SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Layskama durduriyee sumcad dunida yaa ku leh?

Jaamac Cawaale Garaad
Cawaale1@yahoo.com

Acuudu billaahi mina shaydani rajiim, ilaahow wax habaaran xeradeenna ha soo galin… aamiin .. aamiin.

 Ayadoo hadda doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka iyo tii madaxweynaha ay naga xigaan maalmo yari ayaa hadda waxaa soo yaraanaya magacyada aad loo hadal hayo madaxweynenimada, ragga hadda isku soo haray waxaa weeye Cqaasim Salaad Xasan, Claahi Yuusuf Axmed, Cali Khaliif Galayr (Galaydh) qofba siduu jecelyahay, Faarax Weheliye Caddow (Sindico) iyo Claahi Axmed Caddow, horta waa iska muuqataa ninka ku habboon inuu soomaaliya hoggaamiyo laakiinse waxaa taalla meesha duruuf rabbaani ah ee ilaah baa na dilayee maanta raggaasi qaarkood qaarka kale lama tar tameen haddii dadka aanay qabyaaladi madaxmarin, waxaadse iswaydiisaa xildhibaanow haddaad madaxweyne u dooratid mid mujrim ah oo dhiigii dadkiisa gacmaha ku sita oo wax uu kharbudo maahee aan aqoon si wax loo hagaajiyo amaba xitaa aan fikradba ka haysan shaqada madaxweynuhu waxa ay tahay oo moodaya uun hormarka iyo dawladnimaduba inay tahay jabhadayn, mid guulwade ah oo xoolihii dadka inta jeebabka ka soo buuxsaday hadda raba wixii dadka loogu soo dhiibay inuu kursi uga gato, soomaali mar bay fursad lahayd waana markii ay Cqaasin iyo Caddow kala dooranayeen, waxaa la ogyayahay wixii wax garanayay oo dawladnimada yaqaannay amaba ka fakarayay danta iyo maslaxadda dadka waagaas waxay codkoodii siiyeen Claahi Axmed Caddow nasiib darro dadka waxaa batay intii la gatay oo  iimaanku ka tagay, horta xildhibaannadii Cabdi qasbaaye doortay maanta natiijadeedii waa hayaan saa waa baaga muudee waayo haddii nin wax wadi kara ay dooran lahaayeen maanta waxay xildhibaanno ka ahaan lahaayeen dalkoodii oo dawlad ah, laakiinse ninkii ay lacagta ka qaateen asagu lacagtiisii soo ceshay dawladdiise la kuf marka ayagii aaway hadda afar meeloodoo meeli kuma jiraan xildhibaannada cusub, kitaabkii ay ku dhaarteen waa u dhimman yahay lacagtii Cabdina waxba kama kama anficin waxna ma hayaan. 

Hadda kuwan cusub waxaa horyaal fursad kale oo dahabiya, horta inta iinan maslaxadda dadkiina iinan ka fakarin tiinna ka fakara, adigu xildhibaan ahaan waxaad u baahan tahay inaad mudane ka noqotid dawlad si fiican u shaqaynaysa oo mushaar kugu filan ku siisa  oo guulaysata oo duniduna la shaqayso saas darteedna waxaad u baahan tahay inuu dawladdaas hoggaamiyo nin aqoon iyo waayo aragnimo u leh oo adduunka ka gadi kari, fannaaniintii reer Jabuuti oo aan anigu aad ula  yaabay fanka iyo suugaantii ay meeshaas ku soo bandhigi jireen heesihii ay dadka xildhibaannada noqon doona kula dar daarmayeen waxaan ka xasuustaa mid ay ku jirtay ” layskama dur duriyee sumcad dunida yaa ku leh” arrintaasi waxaad mooddaa inay xildhibaannadii waagaas la doortay aanay fahmin arrintaas marka xildhinaannadow inta iinan annaga noo danayn idinku danaysta marka hore oo nin meel idin gaarsiiya doorta tan labaadna waxaad ogaataan inay dambi tahay inaad ugu abaal guddaan kii idin laayay iyo midkii idin chacay inaad madaxweyne u doorataan inay dayuusnimo tahay waana dullinimada ugu xun oo la gaaro. 

