GEORGE WALKER BUSH IYO BADHASABNIMADII GOBOLKA TEXES 1994-kiiSannadkii 1990-kii afar sanno uun ka hor intaanu noqon badhasaabka Gobolkii uu ku koray ee Texes, George W. Bush wuxuu ahaa maareeyaha naadigii kubadda Baseball-ka ee Texes Rangers Basball team, isaga oo naadigaasi maal gashi ku samaystay, balse afar sanno ka dib ayuu George W. Bush iyo maalqabeenadii kale ee naadiga lahaa waxay go'aan ku gaadheen in ay Naadiga iibiyaan, waxaana uu George W. Bush ka hellay iibkaa naadigaasi dakhli lacageed oo gaadhaayey $14.9 Milyan oo dollar.
George Walker Bush wuxuu usoo dhaqaaqay dhinacii siyaasadda sannadkii 1994-kii isaga oo wakhtigaasi Aabahii George Herbert Bush ka degay madaxweynahii 41-aad ee gobolada Midoobay ee dalka maraykanka, wakhtigaasi oo George W. Bush ogaa fursado badan oo uu ka heli karo inuu noqdo Badhasaabka gobolkii uu ku koray ee Texes, ayuu isku soo sharaxay jagada Badhasaabnimo isaga oo u tartamaayey xisbiga Jamhuuriga (The Republican Party) wuxuuna la tartamaayey Ann Richards oo ahaa nin dimuqraadi ah oo ahaa badhasaabkii wakhtigaasi ee gobolka Texes.
George W. Bush
George W. Bush wuxuu ku guulaystay inuu noqdo Badhasaabkii 46-aad ee gobolka Texes, intii uu badhasaabka Gobolka Texes ahaa George W. Bush wuxuu ahaa badhasaabkii keliya ahaa ee gobolka Texes xukuma ee saxeexa sharciyada dilka, sharciyadaasi oo gobolada qaarkoodna la isku xukumo gobolada qaarna aan laga soo dhawaynin, wuxuuna qallinka ku duugay George W. Bush 152 kiis (152 death penalty cases) oo dhamaantood lagu fuliyey dadkii lagu soo eedeeyey dilkaasi intii uu ahaa badhasaabka gobolka Taxes.
George W. Bush wuxuu noqday badhasaabkii keliya ahaa ee soo maray taariikhda gobolka Texes ee laba jeer oo is xiga loo doorto hawsha badhasaabnimo (Governor of Taxes), iyada oo ay ugu wacnayd isaga oo intii uu xukunka gobolka Taxes gacanta ku hayey fuliyey hawlo siyaasadeed oo soo jiitay deegaanada uu ka koobanyahay gobolka taxes ha noqoto kobcinta waxbarashada, ogolaanshaha xorriyadda diimaha (religious charity) iyo qodoba kale oo muhiim ahaa.
GEORGE WALKER BUSH IYO TARTANKII MADAXTINIMADA DALKA MARAYKANKA SANNADKII 2000-kii
Sannadkii 2000 ayaa xisbiga Jamhuuriga ee dalka maraykanku waxay u caleemo saareen George W. Bush inuu noqdo musharaxooga uga qayb gelaya dooroshooyinkii ka dhacay waagaasi dalka maraykanka, xisbiga jamhuuriga oo xeerinaayey guul darooyiinkii ka soo gaadhay afar sanno ka hor ka dib markii musharaxoogii madaxtinimo ee la tartamaayey Madaxweyne Bill Clinton waa Bob Don si weyn looga adkaaday, waxay muujiyeen inay isku keenan cudud soo jiidan karta shacabka maraykanka oo wakhtigaasi u oomana isbedel siyaasadeed maadama oo Dimuqraadiyiintu ay xilka hayeen 8 sanadood oo is xigta.
George W. Bush waxaa wakhtigaasi ay Jamhuuriyiintu u arkayeen nin hanan kara kana adkaan kara musharaxii ay dimuqraadiyiintu keenen oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii Maamulkii Madaxweyne William Jefferson Bin Clinton, Al-Gore, 'marka hadaba la is bar bar dhigaayo khibradda George W. Bush uu kula tartamaayey Al-Gore oo wakhtigaasi lahaa mansab sumacadeed oo aad u sareeya ayaa ay jamhuuriyiintu aad uga darseen waxaanay ku xayndaabeen ololahii George W. Bush ee sannadkii 2000 khubaro siyaasadda aad ugu xeel dheer, taasi waxay ka dhigtay in doorashadu aad iskugu dhawaato gil gilasho baddanna geliso Musharax Algore-kii xisbiga dimuqraadiga.
