DEKEDA BOSASO: Biraha Loo Yaqaan
Iskaraabka oo Xanibaadii Laga Qaaday, taas oo Hor seedeysa in
ganacsatada Soomaaliyeed ay Boosaaso Ka Dhoofsan Karaan Iskaraabka
Lag Furfuro Wershadihii Dawladda Soomaaliya
Shirkii Golaha Wasiirada DGPL oo ka
dhacay manta Garoowe.
c/fatax jaamac
SomaliTalk | Bosaso | Sept 20
Waxa maanta lagu qabtay Caasumada
DGPL Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada DGPL shirkaa ayaa
waxaa Gudoominaayay Madaxweyne Kuxegeenka DGPL ahna siihayaha Xilka
Madaxweynaha Maxamed Cabdi Xaashi.
Shirkaas ayaa looga hadlaayay
Abaaraha iyo Nabadgalyada sidii loo sii adkeyn lahaa dhica Abaaraha
ayaa wali ka jira Gobolada Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya iyadoo
aan wax caawinaada aysan soo gaarsiin Hay,adaha ka howlgala
Somaaliaya.
Waxaa kaloo looga hadlay Biraha loo
yaqaan Iskaraabka oo laga soo furfuray Warshadihii iyo Baabuurtii ay
Dawladii hore ka dhacday oo inta badan Dibada loo dhoofiyo ayna
dhoofsadaan Ganacsato, Birahaas ayaa lagu xayiray Dekada Magaalada
Boosaaso kadib markii la arkay in ay furfuranayaan Dadkaa ayna
Dibada u dhoofinayaan ayaa manta shirkaa aad looga dooday kadibna
lagu go,aamiyay in la fasxo oo xanibaadii laga qaado oo ay
ganacsatada dhoofsadaan, Arintaa ayaa sahli doonta in la sii
Furfurto Biraha ka haray Warshadaha iyo Baabuurta taal xeryaha ay
Dowlada lahaan jirtay Guud ahaan Soomaaliya.
Bosaso::: Shirweynihii Sanadlaha Shabakada
WAWA oo lagu soo Gababeeyey Boosaaso.
Sawirada ka
Eeg halkan...
Waxaa maanta oo Taariikhdu tahay 20
september 2004 lagu soo gabegebeeyay Hotelka weyn ee (International
Vileg) Shirweyne looga hadlaayay Sanadguuradii Afaraad ee Shabakada
Haweewnka ee WAWA oo ay ku Midoobeen Ururo wadaniya kana jira
Wadanka Soomaaliya Gudihiisa iyo Dibadiisaba shirwaynahaan ayaa soo
socday mudo Shan Maalmood ah oo looga hadlaayay waxyaabihii ay
qabatay Shabakada WAWA halkaas oo lagu soo Bandhigay qoraaladii
waxqabad ee Shabakada,
Intuu socday Shirwaynahaa ayaa
waxaa ay Ururada shabakada WAWA ku bahoobay Doorteen Gudoomiye iyo
kuxigeen iyo Gudiyo kale oo howsha shabakada wada ayadoo Gudoomiyaha
loo doortay Caasho Geele oo ahayd Gudoomiyihii hore ee Shabakada
WAWA hadana dib loogu soo doortay waxaa ay Gudoomiye kuxigeen u
doorteen Saynab Ismaaciil,
Waxaa kasoo Qaybgalay Gabagabadii
Maanta Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Bari Yuusuf Muumin Bide oo
halkaa ka hadlay Gudoonsiiyayna Shahaadooyin ay Ururada ku bahoobay
Shabakada WAWA ugu talogaleen Gudigii hore ee soo waday shaqada,
waxaa iyadana ka hadashay Xiriiriyaha Shabakada WAWA Xaawo Cali
Jaamac oo ka warbixisay waxqabadkii Shabakada iyo Asaaskii shabakada,
waxaa kaloo ka kasoo qayb galay oo ka hadlay Gudoomiyaha Dalada
Talowadaag Ing: Cusmaan oo tilmaamay sida ay u wada shaqeeyaan
Daladiisa iyo WAWA iyo waxyaabaha uu ka arkay Shabakada WAWA waxaa
ugu dambeentii ka hadlay Gudoomiyaha Shabakada WAWA Caasho Geele oo
ugu mahad celisay kasoo qayb galayaashii iyo Martida kala manta kala
qayb gashay ayadoo tilmaantay in mas,uuliyada loo dhiibay ay tahay
mid ay u hayso Bulshada Soomaalaiyeed.
Sawirada ka
Eeg halkan...
c/fatax jaamac
Somalitalkpl@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept
20, 2004
Gudoomiyaha Baarlamanka oo ku baaqay
in la Joojiyo Dagaalada K/Soomaaliya
dhinacyada ku dagaalamaya dalka
gudahiisa waa in ay joojiyaan dagaalada ka socda kismaayo iyo...
Guji..