Ragow, labada nin ee Cabdi Qasbaaye iyo Claahi Yusuf waxaa madax maray madaxweyne la sheegto, waase kala xirfad badan yihiin, qasbaaye musuq maasug buu ku gaaraa meeshuu rabo Claahise dhiig daadin buu ku gaaraa meeshuu rabo, tusaalena waxaa kuugu filan Ku meelgaarka iyo Puntland waxay kaloo ku kala gaddisan yihiin nin waa hadli yaqaan oo qofkii uu la kulmo xataa haddii ay cadaw isku yihiin asagoo awliyo isugu sheegay lagana rumaystay buu soo diraa midna waxaad moodaa inaanu meel dad joogaba soo arag oo haddii uu rabo wuxuu ku leeyahay hooyaday baa I soo habaartay, ilaahaw wax habaaran wax ha noogu darin illeen haddii la yaabay oo Puntland babe,eeda lala yaabay, nin la soo habaaray baa wax ugu darsan yihiin. 

Labadaas oday waxaa la isku raacsan yahay tijaabo uma baahna oo wax qabadkooda waa la soo wada arkay, ninna DKMG ahayd baa lagu tijaabiyey lana arag meeshii uu ku furay, ninna Puntland oo saddex gobol iyo xoogaa soo raaca ah ayaa lagu tijaabiyey muddo toddoba sano ah ayuu meeshaas ugu sarreeyey anigu ma xasuusto sannad ay nabad iyo barwaaqo ku joogtay marka ninka intaas baabi,iyay oo meel u kaxayn waayay waa iska caddahay inaanu dawladnimo wax ka garanayn adduun kale iyo meel uu cuskadana ma yaqaan oo meel aan Addis Ababa ahayn garan maayo marka ninkaasi waa ma gudbe damiin ah hadduu wax garanayo ku dhawaad soddon sanadood oo uu jabhad ahaa oo taariikhda aan lagu hayn meel uu guul ka keenay ayuu isgaran lahaa nasiib xumadiisa iyo habaarka hooyadiis marka waa horuu iska fariisan lahaa marka qofku hadduu in yar oo caqli ah leeyahay waxaa la rabaa inuu isla yaabo markuu is arko taya xumadiisa ee waa nasiib darro haddaad noqotid meesha kama tage waxse kama tare, marka yaan waqti nalakaga qaadin labadaas nin ee aan kor kusoo sheegnay dibna yaan naloo celine horay hanaloo wado xildhibaannaduna arrinta ha naga soo dedejiyaan hana ogaadaan dadku waxay rabaan, dadku waxay rabaan inay ka soo kabtaan dib u dhicii ku yimid 15kii sano ee la soo dhaafay marka waxaan u baahannahay koox na dhex gayn karta adduunyadii awal na faquuqday layskamana dur duriyee yaqaan dhabbahay u mari lahaayeen ee uma baahnin ma gudbayaal nagula soo noqda afrikaankan hadda aan ka sii xoroobayno iyo carab. 

Dadka iyo dalku waxay u baahan yihiin inay hoggaamiyaan dad fahamsan hor marka la raadinayo, ee ah Caafimaad,waxbarasho, technologiyada, dhaqaale madax bannaan, dadka oo lagu dhiiri galiyo inay kuwa joogaana jeclaadaan joogiddiisa kuwa maqanna lagu soo celiyo si ay ula soo hoydaan aqoonta,waaya aragnimada iyo hantida ay haystaan si dalku u dhismo, muwaadiniinta oo ku qanca inay ku nool yihiin dal dawlad wax garanaysaa ay maamusho ee aan laysku cayr cayrsanayn, waxaa loo baahan yahay hoggaamiyeyaal dadka walaaleeya oo isku keena ilawsiiyana nabaraddii canuunka badnaa ee dagalladii sokeeye, ee waa nasiib darro haddii hogaamiyeyaal la moodo kuwo aan caqli iyo fikir kale lahayn inay dadka isku baabi,iyaan mooyee waxaan u baahannahay hogaamiyeyaal dadka cabbaar illawsiiya islayntii iyo lacag gurashadii maskaxdeenna ka sii guuxaysa hoggaamiyeyaasha astaamahaas leh ee shirka joogana waa la yaqaan ee ha la doorto, calaa kulli xaal waxaa loo baahanyahay madaxweyne adduunyada la qabsada ee looma baahna mid la macaac yiraahda … hooyaday baa I soo habaartay, hooyadiis maahee haddii habar kuuley ha soo habaarto hadduuse habaaran yahay muu aado meesha dadka habaarani jiraan waa yaqaanaaye muxuu meel dad ducaysani joogaan oo madaxweynenimo iyo horumar looga hadlayo ka soo doonay?. 