Madaxweyne Bush iyo Algore oo doodaya 2000
George W. Bush wuxuu wakhtigaasi ka faa'iidaystay ceebahii ku wareegsana Madaxweynahii hore ee maraykanka Bill Clinton oo lagu soo eedeeyey gogol dhaafkii Monica Lawinisky, iyo weliba oomaanan badan oo shacabka maraykanku u qabeen inay helaan hogaan cusub oo ka yimaadda xisbiga dhinaca midig, George W. Bush qodobadii ku jiray hindisayaashiisi ololahii sannadkii 2000 uu ku gallay tartanka madaxtinimada waxaa ka mid ahaa :
Dhaqaalaha
waxaa la gallay olole aad u balaadhan, George W. Bush waxyaabaha uu xoog saaray waxaa ka mid ahaa qodobka dhaqaalaha iyo cashuurta laga qaado dadka maraykanka (Taxe) isaga oo ugu ballan qaaday dadka dabaqadda dhexe ee dalka maraykanka inuu ka dhimo doono cashuuraha laga qaado, iyada oo uu ku laban laabi doono kuwa dabaqadda sare ee u badan miliyan dheerada iyo bilyan dheerada, mid ka mid ah ajandayaashii uu George W. Bush la tegay :
Urur dakhliyeedka
(Kumaananka dollar) |
cel celinta
keydka
(dollars) |
0-10 |
5 |
10-20 |
63 |
20-30 |
204 |
30-40 |
351 |
40-50 |
500 |
50-75 |
820 |
75-100 |
1,776 |
100-200 |
2,710 |
200-500 |
5,527 |
500-1,000 |
17,605 |
1,000+ |
88,873 |
Sida kor ka muuqata wuxuu George Walker Bush la tagay qorshayaal ay shacabka maraykanku aad ugu baahnayeen xagga dhimitaanka cashuuraha faraha badanleh ee laga qaado dadka maraykanka, 10-kii qof ee ka yimaad dabaqadda dhexe (the middle class families) waxaa hoos looga dhigaya lacag u dhiganta 5 Dollar maalintii sida ku cad shaxda kor ku qoran oo ahayd ajadayaashii ololahiisi sannadkii 2000.
Waxbarashada
Xagga waxbarashada ayaa uu George wakhtigaasi hindisay qorshe si weyn usoo jiitay dhamaan shacabka maraykanka oo uu ugu magac darray (No child left Behind) qorshahaasi oo ahaa in dawladda dhexe taageero weyn oo dhaqaale ka gaysan doonto iskuulada gaarka ah iyo kuwa dawladda labadaba, iyada oo ardayda dugsiyada sare ka baxana loo diyaariyey adeegyo muhiim ah oo tusaale ahaan ciidamada maraykanku damaanad ugu qaadanayeen inay tababar siinayaan.
Doodahii uu keenay George Walker Bush waxay u riixeen inuu helo rajo fiican uu ku hanan karo mansabka ugu muhiimsan dalka maraykanka iyo dhamaan caalamka oo idil oo ah Madaxweynaha 43-aad ee dalka maraykanka ahna Taliyaha guud ee ciidamada maraykanka
GUUSHII MADAXWEYNE GEORGE WALKER BUSH EE MADAXTINIMADA DALKA MARAYKANKA
George W. Bush wuxuu u dhaartay xilka Madaxtinimada dalka maraykanka (THE U.S.A PRESIDENCY) 20 January sannadkii 2001, isaga oo noqday madaxweynahii 43-aad ee taariikhda maraykanka soo mara, markaasi oo uu codod aad iyo aad u yar kaga adkaaday musharaxii xisbiga dimuqraadiga u sharaxna Al-gore, iyada oo dooroshadaasi lagu qiimeeyey inay ahayd doorashadii iskugu dhawayd (closest u.s.a elections ever in the history), Muddo dheer oo muran badan dhalisay ka dib markii cododkii gobolka Florida uu dib u dhac ku yimid markaasi oo mashiinadii cododka tirinaayey uu khal khal gallay, ayaa Musharaxii dimuqraadigu diiday inuu hambalyo u diro George W. Bush, waxaanay arrintaasi tegtay ilaa Maxkamadda sare ee dalka maraykanka (the u.s Supreme Court) iyada oo kiiska cododkaasi gallay khal khal weyn, waxyaabaha ay dimuqraadiyiintu codsanayeen waxaa ka mid ahaa in dib gacanta loogu tiriyo cododkaasi, halka Jamhuuriyiintu ay ka soo horjeedsadeen qorshahaasi kuna tilmaameyeen in cododka uu mishiinku tirin kari waayey laga dhigo qaar kharibmay.
