Xildhibaannoow: “Axdi malaha Xabashidu lagu Aamminaayee”
Ilaah baa
mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
Horta
Xabashi mala aammini karaa? “fiihaa qowlaan” oo ah labo ra’yi
baa laga qabaa. SRRC iyo xulafadeedu waxay u arkaan in la
aammini karo; Soomaalida inteeda kalana inaan la aammini karin.
Maanta aan talo fiican siiyo xildhibaannada iyo SRRC-da:
Xildhibaanno,
Xabashidu waxay la jirtaa ninkii la dagaala ninkii ay Xabashida
is qabtaan. Tusaale usoo qaado taageeradii ay siisay kuwii C/Qaasim
ka horyimid. Tan labaad waxay xiriir dhow la samaysataa ninkii
reerka u hara. Tusaalaha arrintan loo soo qaadan karaa waa wixii
ka dhacay Puntland, Gedo, iyo Baay iyo Bakool. Arrintani waxay
i xasuusinaysaa nin Maraykan madoow ah oo qabanqaabiya feerarka
“ a boxing promoter” oo la yiraahdo Don King. Mr King ayaa
habayn feer culus dhacayey, soo socodkiisii gaarigiisa qaaligaa
ee limoosiinka “limousine” kusoo qaaday horyaalkii feerka culus
ee waqtigaas waa Joe Frazier oo Soomaali badan ugu dhawaaqdo
Joon Farays. Mr Frazier wuxuu habeynkaas la ciyaarayey
feeryahanka kale ee caanka ah ee George Foreman oo habaynkaas
laftiisu rabay inuu horyaalnimada ka qaado Joe. Siduu George
Foreman rabay baa dhacday oo wuxuu dhulka dhigay Joe Frazier
dabadeedna halkaas buu ku qaatay suunkii dahabka ahaa. Waxaa
dadkii ka yaabiyey Don King oo markii hore horay usoo qaaday Joe
Frazier wuxuu markii dambe qaaday ninkii guulaystay ee ahaa
George Foreman! Sheekada Zenawi waa sidaas. Hogaamiyayaasha
Soomaaliyeed Zenawi lama dhalan. Haddii mid Baay iyo Bakool
joogay oo isku fiicnaayeen laga raayo wuxuu la jiraa kan xoogga
roonaaday. Dhulka Soomaalida oo dhan sidaas buu ula dhaqmaa.
Arrinta Kismaayana waa sidoo kale. Dad baa u qaba in Zenawi
Moorgan iyo Barre Hiiraale kala jecelyahay! Hadduu Moorgan
adkaado waa suu rabay. Haddii laga adkaado wuxuu soo sharraxayaa
mid kale oo Gedo jooga ama Barre laftiisa buu heshiis la gelin.
Moi,
madaxweynihii hore ee Kenya waxaad mooddaa inuu i xasuusinayo
meerisyo uu gabyaa ku lahaa:
-
Nabi Muuse tii soo martaa
maanta la hayaaye
-
Ninkii gaalku muudiga ku raray
oo miskaha buuxshay
-
Maqligiisa waa tuu dilay meel
aan la arkeyne
-
Doqontii cid kale maamushaa ma
laha iimmaane
-
Yaalaaba waa gargaar meel
maruu dib ugu meershaaye
-
Mushrikii Fircoonna u tegyoo
maaddadii u sheegye.
Waligiin ma
aragteen qof cadowgiisii gumaysanayey gabbaad ka dhiganaya iyo
gacal? Nin ku howlan halaaagga waddankaaga sidee uga filaysaa
inuu ku heshiisiiyo? Alleylehe murtidii Soomaaliyeed guud ahaan
iyo tii Xabashida laga yiri dhego awdan bay ku dhaceen. Bal u
fiirso faraqa u dhaxeeya dadkii fidrada ku dhashay oo qaarkood
hal-abuurka ahaa sida Ilmo Gahayr oo kale. Ingiriiska oo
Waqooyiga Soomaaliya haysta markii dagaalkii labaad socday ayaa
inta Ina Gahayr siiyey lacag iyo dhar yiri waxaad gabay ku
riddaa Jarmalka. Ina Gahayr Allaha u naxariistee wuxuu yiri:
-
Maxaa labo gaal oo abtirsiinyo
ii gudboon
-
Midna aan gar u siin midna aan
u guhaadin
-
England baa gubanaysa maxaa
iiga gidhiisha!
Ina Gahayr
side Xabashida u arkayey? Wuxuu gabay ku bilaabay:
-
Wallee ama gufaacada ka qaday
guga la eegaayo
-
Wallee ama Guhaadoow waxaan
geysto lala yaabye
-
Gacmahayga jeeraan sidii Guray
ku ciil beelo
-
Ama aan Gaal madoow Harar ku
dilo Giiba laga noole.
Maantadan
aan maqaalkan qorayo waxaan arkayey mid iska dhigaya inuu
“Somalilander” yahay oo lahaa Somaliland guul; Israa’iil guul!
Ninkani wuxuu ammaanay Itoobiya isagoo leh hadday Somaliland
goosato waxaa beenoobaysa riyadii Soomaali weyn. Maqaalkaas oo
Ingiriis ku qoran ka fiiri Somaliweyn. Cinwaankisdu wuxuu ahaa:
“a letter to Israel” ama saas oo kale.
Waxaad la
yaabaysaa qof Soomaaliya jooga ama dibad oo haddana Zenawi
ammaanaya! Haddaad tiraahdo muxuu kuu qabtay kama jawaabi karo.
Bal fiiri
markii gabyaagu lahaa:
-
Doqon baa halkii lagu qatali
qoorta soo dhigane
-
Maanaa mindiyo ley qarshaa la
igu qali doono.
Allaha u
naxariisto raggaas gabayadaas tiriyey. Miyeyse arkeen
dagaal-oogayaal iyo calooshood-u-shaqaystayaal? Mar kale waa
teey Soomaalidu lahayd:
-
Nin abeeso koriyoow adigaa u
aayine
-
Axdi malaha Xabashidu lagu
aamminaaye.
Hogaamiye-kooxeedyada Soomaaliyeed baa hadda na baraya in
Xabashidu aysan ahayn tii hore ee ay tahay ehel raba in
arrimaheennu toosaan.
Dadka
Soomaliyeed waa dad iska jecel quraafaadka. Qaar waxaad arkaysaa
leh hogaamiyahayaga waa la wataa oo waa nin diin neceb marka
inuu ku soo baxo madaxweynanimo ayaa la arkaa. Xildhibaannadana
waxay dhaheen dowladahaas ayaa uga dhammaynaya inay isaga
doortaan! Laakiin waxaa arrintaas isku fuuqsaday markii IGAD iyo
beesha Caalamkuba soo saareen intaas oo xabad-joojin, inaan hub
Soomaaliya la keenin iyo inaan dagaal-oogayaashu Kenya ka bixin
laakiin waxaasoo dhan waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay.
Hadday IGAD iyo Beesha Caalamku wax ka qaban weyday hal ama
dhowr dagaal-ooge sidee shacabka Soomaaliyeed wax uga qaban
karaan?
Waxaan
Soomaalida xasuusinayaa inay jalleecaan waxa ka socda Ciraaq.
Dowladdee ka xoog weyn Maraykan iyo Ingiriis? Maxaa Ciraaq usoo
kordhay? Wax aan burbur waddan dhan ahayn lama hayo. Marka
waddankeenna cidna marti uguma nihin laakiin xildhibaannoow noo
doorta qofka ugu macquulsan dadkaas madaxweynanimada isu soo
taagay. Shacabka Soomaaliyeed idiin ma dirsan waxa Maraykan,
reer Galbeed ama Itoobiya rabto ee waxaan idiin dirsanay waxa
annaga noo danta ah. Haddaad tiinna ka soo baxdaan waxaan
filayaa in tan shacabka iyaga loo daayo. Marka Ciraaq oo Shiico
iyo Sunniba leh haddii Maraykankii geli waayey magaalooyin yar
yar, maxaad uga baqaysaan Itoobiya iyo wax la mid ah hadday ku
soo xad-gudubto waddankeenna?
cabdulwaxid@hotmail.com