xaalda dhallanyarada soomaliyeed ee ku
sugan dalka kenya:WD:
mohamed ahmed abdalla (diyeeshe)
diyeeshe@myself.com
dhallanyarada soomaliyeed ee ku
sugan dalka kenya waxaa ay ku suganyihiin xaaldo khatar ku ah
dhaqankoda suubanaa ee islaamka iyo kooda soomaliiga ah waayo
dhallanyarada soomaliyeed ee ku sugan dalka kenya badankooda wey
halaabeen ilaa in yar oo allah hanuuniyay moye intooda badan
dhallanyarada soomaliyeed waxaa loo qeybiyaa 2 qeybood:
1: ciyaal balwad 2: ciyaal club
aan ku hormarno bal ciyaal balwada
mar hore marka aan ka hadleyno dhallanyarada isticmaala balwada waa
dhallanyaaro aad u badan waxaa taas u saacideysa in kenya uu yahay
wadan ka baxaa jaadka iyaado saas ay tahay dhallanyaradaas jaadka
uun kuma eka ee wax yabe kale aay isticmallan hadii uu ahaan lahaa
xashiishka qamriiga iyo muqadaraadka noocyadiisa kala duban waxaa
jirta dhallanyaro jaad iyo sigaar lee ku eg iyo kuwaa adeegsada
balwada noocyadeeda kalaa duban hadaba isticmaalka balwada ma ahan
wiilasha oo kaliyah gebdhahana kama marna waxaad arkeysaa geber
isticmaleysa balwda noocyadeeda kala duban iyadoon ka dumaneynin
raga bal wey soo dhexgaleysaa oo ay ka dhereyneysa. hadaba dadka
isticmaala balwada oo aan la sheekeestay waxeey ii sheegeen in aay
balwada uu isticmalyaan in ay isku dhaafiyaan mushaakilaadka aduunka
iyaago habeenkii dhan soo jeeda oo balwad iyo wax yaabo xun xun ku
dhafra ayey hadana maalintii oo dhan ji ifayaan qar kalane waxeey ku
sheegayaan in ay kawada tageen dadkii ay kenya isla soo galeen oo
dhamaantooda yurub iyo US kalaa galay iyaga ay ka cabsanayaan in ay
isla hadlaan sidaas darteeda ay balwad isku dhaafiyaan intii ay
fikari lahaayeen isku soo wada duub dhallanyarada soomaliyeed waxaa
ay u baahanyihiin wacyi gelin guud iyo in waaliidka kastaa uu
ubadkiisa ka ceshadooda wax yaabaha xun xun waxaan Allah ugu
baryeyna in uu Allah soo hanuuniyo.
2: ciyaal club :
dhallanyarada ku nool kenya waxaa ay aad u xiiseyaan aadista clubka
iyaago ka kooban koox koox wiilal iyo gebdha dhallanyaraas waxaa ay
ku tashadaan habeenada soo galayaa sabtiida iyo axada iyaago
habeenadaas ku qataa ku qataa clubka iyaago labiska ay ku adaayaan
clubka wiilasha uu yahay sidii ay u labistaan black americans
gebdhahana ay qaataan inta ay clubka adayaan jaalabiib iyaago dharka
gaagabana ku qaata boorsadooda markii ay albaabka clubka gaarto
ayeey iska duureysa jalaabiibka ayna lasoo baxeysaa dharkii clubka
dhallanyardaas cid ay war ka maqlayaan ma jirto badankooda
waliidkooda sida hoyadood iya abahood ma ula joogan taas aa sababta
in ay ku kacaan dhaqamo sidaan oo kale u xun xun badankoodana waxaa
ay u joogaan process sidaasna ayey xaalkooda yihiin tusale ahaan xaafada
islii oo somalida ay ku badanyihiin kuma arkeysid gebar madow waa
dhif iyo qaliil gebdhahii oo dhan tii caded waaba caded tii kalana
wax yaabaha lesku cadeeya ay isticmaleysa waxaa kaloo u dheer gebdha
reer nairobi waxaaba u dheer xumaanta kuma ekaneyso iyadaa oo
kaliaya bal waxaa ay ku dadaaleysaa sidii ay u haleen laheed iyo u fasaahadinta
laheed gebdhaha ku cusub nairobi iyaago xil weyn iska saara geber
walbo ku cusub nairobi siidii ay ku bari lahayeen club ama balwad
marka dadweynaha soomaliyeed waxaa lakaa rabaa in ay xil iska
saaraan bal sidii wax lloga qaban lahaa dhallanyaraas oo ku dhow in
ay ku dhacdo nabaad guur xaga dhaqnkooda ah
WD: mohamed ahmed abdalla (diyeeshe)
diyeeshe@myself.com