SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

 


DOODII 2aad ee BUSH & KERRY

  • DOODII XALLAY DHEX MARTAY MADAXWEYNE BUSH IYO SENATOR KERRY

Qalinkii MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.


Mobile: 00-92-300-2600907
E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com
E-mail2:
mabdihassan@yahoo.com
 
pop E-mail: diridhaba@myfastmail.com

USA: VIDEO: DAAWO DOODII BUSH iyo KERRY EE XALAY

ST. LOUIS: Xallay Saacadda Magaalada St. Louis ee gobolka Missouri markay tilmaamaysay 8:03 miridh ayaa waxaa toos uga bilawday doodii labaad oo dhex martay labada Musharax ee Jamhuuriyiinta iyo Dimuqraadiyiinta dalka maraykanka sannadka 2004, Senator John Kerry iyo Madaxweyne George W. Bush.

Doodu waxay ku bilaabantay Su'aalo ay weydiinayeen dad la soo xulay oo aan weli go'aan san cidda ay siinayaan codkooda (undecided voters) oo ku sugna Hoolka ay doodu ka dhacaysay, hareerahana ka fadhiyey Labada Musharax iyo qaybiyaha dooda charlia gibson oo ahaa weriye ka socday televisionka ABC, Su'aasha ugu horaysa ayaa waxaa la weydiiyey Senator Kerry waxayna u dhignayd

Charlia Gibson qaybiyaha dooda  

Suaasha Koobaad ku socota John Kerry

"Haddii aad noqoto Madaxweynaha dalka maraykanka intee in le'eg ayey kugu qaadanaysa inaad ciidamada maraykanka kaga soo saarto dalka ciraaq"

 

Senator Kerry oo u muuqday nin qorshe balaadhan uga danbeeyo dalka ciraaq haddii uu ku guulaysto Madaxnimada dalka maraykanka ayaa wuxuu kaga jawaabay "Waxaan dedejin doona tababarida ciidamada ciraaq, waxaan soo dhawayn doona xulafadii reer europe ee Madaxweyne Bush dafiray, waxaan idiin cadaynaya inaan ciraaq mar danbe inagaga bixi doonin balaayiin dollar ee aynu u huri doono lacagteena arrimaheena gudaha"

Madaxweyne Bush oo ka jawaabaya isla Su'aashaasi ayaa wuxuu ku macneeyey jawaabta Kerry mid aan caqli gal ahayn oo aan soconaynin Madaxweynaha oo ka jawaabayey Xulafada reer Yurub ee uu Senator Kerry ku eedeyey inaanu ku soo dhawayn dibu dhiska ciraaq wuxuu yidhi "32 dawladood ayaa hadda ciraaq ka hawl gala, oo ay ugu waaweyn yahiin Great Britain, Italy, Australia Maan garinin xulafada kale ee uu Senator Kerry sheegayo, xulafada waanu u yeedhnay haddii uu ula jeedo France iyo Germany balse beryi mayno ee waxaanu qabsanayna dantayada"

Madaxweyne Bush ayaa la weydiiyey Su'aal kale oo isla Ciraaq ku tacaluqda waxaanay u dhignayd 

"Madaxweyne Bush Kharash badan ayaa maalin kasta inagaga baxa dalka Ciraaq haddii aad ku soo laabato xilka madaxnimo Sidee ayaad u xallinaysa arrimaha Ciraaq?

Madaxweyne Bush oo aad yar moodaysay inuu ka yar maag maagayo su'aalaha khuseeya Ciraaq ayaa wuxuu ku bilaabay "Waxaa Farxad weyn ii ah in aan maanta aanu Saddam xuseen ka arriminayn dalka ciraaq oo khatar ku ahaa amaankeena iyo ka mandaqadda beriga dhexe, Ciraaq maanta waxay u dhaqaaqaysa waddo dimuqraadiyadeed Ra'isal Wasaare Calaawi oo dhawaan igu soo booqday Washington una qudbeeyey Senate-ka iyo Congressku wuxuu sheegay in ay geed ka go'an tahay dooroshada madaxnimo iyo baarlamanka ciraaq inay qabsooman bisha january, waxaan isku dayi doona inaanu yarayno kharash kasta oo inagaga baxaya halkaasi sida ugu dhakhsaha badanleh ee aanu u aragno ciraaq oo lugaheeda isku taagtay"

 

