SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

 


Maxaa u sabab dharbaaxada ku dhacday Xisbiga Dimuqraadiga?
 Aden Mohamed <adengas@hotmail.com>
 
Marka hore doorashadaii dhacday Noveembar 2 deedii, waxay ku soo gabagabowday sidii la saadaaliyay oo ahayd dagaalka ugu xun waxuu ka dhacayaa Gobalka Ohio oo ninkii ku raaya ayaa aqalka cad fariisan doonaa.Waxaa la isla soo gaadhay 254 Electoral Vote uu helay Madexweyne Bush iyo Sen.Kerry oo helay 252 Electoral College, waxayna arrini isugu ururtay ninkii hela Ohio ayaa gaaraya 270 kii loo baahnaa, wax macno ahna ma sameynayn gobaladii yar yaraa ee markaas harsanaa sida New Mexico iyo Iowa.Labada oday waa Bush iyo Kerry e waa tii kabaha uga dhammaadeen labadii sano ee la soo dhaafay Gobalka Ohio, iyagoo reer Ohio ka codsanayay inay siiyaan Codkooda, sidii bayna noqotay oo Dagaalka Ohio ninkii ku raayay ayaa aqalka cadna ku raayay
 
Gobalka Ohio intii uu xukunka hayayay Bush waxaa la soo gudboonaatay dhaqaalo xumo iyo shaqo la,aan baahsan, waxaa ka xirmay warshado badan oo ay caan ku ahayeen, ilaa 240 kun oo shaqo ayaa luntay,busaarad tii u xumayd ayay u ahayd sanadahan reer Ohio, halkii markii Clinton haystay uu xaalka dhaqaaluhu sida dalka intiisa kale uu heer sare marayay oo lagu jiray badhaadhe.
 
Haddaba iyadoo arrintaas xasaasiga ah jirto maxaa dhegaha looga furaystay John Kerry oo loo door biday Madexweyne Bush?
 
Jawaabta laga bixiyay sababaha guud ahaan Xisbiga Dimuqradiga ugu dhacday dharbaaxadu,ayadoo xagga Madexwenimada ka sakow lagaga adkaaday tirada Congareyska- oo ugu yaraan laga xayuubsaday seneternimda 4 saaida (waxay heleen Jamhuurigu hadda 55,halkii ay hore u haysteen 51 seneter), aqalka wakiiladana ugu yaraan 5 dheeriya  ku sii darsadeen majoortigii hore oo meeshii ay ka haysteen 227 hadda waxay gaadheen 232, waxaa jabkaas u sabab ah baa la leeyahay labada waxyaalood ee Maraykanka ku wayn ee Faith and Value, oo ah arrimo ku taxaluqa Diinta iyo dhaqanka. Madexweyne Bush waxa kaliya oo taageerayaashiisu ku ammaanaan waxaa weeye inuu yahay nin cibaado badan oo mar walba ku xiran kaniisadda, isla markaana uu si xun uga soo horeejeesto arrimaha anshax xumida iyo iska soo tuurka Ilmaha.
 
Maalmihii u dambeeyay dadka u ololaynayay Bush waxay la soo baxeen ololo cusub oo lagu shaabadaynayay Kerry iyo Dimuqradiga waxaa hadaladooda ka mid ahaa ilaah waxuu abuuray Aden iyo Xaawo ee ma abuurin Aden iyo Yuusuf maxaa waxaad u codayn nin la jira inay is guursadaan labo nin amase labo naagood,taasoo loola jeedo Kerry inuu si toosa u diidin arrinta dadka laga roonayaasha (Quumaloodka), walow uu marar badan Kerry yiri Guur waxaan u aqoonsanahay Nin iyo Naag, haddana doodihiisu markay arrintaas timaado sida cad ee bush u diido Quuma loodka iyo ilma iska soo tuurka iyo ku xirnaanta Eebbe si fiican uma cadda oo Kerry waxaa ku dhegtay eedayntii Jamhuuriga ee ahayd inuu yahay nin Liberaal ah.Dadka Maraykanka gaar ahaan dadka ku nool dhulka magaalooyinka waawayn ka durugsan wax walba waxa uga wayn arintaas marka Bush hiil fiican ayuu ka helay doodaas lagu shaabadeeyay Kerry iyo Xisbiga Dimuqraadiga.oo xitaa hogaamiyihii xisbiga Senterada Dimuqraadiga ee Tom Daschle waxuu ku waayay kursigiisii laga soo dooran jiray South Dakota,isagoo muddo ka badan 26 sano ku jiray xayndaabka Congaraysaka,isna waxuu sabatay Liberaalnimda oo aan la maqashiin karin Gobalka baaxdda wayn balse dadka yar ee iska reer beeralayda ah .
 
Markay timaado xisbiyada Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ma kala dad badna, oo waa isku dhawyihiin,balse arrimahaas dartood (Faith and Value), dad Dimuqraadiya ayaa u codeeyay Jamhuuriga.Markay timaado arrimaha dhaqalaha, shaqada, howlgabka ,waxbarashada,Caafimaadka , xoriyadda qofka, dadku waxay u janjeereen dhanka Dimuqraadiga, laakiin markay timaado arrimaha la dagaalanka argagixisada, dhaqanka iyo diinta waxay dadku u janjeereen Jamhuuriga,arrinta Ciraaq waa la sinaa oo dadku waa ku kala qaybsanaa.
 