Balse Maxkamadda sare ee dalka maraykanka ayaa u xukunta Jamhuuriyiinta kiiskoogii sidaasina waxaa loogu xalaaleeyey George W. Bush inuu hanto xilka Madaxtinimo ee dalka maraykanka afarta sanno ee u dhexeysay 2001 ilaa 2004 bisha november.
QARAXYADII 11 SEPTEMBER IYO MADAXWEYNE GEORGE W. BUSH
Wakhti Aroor ay tahay, cad ceed badani aanay jirin, dhaxan iyo qabow badanna ku ceegaagnaayeen gobolada Koonfureed ee dalka maraykanka, ayaa Madaxweyne George W. Bush wuxuu ka soo duulay Magaalada Washington, isaga oo ugu kicitimay safar hawleed gobolka Florida oo walaalkii Jeb Bush ka yahay badhasaab, Madaxweyne Bush hawlaha uu u tegay Florida waxaa ugu waaweyna hawlo waxbarashada oo uu doonaayey inuu ku balaadhiyo gobolada Maraykanka.
Taliyaha ciidamada guriga Cad, Andrew Card oo dhegta ugu sheegay Madaxweyne Bush Weerarka lala beegsaday Newyork iyo Washington
Saacadda Gobolka Florida markay tilmaamaysay 8:44 aroornimo ayuu Madaxweyne Bush ka soo degay gegida diyaaradaha ee magaalada Sarasota ee gobolka Florida, sida caadada ahba waxaa halkaasi ku sugaayey ilaa dhawr iyo toban gaadhi oo iskugu jira kuwa ilaalada u ah Madaxweynaha iyo gawaadhi ay la socdeen saraakiisha gobolka Florida, waxaa Madaxweynaha loo soo galbiyey Hall weyn oo ku yaal dugsiga hoose ee magaalada Sarasota, halkaasi oo uu Madaxweynahu kaga qayb qaadanaayey dhegaysi casharo la siinaayey arday wax ku baranaysay.
Diyaaraddii labaad oo duqaynaysa guriga ganacsiga Aduunka
9:05 miridh ayaa waxaa lagu baraarugay qarax weyn oo ka kacay dabaqa 22-aad ee dhismaha ururka ganacsiga adduunka ee ku yaall Magaalada New-York, dareen xoogleh ayaa markiiba sababtay in dadkii u dhawa dhismahu ay cagaha wax ka dayaan iyaga oo ka foganaya ololka baaxadda leh ee ka kacaaya, badiba dadku wakhtigaasi waxay is weydiinayeen waxa sababay qaraxaasi, Stephen James oo ka mid ahaa shaqaalahi dabaqa hoose ee dhismaha ururka ganacsiga adduunka (World Trade Center), ayaa wuxuu yidhi "Maskaxdayda markiiba waxaa ku soo dhacday in cillad xagga laydhka ah (electricity fault) ay sababtay qaraxa intaasi le'eg ee ka kacay, oxoga cabaar ah ayaa la isa soo tubay meel aad uga durugsan dhismaha, iyada oo dadku siyaabo kala duwan u xanshaashuqayaan la isna weydiinaayo sababta dhalisay qaraxani, balse dhinaca beri ayaa waxaa indhaha dadku ku dhacay diyaarad si xawli hoose ah usoo socota oo ku soo beegan dhismaha dabaqiisa 19-naad, waxaana ay si toos ah u gashay dhismaha, olol iyo qiiq badan ayaa ka kacay, orod iyo oohin badan ayaa dayaantay, dabaqyada afartanaad ilaa kontonad ayaa la arkaayey dad iska soo tuuraaya, ileen waxaan maqli jiray "nafi orod ayey kugu aamintaaye" labadii dhisme ee gurigii ganacsiga adduunka ayaa mar qudhaata sida buskadka oo kale isla ruqay, iyada oo halkaasi wixii dad iyo duunyo ku jiray ay ku shuf beeleen, iyada oo lagu qiyaasay dadka ku naf waayey 2.795 qof, muddo toban daqiiqadood ka dibna waxaa diyaarad kale oo ah American Airlines duqaysay qaybtii shaqada ee guriga gaashandhiga ee dalka maraykanka,(the operational Section of Pentagon ) iyada oo halkaasi ay ku naf waayeen in ka badan 800 oo iskugu jira saraakiil ciidameed iyo weliba hawl wadeeno ka shaqaynaayey Pentagon-ka.
