SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

 


MUSHARAXA MADAXWEYNAHA EE XISBIGA DIMUQRAADIGA  USA 2004

WAA QORMOOYIN TAXANO NOQON DOONA OO AAN KAGA HADLI DOONO TAARIIKH NOLOLEEDKII, HANAANKII SIYAASADDA, IYO DIFAACA EE MUSHARAXA MADAXTINIMADA SANNADKA 2004 EE XISBIGA DIMUQRAADIGA EE DALKA MARAYKANKA JOHN FORBES KERRY.

QORMADANI OO AAN HORDHAC UGA DHIGAAYO NOLOSHA GUUD EE KERRY, WAXBARASHADIISA, QOYSKIISA, IYO TAARIIKHDIISA ADEEGA CIIDAMADA, WAXAAN TODOBAADA SOO SOCDA KAGA HADLI DOONA TAARIIKHDIISA SIYAASADDA, IYO HABABKII KALA DUWANA EE AY JOHN KERRY SIYAASADDU LA SOO MARTAY HA MOOGAAN.

Qalinkii MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.


Mobile: 00-92-300-2600907
E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com
E-mail2:
mabdihassan@yahoo.com
 
pop E-mail: diridhaba@myfastmail.com

WAA KUMA MUSHARAXA MADAXWEYNAHA XISBIGA DIMUQRAADIGA DALKA MARAYKANKA SANNADKA 2004
 
Waxaa laga jooga muddo laba todobaad ah Markii Xildhibanada guud ee Xisbiga Dimuqraadiga dalka maraykanku (The Democratic National Convention) ay ku caleemo saareen, John Forbes Kerry inuu noqdo Musharaxooga rasmiga ah ee uga qayb geli doona dooroshooyinka guud ee gobolada Midoobay ee ameerica sannadka 2004 November 2-deeda, Hadaba maadama oo dalka maraykanku guud ahaan uu saamayn weyn ku leeyahay dunida oo dhan, gaar ahaanna kumanaan kun qof oo soomali ahi ay sannadkani Nasiib u helayaan inay markii ugu horaysay codkooda ka dhiibtaan gobolada dalka maraykanka ayaan jecelahay inaan bildhaan waafiya ku sameeyo Cidduu yahay Shakhsiyan John Kerry? qorshayaasha uu kaga duwanyahay Madaxweynaha tallada dalka maraykanka hadda haya Geroge Walker Bush iyo Khibradahiisa siyaasadeed, waxaan kale oo aan guud mar ku samayn doona qoyska Kerry iyo asalkiisa.

SHAKHSIYADDA JOHN KERRY

John Kerry
J.F.Kerry

John Kerry Wuxuu ku dhashay Magaalada Aurora ee gobolka Colorado, Sannadkii 1943-kii Hospital ay lahaayeen Ciidamada waddanka Maraykanku oo ku yaal duleedka Magaalada Danver, Aabahii Richard Kerry wuxuu ahaa duuliye sare oo ka tirsan ciidamada Cirka ee waddanka Maraykanka, wakhtigaasi uu john Kerry dhashay, waxaa Aabahii laga daweynaayey xanuun kaga dhacay feedhaha, Inyar ka dib waxaa qoyskoogu usoo guuray Gobolka Massachusettes.

John Kerry Awoowgii Wuxuu ka soo jeeda ama ku dhashay Magaalo ku taalla Waddankii loogu yeedhi Jiray Austria-Hungary, oo la yidhaahdo Morovian Silsilian, oo hadda ah waddanka Jamhuuriyadda Czech-ga Wuxuuna awoowgi Ku koray meel u dhaw xarunta waddanka Austria ee Viena, ka dibna wuxuu usoo haajiray Jasiiradaha Illios ee dalka  Maraykanka isaga iyo Xaaskiisa Ida Nee lewe, iyo wiil uu dhalay Erich, 18 May 1905.

waxaa halkaasi ugu dhashay laba wiil oo kale oo uu ka mid ahaa Aabaha John kerry, labadaas wiil  oo la kala odhan jiray Mildred oo dhashay 1910-kii iyo John Kerry Aabahii oo la odhan jiray Richard oo dhashay 1916-kii, Qoyska reer Kerry waxay ku hadli jireen afka Jarmalka, waxaanay aaminsanaayeen diinta Yuhuudda (Jewish Religion), balse John Kerry Ayeydii, oo ah Aabahii hooyadeed, waxay ka soo jeeda waddanka Ireland, waxaana la sheega inay ahayd dadkii ka danbeeyey samaynta ama Aasaska Gobolka New England ee dalka maraykanka, waxaana la sheega in iyadu ay ahayd qofka u bedeshay diinteeda (christian  catholic) Mad-habta kaatoliga ee diinta kiristaanka, waxay ka iibsatay guri halka imika loo yaqaano gobolka New England, iyada oo u ololayn jirtay in dadka asalkoogu ka soo jeedo gobolada dalka U.K ay ka helaan dalka maraykanka gobol u gaar ah oo ay dagaan.