Senator John Kerry oo u muuqday nin ka faa'idaysanaya galdalooloyinkaasi Madaxweyne Bush ayaa jawaabta Su'aashasi oo lagu marti qaaday si firfircoon ula booday wuxuuna yidhi "Shallay oo ugu danbaysay waxaa hadlay boqorka waddanka urdun boqor cabdalla wuxuu xaqiijiyey inaanay wax caqliga gelaya ahayn in ay doorosho iyo wax u dhaw ka dhacaan waddanka ciraaq, %90 khasaaraha ciraaq ka dhaca wuxuu ku habsada waa innaga, gudidii loo xilsaaray baadhitaanka hubka wax gumaada ee ciraaq Madaxweynow waxay kuu cadeeyen in aanay ciraaq wax hub ah haysanin, Waxaan aaminsahay inuu madaxweynahu halmaamay cidda ku haboonayd in dagaal lala galo oo ah Iran iyo Waqooyiga korea oo labaduba caddaystay sida ay uga go'antahay inay khatar ku noqdaan amaankeena, Janeralkii hogaaminayey ciidamadii ciraaq markii weerarka la bilaabay Janeral Shinsaki oo kuu cadeeyey inaanay suuro gal ahayn in Saddam xuseen ku yahay khatar amnigeenu waxaad ku qasabtay inuu xilka iskaga dego, Madaxweynow ma haysid qorshe aad ugu guulaysato nabadda, ee qorshahaagu wuxuu khasaare ku sii yahay amaankeena, u fiirso maanta iyo markii uu saddam xuseen joogay ciraaq kee ayeynu khatar ugu jira argagixiso"

Labada nin ayaa u muuqday qaar aad ugu murmaaya arrinta ciraaq, Madaxweyne Bush arrinkiisu wuxuu ahaa in ciidamada Maraykanka lagu sii nagaadiyo dalka ciraaq, halka Senator Kerry uu doonaayey in Beesha Caalamka iyo qaramada Midoobay kala qayb qaadato hawshaasi.

Su'aal kale oo laga weydiiyey Madaxweyne Bush khatarta ay Iran ku hayso dalka Israel oo dhawaan tijaabisay gantaalo qiyaastoodu gaadhayaan waddanka Israel wuxuu Madaxweynahu ku jawaabay " sidaan hore u cadeeyey wadamada aan u aqaano seefta shaydaanka Axis of evil, waxaanu saarayna cadaadis kasta oo ay mandaqadda beriga dhexe kaga joojinayaan henjabaadaha, wadamadaasi oo ay ka mid tahay Iran, barnaamijkii cunaqbataynta lagu saaray Iran weli sidii ayuu u socda, waxaa weli wada hadal u socda ururka baadhitaanka awoodda nuclearka "International Atomic Engery Agency" ee uu hogaamiyo Maxamed Baradia kuwaasi oo aan weli ka gaadhin wax go'aan ah, mar alla iyo marka ay cadaato in ay Iran ka dhego adaygto mawqifka beesha caalamka waxaanu qaadan doona talaabo kasta oo ku socota Iran"

Senator John Kerry oo iska dhigaayey nin kaga xirfad badnaan doona Madaxweyne Bush khatarta hubka Iran uu ku hayo waddanka Israel ayaa wuxuu kaga jawaabay "Madaxweyne Bush wuxuu inagu riixay dagaal lagu qaaday meel aan ku haboonayn iyo wakhti aan haboonay, "the wrong time in the wrong place" Iran khatar uma aha oo qudhaata Israel ee waxay uga khatar badantahay Saddam Xuseen inaga iyo saaxiibadeena beriga dhexe, Madaxweynahu wuxuu halmaamay cidda ku haboon in cunaqabatayn iyo hawl militery lala beegsado taasina waa aqoon xumida madaxweyne bush ee aanu garanayn sida nabadda loogu guulaysto "to win the peace"")

Madaxweyne Bush oo ay wejigiisa cadho badani ka muuqato ayaa wuxuu si deg deg ah uga soo kacay kursigii uu ku fadhiyey isaga oo doonaayey inuu jawaab siiyo Senator Kerry wuxuuna yidhi "waxaa cad in Libralnimada (libralism) aanay ahayn mid la qarsan karo waxaan kuu sheegaya Senatorka libralka ah ee laga soo doorto massachussetes-ow inaad u codaysay in ciraaq loo qaado ciidamadeena, lacagtii iyo kharashkii looga baahnana aad ka codaysay waa maxay qawl darrida ka xun taasi (flip floper) ma arkaayo qorshe aad ku hogaamin karto america"

dhinaca arrimaha gudaha ama maxaliga ah ayaa waxaa su'aalo laga weydiiyey Labada Musharax si ay u qanciyaan dadka aan go'aanka ka gaadhin inay u codeeyaan labadoodaba su'aasha ugu horaysay waxay ka timid xagga dhaqaalaha waxaana la weydiiyey Senator Kerry waxaanay u dhignayd