10:30 Subaxnimo ayuu Madaxweyne Bush dhegta qabsaday Telephone-ka isaga oo toos ula xidhiidhay La taliyahiisa xagga amaanka Condoleza Rice, wuxuuna amar buuxda ku siiyey in baadhitaan horleh la bilaabo, 10:40 miridh ayuu Madaxweynahu wuxuu toos ula hadlay guriga cad isaga oo la hadlay Haweenaydiisa Laura wuxuuna u sheegay inuu ku soo guryo laaban doono Washington muddo saacado gudahood ah, Madaxweyne Bush wuxuu kale oo la hadlay Ku xigeenkiisa Dick Cheney isaga oo amar ku siiyey in ammaanka si weyn loo sugo.
11:40 daqiiqo ayuu Madaxweyne Bush wuxuu soo gaadhay Saldhiga ciidamada ee Barksdale oo ku yaalla magaalda Los Angeles, wuxuuna Madaxweyne Bush halkaasi telephone kula hadlay masuuliyiin badan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkiisa Gaashandhiga Donald Rumesfeld, iyo labada Senator ee laga soo doorto gobolka New-york oo kala ah Senator Hillary Clinton iyo Senator Charles Schumer, iyo duqa magaalada New-York Rudy Juliani,
12:12 miridh ayuu George W. Bush wuxuu shir albaabadu u xidhanyahiin kula yeeshay Saraakiisha sare ee ciidamada guriga cad, saldhiga ciidamada Coumoflaged ee magaalada Nave ee gobolka Alabama,
3:07 daqiiqadood ayuu Madaxweyne Bush wuxuu soo gaadhay Taliska Guud ee ciidamada maraykanka Offut Airbase, ee ku yaalla magaalada Nabraska, wuxuuna halkaasi shir albaabadu u xidhanyahiin kula yeeshay Madaxa sare ee ciidamada dalka maraykanka.
Dick Cheney oo la hadlaya Madaxweynaha
6:30 daqiiqo ayuu Madaxweyne George W. Bush soo caga dhigtay xarunta waddanka Maraykanka ee Washington D.C, wuxuuna Madaxweynahu bilaabay inuu u jeediyo qudbad shacabka Maraykanka dhamaantiis.
Madaxweyne Bush oo ku guda jira qudbadiisa
8:30 fiidnimo saacadda Washington D.C ayuu Madaxweynahu wuxuu u jeediyey qudbad shacabka maraykanka isaga oo uga jeediyey televisionka maraykanka ee "ABC" Waxaana ka mid ahaa kelmadahii George W. Bush "Waxaan doonaya inaan u sheego shacabkayga qaaliga ah ee maraykanka in ay diyaar yahiin dhammaan ilahii dhaqaale iyo diyaar garow ee lagu badbaadin lahaa dhibaatooyinkii inagu habsaday, waxaan xidhiidh la sameeyey dhamaan hawladeenada gobolada dalka maraykanka iyo washington, waxaanan idiin ballan qaadaya inaan dhulka soo dhigi doono fulayadii ka danbeeyey weerarkani fulaynimada ah "cowardly attack" isku daygani waxaa loogu tallo gallay in la inagu cabsi galiyo laakiin waa khaldameen kuwaasi"
12 June, iyada oo aan maalintii ka horaysay laga seexanin guriga cad iyo pentagon iyo dhamaan guryaha dalka maraykanka cabsi iyo dawakhaad awgeed ayaa waxaa Haayadda guud ee baadhitaanadu (Federal Investagation agency "FBI") Waxay soo saartay qoraal tuhun weyn ah oo lagu eedeeyey weeraradini inuu ka danbeeyey wadaadka hogaanka u ah ururka Alqaacida ee waddanka Afghanistan, OSAMA BINLADEN, qoraalkaasi waxay ku sheegtay FBI in ururka Alqaacida oo amar ka haysata hogaankeeda Binladen ay fuliyeen weeraradii loo gaystay dalka maraykanka 11 September, iyada oo loo adeegsaday afar diyaaradood oo ah "american airlines" sida warbixintaasi sheegtay waxaa afarta diyaaradoodba laga soo afduubay gegida diyaaradaha ee magaalada New-york "JFK AIRPORT", iyada oo ay afduubka sameeyeen rag carab ah, Seddex ka mid ah afarta duulimaad waa fuleen iyada oo laba diyaaradood ku dhaceen guriga ganacsiga adduunka, midina ay ku dhacday guriga gaashandhiga ee maraykanka, halka tii afraad ay ciidamada cirka ee maraykanku toogteen, iyada oo ku soo dhacday xeebta gobolka Pennyslavenia.