Richard Kerry oo ah Aabaha John Kerry wuxuu dhamaystay Jaamacadda Yale University, isaga oo bartay cilmiga sharciga caalamiga ah, dabadeedna wuxuu shahaadada sare (Master Degree) ka qaatay kuuliyadda Harvard Law School, Awoowga Labaad "John kerry awoogii Kerry Forbes Kerry Wuxuu ahaa Ganacsada weyn oo ka ganacsan jiray waddanka China, halkaasi oo uu ku dhallay caruur kale oo ay u dhashay haweenay asalkeedu chinese ah, waxaana jira caruur ay habrawadaag yahiin John Kerry oo hadda degen Waddanka China.

WAXBARASHADII JOHN KERRY

John Richard Forbes Kerry, Waxaa Aabahii loo diray inuu kal kaaliye xagga gaashandhiga ah ka noqdo Safaaradda uu maraykanku ku leeyahay waddanka Norway, caasimadda Oslo, halkaasi oo si ku meel gaadh ah ay u dageen qoyska reer Kerry, Ka dibna waxaa loo soo diray John kerry inuu wax ka barto gobolkii uu degena ee Masshachusettes, isaga halkaasi kaga biiray dugsi hoy leh (Boarding School) magaalada Newton ee gobolka Massachusettes, Fessenden boarding School, dabdeedna afar sanno ka dib waxaa loo gudbiyey dugsiga sare ee St Paul, halkaasi oo uu ka qallin jabiyey sannadkii 1962-kii, John kerry Aabahii kama uu bixin karaynin lacagta iskuulka uu ku dhigan jiray , balse Haweenay ka  macalimad ahayd dugsiga St. Paul ayaa ka bixin jirtay lacagta gunada ah ee looga qaadi jiray dhigashada dugsigiisa, maadama oo uu john kerry ahaa Ardayga keliya ee aaminsana Diinta Catholic-ga, iyada oo ardaydii la dhigan jirtay ay dhamaan ahaayeen qaar aaminsan Mad habta dadka maraykanku u badanyahiin ee Orthodox,

Sannadkii 1962-kii ayuu John Kerry wuxuu ku biiray Jaamacaddii Aabahii ka qallin jabiyey Yale University isaga oo ka bartay cilmiga siyaasadda (Political Science) B.A , intii uu ku hawlana cilmiga siyaasadda Wuxuu John Kerry nasiib u hellay inuu la kulmo Madaxweynahii hore ee waddanka Maraykanka oo dhinacyo badan la sheego inay John kerry iskaga mid yahiin, iskaga mid ahaanshahaasi oo uu ugu horeeyo xagga magaca JOHN F. KENEDY iyo JOHN F. KERRY, Kerry wuxuu u sheegay Kenedy inuu doonay inuu noqdo nin siyaasadda aad ugu cad cad, Kenedy intuu qoslay ayuu ku yidhi ha ka war warin aniga laftigaygu waxaan ahay reer Yale.

Kerry
Dhinaca bidix John Kerry dhinaca midig Madaxweyne John F. Keneddy oo jooga Jasiiradda Rhode Island.

1966-kii ayuu John Kerry dhamaystay Jaamacadda Yale, intii uu Kerry joogay Yale university wuxuu noqday Madaxweynaha ururka siyaasadda ee jaamacadda Yale, marna wuxuu noqday Madaxweynaha ururka jaamacadda yale ee xuquuqda aadamaha, wuxuu markii danbana ku biiray akadamiyadda J.F.K ee jaamacadda yale isaga oo ka noqday Madaxa sare ee akadamiyadaasi,.