Intaas ka bacdi bal heestan macaanka badan igula nasta waa hees kolley anigu aan aad ula dhacay. 

  • Gura yare dameerkaygow
  • Gaadiidkaygii dhaqankaygow
  • Gayi kale kamaad iman
  • Gacal ila shaqeeyoo
  • Ii gargaara baad tahay
  • Misna Guulka aan dhalay
  • Gamshoodii baad tahay
  • Heey Jac … Jac… Jac ….
  •  
  • Gura yare dameerkaygowa
  • Giddi maalin iyo leylee
  • Alaabada intaad guri
  • Ama biyo guryaha geynee
  • Marna beer galley aad fali
  • Shidaal kuuma aan gado
  • Gasiinkaagu waa cawsee
  •  
  • Gura yare dameerkaygoow
  •  
  • Marka aan gargaaraynoo
  • Gawsaha ka buuxsada oo
  • Xakamaha ku giijoo
  • Dacay kugu gacsiiyoo
  • Guudkaagu waa dahabee
  •  
  • Gura yare dameerkaygoow
  • Go,e faras ka roonoow
  • Markaad waajib gudataa
  • Wixii calafku ii galo
  • Wax galkooda ma cafiyee
  •  
  •  
  • Gura yare dameerkaygow
  • Gaajada xanuunka leh
  • Gaashaanka caabiyaa
  • Wax ku guhaada weeyaan
  • Waxaad gasho waxaad guddo
  • Ammaan gaar ahaaneedbaa
  • Diiwaanka kuu gali
  • Nasiibkaa ha gaaree
  • Heey Jac… heey jac…
  •  
  •  
  • Gura yare dameerkaygaw

 (Heesta ninkii raba inuu si fiican ugu raaxaysto waxuu ka dhageysan karaa Hobyonet.com, waxaad mooddaa in la yiri miyuusigga wixii aan Kaban, durbaan, sacab iyo jaan ahayni waa ka mamnuuc). 