Labada gole qaran ee dalka maraykanka
oo shir jaraa'id ku qabanaya barxadda capital-hill
12 September gellinkeedii danbe shir balaadhan oo golaha Congress-ka iyo Senate-ku ku lahaayeen Capital Hill waxay qabteen shir jaraa'id oo ay u sameeyeen si wada jir ah, waxaanay xaqiijiyeen inay Madaxweynaha siin doonan awood kasta oo lagaga daba tegayo dadkii ka danbeeyey qaraxyada loo gaystay Newyork iyo Washington.
13 September 2001, waxay u ahayd dhamaan golayaasha qaranka, haayadaha sirdoonka ee dalka maraykanka, guriga cad, guriga gaashandhiga "pentagon" guriga arrimaha dibadda "State Department", wasaaradda cadaalada "justice Department" iyo dhammaan taliyayaasha iyo badhasaabyada gobolada dalka maraykanka shirar aan joogsi lahayn oo lagaga arrinsanaayo waxa dhacay, waxaa dhamaan albaabada loo laabay duulimaadyadii dibadda iyo gudaha ee madaarada waaweyn ee dalka maraykanka, waxaa meel kasta la dhigay ciidamada qalabka sida ee dalka maraykanka sida, Biriijyada, Isgoysyada, Madaarada, xarumaha dawladda, dhismayaasha diblomaasiyiinta, safaaradaha, iyo dhamaan goobaha muhiimka ah.
14 September ayaa waxaa qudbad u jeediyey shacabka maraykanka Madaxweyne George W. Bush isaga oo ku wergelinaya shacabka maraykanka go'aanka uu qaadan doono waxaana ka mid ahaa kelmadahiisi "Aniga oo ah George W. Bush Madaxweynaha dalka maraykanka ahna taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, waxaan amar buuxda ku siinaya dhamaan ciidamada qalabka sida inay u diyaar garoobaan difaaca dalkooga hooyo, waxaan amar ku bixinaya in la tirtiro ururada, ashkhaasta iyo dawladaha ku sifoobay argagixisada caalamiga ah, Waxaanu weerari doona dawladaha iyo ururada caawiya ama gacan siiya argagixisada caalamiga ah"
qudbadaasi dabadeed, waxaa si isdaba joog ah iskaga dab qaaday Washington iyo London diblomaasiyiin ingiriis iyo maraykan ah, iyaga oo uruurinaayey xogta ugu dhaw ee lagu soo qaban karo Osama Binladen ee gacanta loogu gelin lahaa dalka maraykanka.