ADEEGYADII CIIDAMADA EE JOHN KERRY

Ka dib muddo dheer oo John Kerry ka sugaayey Jawaab, warqad codsi ah oo uu dirtay Jaamacadda Defarment, Magaalada Paris ee dalka faransiiska

si uu uga barto cilmiga siyaasadda iyo dhaqaalaha, ayaa jaamacadda Defarmant ay diiday codsigiisaasi, wuxuu John Kerry iska diiwaan geliyey ciidamada Badda ee dalka maraykanka 18 Febraury sannadkii 1966-kii, wuxuuna toos shaqada adeega ciidamada bedda ee dalka maraykanka u bilaabay 22-kii August ee sannadkii 1966-kii, ka dib markii uu dhamaystay tababar xagga sarkaalnimada ah (officer candidate Training) oo u socday muddo lix todobaad ah, waxaana shaqo ciidameed loogu diray waddamo badan ay ka mid ahaayeen Swizerland, Philipine, Gacanka Tunkin, iyo meelo badan.

Kerry
Kerry
John Kerry oo la gudoonsiinayo Jagada sarkaalnimada ciidamada Maraykanka.
Kerry
John Kerry oo qudbad u jeedinaya Gudida xidhidhka arrimaha dibadda ee golaha Senateka maraykanka Sannadkii 1971, 22 april

toban cisho ka dib soo noqoshadiisii safarkii dheera ee hawlaha ciidamadiisa John kerry waxaa loo dalacay Jagada Sarkaal Ciidameed (Lieutenant junior military rank), ka dibna waxaa uu John kerry ku biiray Mac-hadka tababarka doonyaha dagaalka iyo dhuumaha xanbaara, halkaasi oo uu soo dhamaystay, waxaana loo diray dalka Vietnam oo wakhtigaasi ka socday dagaal uu maraykanku kula jiray dalka Vietnam, wuxuuna John Kerry ku dhaawacmay Seddex Jeer dagaalkaasi, isaga oo ka ahaa wade doonyaha dagaalka ee jooga goob uu maraykanku ugu magac darray "free fire zones" waxaana John kerry uu ku soo laabtay dalka maraykanka bishii febraury 19-keedii 1968-kii, wuxuuna John Kerry ku biiray "American Vietnam Veterans" urur la odhan jiray oo ay isku bahaysteen ciidamadii maraykanka ahaa ee sida tabaruca ahaa uga dagaalamay waddanka Vietnam, oo markii danbe ka soo horjeestay, waxaanay dhaleecayn badan usoo jeediyeen maamulkii Madaxweyne Nixon oo waagaasi dagaal kula jiray waddanka Vietnam, John Kerry wuxuu ka noqday ururkaasi Afhayeenka Guud ee ururka, isaga oo hadalo badan shacabka maraykanka uga jeediyey goobo badan waxaa ka mid ahaa hadaladiisa "ciidamada maraykanku waxay ku fikirayaan maxaad noqon doontaan ninka ugu danbeeya ee xaq darro ugu dhinta vietnam" isaga oo wakhtigaasi dadka maraykanka u sheegaayey inay ridaan xukunkii Nixon, John Kerry waxaa lagu gudoonsiiyey dagaalkaasi Vietnam Bilad Maar ah (Silver Star).

22 April sannadkii 1971, John Kerry wuxuu ahaa dagaalyahinkii ugu horeeyey ee ka soo dagaalamay vietnam ee caddayn u gudbiya guriga Senate ka ee waddanka maraykanka, isaga oo xoog dheer ka siiyey gudigii guriga senateka maraykanka u qaabilsana xidhiidhka arrimaha dibadda, sida ciidamada maraykanku go'doonka ugu yahiin dagaalkaasi Vietnam.

Kerry
John Kerry oo katiinad Gacmaha lagaga xidhay xagga
sare ee sawirka.

John Kerry waxaa loo taxaabay xabsiga isla sannadkii 1971-kii ka dib markii uu abaabulay mudaharaad balaadhan oo lagu hor sameeyey guriga cad ee dalka maraykanka ka dib markii uu halkaa ka dhashay rabshad ay iskaga hor yimaadeen ciidamada amaanka ee magaalada Washington iyo Mudaradayaashii uu hogaaminaayey John Kerry iyo Saaxiibadii kale ee ka mid ahaa ururkii dagaalyahanada Vietnam (veterans of vietnam), ka dibna waxaa ay iska bixiyeen $5 qofkiiba, iyada oo laga soo daayey xabsiga dhexe ee Lexington.

Qaybta 2aad... GUJI

Qallinkii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Karachi, Pakistan

diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | August 10, 2004

Xiddiga la Saadaalinayo in uu Noqon Doono Madaxweyne Maraykan ah oo Madow.... Akhri faaladii Aden-Gaas

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD