SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA
 
Daabaco Boggan | Print

USA:Muran ka taagan habka loo doorto madexweynaha Dalka Maraykanka

Aden-Gaas Washington DC.
adengas@hotmail.com

Dadka Maraykanka si toosa uma doortaan madexweynaha dalka Maraykanka ee wakiilo loo yaqaan Electral college ayaa xusha kuwaasoo udhigma-435 aqalka wakiilada+100 Senetrada +3da caasimadda DC- oo isku dhan 538. Labada Gobal ee Maine iyo Nebraska oo isku haysta 9 wakiil(4Maine iyo 5 Nebraaska) mooyaane inta kale ee Gobalada waxay Electoral College-ku siiyaan musharixii Cod dheeriya, waxaana sida marar badan dhacday in musharax ku guulaystay Cod badnida Maraykanku (Popular Vote) uu waayo kurisiga madaxtinimada, sidaas awgeed waxaa in dhawaalaba soo baxayay dood iyo muran qaylo dhaana oo ka taagan sidii habkaas wax looga bedeli lahaa, Gobalka Colaraado sanadkan waxay usoo bandhigeen in dadkoodu u codeeyaan bal inay raacaan sida gobalada Maine Iyo Nebraska, iyo inay ku sii negaadaan habkaan hore ee doodda ka taagan yahay waxaan durabadiiba ka qayliyay Xisbiga Jamhuuriga oo aan jeclayn in la bedelo habka  hadda wax loo xulo.

 Haddaba su,aashu waxaa weeye Maxaa udhexeeya Popular Vote iyo Electral college.

Qarnigii 18aad markii la asaasay Jamhuuriyadda Midowga Amerika ayaa dastuur ay samaysteen Caddaankii asalkoodu ka yimmid qaaradda Yurub oo markaas dadka madow ay u ahaayeen hanti(Property) ay leeyihiin,sidoo kale xitaa dumarka caddaanka, ragga cad waxay u ahaayeen hibo, codna malahayn dumarku waagaas . Sidaa daraadeed maqaawiirtii meesha iskugu timmid waxay dhigteen qaanuun oranaya Congareeska-oo ka kooban Senetarada iyo aqalka wakiilada waxaa soo dooranaya toos dadweynaha, laakiin madexweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxaa loo soo xulanay wakiilada Gobalada (Electoral Collegka), ilaa iyo waagaasna oo halgan dheer oo dhiig badan usoo daatay sidii ay xornimadooda iyo xaqooda u heli lahaayeen dadka madow sidoo kale dhiidhi badan iyo mudoharaadyo isdaba jooga ay sameeyeen dumarku horaantii qarnigii la soo dhaafay(1920,s) si ay u codayn karaan yaa ku guulaystay halgankoodii, laakiin waxaa wali shaqaynaya dastuurkii ay dhigteen raggii caddaanka ahaa oo wax ku salaysiiyay Gobalaysi , si Gobalada yar yar ay u helaan tixgelintooda, Waxaase nasiib darose ah halka kaliya ay majority ka yihiin Madowga Maraykanku waa washington DC,aan loo aqoonsanayn State-oo haddii aad soo gasho caasimadda maraykanka waxaad markiiba ishaadu qabanaysa cabasho ku sumadaysan taargada baaburta DC oo ah "Taxation with out representative"-waayo aqalka wakiilkooda iyo senetaradoodu malahan cod oo waa goobjoogayaal(Shadow), electoral voteka oo 3 kaliya ah ayaa loo ogolyahay inay xushaan madexweynaha.

 
Haddaba dhacdooyin badan oo la soo gudboonaaday waayo aragnimada laga dhaxlay habkaas ayaa waxaa isa soo taraya in dood badan laga keenay Electoral College-ka oo la leeyahay dastuurkaas waan in wax laga bedelaa lamana jaanqaadi karo Ameerikada Cusub, waxayna leeyihiin xitaa haddii lagu adkaysto in madexweynaha soo doortaan Electral Collegeka waa in loogu qaybiyaa musharaxiinta sida loo kala cod badan yahay oo meesha ka baxdaa iska qaadashada kulli hal musharax.
 
Illustration by Mark Alan StamatyHaddaad eegtid ololaha doorashada Maraykanka waxad arkaysaa in Gobolo faro ku tiris ah lagu dagalamayo kuwaasoo laa yaqaan (Battle ground states) sida Florida, Ohio, Minnesota, Wisconsin, Iowa, Pennslyvania, Colaraado, Michigan, New Mexico, Nevada, NH, New Jersey.

Tusaale Gobalka Ohio oo leh 20 electoral College labada Musharax Kerry iyo Bush waxuu mid walba ku kharashgarayay malaayiin doolar oo xaysiin ah,in ka badan 30 jeerna mid waliba wuu ku soo noqnoqonayay si uu u kasbado electoral College-ka,halka California,Nerw York,Texas,Virgina oo kala haysta 55,32, 34,13 aan waqti iyo lacag la isaga lumin,sababtoo ah Bush waa ogyahay 55 California,iyo 32 New York inay u xeroonayso Democradiga Kerry, halka Kerry ogyahay 34 Texas,iyo 13 Virgina u xeroonayso Republicada, balse haddii loogu qaybin lahaa codadka sida loo kala dad batay waxaad arki lahayd iyadoo maalin walba lagu meeraysanyo gabaladoo dhan gaar ahaan kuwa dadka badan oo ay ku badan yihiin dadka laga badan yahay.

 
                 Doorashada iyo Muslimiinta Maraykanka  
  
Muslimiinta Maraykanka oo lagu qiyaaso in ka badan 7 malayuun oo qof, boqolkii 32 waa madowga Maraykanka sideedana Maraykanka madow waa ehlu Dimuqraadi oo waxay codkooda siiyaan Demuqraadiga, sidoo kale Muslimiinta kale oo ka shalaayay sanadkii 2000 oo ay kalsoonida siiyeen Bush iyagoo ka carayay Gore oo ku xigeen u doortay nin yahuudda xag jirta ah ayaa hadda saadaal la sameeyay waxay sheegayaan in talaadada bishu soo socota tahay 2 Novembar ay boqolkiiba 78 codkooda siinayaan Xisbiga Dimuqraadiga ee Kerry, sidoo kale Carabta Maraykanka oo dhan 1,700,000,in kastoo in ka badan boqlkii 64 ay isku sheegaan inay yihiin Kiristaan waxaa la cadeeyay inay ka siman yihiin ka soo horjeedka Bush iyo siyaasadiisa ku aaddan Beriga dhexe, waxayna iyana u codaynayaan Kerry.

Saaxiibkay Cabdi qaadir Cali Ciise oo Washington Dc,degaana in ka badan 23 sano ayaan waydiiyay ka waran sanadkaan iyo doorashada Maraykanka,waxuuna iigu jawaabay codkaygu waa Xisbiga Dimuqraadiga,una malayn maayo qof muslina oo haddana madow inuu marna codkiisa siinayo Republicanka iyo aragtidooda ku dhisan nacaybka. Ma qof damiir leh baa u codaynaya Dick Cheney iyo Ashcraf ayuu raaciyay saaxiibkay Cabdiqaadir oo iisoo qaatay tusaalaha sheegaya in Dick Cheney markuu ka tirsanaa aqalka wakiilada in ka badan 10 sano uu diidi jiray in lasoo daayo halgamaaga Nelson Mandelaha K/Afrika oo muddo ka badan 27 sano u xirnaa dambi ah inuu madow yahay oo loo abuuray inuu ka dambeeyo ruux cad (Apartheid) iyo waliba inuu diiday in la xuso oo maalin Fasaxa la qaato xussuusta halgamaagii waynaa ee Martin L.King. 

 
Arrintu si kasta ha ahaatee sanadkan waxaa la saadaaliyay in si aada isugu dhawyihiin labada Musharax ee Bush iyo Kerry oo electral voteka xitaa noqon karaan barbaro min 269,waxaana kala saaraya siduu dastuurku qorayo aqalka wakiilada oo aan u fiicnayn Kerry sababtoo ah waxaa hadda u badan Republicanka shaki la,aanna siinaysa Bushkooda(Qabyaaladda maraykanku waa aydiyoolajiyada ku dhisan Xisbiyda lakala aaminsan yahay).
 
Haddii sida hadda wax usocdaan la eego(ilaah baa waxwalba oge),Bush haddii uu waayo Ohio,amase Florida Xaalku wuu ku xumaan oo waa udhamaanaysaa inuu xayuubsado Wiscosin iyo Colaraado mooyaane xagiisana uu ka helo hal electral Gabalka Maine oo sandkaan rajo looga sheegay hal degmo,Sidoo kale Kerry waa u dhammaanaysaa haddii uu waayo Gobalka Pennsylvania amase New Jersey inuu xayuubsado mooyaane Ohio amase Florida ,Gobalada Minnosata(waa meesha la isku raacay in ay isku mid yihiin 47,47 boqokiiba)Wiscosina sii xajisto,Calaa kulli xaal ninkii faraskiisa laga badiyo waxaan ogaan wixii ka dambeeya salaasada fooda inagu soo haysa haddii eebo idmo.
 
 
si aad ku ogaatid elctral College Maraykanka waxaad eegtaa Mapekaan.
 
electoral college vote map
 Sawirad: Google Search

Aden-Gaas Washington DC.
adengas@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalakan waxaa leh Qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2004


SomaliTalk oo Doorashada USA ka Waraysatay  Wardheere : Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanaya waxa uu Maxamuud Nuur Wardheere sheegay in... Guji..

 


USA: November 2deedu Waa Maalintii Codbixinta : Waxaa aad muhiim u ah in aad ogaatid waxa lagaaga baahanayahay si aad codkaaga u bixisid iyo goobaha codbixinta... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great

MINNESOTA:: GOOBAHA CODBIXINTA... GUJI...



HTML CD