WEERARKII MADAXWEYNE BUSH LA BEEGSADAY AFGHANISTAN
Seddex todobaad uun ka dib markii diblomaasiyiinta ingiriiska iyo pakistaniyiintu ku guul daraysteen in lagu qanciyo Maamulkii Taliban ee ka talinaayey waddanka Afghanistan in ay soo dhiibaan wadaadka Osama Binladen ayaa waxaa bilaabmay garaac aan joogsi lahayn oo ciidamada cirka ee dalka maraykanku ku samaynayeen magaalooyinka Kabul iyo Kandahar, Jalalabad iyo Kundus, sidoo kale gantaalaha Cruise Missiles-ka loo yaqaano ayaa laga soo ganaayey badda carbeed oo aan ka fogayn magaalada Karachi (Arabian Sea), Maraykanku waxay taakulo hoo iyo
hiilinba ah la dhinac istaageen mucaaridkii talibanka ee loo yaqaanay "northern alliances" ama xulafada waqooyiga afghanistan oo iskugu jiray Usbekistaniyiin, tajik, iyo shuuciyiin ka amar qaata waddanka Iran, kuwaasi9 oo weerar xagga dhulka ah oo ay hagayeen ciidamada
maraykanku ku soo qaaday koonfurta waddanka afghanistan, weerarkaasi maraykanku qaaday wuxuu ku dhamaaday muddo laba bilood gudahood ah, maamulkii Taliban waa ay ka xuub siibteen dalka afghanistan, waxaana uu maraykanku halkaasi ka yagleelay Maamul isaga u daacad ah, wuxuu madax uga dhigay Hamid Karzai oo weli ka taliya waddanka afghanistan.
DAGAALKII BUSH KU QAADAY WADDANKA CIRAAQ
Hal sanno iyo badh ka dib dagaalkaasi uu maraykanku ku guulaystay inuu Taliban kaga takhaluso ayuu Madaxweyne Bush wuxuu marlabaad go'aan ku gaadhay inuu weerar ku qaado waddanka Ciraaq, isaga oo mar marsiyo ka dhiganaayey in Saddam Xuseen uu samaystay hubka wax gumaada ee loo yaqaano "WMD" (weapons of mass destruction) muddo badan oo qaramada midoobay ku mashquulsanayd sidii loo baajin lahaa dagaalkaasi ayaan wax xal ah laga gaadhin, dalka britain oo maraykanka aad ugu taageersana marayakanka inuu qaado dagaalkaasi ayaa isaguna dhinaciisa aan joojin ku qancinta beesha caalamka in Saddam gacan la wada saaro, balse dawlada France iyo Germany ayaa iyagu ku tilmaamay weeraradasi qaar halis ku ah horumarka beesha caalamka eedeyn weyna dhabarka u saaray maamulka Bush, Madaxweyne Bush iyo Saaxiibkii Blair waxay go'aan ku gaadheen kama danbays ah inay xukunka ka xayuubiyaan Saddam xuseen, bishii march 13 sannadkii 2003 muddo hal sanno iyo badh laga joogo hadda ayaa ciidamada cirka ee maraykanka iyo Great Britain waxay weerar aan joogsi lahayn ku qaadeen Baqdad, Basra, iyo magaalooyinka waddanka ciraaq, dagaal soconaayey 3 todobaad ayey ciidamada maraykanku ku qabsadeen waddanka Ciraaq dhamaantiis, balse nasiib darradu waxay tahay inaan weli la odhan karin xukunka waddanka ciraaq waa u wada xasilanyahay maamulka Bush, iyada oo maalin kasta ka dib qabsashadii waddanka ciraaq ay sii badanayaan dhibaatooyinka waddanka ciraaq, afduubyo, qaraxyo iyo gumaad badan oo aan weli hore loogu arag waddanka ciraaq ayaa maalin kasta ka dhaca ciidamo gaadhaya 10,000 oo askari ayaa ciidamada maraykanka kaga naf waayey dagaaladaasi, muddo lix bilood ka dib ayaa ciidamada maraykanku waxay gacanta ku dhigeen dhammaan raggii maamulaayey dalka ciraaq oo uu ku jiro Saddam Xuseen.
Gunta iyo Gebo-gebada ayaa Madaxweyne Bush waxaa lagu xasuusan kara Madaxweyne dagaal, nin aan go'aankiisu soo noqod lahayn, karaahiyo badan ka kasbaday bulshada islaamka, naxariis badan aan u hayn diinta Islaamka laguna tilmaami karo cadawga Islaamka, Mustaqbalkiisa siyaasadeedna ku khamaaray laba jeer balse si weyn uga soo kabtay waxaa marlabaad loo doortay xilka madaxnimo ee dalka maraykanka 2 november sannadkani 2004 wuxuuna hayn doona hogaanka dalka maraykanka ilaa 2008, cabsi badan ayaa saaqday dunida islaamka markiiba iyadoo looga cabsi qabo inuu weeraro horleh ku qaado wadamada Iiran iyo Syria.