action Alliance waa urur u furan qof kasta oo Soomaali ah in
uu ka mid noqdo xubin, maxaa yeelay waxaan aaminsanahay in codka
dadweynaha uu wax kasta uu qabanayo.
Somali Action Alliance waxay qabatay
shirweynihii ugu horeeyey ee
lagu dhisaayey magaca ururka bishii Abriil, 2deeda,2004, waxaana ka
soo qeybgalay dad lagu qiyaasay ilaa shan boqol (500) qofood oo
Soomaali ah iyo qaar ka mid ah madaxda siyaasadda ee Gobolka
Minnesota.
Bishii Luuliyo, 2004, Somali Action Alliance waxay
bilowday diiwaangelinta doorashooyinka sanadkan, waxayna tababaro u
qabatay dadweynaha Soomaaliyeed,qaar ka mid ah waxayna baraysay kuna
dhiirigelinaysaa in ay ka qeybgalaan doorashada iyo in uu codkooda
wax weyn uu yahay. Somali Action alliance waxay kaloo dadweynaha
baraysaa in doorashada-tan ay Gobolka aad muhiim u tahay gaar ahaan
doorashada Guddiga Waxbarashada (Board of Education) iyo tan
dawladda hoose iyo waliba isteedka Minnesota guud ahaan . Bishii
Sebtembar, 26keedii, 2004, Somali action Alliance waxay qabatay
shirweynihii ugu horeeyey ee ay soo qaban-qaabiyeen haweenka ka
tirsan ururka, waxaa isugu yimid shirkaasi ilaa 150 haween oo ka kala
yimid gobolka Minnesota oo ay ku jiraan Magaalooyinka Mataanaha,
St.Cloud, Rochester, Moorhead iyo magaalooyin kale oo gobolka ka
tirsan. Waxaana halkaasi lagu taageeray in doorashada si buuxda
loogu qeybgalo. Waxaa kaloo bisha
Oktoobar, 23keeda la qabtay
shirweyne ku saabsan madaxda ku tartamaysa doorashooyinka Guddiga
Waxbarashada (Board of Education) ee magaalada Minneapolis.
Somali
Action Alliance waxay aad ugu dhiirigelinaysa dadka Soomaaliyeed in
ay xooga saaraan doorashooyinka gaar ahaan doorashada madaxda
gobolka, ayna ka fiirsadaan madaxda gobolka ay dooranayaan siiba
kuwa dadka Soomaalida dhibaatooyinkooda wax ka xalin doonaan sida
waxbarashada, guryaha, arrimaha socdaalka (immigration),
shaqaaleynta iyo waxa kale ee bulshada Soomaalida u baahan tahay in
laga xaliyo.
Somali Action Alliance waxay si joogta ah u hirgelisaa barnaamijyo
la xiriira sidii loo tababari lahaa dhalinyarada si ay u noqon
lahaayeen malaxada ururka (Leadership) una caawin lahaayeen dadkooda
iyo bulshadoodaba.
Somali Action Alliance waxay iska kaashadaan ayna isla shaqeeyaan
dhamaan hay’adaha u adeega bulshada Soomaaliyeed ee Gobolka ka
tirsan, gaar ahaan hay’adda OAP oo ay dhanka tababarada ka caawiso
dadka Soomaalida, hay’adda ADC oo ay ka caawiso dadka Soomaalida
dhanka isku filaanshaha gaar ahaan maalingelin ganacsi iyo hay’adaha
adeega bulshada ee Somali Communities ee Gobolka Minnesota ka jira
iyo hay’adaha Voice, Women League oo ay leeyihiin xiriir iskaashi.
Qoraalkan kala xiriir:
Hashi Abdi (Shafi)
hashi@usa.com
Minneapolis, MN, USA