Abwaanku wuxuu kaga qayb galay heesta oo uu kaalinta labaadna kaga galay sida aan xasuusanahay tartan ay qabanqaabisay BBCda laanta dibadaha la hadasha oo tan afsoomaaliguna ku jirto laguna maamuusayay sannad guuradii kontonaad ee qaybtaas sannadkii 1990kii. Abwaanku waxaa weeye Siciid Maxamed Xarawo ka sokow wax allifidda waxaa si aad ah loogu yaqaanaa samaynta laxanka, marka aad la sheekaysatid fannaaniintii hore waxay kuu sheegayaan in siciid xarawo lagaga haray samaynta miyuusigga iyo waliba sida laysku qabadsiiyo luuqda iyo miyuusiogga. Waxaan shaki lahayn in rag iyo naago fara badan oo heesahooda si aad ah loogu raaxaysto in nuxurkaas uu u yeelay Siciid Xarawo, ogaadana samaynta miyuusigga iyo luuqdu waxay ka dhib badan yihiin samaynta Gabayada, heesaha… iwm maxaa yeelay haddii aad damacdid inaad gabay samaysid way iska fududahay oo waxaad u baahantahay uun inaad dhawr eray oo afsoomaaliya taqaanid ka bacdina sadarro ka wada bilaabma ama kuwada dhammada hal xaraf aad si sahal ah iskugu rakibtid iyadoo waliba mawduuca aad ka gabyaysaana uu kaalintiisa qaadanayo oo uu ku saacidayo laakiin haddii aad damacdid inaad miyuusig samaysid waa arrin aad u adag inaad samaysid miyuusig dadka quluubtooda ruxa waayo waxaa laga yaabaa inuu miyuusiggaagii u ekaado mid kaloo horay u jiray haddaba mullaxaniinta qaarbaa waxay karti gooniya u lee yihiin inay sameeyaan miyuusig dhadhamaya oo aad u macaan oo mid midkii hore u eg aanu jirin oo dadkana soo xusuusiya meelo ay joogi jireen oo ama ay xoolahooda iskaga raacan jireen ama ka shaqaysan jireen, Abwaanka Siciid Xarawo ka sokow inuu heestan ula tuun tuunsaday miyuusig si fiican u qaabaysan haddana asagaa allifay haddana isla asagii baa ku luuqaynaya marka kollayba anigu si gooni ah baan heesta uga helay odayga codkiisa oo aanay ka muuqan innaba ha le,ekaatee wax iska keen keen ah amaba codkaaga macaanee ayuu heesta u qaadayaa arrintaas iyada ahna afka ingiriiska waxaa lagu yiraahdaa (innocent)  marka taasi dhadhan gooni ah bay u yeelaysa heesta marka abwaanka waxaad mooddaa inaanu baahi sidaasi u weyn u qabin inuu cod macaanaado sidaas oo ay tahayna dad yar baa codkooda sidaas loo jeclaysan karaa mararka qaar waxaaban is iraahdaa tolow heeso badan muxuu u qaadi waayay, waxaan ku soo xasuustay hees abwaanka aan sida weyn u jecelahay ee Maxamuud Claahi Sangub uu lixdamaadkii mar gabar la qaaday asaguna sidaasoo kale ayuu cod innocent ah ku qaaday.. heesta miraheedii waxaa ka mid ahaa “ Markaan jilibka laabee- Jiif cabbeeyo qorigaan, Jir jirroole saan ahay – Hadba jaad noqdaayee, Inanyahay jeclaadaye – Adiguna ma jamatay”. Heestan haddaba Gura yare dameerkaygoow ma idin soo xusuusisay xamar caddeey oo goor galab ah oo qorraxduna ay aad u dhalaalayso kulaylna aanay lahay reer baadiye magaalada ka sii carraabaya iska barwaaqaysan, wax baqdin ah oo ammaanka laga qabaana aanay jirin markaas koox dhallin yara ah sacab iyo jaan ma sii qabsadeen intii aanay dagmooyinkoodii gaarin, haddaan heesta u soo noqdo ma istirahdeen kabanka uu fannaanku garaacayo iyo durbaankuba waxaad moodaa inay gooni u hadlayaan oo ayagoo sida muusigga isaga garaacmaya ayaad haddana mooddaa inay hadlayaan oo midba mar hadalka qaadanayo waxaa kaloo ka soo dhadhamaya heesta dhaqankii oo waxaa sida uu heesta ugu luuqaynayo kaga dhex basanaya sidii cayaaraha looga ciyaari jiray meeshii uu ka yimid… eesh calaa hees .. heestaas waxaan ku ceshan doonnaa oo si fiican ugu damaashaadi doonnaa markii madaxweynaha la doorto haddii alla idmo.  

Miraha heestu waa iskaga kay dhex yaacsan yihiin qofkii miraha si fiican oo dhamays tiran u haya fadlan waxaan ka codsanayaa inuu iskugu soo kay habeeyo.  

F.G. Dameeraha waxaa aad uga manaafacaadsada dadka deggan Xamar iyo Boorame, heestana waxaa la allifay sannadkii 1990kii waqtigii uu soo socday dagaalkii khaliijku aadna looga cabsi qabay in shidaalku uu circa isku shareero.

Nabadeey… 

Jaamac Cawaale Garaad
Cawaale1@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiisan

Faafin: Somalitalk.com | Sept 9, 2004

QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MASHRUUCA

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI

PALTALK:::
Waa maxay Paltalk, sideese loo adeegsadaa... Guji...

MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 



HTML CD