"Senator Kerry adiga oo eegaya/Fiirinaya Kamaradda ma u sheegi karta shacabka maraykanka inaanad ku dalacaynin cashuurta dadka dakhli sannadoodkoodu yahay 200,000$"

Senator Kerry oo si fiican u fiirinaya/Eegaya Kamaradda ayaa wuxuu yidhi "Haa dabcan kuma dalici doono waxaan haysta qorshe fiican oo miisaniyadda lagu habaynaayo "budget Reform" taasi oo aanu ugu tallo gallay in wax lagaga qabto halka milyan iyo badhka maraykanka ah ee waayey damanadoodi caafimaadka "health insurance" waanu dhimayna taasina waxaa markhaati iiga ah 25 jeer ee aan u codeeyey inaan cashuurta hoos loo dhigo"

Madaxweyne George W. Bush oo muuqday inuu hellay galdaloolo uu ku weerarayo Senator Kerry ayaa wuxuu yidhi "Senator ku wuxuu halmaamsanyahay inta jeer ee uu codeeyey in dadka maraykanka ah lagu dalaco cashuurta, aniga oo ku jira wakhti colaadeed ayaan seddex jeer hoos u dhigay cashuuraha, qorshaha uu wato senatorku waa qorshe aan u qalmin dadka dabaqadda dhexe"

dhamaan isku soo duubo xallay doodu waxay ahayd mid weerar iyo weerar celis ah, Madaxweyne George W. Bush ayaa wuxuu si weyn uga soo kabtay galdaloolooyinkii ka muuqday todobaadkii hore doodii lagu qabtay Jaamacadda Miami, waxaanay uu muqatay inuu yahay nin aad u dhiiran, sidoo kale Senator Kerry ayaa u muuqday nin aan dhinaciisa la liicin karin wuxuu u muuqday nin weeraro ba'an oo aan joogsi lahayn ku haya Madaxweyne Bush, taasi oo mararka qaarkood la arkaayey Madaxweynaha oo ay taasi ka cadhaysiinayso, mar ayaa waxaa dhacday uu Madaxweynahu boobay qaybiyaha dooda isaga oo cadho daraadeed doonaayey inuu Senator Kerry u jawaabo, dhinaca kaftanka ayaa Madaxweynahu kaga dheereynaayey Senator Kerry isaga oo la arkaayey inuu doonayo inuu dadka kaga qosliyo galdalooloyinka Kerry, Senator Kerry ayaa isagu u muuqday nin hadalkiisu degenyahay kana fiirsanaya wuxuu doonayo inuu yidhaahdo badankana ku qaadanayey inuu qallinka la beegsado qodobadiisa isaga oo intuu fadhiyo la arkaayey inuu wax qorayey.

Aqalka cad ee Mareykanka oo laga yaabo inuu nasiib u yeesho in haweenay African ah degto 2005.


Teresa Kerry iyo Laura Bush isa salamaya 

dhinaca cododka dadka laga qaaday (polls) ayaa tilmaamaya in labada nin ay aad iyo aad iskugu dhawaayeen sida televisionka ABC tilmaamtay waxay siisay labadoodaba %45 vs %45, halka televisionka kale ee CBS siiyey Senator Kerry guul yar oo ah sedex percentage Kerry %44 Madaxweyne Bush %41, sidoo kale cododka uu qaado barnaamijka american poll gallup ayaan weli la shaacin isaga oo ballan qaaday inuu sii daynaayo cododka guud (national polls) muddo 72 sacadood gudahood ah.

dooda tan xigta ayaa dhici doonta 13 october iyada oo ka dhici doonta Jaamacadda Arizona waxayna noqon doonta tii ugu danbaysay ee labada musharax ku soo kala jiidanayaan cododka dadka.

QORMADII HORDHACA QORAALKAN ...

FAALLADII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

Karachi, Pakistan

diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 9, 2004

ISHA SAWIRADA: GOOGLE SEARCH

Xiddiga la Saadaalinayo in uu Noqon Doono Madaxweyne Maraykan ah oo Madow.... Akhri faaladii Aden-Gaas

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD