SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

DAMACA MADAXWEYNE,ISA-SHARAXIDA MBAGHATI,SHIR-JARAA'ID QABASHADA SHIRKA NAIROBI, EEDEYNTA IGAD, IGU DAR XUBINTA BARLAMANKA..DHAMAAN WAA CAWEYSKA MADASHA SHIRKA MBAGHATI.

Qore:Boqor Ismail Said Omar.
Boqor055@yahoo.com 

Waxaa goobta shirka Mbaghati ka socday ayaamahaan loolan siyaasadeed kaasoo aan laheyn qaab istaraatiijiyadeed ama lagu tilmaami karo mid habqan ah kaasoo uu nin walba ku doonayo in uu ka muuqdo shirka...mana laha meel laga hago arimaha ka socda shirka Mbaghati..maxaa yeelay dadka ka qeyb-qaadanaya shirka intooda badan iskuma raacsan falsafad ama dareen urureed ama mid diineed sidaasi darteed ayey madashaasi waxaa ka muuqday maalmihii lasoo dhaafay is-garab yaac iyo is eedeyn uu mid walba kaga soo horjeedo kan kale.

Hadaba marka la eego damaca madaxweyne ee madashaasi Mbaghati ayaa ah mid hareysay dhamaan shirka waxaana muuqata in kooxo badan oo aan rajo ka qabin in ay noqdaan madaxweyne ay isku soo bandhigaan madasha shirka iyagoo daneynaya in si wanaagsan loo maqlo ama loo barto magacyadooda waxayna inta badan siiyaan idaacadaha FM-ka ah wareysiyo iyagoo is baraya dadka si ay uga muuqdaan kaalinta siyaasadeed ee ay ku leeyihiin dalka waxaana inta badan maqleysaa magacyo la leeyahay dhamaan wuxuu damacoodu yahay madaxweynanimo.

Damaca madaxweyne ee shirka hareysay ayaa raga ugu cududa weyn waxay aaminsanyihiin in ay iyagu yihiin raga ugu mudan in ay noqdaan madaxweynaha Umadda Soomaaliyeed, ragaas ayaa ah rag wata lacag aad u farabadan si ay ugu soo baxaan madaxtinimada dalka sidaasi darteed ragaasi waxay shaarka ula baxeen haddii aan la dooran in ay dalka xasiloonidiisa halis geli doonto shirkaasna uu noqon doono hal bacaad lagu lisay,iyagoo ay ragaasi ugu cududa weyn shirka ay ka muuqdaan shaashada shirka ragaasi waxaa ka mid ah Col.C/laahi Yusuf, Galaydh, C/qaasim, Xuseen Caydiid, C/laahi Caddow...ragaasi ayaa ah raga ugu horeeya ee miiska saaran inta badana la hadal- hayo in uu damacoodu yahay in ay kusoo baxaan jagada madaxweynanimada iyagoo ay jiraan rag aad ufarabadan oo iyagana ku jira khadka si toos ah aana ka marneyn in ay u babac dhigayaan ragaas aan kor ku sheegnay.

Dhinaca kale, waxaa iyadana caadi iska noqotay oo aan u baahneyn in shuruud ahaan loo buuxiyo isa-sharaxida shirka Mbagati kaasoo aan loo qaadan wax "addmision latter" ah waxaana si daadka loosoo buuxiyey dhamaan kaalintaasi iyadoo ay la mid tahay ereygii loogu magac daray marka la isku qabsado dhulka sharci-darada ah ee gudaha Somaliya kaasoo ahaa "ku qabso qadi meyside" taasoo macnaheedu yahay kolay wax uun baad ka helaysaaye bal ku qabso si aad biyo cabaal uga heshid....taas waxaa la mid ah in ka badan 46 ayaa isku soo sharaxay jagada madaxweynanimada dalka Somaliya...intabadan dadka isa sharaxay ayaa ka mid ah dad doonayo in la barto oo layiraahdo ninkaasi waagaas ayuu isa soo sharaxay si uu usoo buuxiyo kaalinta siyaasadeed ee uu ku leeyahay dalka Soomaaliya.

Waxaa dhinac socda arimahaasi shirar jaraa'id oo ay qabanayaan hogaamiyayaasha siyaasada, shirarkaasi jaraa'id ayaa noqday ayaamahaan kuwa caan ka ah madasha shirka Nairobi waxaana intabadan maqleysaa hebel ayaa caawa qabanaya shir jaraa'id uu ku doonayo in uu kusoo bandhigo waxa uu diidanyahay iyo danihiisa siyaasadeed....shirka jaraa'id ayaa ubadan shirar intooda badan ay soo qaban-qaabiyaan hogaamiyayaasha siyaasada iyo weliba rag doonaya in ay kusoo caan-baxaan shirarkaasi jaraa'id iyagoo ku canbaareynaya IGAD iyo sida ay u maamusho howlaheeda shirka taasoo ah mid ay caan ku yihiin hogaamiyayaasha siyaasada in ay qabtaan shirarkaasi marka laga wado inkastoo ay IGAD soo saartay in aysan qaban karin hogaamiyayaasha siyaasada wax shir jaraa'id ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa intaas dheer shixaadka xubinta barlamaanka taas oo ah mid aad caan uga noqotay iyadoo sidii Responsarkii-mareykanka uu raadinayo qof waliba in uu ka mid noqdo xubinta barlamanka..waxaana arimaahi si xoog badan u bilaabay hogaamiya kooxeedyada oo si bareer ah iskugu calaamadiyey in ay beeshooda u noqdaan xubin barlaman si ay cod wanaagsan uga helaan gudaha barlamanka...waxaa sidoo kale lacago farabadan lagu cunay booska xubin ka noqoshada barlamanka waxaana rag badan loo balan qaaday in ay kamid noqonayaan barlamanka iyagoo hogaamiy- ayaashooda ay lacag xoog badan kaga urursadeen.

Marka la isku soo xooriyo ayaa dhamaan arimaasi oo dhan waxaad dareemeysaa in shirka Mbaghati iska daa in ay dowlad xalaal ah kasoo baxdee ay tahay goob caweys oo kale oo lagu jilayo arimo is diidan oon laheyn ujeedo iyo mabda'a toonah....waxaana dadka ka raja sugaya shirkaasi u taala in ay kala doortaan laba arimood.....in ay iska hubiyaan shaqsiyaadka hogaaminaya aayahooda iyo in ay ka fiirsadaan waxa kasoo baxaya madasha caweyska Mbaghati.

Qore:Boqor Ismail Said Omar.
Boqor055@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiisan

Faafin: Somalitalk.com | Sept 9, 2004

QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MASHRUUCA

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI

PALTALK:::
Waa maxay Paltalk, sideese loo adeegsadaa... Guji...

MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 



HTML CD