Dadka Siyaasaddau odorosa waxay leeyihiin xisbiga dimuqraadigu waxuu u baahan yahay inuu dib u habayn isku sameeyo oo ay wax ka bedelaan debecsanaanta ay u debecsan yihiin kuwa ilaah ifka ku ciqaabay ee laga roonayaasha(Qoomuluudka), iyo kuwa laynaya ilmaha uurka ku jira ee aan dhalan( Abortion),oo waxay leeyihiin waa in la helaa aydayiloojadii Madexweynihii hore ee dimuqraadiga ahaa ee Rosevelt,oo isku waday dhaqanka iyo Furfurnaanta bulshada.
 
Dadka laga tiro badan yahay oo Soomaalidu ka mid tahay waxay si xoog leh ugu codeeyeen Xisbiga Dimuqraadiga ee Kerry,waxayna u door bideen sababaha ay u joogaan dalkaan oo ay ugu horayso shaqada, waxbarashada, caafimaadka, guriyeenta iyo Ku xadgudub la,aanta xoriyadooda oo u janjeedha xagga xisbiga Dimuqraadiga.
 
                                         
 Cynthia Mckinney oo dib u hanatay kursigeedii ka dib markii ay ka maqnayd muddo labo sano ah.

Cynthia
Cynhia Mckinney oo sida lala socda marar badan saxaafaada Soomaaliga gaar ahaan Websityada Internetka lagu soo bandhigay siday ugu doodi jirtay laajiyiinta iyo dadka Muslimiinta ee Soomaalidu ugu horayso,ayaa sanadkii 2002 dii lagaga guulasytay aqalka wakiilnimda ee Degmada 4aad ee Gobalka Georgia, ka dib markii loo adkaysan waayay sida hagar la,aanta ah ee ay ugu hiilinaysay Muslimiinta,ayadoo aan indhaha ka qarsan xadgudbyada lagu hayo masaakinta reer falastiin,waxayna marar badan ku celcelisay in dhexdhexaad laga noqdo arrinta beriga dhexe oo runta loo sheego yahuuddu tacadiga ay ku hayso muslimiinta adduunka.Yahuudda Maraykanka oo awood dhaqale iyo mid siyaasadba ku leh dalkan Waxay awoodoodii isugu geeyeen sidii looga takhalusi lahaa Marwo Mckinney, hanti aad u faro badanna waa lagu kharashgareeyay sidii kursiga looga tuuri lahaa sandkii 2002dii, ayadoo nasiib darro dadkii ay u hiilinaysay ee ugu horeeyaan Muslimiintu ayan u hurin dhaqaale olole sidii kuwa ka soo horjeeday ay ugu hureen inay hanti badan geliyaan sidii ay udhici lahayd marwo Mckinney,waxaana xisbigeedii Dimuqraadiga kula loolamay gabadh madow isla yihiin Lafo maroodi iyagaa la isku jabiyaa) kagana guulaysatay Primarigii hore ee isreebreebkii Dimuqraadiga, sidaana Cynthia Mckinney waxay kursigeedi ay ku lahayd aqalka wakiilada oo ay fadhiday muddo dhan 10 sano ku wayday sanadkii 2002dii ayadoo sababsatay u doodidda dadka dulman.
 
Cynthia Mckinney waxay usuurowday inay ku guulaysato kursigan ka dib markii gabadhii ka hantiday sanadkii 2002dii oo lagu magacaabo Dennise Majette ay u hanqaltaagtay kursiga Seneternimada  Georgia halkaasoo banaanaatay ka dib markii seneterkii hayay ku dhawaaqay inuu howlgab yahay, Nasiib darose Dennise Majette waxaa ku dhacday sida John Edwards( oo Seneterrnimadiisi baneeyay si uu helo ku xigeenimada Kerry) oo miro guti ku jira kuwa geed saaran looma daadsho ayaa Soomaalidu oran jirtaye,koodiinna waa lumiyeen kii ay haweysteenna waa waayeen.Cynthia Mckinney waxay si xoog leh uga badisay ilaa 20-eeyo isku soo sharaxay isreebreebkii hore,ka dibna waxay si sahlan uga adkaatay loolankii dhexmaray iyada musharxii ka socday Jamhuuriga.Jannaayo 20keeda ayay dib ugu soo noqon kursigeedii Washington DC,iyadoo waliba haysata sanadka soo socda iyo wixii ka dambeeya garabweyn-waa ninka sideeda u dooda dadka la dulmiyo oo noqday Seneterada awoodda badan waa Barack Obama oo si xoog leh looga soo doortay Gobalka Illinois. 
 
 Adengas Washington DC
 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 6, 2004

Xiddiga la Saadaalinayo in uu Noqon Doono Madaxweyne Maraykan ah oo Madow.... Akhri faaladii Aden-Gaas

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD